Warkii Biif Baaf // Ibraahim Sh Saleebaan// "Ibraahim Gadhle"//Alle Ku Naxariisto Amiin.Tayo Channel

  Рет қаралды 4,430

Tayo Channel

Tayo Channel

Күн бұрын

Alle Naxariistii Janno Ha Waraabiyo
Amiin Yaa Arxamu Raaximiin.
Halkani waa biifbaaf
Raadiyow badaa
Warkiiyoo bushqadaysan
• Barwaaqaynta orob!
• Baylahdii afrika!
• Badalaada aduunka!
• Nabar aan bogsaneyn!
• Geesi aan bah lahayn!
• Badhaadhe aan is ogeyn!
Intaasi waxay ahayd warkiiyoo bushqadaysan
Imikana isagiiyoo bahardaada,
• Barwaaqaynta orob
Aboolii boqolaadbaa
Dayaxa loo bixiyey
Baratanbay ku jiraan
Hadba kii badin laa.
• Badalaada aduunka
Bortaqiiska angoola
Badiiradiisii ka leebay
Boqor xayla salaasa
Bustaa jeelka u yaal
Bukaana waa lagu sheegay.
Bisad jiir iska daysay.
• Nabar aan bogsaneyn
• Bari dhexe
Boorsa ciid garabkeediyo
Inta buurta la haystee
Masaajidkii baxsanaaye
ILaahay barakeeyey
Gaalka baarada weynle
Beeraha uu ku cabaayo,
Beyruudna ay gubayaan,
Falastiin baabasantahee
Bilcanteedii wacneyd
Baahada ay guranayso,
Asraa'il badradeedii
Waliba ay bu'aysee
Barbarjooga mareekan,
Carabina buufta ay hayaan
Waa ma baaqde dagaal.
• Geesi aan bah lahayn
Baashihii feedhka u haystay
Baarliinbuu xalayto
Bidixdaa mid ku feedhay
Isagaa Ka badshay,
Biladiina u diiday,
Waxa loo bakhsayaa
Midabkaa bahdilaaya
Kumana tiirsana buur.
• Badhaadhe aan is ogayn
Carabtaa bari weeyi,
Badroolkeediyo saaska
Hadii ay banadaaney
Baasiinkooda xidhaan,
Dowladahaa is bidaayaa
Bakhtigaa noqon laa,
Kolka uu birahoodiyo
Baabuurkoodu istaago
Biri sidaanku dhigiyo
Bacadka ay ku gubtaan,
Dibaa loo baryi laaye
Waa badhaadhe aan is ogeyn.
• Baylahdii afrika rudiishiya
Rudiishiya waa laga boobay
Bandiiraday sugayeen
Budhcadbaa ka dilaacday
Nimankaa ka biyeeyayna
Boqol weeyi cadaana,
• Koonfur afrika
Balo koonfur afrika
Waata la iskugu biirshey
Ba'a haysta dadkaa
Kuma noola basaasku
Bulufaarkiyo dowga
Boqolka kaan ku ordeyn
Ama baalaha eega
Booliskaa tooganaya,
Baarku waa ka mamnuuc
Bun iney ka cabaan
Bonjour laysma idhaahdo.
Intaasi waxay ahayd warkii oo bushqadaysan
Imikana faaladii warka.
Faaladu maanta waxay ku saabsantahay
Geeska afrika,
• Somaliyeey huguguf huguguf
Rati heeryo la saariyo
Ilmo reer go hagoogtay,
Idinkoon hanti haysan
Dhulkiinoo hodana
Hadhuudh aydun cuntaaniyo
Heed ka beero ma diiday,
Hadaydaan hiigsaneyn
Kuwaa heegada gaadhay
Habsaan beydun tihiine
Hirwada iska ciyaara,
Oo he'le'le hela wiloow he le'la.
• Soodaaneey hardadaf hardadaf
Nimaan hooyo u geyniyo
Ilma heyb kala sheegte,
Maalintii hawdiyo loor
Warmaha iskugu haystoo
Hadba kiina halyeya
Halboowlaha kala gooyoo
Ragga haadka cunsiiya
Habeenkiina balweeya,
يا قمر بوبا عليك,
Hadaydaan hiigsaneen
Kuwaa heegada gaadhay
Idina waad hurudaane
Hayb haybtaad isku dishaaniyo
Heeri heeriga daayoo
Hablihiina amaana,
• Xabashaay hidifaa hidifaa
Dirkii hayla salaasiyo
Ilma reer daji huurshey,
Hodon weeyi dhulkiinu
Heegadaa idin dul joogta
Dahabkaa hadhsanaaya
Madeydaan hagar beelin,
Oo dharka aad huwantihiin
Habari iskuma quudhee
Ma habaarbeydun qabtaan?
Calankaad hadhsataan
Dowladahaa hanjabaaya
Idinkaa ugu horeeyoo
Huudhina meydun sameene
Xageebaad ku hadheen?
• Kiiniyaay hototosh hototosh
Ilma reersan hadhuub
Hororkii ingiriiskee
Hilbihiina cunayee
Hogonaayey dalkiina
Habaaskii barigii
Halkii beydun fadhidaane
Maxaad hawl qabateen?
Hadaydaan dhulka hooyo
Hoobaantiisa cuneyn
Harqaduu idin siiyo
Hooyoo ceeshoo
Gaalada ika hambeesta.
• Carabeey habayac habayac
Ilma xiiso humooyi,
Asraa'il waanu hujuumiyoo
Habeenbaan gubaynaa
Hindisa aan soconeyniyo
Hadrad faaruqa weeyi,
Falastiinta hadh u weydeen
Hawdka geelu ku foofo
Habqankeedii maraaya
Cadaawaha uga hiisha
Dhulka la idinka haystiyo
Kala soo hadha maalka....
#YasinQarbooshe

Пікірлер: 3
@JIMCAALE__10
@JIMCAALE__10 19 күн бұрын
Waa badhaadhe aan is ogayn abwaanku waa indheer garadka bulshada 30 sanno ka hor ayuu ahaa muqaalkani maanta intaa uu sheegayba waa jiraan alle ha u naxariisto abwan ibrahim gadhle iyo dhamn intii inaga baxday.
@Tayochannel333
@Tayochannel333 5 күн бұрын
Jasaakallaahu Khayr Walaal. Aamiin Yaa Arxamu Raaximiin, Inagana Alle ha inooga daba Naxariisto, Aamiin Yaa Arxamu Raaximiin...
@JIMCAALE__10
@JIMCAALE__10 5 күн бұрын
@@Tayochannel333 aamiin aamiin
Maanso 1 ___  DIRSOOC {Ibrahim Gadhle}
9:37
Tixraac
Рет қаралды 480 М.
Spongebob ate Patrick 😱 #meme #spongebob #gmod
00:15
Mr. LoLo
Рет қаралды 22 МЛН
小天使和小丑太会演了!#小丑#天使#家庭#搞笑
00:25
家庭搞笑日记
Рет қаралды 47 МЛН
GIANT Gummy Worm Pt.6 #shorts
00:46
Mr DegrEE
Рет қаралды 125 МЛН
Shirweynihii Lixaad ee SNM Ibraahin-Gadhle Maansada Dirsooc
15:35
Boobe Yuusuf
Рет қаралды 38 М.
"Maansada Dirsooc" Ibrahim-gadhle AHN
9:13
Sir Jama
Рет қаралды 40 М.
KAROONE IYO KADUUDIYE IYO ABWAAN GUURE.
12:43
KNN
Рет қаралды 89 М.
Riwaayad Reer Jabuuti  (3aad)
7:14
MJ Duran
Рет қаралды 127 М.
Ibrahim Gadle
7:33
7Selel
Рет қаралды 251 М.
Spongebob ate Patrick 😱 #meme #spongebob #gmod
00:15
Mr. LoLo
Рет қаралды 22 МЛН