Culusaa allahaayoow Naftu caato badanaa Arimuhu cuyuubanaa Ciil kaambi weeynaa Ma dhulkaan colownoo Cirkanaa igu soo dumay Waa maxa cidhiidhigu Calaf lama hor joogsadoo Anna kuuma cadhaqaboo Ciil kaambi ha u dhiman Talo Waa calool adayg Hadii wacadkii caariday Anna caashaq ha i dilo Adna caano iyo nabaad Cimrigaa ku nooloow Waxay daruuri curataa Kolkuu caadil shubayee Dhirtu waxay cusbaataa Eey curubta saartaa Kolkay ciidu qooyday Xididadu cabaan bay Bixisaa caleentee Waa hadal caqliga galaa Ama laysku celiyee Waxse Caawa ii daran Taladan cayn wareegtee Anna culuq ilaahiyo Caynaan Oo ii maqan Adiguna caqiibiyoo Caafimaad ku nooloow 🌷🌷🌷🌷🌷🌷🌷 Calooshuna kumay niciine Cidna kaama raacine Soow nabadii ceel iyo Cunsur aabo kuma ridin Anna soow canaan iyo Cadho waalid kama baqan Miyaan tiisi caariday Ubad Waa la celiyaa Cudud loogu faanaa Caashaqa ku weerara Ayaa loo la cawdaa Hadii wacadkii caariday Anna caashaq ha ii dilo Adna caano iyo nabaad Cimrigaa ku nooloow Nin canaan ka yaabee Ceesaan ma doojee Caadada dadkeenuna Inay cidhib la’aan tahay Jacaylkii cabliyo heley Ee dilay cilmiyo hodan Sow laguma caayeeyn Amba igu cuslaayoo Sidii caamir loo heley Ciirciiris baan ehee Adigana maku cuskaday Anna culuq ilaahiyo Caynaan Oo ii maqan Adiguna caqiibiyoo Caafimaad ku nooloow
@Qofnaba.5 жыл бұрын
Alex Le Grand ku mahdsnid sidaad qoral ahaan nola waadgtay Walal
@nageyesoyaal92463 жыл бұрын
We
@mustafaabdullahi50313 жыл бұрын
😎
@suhaybabdixakiin2 жыл бұрын
Sxp cumaamad waan ku tuury
@maxamadqadiibmacalin1707 Жыл бұрын
Adiguna caqiidiyo dheh inta kale waad saxdaye mahadsanid
@daheraden50874 жыл бұрын
Proud to be djiboutian !!! Kuma reer jabuuti ah farta taag!!!! Que tout djiboutien me file un pouce bleu!!! Fier de ma patrie .la terre des hommes fiers..... Je suis djiboutien et vis actuellement en Allemagne Les djiboutiens sont les meilleurs en tout et ce, partout.....thanks god!!!!
@bandjirbarwakoomar86962 жыл бұрын
Camarade souviens toi du El KEF et de la galère du retard de la bourse oups la retraite 🤣🤣🤣🤣 merci à ces artistes au voix d'or.
@araleabdi569 ай бұрын
Wax jabuti la dhaho ma jirte you are part of somalia
@CSeerbiya5 жыл бұрын
Taariikh Faneedka Faadumo Axmed Dhimbiil (1948-2018) Waxa Qoray Cumar Seerbiya Faadumo Axmed Dhimbiil sannadkii 1948 ayey ku dhalatay xaafadda lixaad ee Jabuuti ka dibna iyada oo 19 sanno jir ah oo aanay cidina fanka ku aqoonin ayey tagtay Xamar sannadkii 1967, waxayna la kulantay kooxdii Xabadi keentay ee ka timi Yementa Waqooyi, waxayna intii ay Jabuuti joogtay ee Xamar ka hor ka mid ahayd dhallinyarada gobonimo doonka ah . Kooxdan Xabadi keentay la dhihi jiray oo ahaa Abwaanno ka soo cararay dagaaladii ka socday waqooyiga Yeman waxa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Jaamac Saleebaan Tubeec, Maxamed Jaamac Ilkacase iyo Maxamed Siciid Baandey. Kooxdan ayaa Faadumo Xamar ku soo dhaweysay waxayna isla sannadkaasiba (1967) ay kooxda la meteshay Riwaayaddii Reer Ba'oow yaa ku leh? , ee sheekadeeda uu lahaa Abwaan Hadraawi halka heesaha ku jiray badankoodana uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase . Riwaayadda waxa jilayey , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdiraxmaan Xasan Sheekh (Abuuraas) oo isku ahaa Arbaha koowaad iyo Qalanjada Koowaad , Maxamed Siciid Baandey, Asli Khayre Gabboon iyo Jaamac Dubad Xiiray, waxayna kooxdu ka bilawday Balcad, Gaalkacayo, Qardho , Burco ilaa ay ku soo laabteen Xamar. . Heesaha riwaayadda ku jiray ee ay Faadumo Axmed Dhimbiil qaadday waxay ahaayeen labada hees ee erayadooda uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase laxankana uu saaray Jaamac Saleebaan Tubeec ee kala ah “Maahee Khadraay” oo ay la qaaday Cabdiraxmaan Abuuraas balse markii Xamar lagu soo laabtay la siiyey Sahra Axmed Jaamac iyo Maxamed Nuur Giriig waxayna noqotay heestii u horreysay ee ay Sahra qaaddo, iyo weliba heesta kale ee “Hiddo” oo ay dadka qaarna ku yaqaanaan “Mays heli karnaa?” waxaana riwaayadda dhexdeeda kula qaaday Maxamed Siciid Baandey markii dambena idaacadda waxa looga duubay Faadumo iyo Maxamed Nuur Giriig oo aan isagu riwaayadda ku jirin. Markii ay dhagaha bulshada gaadheen heesihii ay qaadday Faadumo waxay noqotay gabadh fanka dhexdiisa aad looga tixgeliyo intii ay joogtay Xamar iyo Soomaaliyaba . sannadkii 1972 Faadumo Axmed waxay ka mid ahayd koox fannaaniin ah oo isugu jiray kuwa ka soo jeeday Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ka tagay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Xaad(Qays) , Xaliimo Cabdi Odawaa (oo ay dad badani ku garan karaan heestii ma naftaydaan Mindi geliyaa?) , Maxamed Aadan Dugsiiye, Cabdi Ibraahim Geeddi ( Cabdi Bow-bow) oo isagu ka mid ahaa dadkii fanka Jabuuti dhidibada u taagay iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Abuuraas. Isla sannadkaasi 1972 waxay Faadumo Axmed Dhimbiil ka qaybqaadatay riwaayaddii ‘Muuse Iyo Maryan” ee uu allifay Ibraahim Aw Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo Jabuuti loo yaqaanay magaca Cumar Cabdi Aw-Maxamuud oo ahaa magacii uu dhalashada ku qaatay., waxaana riwaayaddaasi ku jirtay heesta aadka loo jeclaysto ee “Culusaa Allahayow” ee uu laxanka lahaa Cabdiraxmaan Cali Xirsi , ayna wada qaadeen iyada (Faadumo) iyo Maxamed Aadan Dugsiiye. Sannadkii 1976 Abwaan Ibrmaahim Gadhle ayaa curiyey riwaayad la odhan jiray “Halgankii umadda iyo hoog isticmaar” oo ka hadlaysay in dadka reer Jabuuti xornimo ka rabaan gumaystaha Faransiiska. Dowladda Soomaaliya ayaana lacagta riwaayadda bixisay , waxaana riwaayaddan oo lahayd sidoo kale qayb Canfari ah oo uu ku darsaday Abwaan Axmed Laacde, laga dhigay Soomaaliya iyada oo laga soo bilaabay Borama ilaa Beledxaawo, waxayna riwaayaddu socotay muddo 71 habeen ah , waxayna kooxdu ka koobanyd ahayd 30 qof . riwaayaddan waxa ku jiray heeso ay ka mid ahayd heesta “ Ragga kaan ka eegtow Ama Ilwaad” oo ay wada qaadeen Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdinuur Alaale, waxaana heestan erayadeeda lahaa Xuseen Jig-jigaawi halka uu laxankana saaray Cabdinuur Alaale Xirsi, sidoo kale heesta , Nuur Dalaacow dib miyaad u soo noqon , waxa erayada Faadumo u dhiibay Xuseen Jigjigaawi laxankana isla Cabdinuur Alaale ayaa saaray. Sidoo kale isla riwaayaddan Ibraahim Gadhle waxa ku jiray gabayga caanka noqday ee” Afrika” oo ay ku luuqayso Faadumo Axmed Dhimbiil, heesta Allahayow dadkaygii ayey sidoo kale ka qaaday Faadumo riwaayadda . Faadumo iyo fannaaniintii ay wada socdeen oo ay ka mid ahaayeen Nimco Jaamac Migil , Cali Cabdi Dawaale iyo Abwaan Aadan Tarabi Jaamac waxay yimaadeen Xamar, waxayna riwaayaddii ka dhigeen Shaleemo Banaadir , iyaga oo booqday Jaamacadda Lafoole oo ay kula kulmeen Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ka dibna waxay ku laabteen Jabuuti. Sannadkii 1978-kii waxa raadyaha Jabuuti laga shaqaalaysiiyey Kontan qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee fanka oo ay ka mid tahay Faadumo Axmed Dhimbiil oo sidoo kalena la shaqayn jirtay kooxdii Gacan Macaan oo uu guddoomiye ka ahaa Abwaan Aadan Faarax Samatar laga soo bilaabo1971. Faadumo Axmed Dhimbiil waxay qaadday heeso aad u tiro badan oo badankooda caan ka dhex noqday bulshada sida Heesta Gaaraabidhaan oo uu erayada lahaa Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad horena ay u qaaday Xaliimo Cabdi Odawaa balse ay ku caan baxday Faadumo iyo heesta Tufaaxii aan tirsaday oo iyaduna ku jirtay riwaayaddii “Hanweynaa Ma Huryaa” ee uu lahaa Abwaan Xasan Cilmi Diiriye , waxana sidoo kale heestan hore u qaaday Xaliimo Cabdi sannadkii 1974 . laxankana Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi ayaa saaray. Faadumo Axmed sidoo kale waxay qaaday heesta “Qaniiyada Abeesadu” oo uu erayada iyo laxankaba lahaa Axmed Xuseen Jigjigaawi . isla Faadumo ayaa Maxamed Nuur Giriig waxay wada qaadeen heesta”Soo mar “ oo uu erayada lahaa Cali Cilmi (Cali Aflow” halka uu laxankana saaray Maxamed Cali Nahaari (Maxamed Nahaari). Faadumo Axmed Dhimbiil sidoo kale waxay aad ugu wanaagsanayd ku luuqaynta laxannada qaraamka ah , waxaana xusid mudan in 1974 uu Maxamuud Ismaaciil Xudaydi uu Jabuuti ugu tumay Faadumo heesta laxanka Rogaal . Faadumo Axmed Dhimbiil dhawr iyo sagaashankii ayey Jabuuti ka dhooftay waxayna tagtay dalka Holland ka dibna Ingiriiska ayey u wareegtay . Sannadkii 2004 ayey Jabuuti ku soo laabatay, intii ka dambaysay waxay u badnayd Ingiriiska , 24-ka bishii May 2018 ayey Faadumo ku geeriyootay dalka Turkey-ga waxaana 25 Bisha May lagu aasay magaalada Jabuuti . Taariikhda Faadumo Axmed Dhimbiil waxa iiga waramay dad ay ugu horreeyaan, fannaanka Cabdinuur Allaale Xirsi oo sidoo kale ah Qoraa Suugaanta ururiya laga soo bilaabo 1971-kii, Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna iiga waramay markii ay Soomaaliya timi 1967 iyo bilawgii fankeeda , waxaan sidoo kale dhageystay Waraysi laga qaaday Faadumo mar ay dalka Jabuuti joogtay.Waxaana iga xasuusin ah inay jiraan heeso badan oo ay qaaday Faadumo kuwaasi oo aanan qoramadan ku sheegin. Waxa Qoray Cumar Seerbiya 23 , Febraury ,2019. Muqdisho Soomaaliya
@faationline48435 жыл бұрын
Allah ha u naxariisto
@daheraden50874 жыл бұрын
Great job bro !!! Hawl fudud maaha runti hawshan aad gashay ilaahay ha kaa jazai siiyo runtii !!! Fadumo axmedna ha u naxaristo
@YHBDJIB2 жыл бұрын
Many thanks for your job
@maxamadqadiibmacalin1707 Жыл бұрын
Sxp top man ayaad tahay mahadsanid 100% fanaanadana allaha unaxariisto waa haldoor aan leheli doonine😢
Nin cannaan ka yaabi Ceesaan ma doojee Caadada dadkeenuna iney cirib la'aan tahay Jacaylkii cabliyo helay Ee diley cilmiyo hodan Sow laguma caayeeyn Faadumo ahmed dhimbil allah ha u naxariisto waa hees dareen leh oo cajiiba walaalaha jabuuti raxmaanku ha idiin dhawro
@ahmedomer49532 жыл бұрын
Waa hees cajiib ah oo waaqica ka hadlaysa
@roooroo2148 Жыл бұрын
Amiin wallale
@shaafijeyte90215 жыл бұрын
Waayo waayo iyo heesihii hirgalay ee reer Jabuuti. Ereyadii AUN Ibraahin Garle, codadka Max'ed Aadan Dugsiiye iyo Faadumo Dhimbil AUN.
@abdirahmanhussein18995 жыл бұрын
Jabuuti hesaheedo ma faransiis baa kuwa ugu badan koonfurta lagu samyey
@awaliali56502 жыл бұрын
Waar beenta dadka daa heestan AHUN ibraahin garle ma laha erayadee. Waxaa iska leh AHUN abwaan Xasan Cilmi oo ku magac dheera xasan Gadhle. Oo ahaa abwaan reer Borama ahaa markii dambana u guuray jabuuti
Heesta ugu macaan ay isla qadaan Maxamad Aden Dougsiyeh iyo Fadumo Ahmed Dhimbiil
@munoabdiqadir61094 жыл бұрын
Waa waxa i haysta in ka badan 20 sano aniga oo tayda la Yaaban baan hadana waxaan Ku dhex noolahay umad xusaada Oo cayr wada ah rabana cid tooda Daryeesha
@amiirnour8627 Жыл бұрын
Laxanka anaa saraay allaH💟
@fadxidinmaxamed51435 жыл бұрын
Talo Waa Calool.Adayg Si Bay ii Tabanysaa hestani😭😭
@khadarmohamed48124 жыл бұрын
Nin talo Ku ciirtay isagoo Fara mdhan uunbaa dareemi kara
@rukhiyamohamed15204 жыл бұрын
Axya hess Allaha no daa wadankayagi Djinouti
@osmanyussuf70694 жыл бұрын
Allah yacizak Dugsiye iyo Fadumo Axmad
@apdirahmanqalas32152 жыл бұрын
Waaa maxay cidhiidhigu 🥺💘
@xildhibaannuurafarah37542 жыл бұрын
Hadii wacadkii cariiday Ana cashaq hay dilo Adna cano iyo nabad Cimriga ku noolow Waxay ii tahay xasuus itoobiya aan ku dhegaysan jiray 1994
@MustafeElmi-t7b4 күн бұрын
Waxan daawanayaa 2025
@bukhaariyare31396 жыл бұрын
Waa waxa i haystee 😢😢
@zeramoudofficial51754 жыл бұрын
04/9/2020MALIN ZABTIYAH DHAGAYSANAYAH MAR AAN UMUJINAYAY KALGACAYL MARWADAYDAAAA AN ADUNKA UGU JECELAHY XAZUUZ GARA AYAY ITHY
@mahamoudnajah651Күн бұрын
Ereyadi aun abwaan ibrahim gadhle
@lilboss54527 жыл бұрын
Rtd ayaan ku xasuusta Djibouti allow dhowr iyo ciyaal xaafahaygi heron plateau ba
@daheraden50874 жыл бұрын
T'as quel âge?? je fréquentais le plateau et y jouais au basket quand j'étais jeune!!
Culusa allahayow naftu catoo badan ma dhulkan colawno cirkana iguso dumay waa maxay cidhidhigu axxxx intaba igu socotaa
@khadarmohamed48124 жыл бұрын
9/7/2020 maalin khamiisa Uma dhagaysanayo heesta wakhti xun ooon Ku jiro balse waa dookhayga heetani qisaa iiga dhadhanta dad badan la kulantay
@iloveyouhooyomcn95626 жыл бұрын
Yaa salam ax hees Djibouti jano
@mirandabella86847 жыл бұрын
Ubad waala celiyaa cudud logu faana cashaqa ku weeraraa aya loola cawda😓😓😓😓😓
@osmandjama99976 жыл бұрын
Axxxxx
@daheraden50874 жыл бұрын
Waa run walaahi!!! Ax!!! Que dieu ait miséricorde de son âme!! God bless her and has mercy of her soul
@Qofnaba.5 жыл бұрын
adna caano iyo nabad cimriga ku nolaw
@cisman85186 жыл бұрын
Allaha una xariisto
@ahmednoor30458 ай бұрын
Waqti hore
@munadugsiiya50982 жыл бұрын
Culusaa alahayow naftu caato badanaa arimuhu cuyubanaa ciil kaanbi waynaa ma dhulkaan colowno cirkana igu so dumay wa maxay cidhidhigu day Wednesday 16 June 2022 Malin xasuus mudan lkn sidan rabay may noqoty Thursday night sidaan rabay oo safar dheer oon ka galay awgiih gushiih baa I racday
@SacidcaliCali6 жыл бұрын
Culasa allahayow naftu cato badan arimaha cuyubana cilkabi weyna maa dhulka colowno cirka igo sodumay ax wlahi hestan sibey iitabatay 😭😭
@filsanmaxamed35936 жыл бұрын
ilove faadumomaxamed
@anisali22669 ай бұрын
Culusaa allahayow
@AbdikarimIbrahim-f4n Жыл бұрын
What a song ❤😊.
@horiyoningeeyahaguursado23876 жыл бұрын
Culusaa allahayow 😭😭😭😭
@liitoofficial42835 жыл бұрын
Waa.heestan.marka.maqalo.
@nourhassan15243 жыл бұрын
Wow🎻🎻
@nagmaaydarus9364 Жыл бұрын
Ma dhulkaan culoownoo Cirkanaygu soo dumay Waa maxay cidhiidhigu Wakhti kale ayaan halkan soo bookhan doonaa insha allh😢
@nawaadxusen98794 жыл бұрын
fadumo 😍👏
@HousseinartYoussouf5 ай бұрын
❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤
@garbomedia4638 Жыл бұрын
Talo waa callool adeeg
@abdiqadir2293 жыл бұрын
Calooshuna kumay Nicin cidna kaama Raacin saw nabad ii Ceel kuma ridin Kkkkk ...aniga waxaan Ka amaan la.ahay Noocaas oo kale
@housseinfana50657 жыл бұрын
Superbe chansons
@abdishakurmahamed8674 Жыл бұрын
cassava ku werara Aya Lola carara waw aaaaaaaaa
@mohamedosmanadan68642 жыл бұрын
Heesaha Soomaaliyeed ee aad Copyright ku xeri iska daay oo hadda ka fur heestan Copy right ka aad ku xirtay
reer Djibouti beri. horay heesaha reer Somalia blaa been inay bililiqaystaan heestani waxan ka mid ahayd heesihii riwaayadii. duni aakhir seben ee. hoobaladii waa beri dhigeen ka waran
@saaycn54736 жыл бұрын
abdi mohamed qof kaste ayaa garanaaya, heeskan waa original ee maaha copy. Beenta si ula Kas ah ayaad u sheegaysaa si comment kaagu jawaab u helo.
@munahabone39636 жыл бұрын
waxaa iga yaabiyay soomalida aan reer djibouti ahayn meel kaste dood, iyo hadal ayna iska hubin umbay la soo boodan, mise been ay iska garanayaan bay marsiisanayaan ? waan garan wayey, imisa heesood oo reer djibouti leeyihin bay xadeen oo waliba dafiraad indhaha lagugu jiidi. Bal maxamed aden uu noolyahay oo waliba heestan uu kahad lee wax ay iyagu run moodaan umbay dad runta is og iney u sheegaan donaan. dagalkii baa madaxa ku wada dhiftay malaha. Ilahow u gargaar Amine
@iloveyouhooyomcn95626 жыл бұрын
abdi mohamed hhhhhhhhh af nol unba hadla iska hadal kkkkkk
@moustassamatar51406 жыл бұрын
abdi mohamed .. dogoon beenlo war heesta waa ha luu go heesay wabari oo jiriin tuugiin heesa has waa reer somalia
@jamalali31756 жыл бұрын
abdi mohamed reer somalia xagey fanaaniin ku lahaayeen hal nin oo fanaana oo reer somalia lamahayo fanaaniinta oo dhan soomaaliland ayey kasoo jeedeen siiba rer hargeisa ayey ubadnaayeen adeero soomaali waa hore ayey kala guratay nin kasta wixii uulayimid dibuu ula laabtay hadaad wax aad adigu alifatay somali kaaga maqanyahy ka dooni hadii kale haadkaaga hayso haka bixinii yaad jar kadhicinee