khadra daahir iyo saalax qaasim hadii samir | caashaqu sad weeye | hadii samir wax lagu helo

  Рет қаралды 817,911

DHUGMAAL LYRICS

DHUGMAAL LYRICS

Күн бұрын

HEESTA : CAASHAQU SAD WEEYEE
ERAYADA : MAXAMED AADAN DACAR
LUUQDA : SAALAX QAASIM & KHADRA
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA ( LYRICS )
Haddii samir wax lagu helo
Ama jacaylku sahal yahay
Adigaan ku sugayoo
Sida sabi dhallaanaan
Nafta kugu sasabayee
Saadaashii maan arag
Ma sii daynin wacadkii
Salalkana ma daayee
Taladeenu seegseeg yaanay
Muruqa laba suul
Midba si ku ah noqonnine
Caashaqu sad weeyee
Samo maysla garanaa ?
************************
Haddii salalku orad yahay
Ama salowgu ciil yahay
Aan kuu saafo hadalkee
Caashaqaan i kaa sudhay
Waa laga sokeeyaa
Suugaanta ila garo
Erayada sarbeebta ah
Xiisahana wax iga sii
Taladeenu seegseeg yaanay
Muruqa laba suul
Midba si ku ah noqonnine
Caashaqu sad weeyee
Samihii iska illoow
*********************
Haddii socod wax lagu helo
Ama sabab kalgacal yahay
Sabadaad ku nooshiyo
Sadadkaaga kama tago
Hurdadana ma seexdee
Saadaashiina maan arag
Ma sii daynin wacadkii
Salalkana ma daayee
Taladeenu seegseeg yaanay
Muruqa laba suul
Midba si ku ah noqonnine
Caashaqu sad weeyee
Samo ma isla garanaa ?
*************************
Haddii surinku marin yahay
Sakashuna qallooc tahay
Eed laysma saaree
Dadkaan kaama soocinee
Sadarkaan mid ku hayaa
Suugaanta ila garo
Erayada sarbeebta ah
Xiisahana wax iga sii
Taladeenu seegseeg yaanay
Muruqa laba suul
Midba si ku ah noqonnine
Caashaqu sad weeyee
Samihii iska illoow

Пікірлер: 177
Worst flight ever
00:55
Adam W
Рет қаралды 40 МЛН
Khadra Daahir Cige 🔥Iyo Heesta "ALLAY BADAY JACAYLKEE"
13:08
WAAYO WAAYIHII WACNAA
Рет қаралды 880 М.
HEESTII IXTIRAAM LYRICS| |XABIIBA XASAN TOOXOW
10:17
Gofadhe Lyrics
Рет қаралды 1 МЛН
SAALAX QAASIN HAYAAN WITH LYRICS KABAN
11:44
GEEDI SHAAMBOW STUDIO
Рет қаралды 160 М.
saalax Qaasim & Khadra Daahir
10:57
Hassan Hassan
Рет қаралды 219 М.
daa,uud cali iyo maandeeq hees sidii webi durdurayoo orginal +lyrics
11:43
Worst flight ever
00:55
Adam W
Рет қаралды 40 МЛН