No video

Fikir Oo Hantiile Noqo | Waa Buug Muhiim ah Noloshaada Bedeli doona |

  Рет қаралды 8,094

Caawiye

Caawiye

Күн бұрын

Soo Koobidda Buugga "Fikir Oo Taajir Noqo"
Buugan waxaa qoray Napoleon Hill, Buugan waxaa la daabacey Sanadka Marka uu ahaa 1937.
Buugan Wuxuu Soo Bandhigayaa Fikrado iyo Farsamooyin uu Qoraha Kasoo Uruuriyey Wareysiyo uu la yeeshey Dad Lacago Fara badan Tacbadey Noloshana Guulo Dhaqaale ka Gaarey Sida Tomas Edison iyo Henry Ford iyo kuwo kale.
Muhiimada Buugan:-
Buugan Wuxuu Ku Saleysan yahay Aragtidda Ah in Guusha iyo Hodantinimadda Ay ka Bilaabmaan Maskaxda Qofka iyo inuu Shaqsigga La yimaado Fikir Saxan, Go'aanka Adag, Ka Go'naasho iyo Qorsheyn.
Qoraha Buugan Wuxuu soo bandhigayaa tusaalooyin dhab ah iyo talooyin wax ku ool ah oo kaa caawinaya inaad gaarto hadafyadaada Nolosha.
Qodobada Ugu Muhiisan Ee Buugan
1:- Rabitaan Adag:-
Guusha Waxey ka bilaabataa rabitaan Xoog leh Oo Adag.
Waa inaa
d yeelato rabitaan dhab ah oo aadan hoos ugu dhicin Si aad u gaarto Guusha aad u baahan tahay.
2:- Rumaysnaanta iyo Kalsoonida Naftaada:-
Aaminsanaanta Naftaada Waa Aasaaaska Guusha, Hadii aadan Naftaada Aaminsaneyn Guul Ma Gaari kartid.
Sidaa darteed Aamin Naftaada Rumayso inaad gaari karto hadafkaaga, kuna kalsoonow Nafsadaada Sababtoo ah Hadaadan Naftaada ku Kalsoonaan Cid kugu Kalsoonaaneyso Ma jirto.
Kalsoonidu waa furaha guusha.
3:- is qancin Adiga Naftaada ah:-
Naftaada inaad ku Qanciso Gaarista Hadaf-yadaada iyo Guulaha Aad Rabto inaad Gaarto, isla markaana Ku celceli hadaladda dhiiragelinta u ah Naftaada.
4:- Yeelo Aqoon:-
Fahan Farqigga u dhaxeeya Aqoonta Guud iyo Aqoonta Qaaska ah, kuna dadaal inaad Xirfado gaar ah barato Si aad Si saxan ugu Faa'ideysato Xirfadahaas aad baratey
5:- Qorsheynta Saxda ah:
Sameeyso Qorshe cad oo ku Saabsan si aad u gaari laheyd Hadafyadaada, iskuna day Qorshaha aad Sameysatey inaad si Saxan u Fuliso.
Adigoo Raacaya Talaabooyinka aad Degsatey.
6:- Go'aan Qaadashadda:
Qaado Go'aamo Deg deg ah Oo Adag Oo aadan dib ugu Dhaceynin, Waayo dib u dhaca iyo Go'aan qaadasho La'aanta Waxey ka mid yihiin Sababaha ugu weyn Ee Guul daradda kuu keena.
7:- Dulqaad iyo Adkeysi :
Guusha Waxey u baahan tahay Dulqaad iyo Adkeysi, Haka quusan Hadafyadaada ha joojin dadaalkaaga xitaa haddii aad la kulanto Caqabado iyo Guuldarooyin.
Kana dhigo Caqabadahaas iyo Guuldarooyinkaas Wadada aad Ku Gaari laheyd Guushaada.
8:- La Saaxiib Shaqsiyaad Guuleystey:-
Qoraha Buugan Wuxuu Soo Jeedinayaa inaad la Saaxiibto dadka Guuleystey Oo aad Wax ka barato.
Isla markaana raggas inaad ka heli karto Taageero iyo Dhiiragelin.
Aadna ka Harto dadka Fashilka u Saaxiibka ah, Hormarkana Ka Quustey.
9:- Awoodda Maskaxda:-
Isticmaal Maskaxdaada iyo Fikirkaaga si aad u abuurto Aragtiyo Cusub iyo Fursado Cusub Oo Aad ka Faa'ideysan Karto.
10:- Kalsooni:-
Qoraaga Buugan Wuxuu Aaminsan yahay in kalsoonidda Naftaada iyo Awoodaada ay yihiin Furaha Guusha.
Sidaa Darteed Waxaa Muhiim ah inaad Naftaada Kalsooni ku qabto Mar walba.
Intaasi waa Qodobadda Muhiimka ah ee Buugga Fikir Oo Taajir Noqo" Oo Kooban.
Waxaan rajeynayaa inaad kawada faa'ideysan doontaan insha allah.
• Fikir Oo Hantiile Noqo...
#caawiye
#dhiirigalin
#hormar
#books
#subscribe
#motivation
#like
#comment

Пікірлер: 9
@mohamedabdullahisamatar7216
@mohamedabdullahisamatar7216 Ай бұрын
Masha alah ustaad buugaan oo turjuman ma heli karnaa
@MacalinEnglish
@MacalinEnglish Ай бұрын
Good job, horey u soco
@kingsir1682
@kingsir1682 Ай бұрын
Masha allah Ustaadi Guuleyso
@abdifataahdeyibseid3269
@abdifataahdeyibseid3269 Ай бұрын
Good
@jamcaledhamac7611
@jamcaledhamac7611 Ай бұрын
Alle haku sharfo adunyo iyo aakhiraba ustaad❤
@caawiye-gs5to
@caawiye-gs5to Ай бұрын
@@jamcaledhamac7611 Aamiin Dhamaanteena Ustaad, Shukan
@abdifataahdeyibseid3269
@abdifataahdeyibseid3269 Ай бұрын
Qoraal kuso dar wll aad so koob koobayso qodobada muhiimka ah
@caawiye-gs5to
@caawiye-gs5to Ай бұрын
Mahadsanidiin dhammaan asxaabta qiimaha leh ee falcelinta wanaagsan kasoo bixiyey Video-gan Runtii Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay taageeradiina iyo dhiirrigelintiina joogtada ah. Taageeradiina iyo fikiradiina waa inoo muhiim si aan u sii wanaajino waxa aan sameyneyno. Mahadsanidiin Mar labaad. Asxaab iga soo codsatey inaan Buuga Oo Afka Soomaali Ku tarjuma Soo Dhigo waan u cudur daaranaa Sababtoo ah Buugaagta Noocaan ah inta badan Afka Carabigga iyo English-ka Ayagoo ah ayaa la helaa lkn waan raadin doonaa Asagoo Afka Soomaaligga Ku Qoran insha allah. Asxaabta kale Soo Codsatey inaan Qodobadda Ugu Muhiimsan Ee Buuga Asagoo Kooban Qoraal ahaan ugu soo dhigo Hadda Waxey ka heli karaan Qoraalkaas oo Kooban Description Video-gga. Mahadsanidiin
@hodanhimilo7072
@hodanhimilo7072 Ай бұрын
Hambalyo horumar wacan walaal kawaran haddaan kula shaqeeyo waxaan ahay Graphi Designer oo sii horumarino channelka.😊
Ganacsi Ha Bilaabin Hadii Aadan 9 Arin Aadan Sameyn.
12:57
Warsame Bade
Рет қаралды 31 М.
Can This Bubble Save My Life? 😱
00:55
Topper Guild
Рет қаралды 84 МЛН
Cute kitty gadgets 💛
00:24
TheSoul Music Family
Рет қаралды 12 МЛН
Please Help Barry Choose His Real Son
00:23
Garri Creative
Рет қаралды 23 МЛН
🩷🩵VS👿
00:38
ISSEI / いっせい
Рет қаралды 26 МЛН
Wakhtiga ugu mudan noloshaada wax ku qabsan karto ✔️
7:40
C/fitaax Deq media
Рет қаралды 1,9 М.
PART 2/2. Dhalmada bilaa qorshaha ah iyo Soomalida qurbaha.
32:46
Waddada Kaliya Ee ISBADDALKA Dhabta Ah Loo Maro
14:22
XOGGOOB
Рет қаралды 17 М.
qofmaa tahay? Baro naftaada? Dhiiragalin || sheikh mustafe
39:42
TANI WAA HABKA KALIYA EE AAD KU KORI KARTO 🫵🫵 "CURIOSITY"
26:37
Can This Bubble Save My Life? 😱
00:55
Topper Guild
Рет қаралды 84 МЛН