Рет қаралды 11,155
Muuqaalkani wuxuu isugu jiraa wadasheekaysi furan iyo faaqidaad guud oo mawduuca kor ku xusan aynu kula samaynnay Dr. Guuleed Dafac oo ah mutacallin iyo sharciyaqaan Deraasaadka Soomaalida aad ugu dhuundaloola. Wuxuu dhacay 18 kii Luulyo ee sannadkan. Ujeeddadiisa guud waxay daarranayd saamayntii iyo raadkii gumaysiga kaga tegay dalalka Koonfurta iyo si guud dalalkii la gumaystay (oo ah halka ay u dhimatay) in aannu bal si guud wax uga dhahno, tiisa gaarka ahina in eelkii iyo dhitadii aynu ka dhaxalnay labadii gumaysi ee Talyaaniga iyo Ingiriiska si guud iyo si gaar ahba uga la sheekaysanno baynu beegsanaynay. Daawasho, wacan.