Xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaliya, doorashooyinka Somaliland, Jubbaland, Puntland, KGS iyo Mowqifka DFS iyo maamulada la shaqeeya. 1.Cirifka Waqooyi ee dalka Maamulka Somaliland Waxay Qabsadeen doorasho Qof iyo Cod si ay u doortaan Xilka Madaxweynenimada ee uu hadda hayo Muuse Biixi. Waxaa kaloo loo tartamayaa Saddexdii Xisbi Qaran ee Soomaliland yeelan doonto 10 ka sano ee soo socda oo badali doona Kulmiye, Wadani iyo UCID. Doorashada SL waa ka madax banaan tahay DFS oo Muddo 34 Sano ah ayey lahaayeen maamul gaar ah. Waxaana Fashilmay isku day kasta oo lagula mideyn lahaa DFS ilaa iyo markii DFS la dhisay 2004 iyo ka hor shirkii Carta ee 2000. Waxaa kaloo fashilmay rabitaankii reer Somaliland ee aqoonsi Caalami ah. Gaar ahaan Dhawaan waxaa ka soo goostay Somaliland maamulka SSC Khatumo oo ka kooban Gobolka Sool, Degmada Buuhoodle iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, taas oo meesha ka saartay rajadii in Somaliland mustaqbalka loo aqoonsado dawlad Madax banaan. Somaliland waa maamulka kaliya ee Soomaaliyeed ee qabsaday doorasho Qof iyo Cod ee heer Madaxweyne. Afartii doorasho ee ugu danbeeyay Somaliland oo ay 3 ka mid ah doorasho Qof iyo Cod ku tartameen, Waxaa kala hogaaminayey MW-yaashii kala ahaa A. MW Mohamed Ibrahim Cigaal oo soo Noqday RW Soomaaliya. MW Cigaal Waxaa lagu doortay Doorasho Dadban. B. MW Riyaale Kaahin oo xil sare ka soo qabtay Sirdoonkii dawladdii Soomaaliya, Waxaa lagu doortày Qof iyo Cod. C. MW Siilaanyo oo Wasiir ka soo Noqday dawladdii Soomaaliya Waxaa lagu doortay Qof iyo Cod. D. MW Muuse Biixi oo Pilot ka ahaa Ciidankii Xooga dalka Soomaaliya ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu madaxda ka ahaa MW- General Mohamed Siyaad Bare waxaa lagu doortay doorasho Qof iyo Cod. Maalinta Sabtida ee 16ka November ayaa la shaacin doonaa CIRO ama BIIXI midka Noqon doono MW Somaliland ee 4aad ee lagu soo doorto qof iyo Cod kadib Codeyntii la qaaday 13 November 2024. Mudda xileedka MW Somaliland waa 5 Sanno. 2.Dhanka Bariga Soomaaliya maamulka Puntland oo horey Doorashadeedu uga Madax banaanayd Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystiray doorashada Saddex Degmo oo ka dhimanayd doorashadii deegaanka ee horey uga Qabsoontay Puntland. Puntland Waa maamulka ugu faca weyn ee qayb ka ah Nidaamka Federalka Somaliya. Waxaa ka horeeyay dhismaha Somaliland oo diiday iney qayb ka noqoto DFS. Somaliland iyo Puntland waxaa la aasaasay ka hor shirkii dibu heshiisiin ee Carta ee ay ka dhalatey Dawladda Dhexe ee Muqdisho. Puntland waa maamulka labaad ee dalka ka hirgeliyey doorasho Qof iyo Cod ee.heer gole deegaan. Waxaase u dhiman iney doorasho qof iyo Cod ee Baarlamaan iyo Madaxweyne Qabsadaan. Si kastaba ha ahaatee waxaa degmooyinka Puntland ka jira goleyaal deegaan oo shacabku soo doortay. 3.Cirifka Koonfureed ee Somaliya dadka Reer Jubbaland waxay u jiheysteen Qabsashada Doorasho Dadban waxay u diideen Madaxda DFS iney Jubbaland yimaadaan xilli DFS u muuqato inay dawlad Goboleedyadii kaga soo hareen GALMUDUG iyo Hirshabelle. Jubbaland sida Somaliland iyo Puntland doorashooyinkoodu Waa ka madax banaan yihiin Dawladda Federalka Soomaaliya. Madaxda DFS oo horey isugu dayday iney wax ka badalaana uma suuragelin. Sidaa awgeed, Saddexda Dawlad Goboleed ee ugu faca weyn maamulada Soomaaliya ka jira waxay qabsadaan doorashooyin ka madax banaan dawladda Federaalka Somaliya oo isugu jira doorashooyin DADBAN ama doorashooyin Qof iyo Cod, waxaase siyaasiyiin badan kaga yaabiyey damaca Madaxda DFS iney maamul Goboleedyada qaarkood ku khasbaan Muddo kororsi Sharci daro ah iyadoo musharaxiin badan oo Siyaasadu doonayaan iney u tartamaan Madaxweynenimada Maamul goboleedyada. Dhawaan ayey ahayd markii madasha qaran oo aysan ku jirin Saddexda Maamul goboleed ee ugu faca weyn dawlad goboleedyada dalka ay ku dhawaaqday in muddo hal sano ah loo kordhiyo muddo xileedka dawlad Goboleedyada. Ka sakow Saddexdaa Maamul Goboleed, Waxaa dhawaan isku dhacay Madaxda DFS iyo Maamul Goboleedka KGS, Waxaana soo baxday inaan Shacabka reer Koonfur Galbeed wax kalsooni ah ku qabin Madaxda hadda hogaanka u haysa DFS ee Muqdisho. Siyaasiyiin badan waxåy u arkaan qorshaha Madaxda Dowladda Fèderaalku kåga hòr imaanayaan doorashooyinka Maamul goboleedyada mid lagu waxyeelayo Nidaamka Federalka ee horey loogu dhisay dawladda Federalka Soomaaliya. Waxaa. Kaloo Madaxda DFS lagu eedeeyaa musuq-masuq balaaran iyo maamul xumo iyadoo caalamka ku tilmaamay Maamulka Adduunka ugu.musuq maasuqa badan. Waxaana muuqata in DFS aaney saamayn badan ku.lahayn inta badan Gobolada Dalka. Xilli la sheegay in baarlamaankii Federalku sii kala qaybsamayaan. Madaxda Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaa iney sheegashada qorshe doorasho qof iyo Cod u adeegsadaan oo kaliya iney muddo xileedka ku kordhistaan. Koonfurta Soomaaliya oo ay khilaafaad beeleed iyo Colaado Al-shabaab ragaadiyeen ayaan rajo laga qabin in mustaqbalka dhow doorasho Qof iyo Cod ka suurageli karto. Laakiin Su'aashu waxa weeye haddii maamul goboleedyadii ugu balaarnaa dalka ay ka xiriir Furteen Madaxdii Xarunta dhexe ee muqdisho, muddo intee le'eg ayey shaqada siî wadi karaàn. oo xiriirka Caalamku la leeyahay madasha Qaran sii socon kartaå iyadoo siyaasiyiin badan ee soomaali aaminsan yihiin in la sii kala furfurmayo. Soomaalidu Waxay u baahan tahay Dibu heshiisiin Qaran oo Soomaali oo dhan mar kale hal meel la isugu geeyo oo Dawlad Midnimo Qaran loo dhiso. 24 Sanno Kadib, Shirkii Carta oo Dawlad ku-meel gaarka ka dhalatey, waxaa muuqata in Soomaaliya Nidaamkeedu weli qabyo yahay oo ubaahan yahay in dib la isugu celiyo si loo helo dawlad Soomaalida ku kalsoon tahay oo taageero buuxda ka hesha dadkeeda Hadda waxaa laga cabsi qabaa in hogaan xumo awgood, shisheeyuhu isku dayo inuu kala qaybiyo oo midba qaar goostaan dalalka deriska ah ee Kenya iyo ETOBIYA ama soomaalida khilaafkeedu sababo mar kale iney burburto dawladnimadeedu siddii dhacday 1991dii. Si kastaba ha. ahaatee dadka qaar waxay ku doodayaan in dawlad goboleedyadu Noqon doonaan meelo lagu badbaado haddiiba Xarunta dhexe ee dawladda Federalka Somaliya lagu kala tago. Sidaa awgeed, waxay mudnaanta siiyaan in Dawlad Goboleedyadu yeeshaan awood bulsho iyo Qaanuun oo ku dhisan dastuur, gole baarlamaan iyo maamul leh awood fulin. Kaas oo u saamaxaya iney Qabsan karaan doorashooyin heer Dawlad Goboleed oo ka madax banaan doorashada Dawladda Federalka. Siddoo kale Jiritaanka dawlad Goboleedyo haysta amni iyo awood waxay aasaas u noqon karaan in mar kale dib loo dhiso dawlad Qaran haddii DFS ee iminka Jirta kala daadato. Ethobiya oo horey xukunka u dhaafisay MW hore C/Quasim Salad Xasan iyo MW hore C/llaahi Yusuf ayaa u muuqata iney maantana ka laalaado MW Xasan Sheikh. Ugu danbeyn, Waxaa jirta dood weyn oo Soomaalida dhexdeeda ah in haddii 24 Sanno kadib Shirkii dib u heshiisiinta Qaran ee Carta Somaliland lagu soo dari waayey Nidaamka Federalka ay xaqiiqo ahaan fashilan tahay Dawladda Dhexe ee Federalku oo loo baahan yahay dib u heshiisiin kale oo midnimo Qaran la qaban qaabiyo si la isugu keeno Dawlad Goboleedyada.
@MohamedmuuseJilacow5 сағат бұрын
Kuwaan ka hor marag dowlad la amraayo
@abshirosman130517 сағат бұрын
Reer Jubbaland xulligan diyaar ma yihiin inay wajahaan dagaal kooxeedyo dawladeed iyo qax cusub
@adanabdi524920 сағат бұрын
N iyo N
@sshirwacaadan793820 сағат бұрын
U SHEEGA DEYUUSINTA MADAXDA SOMALIYA AYAGOO NOOL FOORNO HALA GELIYO NOLOSHA HALAGU GUBO.
@AhmedAdenJamaКүн бұрын
Xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaliya, doorashooyinka Somaliland, Jubbaland, Puntland, KGS iyo Mowqifka DFS iyo maamulada la shaqeeya. Reer Jubbaland waxay u jiheysteen Qabsashada Doorasho Dadban waxay u diideen Madaxda DFS iney Jubbaland yimaadaan xilli DFS u muuqato inay dawlad Goboleedyadii kaga soo hareen GALMUDUG iyo Hirshabelle. 1.Somaliland Waxay Qabsadeen doorasho Qof iyo Cod si ay u doortaan Xilka Madaxweynenimada ee uu hadda hayo Muuse Biixi. Waxaa kaloo loo tartamayaa Saddexdii Xisbi Qaran ee Soomaliland yeelan doonto 10 ka sano ee soo socda. Doorashada SL waa ka madax banaan tahay DFS oo Muddo 34 Sano ah ayey lahaayeen maamul gaar ah. Waxaana Fashilmay isku day kasta oo lagula mideyn lahaa DFS ilaa iyo markii DFS la dhisay 2004 iyo ka hor shirkii Carta ee 2000. Waxaa kaloo fashilmay rabitaankii reer Somaliland ee aqoonsi Caalami ah. Gaar ahaan Dhawaan waxaa ka soo goostay Somaliland maamulka SSC Khatumo oo ka kooban Gobolka Sool, Degmada Buuhoodle iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, taas oo meesha ka saartay rajadii in Somaliland mustaqbalka loo aqoonsado dawlad Madax banaan. Somaliland waa maamulka kaliya ee Soomaaliyeed ee qabsaday doorasho Qof iyo Cod ee heer Madaxweyne. 4tii doorasho ee ugu danbeeyay ee ay doorasho Qof iyo Cod ku tartameen, Waxaa kala hogaaminayey MW-yaashii kala ahaa A. MW Mohamed Ibrahim Cigaal oo soo Noqday RW Soomaaliya, B. MW Riyaale Kaahin oo xil sare ka soo qabtay Sirdoonkii dawladdii Soomaaliya, C. MW Siilaanyo oo Wasiir ka soo Noqday dawladdii Soomaaliya iyo D. MW Muuse Biixi oo Pilot ka ahaa Ciidankii Xooga dalka Soomaaliya ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu madaxda ka ahaa MW- General Mohamed Siyaad Bare. Maalinta Sabtida ee 16ka November ayaa la shaacin doonaa CIRO ama BIIXI midka 5ta Sanno ee Soo socda Noqon doona dookha dadka reer Somaliland 2 Puntland Doorashadeedu Waa ka Madax banaan tahay Dawlada Federaalka Soomaaliya. Waa maamulka ugu faca weyn ee qayb ka ah Nidaamka Federalka Somaliya haseyeeshee aan wada shaqayn la lahayn Madaxda DFS ee hadda talada haysa. Puntland waa maamulka labaad ee Qabta doorasho Qof iyo Cod ee.heer gole deegaan. Waxaase u dhiman iney doorasho qof iyo Cod ee Baarlamaan iyo Madaxweyne Qabsadaan. Si kastaba ha ahaatee Puntland ayaa dhawaan ku guuleysatay dhammaystirka doorashooyinka golaha deegaanka oo ay Garoowe iyo labo degmo oo kale ka dhimanaayeen.Haatana waxaa degmooyinka Puntland ka jira goleyaal deegaan oo shacabku soo doortay. 3.Jubbaland doorashadeedu Waa ka madax banaan tahay Dawladda Federalka Soomaaliya Saddexda Dawlad Goboleed ee ugu faca weyn maamulada Soomaaliya ka jira waxay qabsadaan doorashooyin ka madax banaan dawladda Federaalka Somaliya oo isugu jira doorashooyin DADBAN ama doorashooyin Qof iyo Cod, haddana waxaa laga yaaban yahay Waxa ku kalifay Madaxda DFS iney ku dadaalaan in maamul Goboleedyo qaarkood ku khasbaan Muddo kororsi Sharci daro ah. Waxaa dhawaan madasha qaran oo aysan ku jirin Saddexda Maamul ee ugu faca weyn dawlad goboleedyadu ku dhawaaqday in muddo hal sano ah loo kordhiyo muddo xileedka dawlad Goboleedyada oo dhan. Ka sakow Saddexdaa Maamul Goboleed, Waxaa dhawaan isku dhacay Madaxda DFS iyo Maamul Goboleedka KGS, Waxaana soo baxday inaan Shacabka reer Koonfur Galbeed wax kalsooni ah ku qabin Madaxda hadda hogaanka u haysa DFS ee Muqdisho. Siyaasiyiin badan waxåy u arkaan qorshaha Madaxda Dowladda Fèderaalku kåga hòr imaanayaan doorashooyinka Maamul goboleedyada mid lagu waxyeelayo Nidaamka Federalka ee horey loogu dhisay dawladda Federalka Soomaaliya. Waxaa. Kaloo Madaxda DFS lagu eedeeyaa musuq-masuq balaaran iyo maamul xumo iyadoo caalamka ku tilmaamay Maamulka Adduunka ugu.musuq maasuqa badan. Waxaana muuqata in DFS aaney saamayn badan ku.lahayn inta badan Gobolada Dalka. Xilli la sheegay in baarlamaankii Federalku sii kala qaybsamayaan. Madaxda Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaa iney sheegashada qorshe doorasho qof iyo Cod u adeegsadaan oo kaliya iney muddo xileedka ku kordhistaan. Koonfurta Soomaaliya oo ay khilaafaad beeleed iyo Colaado Al-shabaab ragaadiyeen ayaan rajo laga qabin in mustaqbalka dhow doorasho Qof iyo Cod ka suurageli karto. Laakiin Su'aashu waxa weeye haddii maamul goboleedyadii ugu balaarnaa dalka ay ka xiriir Furteen Madaxdii Xarunta dhexe ee muqdisho, muddo intee le'eg ayey shaqada siî wadi karaàn. oo xiriirka Caalamku la leeyahay madasha Qaran sii socon kartaå iyadoo siyaasiyiin badan ee soomaali aaminsan yihiin in la sii kala furfurmayo. Soomaalidu Waxay u baahan tahay Dibu heshiisiin Qaran oo Soomaali oo dhan mar kale hal meel la isugu geeyo oo Dawlad Midnimo Qaran loo dhiso. 24 Sanno Kadib, Shirkii Carta oo Dawlad ku-meel gaarka ka dhalatey, waxaa muuqata in Soomaaliya Nidaamkeedu weli qabyo yahay oo ubaahan yahay in dib la isugu celiyo si loo helo dawlad Soomaalida ku kalsoon tahay oo taageero buuxda ka hesha dadkeeda Hadda waxaa laga cabsi qabaa in hogaan xumo awgood, shisheeyuhu isku dayo inuu kala qaybiyo oo midba qaar goostaan dalalka deriska ah ee Kenya iyo ETOBIYA ama soomaalida khilaafkeedu sababo mar kale iney burburto dawladnimadeedu siddii dhacday 1991dii. Si kastaba ha. ahaatee dadka qaar waxay ku doodayaan in dawlad goboleedyadu Noqon doonaan meelo lagu badbaado haddiiba Xarunta dhexe ee dawladda Federalka Somaliya lagu kala tago. Sidaa awgeed, waxay mudnaanta siiyaan in Dawlad Goboleedyadu yeeshaan awood bulsho iyo Qaanuun oo ku dhisan dastuur, gole baarlamaan iyo maamul leh awood fulin. Kaas oo u saamaxaya iney Qabsan karaan doorashooyin heer Dawlad Goboleed oo ka madax banaan doorashada Dawladda Federalka. Siddoo kale Jiritaanka dawlad Goboleedyo haysta amni iyo awood waxay aasaas u noqon karaan in mar kale dib loo dhiso dawlad Qaran haddii DFS ee iminka Jirta kala daadato. Ethobiya oo horey xukunka u dhaafisay MW hore C/Quasim Salad Xasan iyo MW hore C/llaahi Yusuf ayaa u muuqata iney maantana ka laalaado MW Xasan Sheikh. Ugu danbeyn, Waxaa jirta dood weyn oo Soomaalida dhexdeeda ah in haddii 24 Sanno kadib Shirkii dib u heshiisiinta Qaran ee Carta Somaliland lagu soo dari waayey Nidaamka Federalka ay xaqiiqo ahaan fashilan tahay Dawladda Dhexe ee Federalku oo loo baahan yahay dib u heshiisiin kale oo midnimo Qaran la qaban qaabiyo si la isugu keeno Dawlad Goboleedyada.
@Jacelow37Күн бұрын
war xaged kulluntay agah
@NuurCabdi-e3bКүн бұрын
❤😂🎉😢😮😅😊
@adanabdi5249Күн бұрын
N iyo N
@omarmohamud7330Күн бұрын
Dabagal wararka waa afhayeeka mucaarad punta land
@laylajuir2420Күн бұрын
Ha dhihin Xasan Sheekh please dheh Madaxweyne Hasan Sheekh Dalxureye wa istahilaa Madaxweyne Wbt
@ND0564Күн бұрын
Calool xanuun kuma yara cadawga Somaliland ❤❤❤
@hisjama9312Күн бұрын
Bacaaaaaaaàaaaaaaaa😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂
@adanabdi5249Күн бұрын
N iyo N
@hassanmkconnect17792 күн бұрын
Kan Aad moodid in uu ducanaayo muxuu ahaa
@FaysalQurbaawi2 күн бұрын
Bal is qabadsii... Somalia bad ayay u ogoshahay Ethiopia.. Iyo ogolaanshaha somaliland Oo aan ka mid ahayn somalia Waa faragelin ...
8 maamul gobaleed waaye 3 ayaa maqan shalay iyagaa wax kasaxiixay in Qof iyo cod doorasho ah 5 maamul raali weeye hore ayaa loo soconayaa awal ayay hore udiideen midaynta canshuuraha qaybsiga khayraadka dalka Marka diidmadii koowaad maaha madoobe xukun buu rabaa inuusan halayn buu kabaqay we dastuur uma fadhiyo
@abshirosman13054 күн бұрын
Dawladii dhexe sidii ay u burburtay, Soomaaliya dib u heshiisiin rasmi ahi kama dhicin. Hadba qofka M/wayne noqdana wuxuu isku dayaa inuu u dhaqmo sidii dawladii kacaanka taasoo aan marnaba dib uga hirgalayn dalka. Qolyahan federaalka sheeganaya in caqligu u soo noqdo ayaa u fiicnaan lahayd oo ay ku shaqeeyaan wixii yaraa ee lagu heshiiyay!
@adanabdi52495 күн бұрын
Fahad Yasin ayaa sheegy kkkkk kkkkk kkkkk.
@adanabdi52495 күн бұрын
N iyo N
@jamaalmohamud96795 күн бұрын
Axmed Madoobe waa ku saxsan yahay,kooxdan burcada ah Vila Somalia joogta waa dalk iyo dadka Somaliyeed laga qabto