Gabaygii Gubaabo Ee Abaaraha uu ka Tiriyay Abwaan Xasan Daahir "Weedhsame"/// Tayo Channel

  Рет қаралды 228

Tayo Channel

Tayo Channel

Күн бұрын

Gurbood dhariyiyo waayeel
Gayaxa geesi kaga qaysha,
Abaar Geela🐪 idlaysaa dhacdiyo
Geed🌴 wada leef'e,
Iyagoo badhkeen oon u go'ay
Haad🦅 ku gabas leeyaya,
Hadaynaan gurmaninoo
Hakrano waa gunimo weyne,
Guntadaay masoo bixin
Fadhiyo maalin la gamaay'e,
Saddex goor haddii aad
Gasiin gawska la helayso,
Haddaad midhaha geedaha ku yaal
Gurato hoobaanta,
Haddaad guri dugsoon jiifto iyo
Ilo-xidh kuu gaara,
Haddii goolal kuu looggan yiin
Dhereg ku goohayso,
Way galangalcoobeen
Dadkii kugu gadaanaaye,
Goonyahaaga baahida jirtaa
Waa mid ganac weyne,
Giriyaad harraad baa ku dilay
Gabanadeeniiye,
Hooyada sidii awr gurgura
Guudka ubad saartay,
Ee socodka goobyaalaysee
Qaydku kala gooyey,
Ee goror biyo ah haysanee
Luunka lagu gaadhay,
Ee weliba gabankay siddaa
Hooyo garow leeyey,
Bal is gee halkay taagantahay
Maanka uga guur gal,
Bal dareen waxay gaydh qabtiyo
Gabi dhacaa haysta,
Uma waayin guullaha ILAAH
Gaawe iyo soore,
Aduu garashadaa eegayaa
Gaalka inaad dhaanto,
Marka hebalo loo guusayee
Doorashada gaadho,
Laabtaan garaacnaa waliba
Ginida dhiibnaaye,
Ka kacaayda guubaabadiyo
Wax isu geygeynta,
Waynaga nimaan gees ridayn
Laguma guuraanka,
Gumariyo adduun siinaneen
Gurano qaadhaane,
Ka goolmoon se waan garab marnaa
Kana gudhnaanaaye
Gurmadaay dadkeenii miyiga
Waan ka gaabinaye,
Bari iyo galbeed iyo dalkii
Afarta geesoodba,
Reer guuraa iyo beeralay
Migyiga garangartii taalay,
Qayla dhaan galiilyey
Intaa soo gudbinayaane,
Gargaarkii walalnimo hadaad
Maanta gudanayso,
Gacan qabadka ay filanayaan
Yaan la garan waayin,
Gargoor cawsa maatada
Sideed daadsan giriyaadka,
Dariiqyada gabdhaha taaganee
Gacanta hoos haystay,
Waayeelkii gabar gaarayee
Gaati soconaayay,
Hooyooyin geerida u dhow
Iilka garab yaalay,
Jiilaal garaada le dadkoo
Gahan gihii leefay,
Iyagoo wax loo geeya iyo
Guno ka eegaaya,
Saf u gala diwaan galin
Ninkay garashadii siisay,
Xil ma gudan midhkaasina guntaye
Qodaxi goorteeda,
Marka godol la waayee
Nafluhu baahi golowsoobo,
Marka guga hilaacaa
Biyaha gororo kuu diido,
Galool damal ahaa maalintuu
Xididka soo goosto,
Markuu guruxu daymada ka roga
Ciida gubanaysaa,
Guunyada nin laa maalintuu
Goob xun kaga baydho,
Gaba gabo dad yuururoo
Geer u gali waayay,
Hadii geedi loo raroo
baryo Guula lagu eerto,
Deeqdiisa gaaxsan Rabbay
Gaajo bixisaaye,
Allahaan gaf aadmiga ku qadin
Qadaf kastuu geysto,
Allahaan adoomaha gumeen
Gacanta hoos haysta,
Isagaa gufeen kara docdaan
Hararku gaadhayne,
Go'a madhan Raxmaan baan
U dhigay gumaradiisii,
Adigaan ninkaad gaadh u tahay
Guluf aan jiidhayne,
Adigaad ninkaad gowdhisaa
Gaba gaboobaaye,
Adigaad ninkaad guusha siin
Tiisu gudubtaaye,
Adigaad ninkaad gaax tirtana
Gaajo solotaaye,
Adaan geedna kaa qarin
Qalbiga xaalka gubayaaye,
Inkastuu gabood falo nafluhu
Gu iyo jiilaalba,
Guulaha dul qaataad tahee
Oon ha nagu goynin,
Gargaaroow raxmaanbaad tahee
Cayn ha nagu giijin,
Gacmihii madhnaabaan wadhnee
Maanta nagu goobo,
Abaaruhu gafkayagii batiyo
Galabsi weeyaane,
Goortaan dulmiga gaaxsaney
Guurtay dhibicdiiye,
Rabboow gamashibaan taaganahee
Roobka nagu guud fur...... Aamiin
Xasan Daahir "Weedhsame"

Пікірлер
Abwaan Xasan Daahir Weedhsame - Waraysi Dhammeystiran.
1:13:17
Hilin Show
Рет қаралды 160 М.
РОДИТЕЛИ НА ШКОЛЬНОМ ПРАЗДНИКЕ
01:00
SIDELNIKOVVV
Рет қаралды 3,5 МЛН
GIANT Gummy Worm Pt.6 #shorts
00:46
Mr DegrEE
Рет қаралды 125 МЛН
abwaan maxamad gacal xaayow allaha u naxariisto gabay gobnimo
5:23
DEG DEG HABAR JECLO FURAHA GUSHA XUSBIGE BAY SINAYSAA
11:22
Buurdhaab media 1
Рет қаралды 1,1 М.
РОДИТЕЛИ НА ШКОЛЬНОМ ПРАЗДНИКЕ
01:00
SIDELNIKOVVV
Рет қаралды 3,5 МЛН