Abwaan Aadan Tarabi // Maansadii Good Iyo Guuleed // Muuqaal IYO Qoraal // Video and Lyrics//

  Рет қаралды 1,923

Tayo Channel

Tayo Channel

Күн бұрын

Yasin Qarbooshe
Waxaanu yidhi:-
Googaa Hadraawoow
Gaariyowna cigalee
Geney weeye xaajadu
Good baan nin cunay beri
Guursaday habeenkaa
Gabadhii arooskii
Gogoshii ku keliyee
Geeri lama filaanaa
Guryihii ku timiyoo
Gacalkiina subaxii
Raadkiisii buu guray
Isagoon god weli helin
Meeshuna gawaan tahay
Aan geed la cuskadaa jirin
Buu gadaal jaleecada
Arkay guuto raacda ah
Guul-darayste meeluu
Ku gabado ma haystee
Gocashuu miciinsaday
Inyar goortii loo jiray
Ayuu goodkii nin u yimi
Guuleed la odhan jiray
Oo iska gooni socoto ah
Wuxuu yidhi gantaalaa
La ila gaadayaayoo
Gurmad baa igu soo dhow
Gudmaa la isataa badan
In la i gawracaabaa
Talo lagu gudoonsaday
Go’i waa imagan geli
Hadii aad nin goba tahay
Garanmaayo buu yidhi
Jilbiskaa galaasha leh
Iyo gooh dhegeystaha
Sidaan Good ku aamino
Goormay dad iyo bahal
Gacan-saarka yeesheen
Colaad sii gun dheeroo
Guuna baa dhex taalaye
Bini Aadmi goormay
Gacal noqdeen abeesada
Imikana waar Goodoo
Aan kuu gebagebeeyee
Inaan goob xun lagu dhigin
Ha i gunaanad seejine
Ana galabta ha I dilin
Wuxuu yidhi in gawsaha
Waabayda gaaxsaday
Miciyuhu ku gaadhaan
Haka yaabin Guuleed
Mana ihi gabraartaha
Gunta habar-dugaagee
Xor gurguurataan ahay
Guuleed ismuu odhan
Goodkuna naftaaduu
Inuu gooyo jecelyahay
Guuxna wuxuu ku sii yidhi
Allahayoow guracanaa
Isu soo galkeenani
Wuxuu yidhi bal Goodoow
Hadaan kuu gargaar falo
Goormaad iga hadhaysaa
Wuxuu yidhi goshaa dhow
Kula gaadhi maayee
Guutadaa i daba mari
Waayahaye Goodoow
Ma guntigaan ku geliyaa
Mise garanka hoosiyo
Gaadada dhexdoodaa
Anaa garanayuu yidhi
Igu qari go’aagoo
Luquntaada sida geed
Aan is giringirshee keen
Kuma diidin Guuleed
Geb ku soo dheh buu yidhi
Goodkii ninkii qari
Gaadihiina daba mari
Guutadii ka nabad geli
Markuu geeyay meel aan
Weerar lagala gaadhayn
Ee uu gadiidkii
Sidey maalin gelinkeed
Goodoow soo deg buu yidhi
Waayahaye Guuleed
Allahayoow gobsenidee
Weligaa naf goolmoon
Kumaad dhaafin gaajo’e
Gartay deeqsi baad tahay
Goobaha dagaalkana
Nin ku geesiyaad tahay
Goortay u daran tahay
Nin la magan galaad tahay
Garaad beelo daaje’a
Guun aqoon leh baad tahay
Geestii la eegaba
Garbo la dugsadaad tahay
Hadaan gabadh ku siin laa
Isma geyo dad iyo hee
Bahal hoose Guuleed
Ido gorad madoow iyo
Geestayda xoolaha
Weligey ma dhaqan Geel
Xagayaga Gamaankiyo
Geenyo lagama qoofalo
Gebigeed wax lacagana
Ma hayaan guryahayagu
Mar hadaanan garanayn
Guushii balaadhnayd
Waxaan kaga abaal gudo
Anay ila gudboon tahay
Sidaan adiga kuu galo
Waayahaye Goodoow
Goor-danbaynu joognaa
Gabood daydayuu yidhi
Wuxuu yidhi nin godob qaba
Geyigaba dhamaantii
Laga goobayaan ahay
Waxse galabta sheeko leh
Nacasnimada Guuleed
Gadhku kaaga soo baxay
Guuleed markaasuu
Ka dareemay Goodkii
Inaan laga geyoonayn
Wuxuu yidhi mar Goodoow
Gondaa kaalay hoosoo
Garbahayga soo dhaaf
Guuleed warlaawoow
Gaagaabso buu yidhi
Good cuna ku maranoo
God dhul waayay baan ahay
Guudkaaga kama dego
Ha gilgilanin buu yidhi
Gacmaa laabo buu yidhi
Go’a ha huwanin buu yidhi
Markaan gano jidhkaagee
Dhiigaaga gororsado
Guulyahay dheh buu yidhi
Garaac sacabka buu yidhi
Goortay u daran tahay
Gaadh iga qabuu yidhi
Inaan gamo ha moodine
Waan kuu il-galaclayn
Waana kuu gol leeyahay
Guuleed naftiisuu
Goor-baas canaantoo
Gebi Igu dun buu yidhi
Gabal baasna ha i dhaco
Dhib wixii i gaadhaba
Anigaa isu geystee
Goblan bahasha hoosaay
Ilayn Good abaal maleh
Genayoow bal labadaa
Sidee baad u kala guri
Gaariye maskii iyo
Kala saar bal Guuleed
Good iyo Hadraawoow
Ugar-qaad ninkii sidey.

Пікірлер
GOOD IYO GUULEED
12:42
Minbarka
Рет қаралды 15 М.
Gabaygii Abwaan Helaale
28:19
BAARUUD MEDIA
Рет қаралды 138 М.
Epic Reflex Game vs MrBeast Crew 🙈😱
00:32
Celine Dept
Рет қаралды 9 МЛН
Good teacher wows kids with practical examples #shorts
00:32
I migliori trucchetti di Fabiosa
Рет қаралды 10 МЛН
QISO AAN HORE LOO ARAG gabdh jaceyl dartii isku gubtay
25:53
Jeestaawi Channel
Рет қаралды 134 М.
Taariikh Faneedka Abwaan Aadan Tarabi Qaybta 2aad
26:45
Cumar Seerbiya
Рет қаралды 71 М.
Good iyo Guuleed iyo Abwaan Aadan Tarabi
13:24
Eryal Multimedia Hub
Рет қаралды 84 М.
abwaan maxamad gacal xaayow allaha u naxariisto gabay gobnimo
5:23
Aadan Tarabi Jaamac (Qaybtii 13aad)
17:11
MJ Duran
Рет қаралды 13 М.