Beryo caashaqi ii muday Kii igu bilaabee Igu beeray ma inacay Beri wiilki ma i yidhi Hadal iga bogsiiyiyoo Baane igu heleyn Ma barkaday jacaylkii Sida baygo’eed iyo Waa balambalkeedee Aniga bugtaaniyo Way barido wiirsidee Bagaa bawniiyoo sidii cawl Bagaa la iga wada tagay Boodhari sidiisi Barta aan ka heesee Beertii kalgacalkiyo Batalaale yaa idhigaa 🌷🌷🌷🌷🌷🌷🌷🌷🌷🌷 Waa boqor jacaylkuyee Intuu Baadha ii diray Buska iyo awaaraha Ka barooro ma iyidhii Ban aan geed lahayn iyoo Biyo ugu heleyn Bacad-soora ma dhigay Nafta been xun mooday Waa barashadaadee Aniguna badweynoo Balin madhan weeyee Bagaa bawniiyoo sidii cawl Bagaa la iga wada tagay Boodhari sidiisi Barta aan ka heesee Beertii kalgacalkiyo Batalaale yaa idhigaa
@yassinnour91228 жыл бұрын
Cette chanson a bercer ma tendre enfance a Travers les ondes de la Radio diffusion de Djibouti. Nostagie..Nostalgic
@abchirabdillahi3036 Жыл бұрын
Hees miro fiican iyo fanaanad cod macaan marka leysla helo sida bey u macaanata heestu
@alisaid36096 жыл бұрын
Une fierté nationale. Qu' Allah bénisse Hodan Hadji