dhool bari ka muuqda lyrics | kuluc dhool bari | maxamed axmed kuluc dhool bari | kuluc qaraami

  Рет қаралды 35,268

DHUGMAAL LYRICS

Жыл бұрын

Heesta: Dhool Bari
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc.
Erayada: Max'ed Cumar Xuseen (Huuryo)
LYRICS : DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Dhool bari ka muuqdaa
Dhaan loo negeeyaa
Adiguna dhiggiisii
Ii soo dhalaashee
In kastood wax dheer tahay
Adaan dhaadin mooyee
Kolna dhaaf ismaan odhan
Dhaartiyo wacad kaan
Labadeennu dhigannoo
Dhanna uga ma leexdee
Waxaan dhowrayaa weli
Inaad soo dhawatee
Dhalanteed nin lagu sabay
Ilayn waa ka dhaadayee
Warku waxuu u dhacayaa
Dhakafaar abuurtee
Ogow dhuumashada qaar
Uu dhabarku muuqdaa
Waa dhib iyo hadimee
Waa dhib iyo hadimee
***********************
Jiilaalka oo dheer
Dhulka oo abaarsaday
Dhacar baabu geesigu
Ugu dhabar-adaygaa
Inuu waqlku soo dhigo
Cirka waa ka dhawree
Aniguna dhigiisii
Dhedadiyo milicda
Caashaqa dhex qaadoo
Kugu dheelalaabee
Waxaan dhowrayaa weli
Inaad soo dhawatee
Dhalanteed nin lagu sabay
Ilayn waa ka dhaadayee
Warku waxuu u dhacayaa
Dhakafaar abuurtee
Ogow dhuumashada qaar
Uu dhabarku muuqdaa
Waa dhib iyo hadimee
Waa dhib iyo hadimee
************************
Dhoobadaba waa kii
Rah abaar Ku dhuuntee
Isaguba dhawaaq Maleh
Intuu dhibica sugayee
Aniguna dhigiisii
Dheeygagay Layaaboo
Ma dhawidee naftaydiyo
Dhegaha iyo araggaa
Labadaba ka dheertoo
Kaa waayay dhinacee
Waxaan dhowrayaa weli
Inaad soo dhawatee
Dhalanteed nin lagu sabay
Ilayn waa ka dhaadayee
Warku waxuu u dhacayaa
Dhakafaar abuurtee
Ogow dhuumashada qaar
Uu dhabarku muuqdaa
Waa dhib iyo hadimee
Waa dhib iyo hadimee
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #DHUGMAAL

Пікірлер: 6
@fuaadmohumed9146
@fuaadmohumed9146 22 күн бұрын
Abwaan muxamed Cumar huryo ayaa alifey codkii kuluc laxankii Axmed gacayte alayarxamu dhamaantood
@looyaan323
@looyaan323 Жыл бұрын
Erayada maxamad cumar huryo 1972 Laxanka rashiid bulo😢
@siciidfarax9867
@siciidfarax9867 5 ай бұрын
Ax yaa hoobal rabi haw naxaristo
@cabdiwalibeeroof2483
@cabdiwalibeeroof2483 Жыл бұрын
Alle yrxm legend kuluc
@maxamuudaxmed5350
@maxamuudaxmed5350 Жыл бұрын
Cadi idan farxa eryada
Worst flight ever
00:55
Adam W
Рет қаралды 44 МЛН
Man Mocks Wife's Exercise Routine, Faces Embarrassment at Work #shorts
00:32
Fabiosa Best Lifehacks
Рет қаралды 6 МЛН
小路飞嫁祸姐姐搞破坏 #路飞#海贼王
00:45
路飞与唐舞桐
Рет қаралды 27 МЛН
Bagalau
3:29
Әсет Есжан - Topic
Рет қаралды 134 М.
Asik - CONTROL
3:51
Asik Music
Рет қаралды 250 М.
Лилия
3:00
Али Ахмет - Topic
Рет қаралды 2,1 МЛН
Kazybek Kuraiysh - Баяғы
3:16
Kazybek
Рет қаралды 660 М.
akimmmich & bimo - QAITADAN BASTAMA| lyric video
2:38
akimmmich
Рет қаралды 281 М.
Marhaba Sabi - Qyz Bozbala (Official lyric video)
3:10
Marhaba Sabi
Рет қаралды 298 М.