Ma ogtahay aduunyada axad baa la taagee | Maxamed S Tubeec | Waxaad igu abuurtaan | amaanada ilaahay

  Рет қаралды 132,231

DHUGMAAL LYRICS

Жыл бұрын

HEESTA: Ma Ogtahay Adduunyada
LUUQDA: MAXAMED S TUBEEC
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Ma ogtahay adduunyada
Axad baa la taagoo
Adigana isniin buu
Jacayl kuguu ilkaystee
Arbacaa sidaadii
Anna laygu beeree
Waxaad igu abuurtaan
La adkeysan waayee
Ammanaada illaaheey
Noqo kumaan ilaawine
Aamiin allahayoow
Waa ammaanadaadee
************************
Ma ogtahay ayaantii
Ilmadu kaa da’eysee
Indhahaada qoysaa
Inanyahay xasuustoo
Uurka aan ka ooyoo
Waan ka ashahaatee
Waxaad igu abuurtaan
La adkeysan waayeee
Ammanaada illaaheey
Noqo kumaan ilaawine
Aamiin allahayoow
Waa ammaanadaadee
**********************
Ma ogatahay afkeygii
Inuu aamus diidoo
Aayadaha quraan iyo
Aamaantaada mooyee
Arrin kale inuu fulo
Ogolaani waayaa
Waxaad igu abuurtaa
La adkeysan waayee
Amaanada illaaheey
Noqo kumaan ilaawine
Aamiin allahayoow
Waa ammaanadaadee
********************
Ma ogtahay sidii aqal
Magaaloo aroos iyo
Iid loogu talagalay
Ama ubaxa deyreed
Waad ii udgoontoo
Iimaanka deeqdee
Waxaad igu abuurtaan
La adkeysan waayee
Ammaanda illaaheey
Noqo kumaan ilaawine
Aamiin allahayoow
Waa ammaanadaadee
************************
Ma ogtahay sidii roob
Onkod iyo hilaac badan
Oo arooryadii da’ay
Ama oogta waabari
Eedaankaa subaxdii
Waad ii iftiintaa
Waxaad igu abuurtaan
La adkeysan waayeee
Ammaanda illaaheey
Noqqo kumaan ilaawine
Aamiin allaahayow
Waa ammaanadaadee
*************************
Ma ogtahay amaah maqan
Xaquu kaama oowdee
Ruuxii ku aaminay
Haddaan loo abaal gudin
Aakhiro Aboor cunay
Ka ilaali maysidee
Waxaad igu abuurtaan
La adkeysan waayee
Ammaanaada illaaheey
Noqo kumaan ilaawine
Aamiin allahayow
Waa ammaanadaadee
#dhugmaallyrics #dhugmaal_lyrics #DHUGMAAL

Пікірлер: 25
@AhmedMohamed-tn5yg
@AhmedMohamed-tn5yg Жыл бұрын
Aamiin waa qiso dhab ah oo ku dhacday abwaanka
@Murtiileqaraamj5798
@Murtiileqaraamj5798 Жыл бұрын
Qisadeeda cid haysa ma jirta Wan badho wayee Kolay qiso dheer bay ahayde
@luckyforyourself6617
@luckyforyourself6617 Жыл бұрын
Haa walaahi
@mustafejalawo4990
@mustafejalawo4990 9 ай бұрын
Lifaaqan raac si aad u ogaato qisada heesta. kzbin.info/www/bejne/op6sanyLaqZnhKMsi=Xy2jIGWjXROLBNPp
@uptherhmnizmail9157
@uptherhmnizmail9157 Жыл бұрын
Tagwero number one mohmd sleeban tubeec alle haunaxriiste
@geeddimohammed6636
@geeddimohammed6636 Жыл бұрын
Ahmed abdi jamal _ ilaahay ha isu keen daayo abti, garan maayo qof kaa mudan inuu dunidan sxp igula sii ahaado . 18/05/2023.
@ahmedcaynsane5418
@ahmedcaynsane5418 Жыл бұрын
Abtigay sxbky nin Qliya
@jamacdheere8012
@jamacdheere8012 Жыл бұрын
Erayadii abwaan xuseen aw faaeax alle how naxariistaa
@kay001ish
@kay001ish Ай бұрын
Saudi Californiammmmm
@Ontira23
@Ontira23 9 ай бұрын
Heestaan qisadeeda yaa meel iigu sheega😢 koley qiso beey laheyde
@abdulkadirkadiye646
@abdulkadirkadiye646 8 ай бұрын
Wiil ardey ah Somali ah iyo gabar Somali ah ishecladay faqri ah waqtigi gumeysigi Talyaniga gabadhi waxbarasho italy heshay wiilkii ugaday damer coda laheyd market italiya tagtay nin sodhaweyey talyani jamacada maclin ka aha gabadha jecla kalawaregay kadib hestan lotiriyey gabay ah ho's lobadalay aakhirki weys ishelen that's all sorry
@fuaadmohumed9146
@fuaadmohumed9146 5 ай бұрын
Waa silsiladii jacaylkii abwaan Xuseen aw farax gabadh uu jecla laakiin Calaf anu ku yeelan heestan isaga alifey iyo ilaa 12 heesood oo tubeec iyo magool u badan yihiin oo Xuseen aw farax alifey oo qisadan Khusysa hargeysa 1962kii ilaa 1967kii sidas ula socda dhalinta yaryar by Fuaad shibiin
@xaliimomaxamedonlineshop183
@xaliimomaxamedonlineshop183 3 ай бұрын
Waxaan maqlay waxay ahayd gabadh yar oo soo luntay ow meel cidlo ah ka heley kadibna ow xanaaneeyey oo soo korshay ay ahayd
@sharmajr11
@sharmajr11 Жыл бұрын
Waxad igu abuurtan la.adkysan waayee xazuuuz
@saidosmanaden8532
@saidosmanaden8532 Жыл бұрын
Yaa salaam Xusuusta jacayl haleelay AUN AL-FANAAN XUSEEN AW FARAX, horaanti 60ki. Codki AUN AL-FANAAN MAXAMAD SULEYMAN TUBEEC (Amaano)...ma ogtahay amaah maqan...xaqqa kaama awdee ruuxii ku aaminay haddi aan loo abaal gudin..aakhira oo aboor cunay ka ilaalin meysideee..waxaad igu abuurta la adkeysan waayey..amaanada Ilaahay noqod kuma illawinee..AMIIN ALLAHAYO WAA AMAANADADE..sorry jacalkiisi waa ay hilmaantay wuu Niyadjabay.
@AmalOmarHassan
@AmalOmarHassan 3 ай бұрын
❤❤
@MunaAmansan-i1v
@MunaAmansan-i1v 3 ай бұрын
😢
@axmedshimaali7671
@axmedshimaali7671 Жыл бұрын
Ma ogtahy ayaantii Ilamdu kaa da.aysay Indhahaaga qoysan Inanayahy xasuuatoo Uurkaam ka ooyooo Waan shahaatee 😂😭😭
@Abdullaahi_Ali_Abdi
@Abdullaahi_Ali_Abdi 10 ай бұрын
▪️Mar wax dhacay jacaylkii ▪️Ha u dhigin xilkiisoo ▪️Naf dhibkaagu dhaawaco ▪️katag yaanan lagu dhihin ▪️Dhowrsaniyo dheeraad ▪️Waxaan soo dhisaayoo ▪️U dhafraayay helidood ▪️Ka dhaqaaqna hay odhan ▪️Dhigaalkeeygi weeyoo ▪️Dhaxal baan u leeyeee ▪️Ma nin dhoof ku yimidaad ▪️U dhansiin karaysaa 🔸️Ruux dhiman sidiisaan 🔸️Dhadhabaa dartaayoo 🔸️Dhankaad iga jirtaa baan 🔸️Usoo dhololayaayoo 🔸️Layga dhicinayayeeey. 🔹️Shax Shax Ali ✍ Bahda kommentiga soo qorta intaa baan uga tegayaa 👋
@liibancabdinuuradam-tj5iq
@liibancabdinuuradam-tj5iq Жыл бұрын
ᴀᴍɪɴ ᴀʟᴀʜᴀʏᴏ ᴡᴀᴀᴀ ᴀᴍᴀɴᴅᴀ ᴅᴇᴇ
@fanaxaxmed7518
@fanaxaxmed7518 Жыл бұрын
👍👊
@abdillahiadanissah9244
@abdillahiadanissah9244 7 ай бұрын
7 🌊
@abdillahiadanissah9244
@abdillahiadanissah9244 7 ай бұрын
🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲
@HalisTa..22
@HalisTa..22 4 ай бұрын
Waxaad igu abuurtaan La adkaysan waayee Amaanada ilaahay Noqo kumaan ilaawine🤦‍♂️
@abdillahiadanissah9244
@abdillahiadanissah9244 7 ай бұрын
Sab
Inside Out 2: ENVY & DISGUST STOLE JOY's DRINKS!!
00:32
AnythingAlexia
Рет қаралды 18 МЛН
1 сквиш тебе или 2 другому? 😌 #шортс #виола
00:36
Миллионер | 1 - серия
34:31
Million Show
Рет қаралды 2,8 МЛН
小蚂蚁会选到什么呢!#火影忍者 #佐助 #家庭
00:47
火影忍者一家
Рет қаралды 105 МЛН
Alisher Konysbaev & Duman - Мен болуым керек (Official MV)
2:35
Жандос ҚАРЖАУБАЙ - ҚАЛАУЫМ (official video) 2024
2:27
Жандос ҚАРЖАУБАЙ
Рет қаралды 186 М.
akimmmich & bimo - QAITADAN BASTAMA| lyric video
2:38
akimmmich
Рет қаралды 431 М.
Asqar Bozorov - Yetardi | Аскар Бозоров - Етарди
3:50
Diana Ismail - Сені кездестіргелі (Mood Video)
2:51
JENNIE - Mantra (Official Music Video)
2:28
JENNIE
Рет қаралды 34 МЛН
Roza Zergerli - İstedim 2024 (Yeni Klip) 4K
2:56
Roza Zergerli
Рет қаралды 278 М.