24Aug 2024friday korinthos Athens Greece 🇬🇷 shaqo ayaa ka imid alx marki ugu horeysay an arko wayo hestan ❤
@abdillahinuux75836 ай бұрын
Erey Bixinta Heesta . 1: Jacayl aayatiin leh = Jacayl mustaqbal leh . 2: Udub = waa tiir , weliba tiirka guriga miyiga lagu dhiso tiir dhexaad /udub dhexaad. 3: Muday = taagey ama dhulka ka taagey . 4: Abaydin = Caana_Yaqaan .(Caano _yaqaan ) tusaale abaydinku waa qofka ama neefka yar ee weli aan caano dayn ee Hooyadii jaqa . 5: Afeeftan taan lahaa ❎ baydkan waa khaldanyahay saaxiib ee qoraalka sax . Waxa uu ku saxyahay Sidan . 5: Afeefo Dan taan lahaa ✅ a) Afeef = waa hadal hordhac ah ama waa hordhac . 6: Intifaac = waa erey carabi ah oo macnihiisu yahay (Waxtar /Waxtar leh). 7: Uur xumo = calool xumo . 8: Oori = Afo, marwo , waa qofka dumar ah ee la qabo . 10: Ablay/ Abley = waa tooray Af badan . 11: Asaraar = waa muran 12: Eed = waa dhib , tusaale waad maqashay hebel waa eedaysane ama waa dhibane . 13: Xin /Xinka = Xinku waa sida laba qof oo aan waxba isku ogolayn oo midba kale waxa uu qabto lidkii qabanayo isaga oo ku xumaynaya kan kale . 14: Nafsaa dhexdeenan ka Oogan ❎ qoraalka sax saaxiib. 14: Nabsaa dhexdeenan ka Oogan ✅ =yacnii nabsi ayaa dhexdeenan yaala . a) Ka Oogan = ka shidan/ yaala 15: Ilduuf = waa gef ama khalad aad ka fiirsasho la'aan usamayso . 16: Eex /eexasho = waa ka hiilin , tusaale sida adiga oo laba qof mid uhiilinaya kan kalena ka eexanaya oo dulmiyaya . 17: Oomani ❎ qoraaka ereyga waa qalad saaxiib. 17: Oomane ✅ = Waa meel aan biyo lahayn . a) Oomane ku guushay = waa guul Ooman. # inta badan geela marka uu ceelka ku socdo waxaa la dhehaa habeenkaa uu dhexda u sii hoydo( Guul Ooman ) Marka uu soo Cabo ee soo fulo waxaa la dhehaa habeenkaa ( Guul Cokan) . 18: Aroori Shub baan lahaa = ceelka gey oo biyaha ushub baan lahaa . a) Aroori = waa Marka xoolaha la waraab geynayo ee ceelka loo wado ayaa la dhehaa Aroori ,Sidoo kale Aroori waa meel magaceed . 19: Irmaan /Irmaanka =. Waa geela inta Irmaan ee caanaha laga maalo . 20: Aagaamo / Aagaan = waa hadhuubka caanaha lagu shubo siiba kan haanta ayaa la dhehaa Aagaan . 21: Culid / Culasho = Culidu waa nadiifin , weliba weelka dhirta lag jaro ayaa la culaa inta badan oo qori qiiq leh lagu culaa . 22: Oofshay = Gutay / ka Soo baxaya . 23: Aamin xumo = Kalsooni darro . #Qofkii waxaan khalday saxaya ama waxaan ka tegey ku daraya Waan Soo dhowaynayaa Mahadsanid. 28Th /April/ 2024 Maalin axad ah weekend. Juba South Sudan
@feisalwarsame75566 ай бұрын
Mahadsanid brother Wallee aniga mafahmeen
@hassanabdulle98376 ай бұрын
❤ very much appreciated ❤ Sidaa waqtiga u galisay kuma aadan khasaarin oo dad badan ayaa kaa faaiiday
@hodani72755 ай бұрын
Ilaahay haku barakeeyo. Ilaahay Cilmiga diinta haku baro oo ha kugu hanuuniyo cibaadadiisa Iyo wanaaga. Meesha af Somali ayaan ka raadsanayay ee waad i caawisay, anoo af somali helay oo dambiga muusiga ka badbaaday ayaan ka tagayaa.
@abdillahinuux75835 ай бұрын
@@hodani7275 Aamiin wllo Alle ducadaasi hay aqbalo adigana ajarkeeda ha ku siiyo, waad mahadsantahay runtii Soo dhowow #Wixii aan awoodo ee aan kugu dhaamo waan kuu faa'iidaynayaa Wllo Inshallah waad ila Soo xidhiidhi kartaa . Mahadsanid 👋
@jaamaccabdigodane9715 ай бұрын
Nasab sharaf iyo karaamo korkaaga ha ahaato dad badan baad u faaiidaysay carriga wali rag baa ku dhaqan wan ku farxay
@maxamedjibriil97252 ай бұрын
Eesh calaa cod allah haw naxariisto
@KhalidDahir32163 ай бұрын
Waa 14.08.2024 Waxaan safar u ahay Berlin Germany Heestu waa ii baxaysaa oo safarka bay ii qurxisay Alle ha u naxariisto abdi Tahliil
16/08/2024 shaqo ano ku jiro ayay iga qbty dhqgysigeda waxa igu dambeysay 2020 mar aan xamar joogay oo aan qaaci ku tuman jirnay blse hada magaaladaydiii iyo qaacigiiba wan u xiisay😢