Majeerteeen looma taliyaanow tasho adigu ❤❤❤❤ qorax baad thy cidna u liici maysid awlaadii mohamed amlel elkum ( majeerteen)
@OmarMohamed-n6dАй бұрын
Alle ha u naxariisto InSha allah ana inoo badali Soomaaliyey taageera wacan Soomaliya waa inan u halgannaa Habeen iyo dharaarba walalahy Qabyaladna waaa inan iska dhaaf na😮
@XasanDhore-w7dАй бұрын
Mujrimkii amxaarka asagoo baryay a ay dishay soomaaha
@ZundusTuruxАй бұрын
Gormu tiriyay
@BrianHastings-s6p2 ай бұрын
Marta Isle
@EllisMcilroy-y1v2 ай бұрын
Freeda Viaduct
@WilsonAda-f8z2 ай бұрын
Torphy Cliff
@MaryLuna-m4f2 ай бұрын
Frieda Estates
@CadiYare2 ай бұрын
Fardowso fadhi alahowgadhigo
@Fadumoaxmed-f1m2 ай бұрын
Y
@samriyediriye94562 ай бұрын
Trrue history
@cabdiwalibeeroof24832 ай бұрын
Gabaygii Cismaan Saalax (Khaliif Sheekh Maxamuud) Allaha u naxariistee Khaliif wuxuu gabaygaan tiriyay Wakhtigii SSDF ay ciidamada gurmadka ah ka galayeen gudaha dalka, oo reer walba ay cidi ka tagtay, Jabhada ha loo kala badnaado sidoo loogu kala dhawaaye, Gabaygaana wuxuu Khaliif ku gubaabinayaa oo uu leeyahay ciida keena, Reerkii uu ka dhashay ee Cali Saleebaan, Wuxuuna ku beerlaxowsanaya dhibaatada cidlo la,aanta ka haysata meesha uu joogo markii uu ka waayay cududii uu ka filayay, Wuxuu kaloo gabayga ku tusaalaynayaa in Maxamed Siyaad Barre shirqool ku dilay labadii nin ee ugu fiicnaa beeshaas oo kala ahaa General Cismaan Saalax iyo G/sare Faarax Sugule dilka nimankaas oo aysan jirin cid wax ka qabatay. Wuxuu Khaliif ku hal qabsanaya Xasan Daahir (Xasan Carab) iyo Maxamed Cali walasha (Caydiid) oo ahaa laba gabayaa oo Jabhada la joogay Gabaygana wuxuu ku bilaabay sidaan: Carabow ciraab gabay haday ciddi ku faanayso Adiga iyo Caydiidba waad ka cukanaateene Anse waa ka caanaqay codkaad iga sugayseene Nin cagaagay waa inuu cagaha calal ku duubtaaye Curyaan laaban oo jiifa baan cayna kuu tarine Inuu ceel walwaaleed shubaa waa ka caariyo,e Wax ma cuno calooshiyo ninkii cunaha beelaaye Nin cabeebay hadalkiisa waa inuu Calyeeyaaye Carab nimaan lahayn waa inuu Cunaha buuraaye Cirku wuxuu darooraa markuu Caadil shubayaaye Caadkiyo Daruurtaa samada lagu cusaybshaaye Ceeryaamo samadoon Lahayn Curatay waa beene Ilaahay inaan caasiyaa waa i Cawaanimo Cadanyada i haysiyo ,hadaan ciriqa sii eego Sida neef cadho leh oo kale baan carari gaara Gabar caalim kuu mehershay waa inaad caruustaye Inay cayshka kuu soo dhigtiyo gogol cas mooyaane Codkar lagama dhowriyo haween geesi caan baxay Anna waxaan la ciirciirayaa Car iyo baayaale Jeeraan canbuurka iska furo caawa igu duuban Caways igama suuroobayo iyo gole cuqeyleede Cutub raacdao ahi kama haraan culus hashoodii Ciiddii banaan raadka waa ka cabir qaataane Cimil dhagax leh goortuu galay soo cuyubantaye Abaar caratay idahaad diraac ka ciriqaysaaye Tuugii wankaaga cayiliyo cogarka kaa laysta Cusnsur weeye adoon aqoon inaad casuuntaye Cu'rad bay ahaayeen waqood col iyo duulaane Nin ragoo cadaan loo dilaa kuu calaamadane Allaylahe Cismaan Saalaxow Caaro lagu saarye Cillad baa diyaarado ridiyo caalam maqashiinta Cindalaahi baa looga yimid cid ugu sheekaynta Siyaasadaha caynsiiban iyo kibir cattow ooyga Caqli nimaan lahayn baa waxaa lagu cameeyaaye Nin ciraab og baan ahay sirtii lay cimaamadaye Cismaan Saalaxow waxaa i gabay cala-korteeniiye Caddibaad adoo qaba hadaad cabatid oo yuustid Cimrigaaga hadaad waawarey kula dhex ciiryaantid Carmo kuuma soo hiilisiyo coodin bariliiye Canyayuub ma diidiyo bardaha inaad cantuugtaaye Curgugiyo bisaylkaba hadaad calalisoo ruugto Casar iyo dharaar kaad rabtaad laba canleeysaaye Badoo calowday doonyuhu mar bay ku cawarmaaniine Inkastaad cuskiiniyo gargaar ka codsatoo tuugto Caydigu ma caawiyo nimuu buun la caariyaye Calliyaal walaalo ah mar baa madi ka curtaaye Caaq iyo haday wada noqdaan coobil kala liita Caato iyo doqol baa waqood laga cad goostaaye Koodii u caaqil ah hadii caasha laga toogto Asaan cowlna loo dilin rag waa ku cabanaadaye Cajiib maaha kii xigay in ay kaga cuqsiiyaane Cismaanow Nin hooyadi oo ciro leh ceeri ka guuray Haddii aaydii oo cadilan cidi u soo sheegto Casho uma naagaado'e horuu uga caweertaaye Cadaabkii ma tage Faarax bay calas ku dooxeene Kolkii caara-dhuubtiyo warmaha lagu caskaalaayay Caaqiibo haday leeyihiin Cawada ma hishiine Ninkii Sugule coobaha ku dhagay kagana caac siiyay Cisbitaalka fiidkii ninkii ceego kula dhuuntay oo cooddidooda u bartay bay Caabudahayaane Qaybta kale la soco dhawaan