20 Fikradood oo ay tahay in aad deg deg wad uga beddesho (Khulaaso). 1. Ku mashquulka dadka ( Ugu yaraan hadiiba lagugu mashquulayo noqo qof wax wanaagsan laga sheego ), Haddii aad ku mashquusho kuwa aan danahooda aqoon ee dadka kale shaqada ka dhigtayna, ogoow ayagaad la heer noqoneeysaa. 2. Hadalka dadka ( Wuu ku dhibayaa balse ha la fal-galin ee is moogeeysii ee horay u sii wado noloshaada). 3. Qorshe dejinta ( Labo geeriyood baad tartan kula jirtaa (Wadkaadii iyo wadka qorshahaada) ee sal-dhigga qorshahaadu ha ahaado fulin iyo dhaqan gelin sax ah). 4. Ixsaanka ama sama falka ( Wax bixintu waxay ka macaan badantahay wax qaadashada, Ixsaan aad sameeysay Abaal ha ka sugin. Ilaah dartii wax walba u qabo kuna sireeyso Rabbigaada, ilaah ayaa kaa abaal marinaya). 5. Inaad noqoto qof marka xaajadu adkaato loo baahdo waa sharaf iyo karaamo, in lagu soo xasuusto waqtiyada baahida waa sharaf ( Dadku maalinkeey kuu baahdaan ineey ku soo raadiyaan darajo weeyn ee iska saar fekirka ah dadku marka ay kuu baahdaan uun bey ku soo raadiyaan waa daneeyste-yaal ). 6. Dadku sida ay u fikirayaan iyo sida ay wax u fahmayaan masuul kama tihid adigu ( Wax walba aad sameeyneeyso niyadda aad ku sameeyneeyso ayaad masuul ka tahay, sideey doonaan ha u qaataan ayagu). 7. Dal jacaylka ( Haddii Waddanka aad ku nooshahay uusan kaa saacideeyn halka aad dooneeyso mustaqbalka inaad gaarto, dhex jooggiisu waxba kuuma tarayo jacaylka aad u haysana ugu dambeen wuu dhamanaayaa, dal jacaylku maahan kaliya inaad dhex joogtid waligaa, kuwa qurbaha aaday macanaheedu maahan inuu dalkiisa necebyahay. Marka aad dalkaada ka baxdo ama deegaankaada deegaan aan ahayn tagtid fikradahaadu way is badalayaan hor mar inaad gaarto ayayn u badantahay ee haddii aad awooddo socod sameey ugu yaraan deegaanka badalo haddii aadan dalka ka bixi karin). 8. Adduunka inta aad joogtid wax walba ku liido balse waligaa ha ku liidan xiriirka ilaah iyo qodobka aas aaska u ah oo ah salaadda ( Ha gooynin xiriirka ilaah idinka dhaxeeya, Internet haddii laga waayo dunidu macno ma lahn Aaladaha aan wada isticmaalno oo dhanna macno ma sameeynayaan, salaaduna waa waxa macnaha u yeelo noloshaada). - Jacaylka ilaah iyo jacaylka rasuulka ( U gudo cibaadada ilaah jacyl aad u qabtid iyo naxariis aad ka raadineeysid ee ha u gadin baqdin iyo adigoo kaliya hadafkaadu yahay cadaab ka bad baad, ha noqon qof kaliya u cibaadeeysta cabsi uu ilaah ka qabo ee jeclaaw ilaaheey kana cabso oo naxariis waydiiso). 9. Qof kasta oo innaga mid ah dambi ayuu ku imtixaananyahay oo meel buu caasi ku yahay, Ha isku dayin inaad xalaashato dambiga oo cudur daar u raadiso ( Garawshiyo waa gar barkeed, qir in waxani dambi yihiin aadna ku ibtileeysantahay, Yaanu quur kugu beerin oo dambiyo kale ha ku dhicin ee ka soo laabo dambiyada), ha dabaqin maah maahdi aheed " Nin qoyani biyo iskama dhoowro". Haddi ha dambi kaa dhaco wanaag ka daba geey. 10. Loollan la gal naftaada iyo sheydaanka, Loollan u gal dalkaada, dadkaaga iyo diintaada. 11. Wax kasta oo wanaagsan dadaal ayay ku yimaadaan ( Fursadaha waa la abuuraa waana la soo jiitaa ee lama sugo ). -Haddii aad dooneeyso inaad wax weeyn hesho waa inaad wax weeyn hurtaa. 12. Ha aaminin in waalidkaada iyo saaxiibkaadu kaa hor taaganyihiin guushaada ama ka xunyihiin guushaada ( Way dhici kartaa in waxa aad damacsantahay iyo dadka kugu hareereeysan oo waalid iyo asxaab ah is keeni waayaan balse taas macnaheedu ma ahan ineey kuu diidanyihiin guusha iyo horumarka). 13. Baro xirfad si aad uga dhax muuqato adduunkan horumaray fursadahana uga faaideeysato ( Engineering, Computer science, Content creation, video editing, Turjumaad ). 14. Nolosha waxaad u halgameeyso dooro haddii aad sameey weeysana Noloshu ayadaa kuu dooreeyso waxaad u halgami laheed iyo waxaad noqoneeyso ( Noloshu ma aqbasho qof meel iska fadhiyo ) Shaqeeyso oo dooro waxaad jeceshahay, ilmahaadana bar sideey u shaqeeysan lahaayeen. 15. Qof walba oo maanta xirfad yaqaana loona daba fariisto waxa ay yaqaanaan, maalin maalmaha ka mid ah Eber beey ka ahaayeen ( Waxa ugu muhiimsan waa inaad bilaawdaa barashadeeda). 16. Baro sida wax la isku baro ama Self Study ( Waxaa kaa hor taagan waa luqadda waayo afkeenu af aqooneed maahan, macluumaad badanna afkeena kuma qorna, baro luqad aan taada aheen English ama carabi ama labadaba). 17. Is badalku ma ahan inaad noloshaada oo dhan baddasho ( Waxaa jiro waxyaabo badan oo ay wanaagsantahy sida ay hadda yihiin ineey sii ahaadaan, kaliya baddal inta u baahan inaad ka badasho noloshaada ). Is badalka fikradeed ama jireed ee aad sameeysid waxa uu ka marag kacayaa inaad horumar sameeyneeyso oo qof horay u socod sameeynaya tahay. Waxaa jira fikrado aad ku saxantahay 100% nolosha, waxaa kale oo jira kuwo aad qar taagantahay oo aad is leedahay wa sax balse 100% qalad ah. Fikradahaada shaandheey oo dhageeyso fikradaha ka soo hor jeeda kuwaada. -Shakhsiyadaada haddii aadan isku jecleeyn qof kugu jeclaanaya ma jiro ( Tusaale, Haddii aad faqiir tahay oo dooneeyso in gabari kugu raacdo faqiirnimo horta adigu is weeydii ma ku qanacsanatahy shakhsiyadaada, waxaada isku jecleyn cid kugu jeclaaneysa ma lahn, Faqiirnimadu waa in jeebkaada oo maran iyo caqligaada oo han iyo horumar ka maran isku kaa raacaan, ee badal noloshaada). -Hadal heeynta dadka ee aad ka baqeeysaa waxba kuguma soo biirineeyso, haddii aad darteed isbadalka ugu baqdana halkaa dhaafi meeysid. -Ha uga baqin inaad isbadal sameeyso ineey dadku tagtadaadi kaa daba keenaan. 18. Noqo qof dhex-dhexaadnimo leh wixii dhex-dhexaad laga noqon karo ( Sheeyga wixii manfaco leg ka qaado wixii xun iska tuur, dadkuna waa sidaas). 19. Baraha bulshadu noloshaadu way kula leeyihiin ( Qashinka baraha bulshada ha xambaarin, ku xidhan kuwa positive ka ah gaal iyo muslim kuu doono ahaado, ku xiran kuwa kaa anfacaya inaad dhisto mustaqbalkaada, Ku xira cidda aad ilmahaaada u sheegi laheed ineey ku xirmaan ). 20. Filashada weeyn waa waxa noloshaada fashilka u keenaya, Filashadaadu ha yaraato si niyad jabkaadu u yaraado.
@idilkhadar45837 ай бұрын
mahadsanid wll ,wn dhamaystay 1:24baabiga soo furatay. Mahadsanid alle ha kaa abaal mariyo wll.❤🎉
@mohasalad8287 ай бұрын
@@idilkhadar4583 Adiga mudan wll, Welcome 🙏
@AbdirahmanYusuf-6 ай бұрын
Legend Allah yacizak waad iga furatey
@jeeni-goroyo53546 ай бұрын
Aad bad u mahadsantay wll waad noosoo koobtay nuxurkiiba
@apdallabashiir74886 ай бұрын
thx zxb
@ABDIFATAHALMUFTI10 ай бұрын
Dhamaan inta dhameysatay ee yool iyo hami leh Allah haku simo inay maalin uu ka miro dhaliyaan 🤲🏻
@mssdhibley45369 ай бұрын
AMIIN 🥺🤲
@AMiNBushuP8 ай бұрын
Ameeen pro ducada allah haino aqpaLo hadafkenana haino rumeYo
@aragsanMohamed-wy6gr7 ай бұрын
Amiin
@Malloofficial16 ай бұрын
Aamiem bro
@maxamedmacruuf82075 ай бұрын
Amiin🔥
@ARAGTIYO-m.a.2.6.2.10 ай бұрын
Allaha kaaga abaal mariyo sida aad ooga fikiraysid dhisidda maskaxeed ee dhalinta soomaaliyed ❤🎉
Axamdulilaah video gaan 1 saac iyo dheeriga socinaayo hadaan dhameestay waa ilaahay mahadii Dadaan usuura galin inee dhameestan muuqalkan Aadan walal aad ayaan u mahasan tahay iska quruxda badan ee aad inuugu soo gud'bise 20 talao ama fakradood👍✋
@Shariifoaxmed-pt3dr10 ай бұрын
Hacaajisin weligaa waa nadhiirigelisaa mashallh
@axmedculujoog342110 ай бұрын
درس في غاية الأهمية والخطورة أرى بأنني لم أبالغ إذا قلتُ بأن هذا الدرس بمثابة مجلد كامل، بارك الله فيك وأحسن الله إليك على هذا الجهد
@hafsaali429710 ай бұрын
أللهم آمين Akhayaarey Wadankii haloo Duceeyo Allaha swt hanasiiyo Madax Mu'miniin aho Caadiliin ah inana hadaanu Shacabkii nahay Allaha swt ha inaga dhigo Mu'miniin Muttaqiin ah أللهم اللف بين قلوب الصوماليين وأصلح ذات بينهم واهدهم سبل السلام ونجهم من الظّلمات إلى النور وجنبهم الفواحش ما ظهر منها وما بطن أللهم امين
@upthikariim646710 ай бұрын
❤❤❤❤❤❤❤
@zamriyemohamed959610 күн бұрын
@@hafsaali4297آللهم آمين يارب العآلمين ❤️🤲❤️
@abdirahmanarab701010 ай бұрын
Masha allah baraamijkaan ka kooban 20 qodob ee nolasha dhalinta aan filayo inay jiho iyo tusaale fiican ka qadan donan waad ku mahadsan tahy ustad .
@shortsRecap432110 ай бұрын
waxyaabo badan baad iga saxday runtii wll , jazakalah, fikiradaha qaldan inay hadaan iga tuuraan baan kabaqayaa nolshayda😢
Well done, connecting Salah and the internet example to resonate with our Youth. masha Allah.
@saybyuu106610 ай бұрын
Asc wll eglishta ma iga cawinkarta
@muneerayusuf305510 ай бұрын
@@saybyuu1066 ma aniga
@nimoabdi45268 ай бұрын
ManshaAllah ilahay abaalkada janadul firdowsa ha ka dhiga
@abdimahamud454810 ай бұрын
Anu runtiii gacan kuu taagay wll dadaal kaagana halkaa kasii wad baan ku leeyahay 💯
@abdiwaliyarre491710 ай бұрын
Ustaad ku mahadsanid barnaaminkan qiimaha badan ee aad nala wadaagtay. Ham talo ayaan kugu darsan lahaa oo ah in aad maqduucyada aad bartan nagula wadaagayso sida kan oo kale aad noogu qodobayso. Mahadsani nar labaad iyo saddexaadba.
@nasrahassanmoo95610 ай бұрын
Mahadsanid wll Waxaa kaa codsan lahaa inaa soo qorto warbixinta ka dibna aa muuqal ka sameey . Dawashada dadka qaar way ku adagthy . Waxaa u fudud inay wax akhriyaan . Haday qoran yihiin meel aan ugu hagaagno noo sheeg.
@maxamedabdisamad6410 ай бұрын
Wll #Aadan sahan qaybta podcast-ka #google podcast iyo #podcast go #Akoono inooga fur
@Nnoks82810 ай бұрын
جزاك الله خيرا
@nimcoahmed581510 ай бұрын
بيض الله وجهك يوم تبيض وجوه وتسود وجوه
@nuuradiinseead20229 ай бұрын
Guulayso wallaalo mar walba Horumar wacan
@zakariaaweys10510 ай бұрын
Aad iyo aad umahasnthy ustaad
@hooyo9943 ай бұрын
Masha Allah waa talooyin iyo waano dhaxalgalah Allah ha kaa abaal mariyo Jazakallahu khayr
Axsan axsan alla yaacizak zxp arimo muhiim ah aan kaa faaiday xittaa qof walbo meeshuu ka xanuunsan yahy daawadiisa wuu ka helaya #mahadsanid
@zakibashiir831510 ай бұрын
Mr aadan sahan thank you for Sharing this my Freind since become subscriber on your channel i have get big ideas,tactical and advice from and appreciate that a day i succeed i will tell you every somali person to watch your vedios and your podcasts
@abdifatahalfa10 ай бұрын
Wax badan ayaa ka faiday bodcastigaan shukran 😊
@maslahmohamed151510 ай бұрын
Allaha ku barakeeyo aadanoow, wax badan ayad ka badashay hab fikirkayga.
@Bashka25210 ай бұрын
Ilaah dartiis ayaa kuu jeclahay wallahi❤️❤️❤️ sababta oo ah walaal jira ayaa tahay isla markaana wanaaga la jecel umada uu ilaah ka beeray, ilaah hakaa abaal mariyo allahuma aamiin
Mansh Allah Wll alle cilmiga haku barkeyo iyo caqligaba❤
@salmaannorahmed987910 ай бұрын
Aad baad u mahadsantahay wll, sida aan wax ucabiraye si kafudud ayad ii tustay.
@Rayaan-d5w10 ай бұрын
Nio masha allah mufakir maaathy❤😊
@yyyyyyyyyyyyyyyyyuuu10 ай бұрын
nio maqalkan anigu hal kalmad ban kala dhexbaxay wa nolosha boos ka doro hadikale iyada ku dooraysa yacni waxd u hal gamayso dooro hadi kale iyoada ku doraysa de legend😮😊
@HamiishAdeh10 ай бұрын
Kaasi qodob buu ahaaye qodobadii kle maad ka booday zhp😅
@yyyyyyyyyyyyyyyyyuuu10 ай бұрын
@@HamiishAdeh zxp maye sigaru qodob kasi itabtay 😅