heestaan imisa fanaan baa iskugu tagtay waan ku wareere aniga axmed mooge baa igula ma quulsan
@osmansufi406610 ай бұрын
Ina mooge yaa la qaada heestani waxa wada qaada asalkeeda sooraan iyo aamina aun berigaa ay soo baxday ina mooge caanba ma ahayn weydii radio hargeysa iyo dadka kaa waaweyn xataa waxa ka daba qaaday aun kuluc
@liibaancaraboow98615 ай бұрын
Heeska asalkiisa waxaa lifay cabdullahi diiriye Sooraan Waxaana ku wada Luuqeeyeen Abdullahi diriye Sooraan iyo aamina cabdillahi Sido kale Waxaa kol labaad Lo Dhiibay Kuluc iyo Magool Oo Iskula luuqeeyeen Sido kale Waxaa Dib Dambe Ka qaaday axmed Mooge Oo Kaligiis qaadaya
@osmansufi406610 ай бұрын
Waa originalkii heestan aun sooraan iyo aamina waxa keli keli oo aan lamaane ama nin iyo naag ahayn ka dabaqaaday kuluc iyo mooge waa erayadii abwaan cabdi qays sooraan saaxiibkii iyo odaygii u horeeyey ee aamina cabdillaahi guursadey ee ay u dhashay inantii uu heesta u tiriyey Aabo nimaan ku caashaqin taariikhda waa in aad taqaaniin
Dad baa u heystaa laxanku in uu yhy sida saxda qaabka fananku u qadayo lkn taas waa codka u gaarka ah ee fananka heestaan sidoo kle wXa qada m mooge ee soo dhageyso laxanka farqi ba u dhaxeya mulaxankii sameyay hdduu ku dhawaqo asna si kle bu ugu dhawaqya lkn intokduba wa iska ag dhow yihin
@saidmohamed74510 ай бұрын
Axmed mooge baa qaaday ee maxamed ma qaadin
@RadioQaraami Жыл бұрын
QORAALKA HEESTA (LYRICS) Jidhku muu dubaaxsheen Naftan oon ku jirinoo Cirku jabaq ma keeneen Tiiyoon jirin daruuruhu Ifka la maba joogeen Dhulka oon la jiifine Ogoobeey jacaylkuna Waxaan jirin hadduu yahay Jalleecadaan ku eegaba Jirro i ma haleesheen Mana jidhiidhicoodeen Intaan jaha wareeree Miyaan xalayto jiifsaday Jidh jidhkaba miyaan dhigay Riyaad igu la joogtee Miyaan xalayto jiifsaday Jidh jidhkaba miyaan dhigay Hadhkaagaa ila joogee Micigii dhul jiifiyo Jillab qodax leh waa halis Haddaad guuro jiidhee Jiic iyo Cadaadee Jiiri waad ku xirantaa Jeerin dhul uu ku yaallee Jidiin wuxuu caddaadaa Ama oonku jabiyaa Markaad jeex abaariyo Jid cidla ah lugaysee Jabka kaa ka sii daran Hayay waa jacaylkee Miyaaan xalayto jiifsaday Jidh jidhkaba miyaan dhigay Hadhkaagaa ila joogee Miyaan xalayto jiifsaday Jidh jidhkaba miyaan dhigay Riyaad igu la joogtee *********************** Igu curay jacaylkii Igu jabi silsilad adag Intuu jaanta kuu rogay Adna kula jiciiree Intuu caynka kuu jaray Anna heensa igu jabi Jirrideeyna dhigayoo Labadeena jeex qudha Jidh jidhka isku keen gali Waxay talana joogtaa Ama hadal ku jaranyahay Doqon waa la jiitaa Wanaag baan u jeedaa Samaheenna maad jarin ? Mise wacadka waa jabin ? Miyaan xalayto jiifsaday Jidh jidhkaba miyaan dhigay Riyaad igu la joogtee!. Erayada Abdi aadan xaad qays Laxankii AHN Ahmed Gacayte Riwaayadii Gaal iyo Islaam 1967.
Maxaa keeney mooge iyo kuwa ka daba qaaday waa tan originalkii oo ay wada qaadayaan sooraan aun iyo amina cabdillahi mooge keligii wuxuu qaadaa beydadka ninka taa ku garo in tani tahay original waxa kale oo ka daba qaaday maxamed axmed kulic aun