Marka hore A.H.U.N Abwaankii weynaa ee ereyadan heesta iska lahaa abwaan Cabdiqaadir xirsi yamyam Iyo fanaankan Heesta qaaday Hanuuniye Intaa duco dheh Aan usoo noqdo halka aan u socdo Bal waxaad sawirataa Ninka inanta jeclaa ee qalafka iyo qadarta Rabi uu Ninkale ku daray ee raacshay Ee hadana Inanta Ninkaa ay u dhaxday ee marwadiisa noqotay Dardaaran iyo taloba siinaya waliba si niyad oo kalsooni leh oo leh gabadhaa aad gacanta ku dhigtay ee aad mulkiday maaha qof ciyaara waa qof qiimo qaayo quruxba Alle u dhameeyay oo waliba dhabeel ah waar hooy hooy qoftaa Ilaali magaceeda muuqeeda milgaheeda qiimaheeda intaaba ilaali oo dhowr waa boqol ka roone waa filkeed ka roone waa gaariye Nin nasiib leh baa hela Ka'ay gogol la seexataa diif iyo dihaal toona ma arkee duco waalidbay qabtaa oo waa mid sheydaan iyo intii xunba looga xirsi xidhay Hadaba Ninkaas Muxuu abwaanku kula dardaarmay oo uu yidhi Aamina ka ilaali hadanba aan qodob qodob kuugu kala dhigdhigee waliba anigoo sharaxana raacinaya 1: waa libin dadnimaduye aamina kan doortoow daji meel barwaaqa ah dihaalka gaajiyo dibin daabyo yay arag# ◇ dadnimo iyo dabeecada waa laba shay oo cajiib oo ma guurto ah mana aha wax qofku iska keeno ama iska dhigo hase ahaate waa deeq iyo galad uu Alle bixiyo wuxuu abwaanku ula jeeda dadnimo u muuji aamina Waliba isagoo kusii daray deji meel barwaaqo oo ay ku indho doogsato oo ay ku nasato oo ku nafisto sidoo kale Dihaal iyo gaajoba ka ilaali xaaskaaga oo u shaqee oo adoo rabigaa kaashanaya shaqayso oo muruqaaga wax kula soo bax oo xalaal ah si aanay xaaskaagu dihaal iyo gaajo aaanay u dareemin ugu danbeyn Abwaanku waa yamyame A.H.U.N wuxuu leeyahay dibindaabyo been iyo lugooyo ka ilaali xaaskaaga oo run ku dhaq reerkaaga daacadna u noqo 2:daranyadu ma fiicnee yay ka noqon maryuhu duug ha u yaalo dahabkuna daris aan haboonayn yay dareemin qayladii* Wuxuu ku dardaaramaya Ninka aamina u dhaxday ee afadiisa noqotay Dayacu ma fiicna oo waa dhaliil kana sii daran marka maryuhuna duug ka noqdaan soomalidaa ku maahmaahda Hugaagu way kula baryo tagaan markaa ka ilaali aradka iyo dayaca oo dhergi dhar wacana u xidh Qodobka kale ee xaasxaasiga ahi ee heesta ku jiraa waa daris aan haboonayn yey dareemim qaylada muxuu abwaanku ula jeedaa Waligaa gabadhaada ka ilaali ereyga xun ee aad dadka hortooda kaga odhanayso ee nacabku u maqlayo ee ay ku wiirsanayaan una maqlayaan waayo bilow aadan baad tihiin waa laysku dhici karaa oo khilaaf waa imanayaa hase ahaate gamco geeli jire hoos baa loo dhaqaaye iyada oo aad labadiina qudha tihiin wax u sheeg oo is waaniya oo is toosiya. 3: dibada iyo gudahaba meelaha la daawado ee dalxiiska loo tago ha il doogsatee gee Aamina dalxiis gee oo jawiga iyo meesha ay ku nooshahay ka kexee oo meelaha dalxiiska iyo daawashada ugu fiican ee isha niyada qalbiga jacaylkaba u fiican gee oo soo daawad sii dib ha usoo yaraate ileen waa xuural cayne. 4: dusha nabar ha taabsin ha dagaalin waa gobe hadal doqon ma garata ha ku dayin ma yeshe Waligaa Gabadhaada ha dilin gacana ha u qaadin waayo waa gobonimo daro iyo gunimo. Waayo marwadaadu waa caruurtaada hooyadood waa xaaskaaga waa jacaylkaaga waa qof gob ah uma qalanto in la dilo oo gacan loo qaado iyo in hadal niyadeeda dilaya oo nacasnimo leh lagu dhaho Hadaba qalinka aan dhigo warkana aa soo geba gabeeyo Dumarka La qabo waxaa jira waxyaall dila oo laga ilaaliyo oo ay ka mid yihiin ~ UMUL AY KU GAAJOOTO ~ USHA FIIDLA LALA DHAXO ~ HADAL XUN OO TAMOOTI AH ~ ARAD IYO DALDAALYOW ~ WAARIG ~ EREYGA XUN EE NACABKU U MAQLAYO Nabad ahaada meelkasta oo aad dunida ka joogtaan
@yurubpppe6568 Жыл бұрын
Qp
@TayoSpareparts8 ай бұрын
War waad dhamaysay inaader guulayso sxb ❤❤❤
@cabdalecismaan8 ай бұрын
mansha alah wllo ilaahay haka abaal mariyo wr nio anigu wxaan qaatayba inta dumarka lagula dhaqmo dumarka la qabo ee ah 1 ka ilaali gaajo inta umusha 2 hadalka tooska ah ee nacasnimada ah 3inaad hadal kulul ku tidhaah markay cidi idinla joogto ❤ ka ilaali
@djamakayadali24277 ай бұрын
😊pppp
@Cabdiraxmanjamac-jh8nf5 ай бұрын
Cajiib waxaan ku soo biirey daawadey 2024 07 11
@ahmedabdiqani62437 ай бұрын
Abwaan yam yam 2006 ayuu shil baabuur ku dhintay London Ilaahay ha unaxaristo. Haybtiisa Darood, Mareexaan, Ree Diini, Re Xirsi ayuu ahaa.
@sakeriyaabdulkadiraded68286 ай бұрын
Mareekan Ohio colombus ayuu ku dhintay shil gaari Allaha u naxariiste sxb baan aheyn Xamar jadiid buu dagana sanadihi u danbeeyay
Abwaan aan jeclahy sugantiisa murtidiisa iyo hadalkisaba allaha kuu naxariisto ❤️
@ayuubyare78712 жыл бұрын
Legendary zxb waaku tageeraaa waxa channelkaaga soo galisaa heesta faraskaagi laga badi
@kayseali80707 жыл бұрын
Ilaahay ha u naxariisto Cabdiqadir Xirsi yam yam dhamaan ummada soomaaliyeedna Samir iyo iimaan haka siiyo
@mahaddirirgeesood95564 жыл бұрын
Wariyaha iyo abwaanku wey mahadsanyihiid sida Quruxda badan e u daayey i abwaanku dhamaysto warkiisa waxaa laga rabaa saas in qofka aan warka laga dhexgalin allaha u naxariisto abwaan yamyam wuxuu ahaa qoraa iyo abwaan wadani ah
@dr-abdala80414 ай бұрын
Waa nin kaftan & hadal murtiyeed isku darsadey aad bana uga helay waraysigan Allah ha unaxariisto #Abwaanka
@faizamohomed97634 жыл бұрын
😂😂😂😂😂 " Naag kasta oo Aamina la yidhaa sayntey ruxdey oo tidhi anigaa la ii tiriyey" 😂😂 Allah ha u naxariisto adeer Abdiqadir yamyam. Walee ragii hore ee soomaaliyeed ee murti yaqaanka ahaa badi waa inaga socdeen. Alah ha u wada naxariisto.
@ahmedismail56713 жыл бұрын
Dumarka ma sayn bay leeyihiin ma ogeene?
@mige42752 жыл бұрын
Soma ku om
@Siciidbashaash2 жыл бұрын
xaqiiq weeye 🤣
@cadeeyboolo44084 жыл бұрын
Allaha u naxariisto abwaanka, qofkasto somali ah abaal ayuu ku hayaa Ilaahey qabriga hakuu waasiciyo
@cabdinasriahmed75105 жыл бұрын
Yaa ila dhagay sanay 2019 likta ii sara
@daauudfiin64064 ай бұрын
Salaan sxb ani dhageysanaya maanta 20/8/2024 hadaad nooshahay 🖐️
Allaha u naxariisto Abwaan yam Yam, ninka loo alifay heesta ee Fagaas waan arkay waana aqaanaa ee haduu dhintay AUN.
@deeqacadceed26374 жыл бұрын
Ana gabadha looqaada
@deeqacadceed26374 жыл бұрын
Wan aqaana
@shugriyaasiinali3299 ай бұрын
Haduu dhintaynay ilaahay ha u naxariisto Haduu nool yahay na ilaahay hay cimrigiisa ha dheereeyo
@mohamedabdi-mi8tu6 ай бұрын
2016 buu dhintay sxb london buu shilgaari ku dhintay
@ahmedcabdirisaaq24025 жыл бұрын
ilaahay swt naxariistii janno haka waraabiyo c x yamyam
@ciiltire26613 жыл бұрын
Abawaan aan aad u jeclahy heestana kama daalo dhagayso
@mahrezyare2334 жыл бұрын
Allah yarxam babuur baa lagu sababay akhir 😭😭😭
@hajjizeykol986 жыл бұрын
Allah ya raxma abwaane😍
@zalmanhashiboy27467 жыл бұрын
Allah kuu naxariisto abwn yamyam wxd aheyd abwan dhirigilinbadan
@bulshaawiaxmed61024 жыл бұрын
Allaha unaxariisto Abwn. Qlia ayuu ahaaa C/qaadir Xirsi Yamyam
@garaadal-asad4 жыл бұрын
18 december 2020👌
@MaxamedibraahinbuuleАй бұрын
Allahu unaxaristo
@bashirjama42836 жыл бұрын
Baxar, Ilahoow ku naxariiso. jacayl baan u qaaday maalmihii hore!!
@abdihodandhonbe16526 жыл бұрын
Allah ha unaxaristo abwan yamyam abwan somaliyeed
@mohamedgrat92867 жыл бұрын
Allah yaa raxmo abwaan yamyam
@abdikadirsaiid87134 жыл бұрын
Allah Ha unaxariisto abwaan yamyam rag waa ragii hore
@samsamm59964 жыл бұрын
Kuwan wax soo geliyey may music ka bakhtiiyaan aynu maqalee
@hassanhusseinhassan29324 жыл бұрын
Ninkan in la warwareysto May ahayn ee haddii la wareystana in la weydiiyo gabaygii markii siyaad Barre mingiste la heshiiyay uu isaaq u tiriyay iyo isaaq oo guulaystay oo calankii uu lahaa ma intood masalaha calan ka taagtaan ayaydin nabad ku fadhiyi in arimahaa la weydiiyo ee May ahayn in hees laga wareysto aad baan uga xumahay
@odayqaraami21653 жыл бұрын
dadka ma isaaqbaa waraysto tanagyohow
@hassanhusseinhassan29323 жыл бұрын
@@odayqaraami2165 hooyadaa baa wareysata garacyahaw dagan waxa aan ka hadlaayo
@odayqaraami21653 жыл бұрын
@@hassanhusseinhassan2932 saqajaan baa tahay qalbiga ka jiran