NIN KUU AQOONSAN INAD DAD TAHAY DOORO, HOROR AAN KUU HAYSAN, AQOONSANA XAQ IYO XUQUUQBA INAD KU LEEDAHAY DALKA DOORO. NIN SOMALILAND OO DHAN DHEX U NOQON KARA DOORTA, NIN CADAALAD IYO SINAAN IDINKU MAALAYA DOORTA, NIN AAN QOLOBA QOLO SUDHAYN DOORTA. NIN AYNU SIXI KARNO, LA TALIN KARNO, INOO ARKA GACAL, CADOW INOO AQOON, TALADANA QAATA, QALADKIISA GARAWSHIYO KU KAABA DOORTA. WALLAHI DALKA INTIISA KALEBA ANIGOON GAADHIN HARGAYSA BADHNA WUXU UGU YEEDHA CADAWGA GUDAHA XAAFADBA XAAFADA KALE AYUU SUDHAY,ISKU XUQUUQ IYO XURMANA MA LAHA, DADKII GACALKA AHA EE ISKU WIIL & ABTIGA AHANA WUU KALA IRDHEEYAY, WALIBANA HANJABAAD IYO HADIDBA U DHEER, INTII CAQLIGA LAHAYD EE LA HAYBTA AHAYDNA AMA XABSIYADA AYAY KU JIRAN INA XISBIGA WADANI AYAY JOOGAAN BADH KALENA WADANKABA WAY UGA HAAJIREEN, CAAMO KALIGOD QARANKA INAY LEEYIHIIN ISU TAQAN INTA KALENA CADAW AYAA KUSO HADHAY, MEEL KASTANA BAROOR IYO AFXUMO LA TAAGAN 😢... WAAR MAANTA DALKA AYNU KU GUNTANO OO ISBAHAYSIGA DOORANO, WALLAHI FAARTADA EEDI MAYSIDE. GUUL SOMALILAND