Eayaduu abwaan hadraawi cimar dheer iyi cafimaad alle hasiiyo
@sakariayuusuf99503 жыл бұрын
Abwaan Hadraawi, si qurux badan oo hufan ayuu maskaxdiisa ugu huray oo uu ula dardaarmay Hablaha Soomaaliyeed. Tusaale waxa inoogu filan Heestan " Hablaha Geeska", oo uu si farshaxanimo leh inoogu soo bandhigiyo kartida, Quruxda iyo geesinimada Hablaheena. Sidoo kale Maansadiisa caanka ah ee " Sirta Nolosha", waxa uu ku hal qabsanayaa" Sahra"; balse uu u jeedo dhamaan haweenka Soomaaliyeed. Ku sii darsoo, Heesta " Hooyooy la 'aantaa oo ah Heesta ugu mudan ee ka hadlaysa kaalinta Hooyada. Ma soo koobi karo ee Abwaanka iyo Hablaha Soomaaliyeed ba Alle ha xafiddo.
@mahamedcade53273 жыл бұрын
Lenged
@abdisamedomar15573 жыл бұрын
Hablaha geeska abwaan hadraawi♥️
@abdihariirhassan85802 жыл бұрын
Wuu Nool yahay Abwaan Hadraawi
@deeqadahir57833 жыл бұрын
Ileen geesi qayrkii birta kuma gumaaden🥰🥰
@carwolyrics21543 жыл бұрын
Ma geyoon ma gamashiyin Ma gommodin ma gaaggixin Ma gabloolin maan gudhin Mana gabin halkaygii Gabaygiina maan deyn Geeraarradaydii Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunaanadin. Murti nimaan gunteediyo Baran gogol-dhiggeedoo Gonda degi aqoonnoo Garab-daar lahayn baa Gawlgawla hadalkoo Kolba dhinac garoocdee Sida Webi Ganaanoo Cirka godollo maaloo Biyihii ku gaaxdiyo Gebiyadi ku soo degey Ku darsaday gufaaciyo Guulaamo diriroo Galli jabay habeenkii Kolba gacan ma soo rogey, Qudhaciyo galoolkii Gunta xididka maw jaray Dhulka wada galaal iyo Gabbalaha ma kaga tegey. Afartaa geddaydii Dhaha laygu garan jirey. Gurmashada dagaalkiyo Gulufkiyo colaadaha Goobaha naf waagiyo Halka laysku gawraco Marka gorodda lays daro Haddaan dumarku goonyaha Guubaabo kicinayn, Sida galowga dhiilloon Illaa geesi qayrkii, Birta kuma gumaadeen ? Gu' hagaagey oo da'ay Dhulka geedo jiifaan Gurya-samo barwaaqa ah Haddii geeddi lagu furo Dhallinyaro is gurataa Gurdan-raaca fiidkii Gole weyn ku kulantoo Cagta garan-garteediyo Isu geysa jiibkoo Googooska luuqdiyo Gedda sacabka loo jaro Hablahaa u gaaroo Garashada codkoodaa, Qof gaboobey kicisoo Gelbiskiyo mashxaraddaa Gama' kaa ilaashee, Haddaan gabadhi boodeyn Illaa gegi ciyaareed Wax ma dhaanto geriyaad ? Haddaan guudka laga jirin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan, Illaa guri dugsoon ma leh ? Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adigiyo go'aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa, Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saarayn, Illaa gogoshu wehel ma leh . Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee, Haddaan gaari kula jirin Illaa noloshu guul ma leh . Go'i waa barbaareey Gobi waxay ku dhaqantaa Garab waxay ka dhigataa Gallad waxay ku dheeftaa Samo waxay ku gaadhaa Gololada haweenkee, Hiddaheenna gaarka ah Hablihii gabawgiyo Geerida ku sugi jirey, Hablihii garayskiyo Xidhan jirey guntiinada Hablihii gu' iyo dayr Sida baarqab golongolay Dhexda xadhig ku goyn jirey, Hablihii garaaraha Gaatan-socodka laafyaha Sida gorayga ciideed Gelbin jirey tallaabada, Hablihii gun iyo baar Isha gacalo-eegtaa Gama' aanay ledi jirin, Hablii talada guunkiyo Gunti jirey xishoodkee Hadalkoodu gaabnaa; Hablihii gef hooyiyo Qarsan jirey guhaaddee Hadday goddollo soomaan Ama gaajo liitaan Cidi aanay garan jirin, Hablihii gammaan faras Iyo geela ugubka ah Guur-doon ka bixin jirey, Hablihii Gargaariyo Guleed ku curan jirey, Goldaloolo iyo ceeb Hablihii ka guban jirey, Hablahaan gankoodiyo Hilbahooda gadan jirin, Haddii aad gumeysaan Guul guul ku laysaan, Gelin qudha ku mooddaan Gabbalkooda dumisaan Hadba tooda goosha ah Ganacdeeda jebisaan, Dadku gabanno-xooriyo Garacyaley yidhaahdaan, Innagoo gumowniyo Dhaqan guurey weeyee. Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gol-leeyahay Godob aabbe falay baa Ubadkiisa gocondhiyo Gumar shidan ku noqotoo Gebi dheer ku dumisee Ninka inan ma-geyda ah Gurrac kaga danaystee Gol-qaniin ku maalow, Gefka aad falaysiyo Waxaad gaaxsanaysiyo Gashigaad cunaysaa Ruuxay ka go'antahay Gabadhaada weeyoo, Xumahaad geleysiyo Waxaad geysanaysaad, Galab kale ka sheekayn. Gebagebada sheekada Bal aan soo gunaanado Guddoonsiyo jiiftada, Hablo weerar geli kara Hablo geesi dili kara Gobanimona hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mid ah Quruxdana ka wada goba, Geesteenna mooyee, Geyi kale ma joogaan! Hablaha geeska hadraawi 1970.
Gelbiskiyo mushxaradaa Gama' kaa ilaashe Haddaan gabadhi boodeyn Ileen gego ciyaareed Wax ma dhaanto geriyaad Abwaan hadraawi alle ha caafiyo
@waxanimacagahaygiibaa28143 жыл бұрын
204 hablaha xarash u haysaa muuqaalkan nacday.
@maxamuudanshax78203 жыл бұрын
Kuma Galo Aduunyadan Nin GoNi SocoDo
@adoonalle4693 жыл бұрын
11:00 allahu akber . Wax kugu soo noqonaaya waaye wax walba oon sameyno.galab kalaa ka sheekeyn .
@ismajahmed1063 жыл бұрын
16/3/2021 waxan ka dawanya Hargiesa duleedkeda (cadaadlay)🥰Hablaha geeska😍
@MoFa123 жыл бұрын
I'm watching 2021 still waa ku hysta
@samsamm59963 жыл бұрын
Waa erayadii a waan hadraawi Fanaan waad mahadsantahay
@abdiwelijafaal3 жыл бұрын
what a song hees xusid mudan
@yusufomar60213 жыл бұрын
Thanks for the song it is awesome.
@godolsan21713 жыл бұрын
2021-ka oo 10 cisho ka dhiman tahay iyo Muqdiaho, by by 2020,❤✔👏 Hablaha Geeska Africa.❤✔👏
@yonissayid67933 жыл бұрын
Hubaall hablaheena soamaliyeed lama sina hablaha kalle Qurux Gaarinimo, Garasho,Marwanimo Allow xifdi hablaheena Allow noo dhawr meell aysan ka muuqan waa abaar
@amal_jiile64723 жыл бұрын
Allow iikaa daa abti macaan ❤️😘🥰
@kowtherfarah55474 жыл бұрын
Heestaan qoral bn ku aqristy hadan fb kaso arky xasuustyda bay ku biirtay ilaa iyo shaly 21 november 2020🥰
@amiincox62064 жыл бұрын
Maanta niman ayaaba ku fikiraya tigray inay wadanka keenaan hablihii soomaaliyeed na gayaan la'aan dhigaan
@RasKay094 жыл бұрын
I thougt I came here looking for the famous Sudanese Sayid Khalifa...glad my Afar self also speaks Somal as well...I like the song walaalayaal
@abdisneaker19974 жыл бұрын
Halla heestan waxaan anna somalia jooga wakhtigu Markuu aha 10.11.2012 ayaan voa ka dhegeystay lkn magaceeda man aan aqoon cawaan mansadii Hadraawii dhegeystay ban heley 💪🏽 tariikhda wa 29.9.2020