ILWAAD QURUX ---- HO. CABDINUUR ALLAALE & ROODA AXMAD ? @Erayadii : ? @Codshaxankii : ? @Luuqdii Cabdinuur Allaale Xirsi (Waxaa la qaadday AHUN Rooda Axmad) '' *Ho. Cabdinuur Allaale Xirsi Geeluba Ugaasoy Markuu ayda miranayo Abeerkiisa naxaariyo Hadduu araggu iswaayo Isaguba ma kala aamusee Way isku ololaaye Aniguna ayaamahan Kumaan arag Umalkana daraaddaa asqoodee Maan ooyo mana Aamusnaadee Naftu sow Ilwaad quruxey Aragaaga may jaman Ayaankay igama tagin e’ Alle ma iskukeen simay *Ho. Rooda Axmad Haddii ayro geel subax Ilmaha laga unuungooyo Oy igarka diidiyoy Maqaarna ogolaan waydo Miyay aamusnaataa Inay olosho mooyaane Anna urugataahiyo Ammuuraha ?????? Afku hadalka diidyoo Aduunbay indhahaygu Eegmadaada doonaan Naftu sow Ilwaad quruxow Aragaaga may jaman Ayaankay igama tagin e’ Alle ma iskukeen simay **Ho. Cabdinuur Allaale Xirsi Indheergarataan dumar Ka rabay adiga weeyaane Aqoontaada wacan bay Naftuna ku istareexdaaye Oonka iyo gaajadaba Waan kugu illaawaaye Aniguna ayaamahan Kumaan arag Umalkana daraaddaa asqoobee Maan ooyo mana aamusnaadee Naftu sow Ilwaad quruxey Aragaaga may jaman Ayaankay igama tagin e’ Alle ma iskukeen simay **Ho. Rooda Axmad Abaandulahaan inan rag Rabay adiga weeyaane Ama kaa ilaashay intaa Wiil agtaada ahe Uurka iyo laabtiyo Qalbigaan kaa ilaashadaye Maxaan kugu ammaanaa Idhaahdaa ? Ambba kugu istaahileen Idhaahdaa ? Ashqaraarka eegmada ilmeeyee Naftu sow Ilwaad quruxow Aragaaga may jaman Ayaankay igama tagin e’ Alle ma iskukeen simay '' Ilaahay ha u naxariisto oo naxariis janno ha siiyo Rooda Axmad, hobolladii tagoo idil iyo dhammaan ummadda Rasuul (SACWS).
@adamscolumbo68344 жыл бұрын
Amine que Allah Azawajal l'accueil au Paradis éternel Amine
@ismailwadour95103 жыл бұрын
reer jibuti ma aqaanaan abwaanka iyo liximisti mid iyo toona ee abwaanku waa xasan elmi lixinkuna waa abdouraxman ali hersi
@xasan.jaamac3 жыл бұрын
@Ismail Wadour Aniga ayaad taa igu eedayn kartaa ee Reer Jabuuti oo idil kuma eedayn kartid. Waad mahadsan tahay.
@abdirahmanshaqale28068 ай бұрын
Erayada waxaa lahaa Alle ha u naxariistee Cabdi Cali wayd
@abdikanisulub59963 жыл бұрын
Isaaquba makala aamusee way isku ololaaan
@cabdiqaniboss3 жыл бұрын
Isaguba makala aamusee waysku ololaa weeyaan .....geela uu ka sheekaynayo weeyo
@lassolasso7274 жыл бұрын
Il ne peux pas rester naturel ?.... Il a massacré la chanson CHIIIP
@xasan.jaamac4 жыл бұрын
Je le trouve tout fait à l’aise. Cabdinuur a toujours eu ce jeu de mouvement je ne vois pas pourquoi il vous dérange ici. De plus cette chanson, c’est lui qui l’a interprétée avec AHUN Rooda Axmad, et il le reprend à merveille bien que l’age forge ses limites. Magan Alla.