Khadra Daahir Heestii Waa Bixiso Oday
28:11
Пікірлер
@AhmedHayaan-Biribiri_47
@AhmedHayaan-Biribiri_47 11 ай бұрын
Heesta Bixiso: Khadra Daahir Iyo Jaceylkii Soddogeed - - - - - Heesaha cajiibka ah ee ay qaaddo Khadra Daahir, waxaa ka mid ah heestaan hoose, oo la dhaho Bixiso, oo ah hees qisadeeda, qotonka suugaanteeda iyo quruxda erayadeeduba ay cajiib yihiin. Waxaana ay Khadro oo heesta kula hadleysa soddogeed oo iyada jeclaaday, si heer sare ah uga laangoosanaysa dhaqankii Soomaaliyeed, iyada oo baanaheeda u xulanaysa tusaaleyaal cajiib ah. 1. Marka u horreysa waxa ay sheegaysaa in ay bixiso (dhibaato) ku tahay in nin oday ahi uu reerkiisa ka raro bari, oo uu fad (madax roob) iyo bilig karameed (roob xagaayeed, aan la isku halleyn), buseel (xiiso) dartiis ugu hayaamo, deeto uu reerkii ku furo bane dhaxan badan, oo baaxad soore ah (dhul-kaa-dheer-cir-kaa-dheer). Waxaanay leedahay: Waa bixiso odayoow Adoo bari guntii jira Fal galbeed ka baahiyo Inuu biligta karameed Buseylkeed ku qaadoo, Aad baqoolka geeddiga Bane deyra-dhaafiyo Meel baaxad-soore ah Beesha u horseeddee. 2. Deeto waxa ay kula talinaysaa hugun (jabaq) cidlo ah in uusan ku luggo'in, maaddaama baahidiisa darteed ay naftu dhalanteed (wirwir) biyo ugu sheegtay. Waxaanay leedahay: Yaan hugunka beenta ah Baaqiisu kula tegin, Adoo baahi oo qaba Naftu biligta dhalanteed Biyo kuugu sheegtoo Buur kuu tilmaantee. 3. Iyada oo si turaalle ugu maahmaahaysa ayay haddana u sheegaysaa, in haddii uusan ka laaban damaciisa, uu si walba ula mid noqonayo baqashii fardaha la miratay, maaddaama uu damaaciyay iyada oo gashaanti ah, isaguna uu yahay nin oday ah, arrintaasina ay luggooyo si walba ugu tahay isaga, ayna macquul tahay in uu bayuur (jab/jiciir/ceeb) kala kulmo, oo lagu wiirsado. Waxaanay leedahay: Show baqashi noqotee Fardo beri la miratoo Barkoodii is mooddiyo Halheys kugu bannaan iyo Bayuur inay ku raacda Baga! lagu yiraahdaa 4. Intaas ugama haraysee, waxa ay haddana u raadsanaysaa maahmaah kale oo ay ku disho, waxaana ay sheegaysaa marka reerku barwaaqoobo, in ay dhalintu ciyaarto oo ay botoriso, balooley iyo dhaantona tumato in ay wax caadi ah tahay, laakiin aan nin oday ah oo baarcaddaa ah (cireystay) waxaas looga fadhin, uuna la mid noqonayo baatir (qaalin awood iyo qurux leh) oo dhicistay, sidaas darteed ay ku wacan tahay in uu nolosha kaga aado meesha uu oday ahaan mudan yahay. Waxaanay leedahay: Haddii seban barwaaqo ah Cidda meel baraariyo Balli-doogle lagu furo, Oo baahi laawaha Botorka iyo dhaantada Cugashada barbaartii Bilow baashihiiyow Balooleey madiixaan, In uu baarcaddaa oday Aarankii la boodoo Soo laba bogleeyaa Waa baatir dhicisee Adeerow da'daa bogo. 5. Taariikh ahaan Khadro wey xasuusan tahay in uu soddogeed nin fiican ahaan jiray dhalinyaronnimadiisii laakiin hadda uu gaboobay, marka waxey xasuusinaysaa in ay tahay gabar dhalinyaro ah oo rabta nin da'yar, waxaana ay ugu maahmaahaysaa baydari (hargaanti/ugaarsato) dhakhsanaysa, oo u baahan faras awood lihi, in aysan kaxeysan mid shinkiisii buuxsamay (gaboobay), sidaas darteed waxa ay kula talinaysaa in uusan isku dhibin balweyn (heeso xod-xodasho ah), oo uusan waxba u qaadin heestii Hadraawi ee Beerlula. Waxaanay leedahay: Inkastuu bilnaan jiray Magac beri lahaan jiray Sange baratankii gabay Buuxsamay shinkiisii, Baydari dhakhsanaysaa Kuma baahi beeshee Waxba ha i balweynoo Hay qaadin Beerlula. 6. Intaas, oo araar, maahmaah, tusaale, iyo run kharaar ah marka ay odayga u sheegto, ayaa ay siinaysaa xog kale oo ay ugu quus goynayso, waxaana ay u sheegaysaa in uusan war heyn, ee ay wada socdaan curadkiisa, oo ay waliba ballan guur leeyihiin, isaguna uu ku bilanayo (ku soo baxayo) soddogeeda, sidaas darteed, waxa ay xasuusinaysaa in ay muhiim tahay in uu iska ilaaliyo boholyowga uu iyada u qabo, maaddaama uu saameyn karo odaynimadiisa, oo uu qof si ah ka dhigi karo marka uu odayaasha faciisa ah la xaajeysanayo, ama la jareysanayo. Waxaanay leedahay: Haddaad sheeko baraleey Baabkeeda moogtahay, Boqorkaad ku curutaan Waa hore is barannoo Ballani noo dhaxeysee, Soddog baad ku bilataye Yaan jare-ka-booddada Boholyowgu kula tegin. 7. Marka ay arrinta odayga intaas uga faroxalato, ayaa ay Khadra u soo laabanaysa nafteeda, iyo jaceylka haya, waxaanay sheegay in ay baroor (oohin) ku dhayaysay boogteeda, laakiin dareen ay bishkilaysay (awdaysay), uu ku soo baxay, imminkana uu laxawgii (xanuunkii) jaceylku soo balleeyay (si kedis ah ugu yimid), oo ay la mid tahay caleen ay dabeyli sidato, ayna kalgacal dartiis baaxaa-degayso, sidaas darteed waxa ay Alle weydiisanaysaa in uu jaceylkeeda u jid bixiyo (tubta toosan ku hago). Waxaanay leedahay: Baroortaan xasuustiyo Ku dheyaayay boogtii Dareenkaan bishkilayaa Intuu soo baraarugay, Laxawgii butaacada Balleysimada kiciyee, Baal dabeyli sidatiyo Waxan ahay badweyn ruux Baaxaa-degaysee Allahayoow jid ii bixi. .
@mohamedholland7768
@mohamedholland7768 Жыл бұрын
Khadra daahir cige Aun ❤🥲
@cabdinaasirjamaac6010
@cabdinaasirjamaac6010 Жыл бұрын
Waa hees xusuus mudan
@cabdinaasirjamaac6010
@cabdinaasirjamaac6010 Жыл бұрын
Waayo waayo💕
@SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
@SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi Жыл бұрын
Yaa salaam Axsan caleeg Old is gold
@IsmailIbrahim-vu5gm
@IsmailIbrahim-vu5gm Жыл бұрын
AALA HA NAXARIISTO KHADRA DAHIR CIGE FANAANADA AAN UGU JECEL AHAY ANIGOON ARAG AYAY DHIMATAY ILAHAY QABRIGAA HA U NUURO IYADA IYO FAANAANTA DHIMATAY
@abdiwahabboon4927
@abdiwahabboon4927 Жыл бұрын
Qisada heesta= heestan waxaa qisadeeda leh Aw muuse salaad xasan, khadra daahir ayuu inaadeerteed qabay waxayna ku noolayd gurigiisa, waxaa kula noolaa wiil uu odaygu dhalay oo caruurtiisa ugu waynaa, khadrna markaas way yarayd oo wiilkii ayay isla sheekaysan jireen, odayga waxaa ka dhimatay gabadhii ay khadra ilmaadeerta ahaayeen markaas buu damaaciyay odaygii waynaa nin balaayo ah buu ahaa wuxuu ku yidhi hadal caan baxay oo ahaa(meel aan joogo nin kale loogama baahna) qisadu sidaas bay ku timid. Aw muuse salaad AHU. wuxuu ahaa wadaad iyo gabayaa wuxuuna kaso jeedaa degamada widhwidh oo hoos tagta degamada buuhodle togdheer soomaaliya
@a_m_gureylion-heart1210
@a_m_gureylion-heart1210 Жыл бұрын
Waasidan heesta oo aan hal eray Kaqaldanayn erayada haddii Wax uun kaa qaldanaayeen ::::::::::::::::::::::::::::::::::::::: ❤waa bixiso odayoo ❤adoo bari guntii jira ❤fad galbeed kabaahiyo ❤inuu biligta karameed ❤buseelkeed kuqaadoo ❤Aad baqoolka geediga ❤banan dayradhaaf iyo ❤meel baaxad soora ah ❤beesha uhorseedee ❤yaan hogalka beenta ah ❤baaqiisu kulatagin ❤Adoo baahi oon qaba ❤Naftaa biligta dhalanteed ❤biyo kuugu sheegtoo ❤Buur kuutilmaantee ❤show baqashii noqotee ❤Fardo beri lamiratoo ❤Badhkoodii ismoodiyo ❤Hal hays kugu banaan iyo ❤Bayuuri’ay kuraacdaa ❤Baga lagu yidhaahdaa ❤Hadii meel barwaaqa ah ❤Cidda meel badhaadhiyo ❤Bali doogleh lagu furo ❤Oo baahi laawa ah ❤Batarka iyo dhaantada ❤Cugashada barbaartii ❤Wiiloow baashihiiyoow ❤Balooleey madiixaan ❤Inuu baarcadaa oday ❤Aarankii laboodoo ❤Usiilaba bogleeyaa ❤Waa baashir dhicisee ❤Adeeroow da’daa bogo(bood) ❤inkastuu bilaanjiray ❤magac beri.lahaanjiray ❤sange baratankii ❤gabay buuxsamay ❤shinkiisii ❤baydarida sanisaa ❤kuma baahi beeshee ❤waxba hay balweynoo ❤ha iiqaadin beerlula ❤Hadaad sheeko baraleey ❤Baabkeeda moogtahay ❤Boqorkaad kucurataan ❤Waahore is baranoo ❤Balani noodhexeeyee ❤todobaad(7) kubilataye ❤Yaan jarakaboodada ❤Boholyoowgu kulatagin Waakan hadaba page’ka Inaan heestan koro oo aan Wakhti kudhumiyo igu kalifay Iyo xasuusta aan Aan dhamaadka lahayn❤😢 Waana sidan ❤Baroortaan xasuustiyo ❤Kudhayaayay boogtii ❤dareenkaan dajinayaa ❤intuu soo baraarugey ❤Laxaw’gii. butaacada ❤baleysimo dadkii iyo ❤baal dabeyli sidatiyo ❤waxaan ahay badweyntoo ❤baaxaa dageysee ❤Allahayoow jid iibixi. ❤Raxmaanku ha unaxariisto Walaasheen fanaanadii Umada somaliyeed Marxuumad khadra daahir❤ Aamiin aamiin aamiin
@mohamudmohamed6051
@mohamudmohamed6051 Жыл бұрын
❤❤❤❤❤❤❤
@shaaficabdulaahicali1017
@shaaficabdulaahicali1017 Жыл бұрын
Waw
@kaletwiseman1
@kaletwiseman1 Жыл бұрын
Allah haku naxaristo khadra dahir cige😢😢
@abdikafimohamedegal8830
@abdikafimohamedegal8830 2 жыл бұрын
Cajiibey cajiib war waa meqe laaxan allaha kuraxmado hooyo khadra
@abdirashiddhagacade8157
@abdirashiddhagacade8157 2 жыл бұрын
Heestani waxay ii shidantay maanta waa 28 juley 2022 waxn joogaa hargeisa caasimada somaliland waa hees macaan, allah haw naxariisto khadra daahir.
@muhamedabdiqadir
@muhamedabdiqadir 2 жыл бұрын
Allaha unxariisto
@jamacaxmed5823
@jamacaxmed5823 2 жыл бұрын
Heestan waxaa loo qaaday awmuuse salaaad oo khadra dumaashigeed ahaan jiray oo dhulbahante ah
@Xulkaqaraamka
@Xulkaqaraamka 2 жыл бұрын
Waah waah codkii khadra daahir cige Laxankii aabihii kabanka' xudeydi AUN Ereyada waa prof; daqare Xiligu waa 26\6\2022 Allahayow jid ii bixi
@yaasiinmorata2480
@yaasiinmorata2480 2 жыл бұрын
Allah u naxristo forget
@abdullaahmohaali
@abdullaahmohaali Жыл бұрын
@@yaasiinmorata2480 AUN
@ugbaadismaacil6565
@ugbaadismaacil6565 2 жыл бұрын
Q1
@kaviabdilahi8676
@kaviabdilahi8676 2 жыл бұрын
Errayadii Prof,Abdi'Asis Shiekh Ismael Dakhare, Laxankii Xudaydi Qiso dhab ayaa laga sameeyey Hees kan
@sayloncutie2171
@sayloncutie2171 2 жыл бұрын
Waa runtaa waa qiso dhab oo Carabta ka dhacday. ALLAHU YA RAXMA professor A/asiis Sheikh Ismaaciil Dakhare.
@abdisamaddirir3740
@abdisamaddirir3740 2 жыл бұрын
Khadra DAHIR cod macaan oo labeen ah alaha ku xafido
@awseeed
@awseeed 3 жыл бұрын
Waaaaaauw effect. Waa bixiso odayoo!!!!!!!!!
@mohamedyusuf9809
@mohamedyusuf9809 3 жыл бұрын
Fanaanadii qaranka ee codka macaaneyd khadro dahir alle haku xafido koley sida an codkeeda u jecla iyo sida an u dhageysan jiray lama helayo mid u dhiganta xilliga an manta joogno
@shugrideeqcabdullahi8866
@shugrideeqcabdullahi8866 3 жыл бұрын
Wasson
@shugrideeqcabdullahi8866
@shugrideeqcabdullahi8866 3 жыл бұрын
Wasmo
@abdullaahimaxamed3294
@abdullaahimaxamed3294 2 жыл бұрын
Xagee kahadashy adna
@calicabdi5734
@calicabdi5734 3 жыл бұрын
heestani waa hees aad u macaan laakiin heesta markad soo gelinaysaan soo raaciya cida samaysay marka la qaaday iyo fanaan ka sameeyey
@yaasiinaburaas5205
@yaasiinaburaas5205 3 жыл бұрын
hHadii.balooloy.waa.maxay....??balooley .cayaar ka.sokow....tilmaaamis.qarsoon... baaashe boqor .???.vvv..Taaj.. cowrn...music.best..khadra....by.yaasiun..To..BBC.
@abdisamaddirir3740
@abdisamaddirir3740 3 жыл бұрын
Khadra dahir cod qiima leh alaha ku xafido
@abwaancumartalo516
@abwaancumartalo516 3 жыл бұрын
Heesah hore
@abwaancumartalo516
@abwaancumartalo516 3 жыл бұрын
Heest hore daawo
@abdisharif8315
@abdisharif8315 3 жыл бұрын
Heestan erayadeeda waxaa tiriyey pro:abdiaziz daqare oo jaamacada umadda macalin ka ahaa, lkn markaan wuxuu joogay oo ka shaqeynayey UAE dubia waana qiso dhab, heesihiisa waxaa ka mid ah (ma ay dhiman suleekhoo dhulkeenay ku nooshay oo uu ku luuqeeyo Ahmed A.Egal) ee ganey iyo bagaag midna malaha.
@sayloncutie2171
@sayloncutie2171 2 жыл бұрын
Waa Runtaa Cabdicasiis sheekh Ismaaciil Dakhare, ayaa heestan sameeyey. Laakiin Saudi Arabia ayey ahayd meesha waana qiso dhab uu u tiriyey gabadh,
@maxamedamiin3826
@maxamedamiin3826 Жыл бұрын
Fadlan manala wadaagi kartaa qisada heesta iyadoo dhamaystiran ama meel laga daawan karo.
@ragemadoobe4628
@ragemadoobe4628 3 жыл бұрын
?
@omard7649
@omard7649 3 жыл бұрын
Heestaan waa hees mugwayne Yaa inoo sharaxa waa bixiso odayoo micnaha ay bixinayso
@abdijamac7840
@abdijamac7840 3 жыл бұрын
Xildhibaan basbaas oo isaxaaq ahaa oo cabdiraxmaan tuurna sodogii ahaa, ayaa gabadh jeclaaday waxay u sheegtay gabadhii inay wiilkiisa is jecelyihiin, Boqorkaad ku curataan waa hore is baranoo balani noo dhaxaysey
@hassanali4184
@hassanali4184 3 жыл бұрын
Waa Bixiso Oday Bixiso Waxay la Macna Tahay Balaayo Masiibo
@sayloncutie2171
@sayloncutie2171 2 жыл бұрын
Heestan waa qiso dhab waxayna ka dhacday saudi Arabia. Abwaan Hadraawi iyo Abwaan Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Dakhare oo guri ku wada noolaa. Ayaa inan guriga qaybtiisa hoose deganayd guriga ka nadiifin jirtay deedna hadraawi ayaa yidhi war Dakhare inantu labadeena mid bay doonaysaa ee maxaad ka tidhi. Wada hadal dhexmaray Abwaan Dakhare iyo Inantii ayaa heestan waxaa curiyey Cabdicasiis sheekh Ismaaciil Dakhare. Abwaan Hadraawi ayaa sidaa sheegay kol BBC laga waraystay.
@muktarali2311
@muktarali2311 3 жыл бұрын
Wah wah daauud ilaah kuu naxariisto
@ishdabarani3233
@ishdabarani3233 3 жыл бұрын
Sxb ma aha Daaud ee waa xudeydi
@abdiadan22ahmed14
@abdiadan22ahmed14 3 жыл бұрын
Hees anti ah ayay ahayd lkn qoraalka in aad soo raacisan ayay fiic nan lahayd wayo Af-Soomaaliga qaar ayaaba noo gooyay
@farhiashireabdiahmed7640
@farhiashireabdiahmed7640 3 жыл бұрын
😀😀😀 anoo kale badana ereyada i dhiba ayeeyo baan weydiin jiray alle haw naxariisteee
@apdywalikarama5768
@apdywalikarama5768 2 жыл бұрын
Comentiga ugu horeeya ka eeg heesta iyadoo qoraala
@calimaqdis5952
@calimaqdis5952 3 жыл бұрын
Erayadii abwaan xasan ganay
@xeerjajab
@xeerjajab Жыл бұрын
Eraydii AUN Macillin Cabdicasiis Sh. Ismaaciil.
@aaribraahin6119
@aaribraahin6119 3 жыл бұрын
markuu Xudeydi Tumayaa Ka Macaan AUN Turukooyinka uu Bixinayo Qofkii Kaban wax Ka yaqaan Iyaa garanaya
@awilmohamed3257
@awilmohamed3257 3 жыл бұрын
Gacantaan ma daauud baa sxb
@ishdabarani3233
@ishdabarani3233 3 жыл бұрын
@@awilmohamed3257 laxankii gacantii macaaneyd Aun abihii cuudka Xudeydi….. codkii boqoradii khadra D cige Ninka heesta sameyay dadku aad uma aqoon waxa la odhan jiray dakhare
@AbdiSalah87
@AbdiSalah87 2 жыл бұрын
Kani Wa Jiim. Qofkii yaqaan baa yaqaan.
@alikharab
@alikharab 3 жыл бұрын
Hees qaalli ah oo xusuus mudan
@mustafadiriye1013
@mustafadiriye1013 3 жыл бұрын
I love khadra. From hargeisa somaliland
@ahmedkhayr5194
@ahmedkhayr5194 3 жыл бұрын
Mshbalaaah codkii khadrah daahir
@mustafadiriye1013
@mustafadiriye1013 3 жыл бұрын
Wow
@falagameera5577
@falagameera5577 3 жыл бұрын
Baal dabyli sidatiy Waxan ahay badwayn ruux Baxa degaysee alahyow jid ii bixi Ala dhalinyara nimadii bari samdki yaa iso celiya maxa xasus aan la boholyobay qalbigayga ku nool
@cabdulahishacban8221
@cabdulahishacban8221 3 жыл бұрын
Hees iga dheh
@ahmedabusaad4705
@ahmedabusaad4705 3 жыл бұрын
Heestan gourmet ahayd Khadra hoyadii jacaylka dad badan yaan ku xusuusta Allah u barakeeyo cimriga
@xabiibcalinuur7648
@xabiibcalinuur7648 3 жыл бұрын
Masha alaaah
@ahmednuur7546
@ahmednuur7546 3 жыл бұрын
Khadra daahir iyo heestii soomali illah ku bixi
@alisaid2008
@alisaid2008 3 жыл бұрын
Mirihii c.casiis dakhare laxanka xudeeydi codka khadra daahir cige
@AbdiazizSaidAhmed
@AbdiazizSaidAhmed 3 жыл бұрын
Ninkaas Cabdicasiis Dakharre sxb taariikhdiisa waa jecelahay ityo suugaantuu curiyey ee xaggee ka helaa. Sida aan wareysi ka dhegaystay Axmed Cali Cigaal iyo rag kaleeto wuxuu ahaa macalin Cabdicasiis suugaan badan leh. Heeska Ilkaheeda dhuuxa ah bes baan ka aqaan heesihiisa.
@sayloncutie2171
@sayloncutie2171 2 жыл бұрын
@@AbdiazizSaidAhmed abwaan heeso badan iyo gabayo wuu Lee yahay. Hadda gabayga ah Ma ogtahay askari jaahil Amar ka aqaataaye. Ma og tahay waxaan eersadaa odayga weeyaan. Gabaygaas C/casiis Dakhare baa lahaa.Awlaaddisa baa joogta oo suugaantisa haysa.
@rabbitalloudaa9242
@rabbitalloudaa9242 3 жыл бұрын
Hees qaaliya waliba markay ugu original sanayd uguna macaanayd ayaad soo galisay thanks 100%
@abdidirie327
@abdidirie327 3 жыл бұрын
})
@nurabdimoalin5395
@nurabdimoalin5395 2 жыл бұрын
96
@nurabdimoalin5395
@nurabdimoalin5395 2 жыл бұрын
@@abdidirie327 ò08on 2å
@nurabdimoalin5395
@nurabdimoalin5395 2 жыл бұрын
1 6yhhhhhhhhhj
@shariifrooble2758
@shariifrooble2758 3 жыл бұрын
Yaa 3
@alihanash9986
@alihanash9986 3 жыл бұрын
Heetani markii ay soo baxday waan layaabi jiray odayga inanta lagu saliday,haddaanse noqotay (Ninba waa maalintii)
@mustafadiriye1013
@mustafadiriye1013 3 жыл бұрын
Aad iyio aad sidoo kale
@muusecabdiraxman3251
@muusecabdiraxman3251 3 жыл бұрын
wasidcabdiqis
@sultanhufane1051
@sultanhufane1051 3 жыл бұрын
isla suasha ayan is waydiiyay laftarkaygu kkk Odayga xun muxu jawiga u qasaya ? Ban is laha
@kingadnan8128
@kingadnan8128 3 жыл бұрын
Waa bixiso odayoo Adoo bari guntii jira Fad galbeed ka baahiyo Inuu biligta Karameed Inta beer ku qaado Aad boqoolka geeddiga Banan dayri dhaaftiyo Meel baaxad-soora Beesha u horseeddee Adoo baahi oon qaba Yaan hogasha beenta Baaqeedu kula tegin Naftu biligta dhalanteed Biyo kuugu sheegin Buur kuu tilmaamin Sow baqashii noqotee Fardo beri la miratee Barkoodii is mooddiyo Hadal kugu bannaan iyo Bayuur inay ku raacdaa Baga lagu yiraahdaa Haddii saban barwaaqa Cidda meel baraariyo Balli doogle lagu furo Oo baahi-laawa Batarkiyo dhaantada Cugashada barbaartiyo Bilow baashigii iyo Baloolleey madiixaba Inuu bara-caddaa oday Aarankii la bururo Soo laba bogleeyaa Waa baatir bixisee Adeeroow da'daa bogo In kastuu billaan jiray Magac beri lahaan jiray Senge baratankii gabay Buuxsamay shinkiisii Baydari ha jiifshee Ku ma baahi tiirshee Waxba hay balweynoo Hay qaadin Beer-lula Haddaad Sheeko-baraleey Baabkeeda moog tay Boqorkaad ku currataad Waa hore is barannoo Ballan inoo dhexeeye Suxul baad ku bilataye Yaan sharadka booddada Boholyowgu kula tegin Baradkaan xusuustiyo Ku dheyaayay boogtii Badankaan dejinayaa Intuu soo baraarugay Laxawgii butaacada Ballaysimo iigu yimid Baal dabeyli sidatiyo Waxaan ahay badweynoo Baaxaa degaysee Allahayow jid ii bixi
@maxamedxasancuraagte9349
@maxamedxasancuraagte9349 3 жыл бұрын
Si wngsn Ayaad usoo qorTaY LkiN Hal Eray AYaad Moodaa inaad la GeftaY " Suxul baad ku bilataye " " Soddog baad ku bilatayee "
@yacqubnuur9353
@yacqubnuur9353 3 жыл бұрын
⁸iijieiuidi
@cqaadirmaxamed7865
@cqaadirmaxamed7865 3 жыл бұрын
Yaa
@cqaadirmaxamed7865
@cqaadirmaxamed7865 3 жыл бұрын
Xaga ugu horasu ka khalday
@candikariincabdikariin1724
@candikariincabdikariin1724 3 жыл бұрын
Galayr Mxmd xsn Adan galayr waxUleyahay
@maogtahay4999
@maogtahay4999 4 жыл бұрын
Best song👌