Waa Maxay Gaasku (Hafeefashada Caloosha)? Caloosha waxaa gudaha kaga dahaaran xuub, waxa uu xuubkaasu soo daayaa dareere adag oo loo yaqaan xab (mucous), xabkan waxaa uu ku dheggan yahay xuubka dushiisa, waxa uuna xuubka caloosha ka difaacaa aysidhka/aashitada caloosha ee shiidda cuntada. Waxaa mararka qaar dhacda in waxyeello gaarto xuubkaas, dabadeedna uu yeesho xanuun, barar iyo casaan, waxaana xaaladdan loo yaqaan hafeefashada caloosha (gastritis) ama waxa ay Soomaalidu u taqaan gaaska. Haddii waxyeellada gaartay xuubka ay tahay mid daran, ama uu yaraado xabkii uu soo saarayay ee ka difaacayay aysidhka, waxaa ka dhalan kara in aysidhku cuno xuubkan oo ay caloosha ku samaysmaan nabarro yaryar, amaba boog weyn. Waxyaabaha gaaska keena waxaa ka mid ah bakteeriya lagu magacaabo helicobacter pylori, dawooyinka lid-hafeefashada ee aan istiiroydka ahayn (NSAIDs) ee ay ka mid yihiin Aspirin iyo Ibuprofen, waxa kale oo keeni kara stresska, ha noqdo mid nafsiyadeed (culays ama cadaadis nafsi ah), ama ha ahaado mid jireed (sida in dhaawac culus soo gaaro qofka, ama qayb weyn oo jirka ka mid ah ay gubato, ama in qalliin lagu sameeyay). Waxaa kale oo keeni kara cabbista sigaarka iyo khamrada. Waxaa jira nooc dhif ah oo ka mid ah gaaska kaas oo ka dhasha unugyada difaaca jirka oo si khaldan u weerara, una waxyeelleeye xuubka caloosha. Cuntada basbaaska leh waxaa dhici karta in ay kiciso gaaska oo damaqdo nabarrada caloosha haddii qofku horay u qabay gaaska, balse iyadu ma sababto gaaska, sidoo kale gaajadu waa xanuujisaa qofka qaba gaaska, mase sababto, inkastoo dadka caafimaadka qaba ee aan qabin gaaska ay iyaguna sidaas oo kale caloosha ka dareemi karaan xanuun marka ay gaajaysan yihiin, waxaana loo yaqaan qabatoonka gaajada (hunger pangs). Gaasku waxa uu noqon karaa mid soo booda oo degdeg ku yimaada (acute) ama mid raaga oo waqti dheer ku samaysma (chronic), tusaale ahaan haddii qofku hal mar xaddi badan ka cuno dawooyinka kaarjebinta waxaa laga yaabaa in uu si degdeg ah isugu arko calaamadaha gaaska, haddiise uu waqti dheer si caadi ah u qaato dawooyinkaas waxa uu gaasku ugu dhacayaa si tartiib ah oo uusan dareemin. Gaasku waxa uu noqon kara mid nabarro iyo xagtinno ku sameeya caloosha (erosive), kuwaas oo ka dhashay aysidhka oo cunay xuubka caloosha, sidoo kale waxa uu noqon karaa mid hafeefasho keliya ah oo aan lahayn nabarro (nonerosive), xuubkuna yahay mid guduudan oo bararan, hafeefashadan waxa ay ka dhalatay dhibaato gaartay xuubka, balse aysidhku ma cunin oo nabarro kuma samayn. Calaamadaha gaaska waxaa ka mid ah xanuun iyo gubasho laga dareemo caloosha, lallabbo iyo matag, dibbiryo iyo dheefshiid xumo, daaco badan iyo abateed xumo. Haddii uu gaasku yahay mid aad u daran waxaa dhici karta in uu sababo dhiigbax oo qofku matago dhiig ama uu dhigo saxaro madow. Gaaska haddii aan la dawayn oo uu muddo dheer hayo qofka waxaa uu isu beddeli karaa boog calooleed (gastric ulcer), sidoo kale waxa uu saamayn ku yeeshaa shaqada caloosha, oo soohyada caloosha ee soo daaya dheecaamada cuntada shiida ayaa baaba'a oo gurma, saamayntan oo ah mid aan laga soo kaban karin haddii la iska daweeyo oo laga bogsado gaaska, waxaa kale oo suurtagal ah in isbeddelka ku dhacay unugyada caloosha uu sababo kansar calooleed. Qofka looga shekisan yahay gaaska waxaa laga qaadaa baaritaan dhiigga, saxarada ama neefta ah oo laga baarayo bakteeriyada keenta gaaska, sidoo kale waxaa qofka afka laga geliyaa kaamiro yar oo lagu eegayo caloosha. Inta badan Soomaalidu ma aamminsana in laga bogsan karo gaaska, balse gaasku waxa uu leeyahay dawo, haddii dawadaas si saxan loo qaato waa laga bogsan karaa oo waa uu baabi'i karaa gasku.
@WiilWaal-v6zКүн бұрын
Dr next xasaasiyada & allergy oo in dhaha👏
@hamdakayd14423 сағат бұрын
Jazallahkhayr khyr drs
@nadifaademКүн бұрын
Mashallah tabaarakallah wiilshan wlhy waxay u qalman 1m waay mar walba wey no dadaalan waqtigoda qaali ayey no huraan mowaducyo wax tarle ayey ka hadlaan allhuma baarika❤🙏 Waxad ka so hadashaan wax aqriska inasha allh📚
@عائشةعبدالرحمن-ن9دКүн бұрын
Ilahayoow barakee
@HODHAN-j1iКүн бұрын
I appreciate you guys alot Allahuma barik ❤
@MaliikaAbdinour2 сағат бұрын
صلي الله عليه وسلم ماشاء الله زادك الله علمكم
@kiinkulane9287Күн бұрын
Masha allaah abaalkiina jano allaha ka dhigo inkastoo video aaan ka soo daahay
@AyaanMahamud-on6fg23 сағат бұрын
Shugran Dr jasakallahu khayran ❤
@hoodoayaansacad1153Күн бұрын
جزاكم الله خير الجزاء 🌸❤
@hamdaabdillahi6730Күн бұрын
Mahadsanidiin❤
@AsmaMustafe-ib1ujКүн бұрын
جزاكم الله الله يبارك فيكم🎉
@AhmedMahdi-qg6vgКүн бұрын
A very common situation inside our society . Thanks to our Dr's
@naciimaahmed6758Күн бұрын
Alle haydin daayo❤
@IQraAhmed-jr9ltКүн бұрын
الله يحفظكم، استفدت هذا الموضوع.
@GudoonHassan-j1uКүн бұрын
masha allah my doctors salaam from hargaisa hore usocda❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉
@ayanaskar3609Күн бұрын
Our doctors ❤ thankz
@FaniAbdikadirAbdidahirКүн бұрын
Thanks doctors ❤
@FaatimaZahra-f3e19 сағат бұрын
Mahadsanidiin. Dr's 🥰
@nimo_hodanmohamed4308Күн бұрын
Baarakallahu fiikum ❤
@Hayatim35 сағат бұрын
Masha alh dr sirka iyo adnan rbbi ha idin barakeeyo cilmigina rbbi ha idiin siyaadsho🥰🤍 Wadno xnunka kasoo hadla insha alh❤
@SiddiiqOmerКүн бұрын
Jazak Allah.
@FardowzaAbdi-q2lКүн бұрын
Jazakallaah our Dr's ❤
@DaniyaanshurHassanКүн бұрын
Masha Allah ❤
@mulkimicraaj-ig4nnКүн бұрын
Mawduuc aan in bdn sugaye wlh wan farxay ciwanka mrka arky جزاك الله خيرا 🥰
Our. Dr next tonsillectomy ama qumin hanuunka I.a❤
@NaciimoMahamed-t2wКүн бұрын
الله يعزكم ويرفع شأنكم ❤
@MUUMIN252Күн бұрын
Ku sali nabiga wall ❤❤❤🎉 SCW SCW
@mohiimmohamedКүн бұрын
Msha allah tabarakallah wlhi wxa tihin dhakhaatir ku dayasho mudan inbadn anon rera cafimad ahyn bn hdana aad ujeclysta podcast kina wnan idinku xidhany xalqd ima dhafto jasakumullah khyr 😊
@arwamustapha8969Күн бұрын
Mansha Allah waaaad mawadu aaad u ficin waaad ku mahasanatahin
@Amranabdi2513 сағат бұрын
masha ALLAH waa loobaahnaa muuqaalkan
@faizacabdi2097Күн бұрын
thnks doctors❤
@suhuurqurux454123 сағат бұрын
Mahadsanidiin our doctors ❤
@AsmaHarunasmaКүн бұрын
Sa’id ugubahnen barnamijkan mahadsanidin dr’s
@Istahil-t9c5 сағат бұрын
Intaan idinku soo biiray waxbadan baan idinka faa'iiday alle haydin barakeeyo.❤
@ruqiyacasanyo3245Күн бұрын
Jumce Mubarak Drs🎉
@fardowsahussainadontialle8036Күн бұрын
Best doctors❤❤❤🇸🇴
@FataxFatax-m8rКүн бұрын
As podcast waa podcast ka kaliyeeen aan fiirsado kadibna dhameysto 2 doctors aad bad u mahadsantihiiin
@rumansharif246Күн бұрын
Masha allah allah hayinka ajarsiiyo our drs aqoontina aad nooga faaideysen dr waxan jeclan lahaa inaad kasoo hadashan xanunka macanka waayo dadkeenu ma fahansana halistiisa waxayna ku war waregan wax yaalo aan anfacayn
@hodoali5714Күн бұрын
maanta habsan baan ahay oo dorashadii ayaan ku maahquuley waad mahadsantihiin waa mawduuc loo baahna jazak allhukhayr walaalayal
@queenifrah3253Күн бұрын
Two best doctors
@MohamedCajab-b5xКүн бұрын
O masha allaah run ahaanti wa muqaal aano aad u rabnay shukran doctors macnaha
@SaidoMohamettКүн бұрын
Malmahan said idinku xiisayaa xitaa barnamishka gaabis ka daremin rabi ha idin xafido
@aminoaden667115 сағат бұрын
Mashallah Allah hani xafido
@MohamoudC.casiis17 сағат бұрын
Walahi waa xanuunka idhibay🎉
@FaadumonumКүн бұрын
Mahadsanid waa mawduuc aad u muhiim ah ale haydin xiftiyo
@IhsaNMooКүн бұрын
My doctor,s Alle haydin barakeeyo maskaxdiina caqligiina
@SofiaSahal-rd6itКүн бұрын
Best podcast our doctors❤
@امالخير-م9ظКүн бұрын
jasakumilaa khyr ustad wxd kso hadashaan awod la aanta❤iyo dawdeda❤😢
@SucdiCrisaaq-v6oКүн бұрын
Wax bdn bn sugayay xalqadan ❤ mahadsanidin
@IsmailMohamed-qw2xk16 сағат бұрын
Our doctors respect 🙏 🫡 Usdaadi hal mow luc ka soo saymeeya pneumonia and bronchitis
@MaryamAdan-b4u17 сағат бұрын
Walaal xanuun midhici raha xiliga ee caadada jirin
@XaawoMaxamed-z9pКүн бұрын
Thanks my doctors wallahi muddo dheer sugayay ina xalqadan kaso hadshan wayo waxan ahay ardey la dhiban xanunkan aabehay hoyadey iyo walakey ayu sido kale haya ❤❤anyway mahadsanidiin malayin jeer 🎉
@canabosmaan199Күн бұрын
Jumca Mubarak 😊 Mahadsanidiin saxiibayaal 😊🤗
@abdukadirali2020Күн бұрын
Mahadsanidiin 👌 🙏
@Hodan45Күн бұрын
Allah idin xafido brother's❤ Dr sirka waaba ku daqranahay😊😺
@AsmaAbadikadieКүн бұрын
Our doctors sirka cadnan
@daljir___10Күн бұрын
26:19 Qamshax Qamshax 😂 wax kale maba dhaho 😂 War Qamshax Qamshax isii 😂😂😂
@fardawsoaadan77985 сағат бұрын
ilhow dhaqtaradeena cilmiga usiyaadi ❤🤲
@kafiyaabtidoon4043Күн бұрын
Ilaahey ha unaxariisto waxaa geeriyooday madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo marti lajacelyahay allaha ka yeelo
@nasraqani23 сағат бұрын
Ameen ameen
@IfraaxMohammedMuhumed18 сағат бұрын
Aamiin Aamiin
@EdapzaninaMoha5 сағат бұрын
Allahuma aammiinyaarpal caalamin 🎉🎉❤❤
@AnisaAbdi-e3kКүн бұрын
Our doctors ❤
@AhmedMahdi-qg6vgКүн бұрын
Cuntada iyo jimicsiga kasoo hadla insha a Allah.
@nadifaademКүн бұрын
Ana iminka nowadays ku hayey😊
@mariamm.sheikhw1522Күн бұрын
Shukran ❤
@ayaaanaahmed4825Күн бұрын
Jumca mubarak waad mahadsantihiin dra❤
@SuldaanFahad-u4xКүн бұрын
Thanks
@sahroaliibrahim819918 сағат бұрын
Thanks wlhi waa mowduuc aan u baahnaa inaa ka hadashaan in badan sugayay buu aha waa xanun in bdn I dhibay iga bixi layahay cuntooyin badan baa iska joojiyay xitaa asag dartis
@SagalSamanКүн бұрын
Mahadsinid Dr's❤❤
@talisoMuuminКүн бұрын
Alla wan furay dr sirka wad iga qoslisay 😂😂 Allah idin xafido
@WuWi-nb9mbКүн бұрын
maasha allah tabarakallaah ilahay swt haydin barakeeyo marna waan qoslay 😂 anoo reer xamar ah xitaa ma maqlin dr adnan magacyada uu sheegaayo cassriye leen maqli jirey 😂 20 waxii ka hooseeyo malaha maku jiraan shekadaas😂 allaha idin xifdiyo Instagramka su,aalaha nooga soo jawaaba
@raxiimacabdiwali8273Күн бұрын
Mahadsanidiin dhakhaatiirteena
@AliHassan10-2Күн бұрын
Mahadsanidiin, sanboorka noogu xejiyadda
@YaasiinMawliidКүн бұрын
Mncha allah ❤
@kadidjaomar885Күн бұрын
Comming soon 60k
@SamsambuuxSamsambuuxКүн бұрын
Illhy haydin jeclaado wall❤
@zenamohud20 сағат бұрын
Ad uu mahad santhin taloyinka fcn io time kaa nagu bixsan ❤keep going
thank you docters Soomaalidu podcast intooda badan khalad bay ka fahmeen balse nimanka macnaha u yeelay baaka mid tihiin oo lamid ah podcastiyadaan umadahaas kale ka daawan jirnay oo kale mahadsanidiin🎉