No video

Qiso dhab ah!Qaabkii aan Quraanka ku xifdiyay iyo dhibatoyinki uso maray Sh Mustafe Abu Rawdah

  Рет қаралды 31,307

Qanso SomaliTv

Qanso SomaliTv

Күн бұрын

`aashaan jawaabteeda waxaa suura gal ah in marka hore kugu adkaato balse waa lagu xifdin karaa muddo sodon cesho ah Qur`aanka Kariimka waa arin horay u dhacday, si aad u gaarto go`aanka ah in muddo 30-cesho ah ku xifdiso Qur`aanka kariimka waxa ay kaaga baahan tahay qodobadaan.
1-Waa in aad gaartaa go`aan kama dambeeys ah oo ku aadan in aad 30-kaasi cesho ku xifdiso Qu`raanka kariimka.
2-Waa in aad leedahay Himo sareereysa(Hami)
3-In aad la saaxibtaa dad ku dhiiri gilinaya oo aan niyad jab kuugu beereyn ama hoos ku dhigeeyn .
4-In aad sabar leedahay oo aad u adkeeysataa hadiiba ay dhacdo in culeys kugu noqoto .
Waxaa Suura gal in Aqristayaasha u suura gashay in ay aqristaan maqaalkaan ay arin la yaab ah ku noqto in 30-cesho Quraanka oo dhan lagu xifdiyo haddii aad ogaato sababta arintaasi lagu sameyn karo waa ay kuu fududaaneysaa waadna ku qanceysa .
Tusaale Diyaaradaahaani hawada gala ee aynu raacno marka aad eegto sida loo wado iyo sida ay hawada u gasho waad la yaabi laakinse marka aad wax ka barato culuunta la xariira habka loo dooliyo waa ay kuula fududaaneeysaa.
Waxa ugu fudud ee bani`aadanka lagu qanci karo waa xisaab hadaba aynu isla eegno jadwalkaan xisaabeed oo aynu ku xalin doono in 30-cesho lagu xifdin karo Qur`aanka Kariimka .
Haddii aan qaadano daabacada musxafka oo uu Qoray Cismaan Dhaahaa oo gacantiisa ku qoray musxafkaani inta badan aynu isticmaalno .
Qu`raanka waxa kuu gooban yahay 30-Jus , juskiina waxa uu ka gooban yahay 20-bog ama safxo haddii laga reebo Juska ugu horeeya oo labada bog ee ugu horeeya ee Faatixada iyo Shanta aayadood ee ugu horeeya Albaqra oo la qurxiyay waa 21-bog ama safxo iyo Juska ugu dambeeya ee Jus Cama oo isna qurxin ama sharaxaad oo ka kooban 23-bog .
Tusaale: Imisa daqiiqo ayaad ku aqrin kartaa halkii jus ee Qu`raan , hadaba qofka ugu daaha badan waxa uu ku aqrin karaa ugu badnaan 30-daqiiqo hadaba 30-daqiiqo/20-bog ama safxo waxaad hadaba ku aqrisay halkii bog 1.5(daqiiqad iyo bar .
Imisa jeer ayaad hadaba ku xifdin kartaa boggaasi markii aad ku celceliso kaba soo qaad 5-jeer ayaad ku celcelisay 3-jeerna kor ayaad ka aqrisay hadaba waxaad ku xafiday 12-daqiiqo waxa ayna xisaabta ku soo baxday 8 daqiiqo x 1.5 (hal daqiiq iyo bar)=12
Hadaba waxaa loo baahan yahay in 5 jeer aad u fariisataa xifdinta quraanka oo aad shanta salaadood ka dib siisaa Hal Saac , waxa ayna saacad ahaan noqoneysaa 5-saac .
Shanta Saacadood waxa cay noqoneysaa 300-oo daqiiqo hadaba 300 oo daqiiqo u qeybi 12 daqiiqo oo aad bog ku xifdisid 300/12=25(waxaad maalintii xifdisay 25-bog oo ka kooban Jus iyo shan bog .
Qur`aanka Kariimka waxa ku gooban yahay 604-bog ama safxo hadaba 25 lagu dhuftay 25=waxa ay noqoneysa 604-beej ugu yaraan , hadaba sidaa hadaad ku wadid waxaad qu`raanka ku xifdineysa 25- cesho hadduu alla idmo .
Tusaale: Bukhaari waxa uu xifdisanaa kumanaan milyan oo Xadiis ah Muslimna sidoo kale hadaba maskxooda miyaa ka duwaneyd maskaxdeena Maya Maya kaba soo tag kuwaas Qarniga haatan lagu jiro waxa jirtay Haweeney Xaas aheyd oo afar caruur haysatay waxa ay sheegtay in xifdinta labadaan Suuradood ee Albaqra, Alcimra ku qaadatay muddo 7-sano ah .
Waxa ay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay 15-ka bisha Soonka Odeygeena ictikaafna u aaday kacbada ayay sheegtay in yara caajistay ka dibna ay gashay net-ka deedna ay ku aragtay bogga lagu magacaabo Xufaadul waxyeen ayna ku aragtay haween la sheegayo in labadaasi suuradood ku xifdiyeen 3-maalin halka iyada ku qaadatay 7-sano .
Boggii ayay iska diiwaan gilisay jadwalkaani aynu soo sheegnay ayaa loo sameeyay waxa ayna sheegtay in maalintii ugu horeeysaba ay xifdisay 3-Jus 6-cesa markii ay mareeysanna 16-jus sidiina ayay quraanka ku dhameeysay .
Hadaba maskaxda haweeneydaana kama weyna middeyna balse waxaa loo baahan yahay dadaal alla waxa uu yiri(Wafii Anfusikum Afalaa Tubsiruun , Suuratul Aldaariyaat waxaa kale uu alla yiri(Wacallama Aadamal Asmaa kullaah )Albaqra .
Maskaxda uu alla na siiyay waxa ay ka kooban tahay 23Dc(Di Si Mitir) waxaa xeel dheerayaasha maskaxda yiraahdeen in 23-dc ee maskaxda oo ah wax aad u yar ay qaban karto 26-milyan oo buug waxa ku qoran hadaba ma moodeysa in awood intaa la eg ah aad leedahay .
Qabiir ka tirsan jaamacada California waxa uu sheegay haddii qofka bani`aadamka Sikinkiiba loo sheego 10-sheey laguna wado muddo 60-sano ah ma buuxineyso maskaxdiisa marka loo qeybiyo wan milyan hal meel ma aysan buuxsamin hadaba waxa kumbiyuutar dunida yaal sidaa wax uma qaban karaan .
Hadaba waa in aynu ka faa`ideysanaa fursadaasi iyadoo haatan maalmo ka harsan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan , waxaan alla ka rajeeynayaa in aan ku xifdino mudadaasi qur`aanka kariimka oo dhan .

Пікірлер: 29
@amiiraaxmed2943
@amiiraaxmed2943 7 жыл бұрын
masha Allah masha Allah sheekhan alle haxifdiyo markasta waan dhagaystaa alle isagiyo waalidkii haunaxariisto dhiiri galin xoogan Ayaan ka helaaa
@maymunyasin9320
@maymunyasin9320 4 жыл бұрын
Mashallh aniga halsaacna kuma qabto boga iso duceeya waxan rabaa inaan xifdiyo kallaamka Alle inshallh
@ceynimohamedabdullahi8028
@ceynimohamedabdullahi8028 4 жыл бұрын
Yaaa Allah wlashey allah Kufududeyo quranka aniga wan jeclahy Inan xaafid noqdo Xitta qof walpoo muslim eh Wuu jecelyhy
@risktaker9119
@risktaker9119 7 жыл бұрын
Masha allah jazaka allah kheyran Sheekh
@fatumamaalim8775
@fatumamaalim8775 7 жыл бұрын
Manshaalah jazakalah Walakey
@cadeeyabdi5221
@cadeeyabdi5221 7 жыл бұрын
mash Allah sheikh mustafe abu rowdah
@QanaoSomalitvmn
@QanaoSomalitvmn 7 жыл бұрын
Mahadsanid walal
@maafaraxnaa5665
@maafaraxnaa5665 7 жыл бұрын
masha allah allaha ku xifdiyo
@abdiaziz15hassan74
@abdiaziz15hassan74 7 жыл бұрын
jazakalah sh mustafe
@abdiabdirahman8845
@abdiabdirahman8845 7 жыл бұрын
masha allah
@sheikhsheikh8514
@sheikhsheikh8514 Жыл бұрын
Maasha"Allaah Tabaarakallaah Allaah Yaxfidaka
@hawamohamed1404
@hawamohamed1404 8 жыл бұрын
masha. Allah. Allah kuxiftiyo
@khaalidcade7735
@khaalidcade7735 7 жыл бұрын
Hawa Mohamed
@maidomussebassar7433
@maidomussebassar7433 7 жыл бұрын
Masha allah
@zainababdullahi5845
@zainababdullahi5845 7 жыл бұрын
mashallah sh mustafe abu Rawdah
@QanaoSomalitvmn
@QanaoSomalitvmn 7 жыл бұрын
Mahadsanid walal
@zainababdullahi5845
@zainababdullahi5845 7 жыл бұрын
May God bless you
@QanaoSomalitvmn
@QanaoSomalitvmn 7 жыл бұрын
Mahadsanid walal
@maxamed19ib
@maxamed19ib 3 жыл бұрын
Maaansha allaaah shiikh allaah haku xifdiyo
@maryanabukar8131
@maryanabukar8131 8 жыл бұрын
masallah
@arabe9921
@arabe9921 2 жыл бұрын
Mshllh tabarakallah waa sheikh fcn runtii halagu deesto
@saamiyaisxaaq2930
@saamiyaisxaaq2930 3 жыл бұрын
Masha Allah
@noidentificado5455
@noidentificado5455 5 жыл бұрын
concuerdo con este video
@abdifitahmohamed535
@abdifitahmohamed535 9 ай бұрын
In aad magacowda ma aheyn macalinkaada .
@zainababdullahi5845
@zainababdullahi5845 7 жыл бұрын
u were really funny person
@QanaoSomalitvmn
@QanaoSomalitvmn 7 жыл бұрын
Mahadsanid walal
@bilehaaji7171
@bilehaaji7171 Жыл бұрын
Ciladaan anige i haysataa xinfdin xumo talo ayaan rabaaa??????
@aishanor6635
@aishanor6635 7 жыл бұрын
masha allah
@maryanabukar8131
@maryanabukar8131 8 жыл бұрын
masallah
XUFAADA HARGEYSA YAA COD MUDAN
3:45
WARBAAHINTA NOLOSHA ISLAAMKA
Рет қаралды 30 М.
OMG what happened??😳 filaretiki family✨ #social
01:00
Filaretiki
Рет қаралды 13 МЛН
My Cheetos🍕PIZZA #cooking #shorts
00:43
BANKII
Рет қаралды 28 МЛН
ISSEI & yellow girl 💛
00:33
ISSEI / いっせい
Рет қаралды 24 МЛН
SPILLED CHOCKY MILK PRANK ON BROTHER 😂 #shorts
00:12
Savage Vlogs
Рет қаралды 49 МЛН
faaidooyinka xifdinta quraanka lagahelo sh umal
18:57
markis shamsudiin
Рет қаралды 3,4 М.
Sirta Guusha • Hadda Bilow! | Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil
53:06
Si fudud ku Xifdi Quraanka| Qaabka ugu Fudud| Sheekh Mustafe|2022.
11:07
Qaababka Wax Loo Xifdiyo oo Wax Walba loo Xasuusto
12:51
Maskax Quudiye
Рет қаралды 279 М.
Sideen quraanka u xifdiyaa- Sh Mustafe Abu Rawdah  1/2
35:53
Masjid iqra Odense
Рет қаралды 23 М.
OMG what happened??😳 filaretiki family✨ #social
01:00
Filaretiki
Рет қаралды 13 МЛН