LYRICS | Heestii waayeelka jaqafsada | Maxammed Mooge Liibaan

  Рет қаралды 463,554

Abdirahman Derajo

Abdirahman Derajo

6 жыл бұрын

Heestii: Waayeelka jaqafsada
Ereyadii: Axmed Saleebaan Bidde
Laxankii: Axmed Gacayte
Codka: Maxammed Mooge Liibaan
Jooflaha libaaxiyo
jaandheerta doobkiyo
Waayeelka jaqafsada
Jirridaha habeenkii
Wixii jiidha waagaa
jeenigu xanuunaa
Allaylehe jaceylkii
jid iyo ceel umaad bixin
Anigana ka joog iyo
Ha ku jabin imaad odhan
Waxba se jeerba yaan hiban
jirrabkan aad i marisaye
Ilaahii joogay baa jira
Allihi joogay baa jira
Wadiiqada jirjiirsani
Jid san bay ku geysaa
Ama jar iyo buur dheer
Khalqigana badh baa jira
Intey ku hor jalweystaan
Waaq la' kugu jarwiciyee
Allaylehe sidii jagi
dhallini isku jiidheen
wacadkeenni jeexnaa
Adigi baa ku joogsaday
Waxba se jeerba yaan hiban
jirrabkan aad i marisaye
Ilaahii joogay baa jira
Allihi joogay baa jira
Ifka waxaad la joogtaa
Jannaduu ku geeyaa
Ama se naarta jahannama
Jaceylkuna sidoo kale
Nimcuu kuu jiheeyaa
Ama se laamo kula jaba
Anna jamashadaydii
Iyo jololo'daadii
Sida rimayda jiilaal
Jalwis baaban ka qaadee
Waxba se jeerba yaan hiban
jirrabkan aad i marisaye
Ilaahii joogay baa jira
Allihi joogay baa jira

Пікірлер: 169
@SuugaanSafaari
@SuugaanSafaari 26 күн бұрын
Allaha Janeeyee Maxamed Mooge Liibaan waxa uu ahaa mid kamid aha, fanaaniinta mar la araga ah ee soo maray saaxada "Fanka Soomaaliyeed", waxaanu lahaa cod aan carjabin oo dadka oo dhami ay aad u jeclaayeen, una jeclaandoonaan inta dunida udubkeedu taagan yahay. Waxaan Allaha weynida iyo wanaaga oo dhami iska leh uga baryayaa in naxariis waasica siiyo hoygiisana ka yeelo beer kamid ah beeraha janooyinka.
@aymanmusic6721
@aymanmusic6721 2 жыл бұрын
Heeskani waxa uu ka mid yahay heesaha dareenka gaarka xambaarsan uan ina mooge cidii iga danbaysaa 2022 like ha ila dhaafina
@Huzen01201
@Huzen01201 Ай бұрын
❤❤
@user-gl1wv6bm3j
@user-gl1wv6bm3j 2 ай бұрын
2024 hebeen axad ah .... Ifka waxaad lajogtaa janaduu kugeeyaa amase naarta jahanama 😢😢 Dhalinyaroy cibadada halagu dadaalo walaalayaaal👏
@thefantasticone2387
@thefantasticone2387 4 жыл бұрын
2020 inta dhageysanaysa farta taag👆 alle ha u naxariisto mujaahid maxamed mooge liibaan
@mahrezrohitkp1692
@mahrezrohitkp1692 2 жыл бұрын
Allihi joogaybaaa jira😢😢😢 Maxamed mooge liipaN😢 Alla Maxaa rag Dunidan ka Huleelay Alloow kuu Naxariiso😢😢😢
@dinidarwish1322
@dinidarwish1322 4 жыл бұрын
Ilahay qabrga ha uwasiciyo wxuu ahaaa fanaanka kaliya eee jiiif iyo jooog u heesa yacni meelkasta oo marxaldaha nlosha na ka waajaha Allah ha unaxariiisto wxuu ahaa qof shaqsiyadleh ooo. Wangsan ooo haddana dhiiri haliyah dhalinta wxuu geeryooodey sanadkii 1984 isaago 44 years jiro allaow kuuu naxariso
@eblaosman1277
@eblaosman1277 4 жыл бұрын
Amiin ya rabii
@hanadolad2061
@hanadolad2061 9 күн бұрын
M mooge and xaliimo khaliif magool alaah rabilcaalimiin ha u naxariisto aamiin aamiin aamiin alaah rabilcaalimiin
@cawilcabdi8392
@cawilcabdi8392 5 жыл бұрын
Maxamed mooge liiban ax yaa fanaan Allah yarxamak adeer😥😥😥😥😥😥😥😥
@mussedaher2302
@mussedaher2302 4 жыл бұрын
yaa salam hees
@mussedaher2302
@mussedaher2302 4 жыл бұрын
hees igadhe gudh
@calimaqdis5952
@calimaqdis5952 2 жыл бұрын
Erayadii abwaan axmed saleeban bide
@mubarakmaalim4745
@mubarakmaalim4745 24 күн бұрын
Allahi joogey baa Jiraa❤
@rahmaabdi9019
@rahmaabdi9019 2 ай бұрын
Waxba Se jeerba yaan hiban jirtibkan ii marisaye llahii jogga jogay baa jiira illahi joggay baa jiira😢❤
@naimamaxamed4875
@naimamaxamed4875 3 жыл бұрын
Waayeelka shaqafsada Waxa igu weheliya heesta dareenno isla kaca markay suugaantiisa maqlaan😪 Allah ya raxma legend Still watching 2021
@bashemohammud7573
@bashemohammud7573 3 жыл бұрын
sax, heestaan iyo dhammaan heesaha uu qaado m.mooge waa kuwo qiimo badan
@abdulahabdi8164
@abdulahabdi8164 2 жыл бұрын
Waa lagu washaa ina mooge heesihiisa 😂
@naimamaxamed4875
@naimamaxamed4875 2 жыл бұрын
@@abdulahabdi8164 alle nama waale xagaa hynoola kicin wll🤣
@naimamaxamed4875
@naimamaxamed4875 2 жыл бұрын
@@bashemohammud7573 dqbcan
@abdulahabdi8164
@abdulahabdi8164 2 жыл бұрын
@@naimamaxamed4875 ha badsan yaanad dhaqaaqine 😂
@garyaqaanmuuseyuusuf4793
@garyaqaanmuuseyuusuf4793 2 жыл бұрын
36 Sano, ayaa laga joogaa Bishii June 1984-kii xilligaas oo Geesigii Maxamed Mooge Liibaan iyo 16 dagaalyahanaddii SNM wehelisay Maxamed Mooge Liibaan? 32 Sano, ayaa laga joogaa Bishii June 1984-kii xilligaas oo Geesigii Maxamed Mooge Liibaan iyo 16 dagaalyahanaddii SNM wehelisay ay ku nafwaayeen Jid goyn cadowgii u galay Meesha la yidhaa Meer meerta oo u dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur. Waxaan qoraalkan kooban idinkula wadaagayaa sidii Abwaan Maxamed Mooge u dhintay anaga waqtigaas isku qol seexan jirey Maxamed Mooge. Anigu waxaan ahaa waqtigaas Sarkaal ugu sareeya kaydka iyo logistics Xeradda Aware ee Xeradda Taliska & Ciidanka Tabarka Awaare. Bilihii April iyo May waxaa Awaare ka dhacay Shirkii Guud ee SNM waqtigaas oo Maxamed Mooge oo ahaa madaxii Warfaafinta iyo Idaacaddii Halgan ee SNM uu halkaas u yimid shaqadii Shirarka SNM. Waxaa Maxamed Mooge la socday Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Markii shirarkii dhammaadeen Maxamed Mooge oo ah qof aad u bashaasha wuxuu go’aansaday in uu Awaare ku hakado isaga oo nagala qayb qaatay barnaamijyo Siyaasi iyo wacyigelin ah oo loo samayn jirey Ciidamaddii SNM si garaadkooda ku aadan halganka yoolka dhaw iyo yoolka dheer ee laga leeyahay loogu saafo, loona fahansiiyo in ay u dagaalamayaan dadweynaha Soomaaliyeed ee markaas keligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii tababaradaa bixin jirey waayo waxaan ka soo baxay tababarkii Xerada Baabuli oo si guud aanu ugu jirey 6 bilood hadana 6 bilood oo kale anaga oo ilaa 50 lanagu siiyey tababarka gaarka ah ee komoondawska. Waxaa kale oo aanu tabarbar kale ku soo qaadanay Iskuulkii Ciidamada Saraakiisha Siyaasada ee ku yiiley Hamarayso. Habeenkii 4 June 1984 waqti fiid ah ayaa waxaanu ka labisanay qol ka mid ah bakhaaraddii kaydka oo aanu seexan jirney aniga, Maxamed Mooge iyo Sarkaal la odhan jirey Xasan Dheere oo ahaa oday da’weyn. Habeenkii ilaa 10kii habeenimo ayaanu ku gaadhnay in aan ku soo cawayno magaalada. Markii aanu damacnay in aanu xeraddii dib ugu soo laabano waxaa ku dhegay Maxamed Mooge dhalinyaraddii reer Awaare in uu la sii joogo oo ay ka faa’iidaystaan aqoontiisa balaadhnayd ee fanaaninimo iyo aqooneed. Maxamed Mooge Allah ha u Naxariisto wuxuu ahaa qof dadku isugu mid yahay oo aan dadku u kala soocnayn. Xilli dambe oo ku dhaw abaaro afartii habeenimo ayuu Maxamed Mooge noogu yimid aniga iyo Sarkaal Xasan Dheere halkii aanu hurudnay ee wada deganayn. Waanu iska sheekaysanay oo sidii ayaa Salaadii Subax lagu tukaday oo quraacdii iyo shaahii xeradda ku soo qaadanay. Waqtiyaddii Maxamed Mooge iyo aqoon yahan badan oo ka mid ahaa Hogaankii SNM waxay aad uga werwersanayeen in ay qaar ka mid ah Saraakiisha SNM u xagliyeen nidaam ku dhisnaa khalaawo iyo foox in la shido oo awliyada xidhiidh dhaw lala yeesho taas oo ay u arkayeen in asbaabaha militeri ee loo baahan yahay ay arintaasi khatar gelin karto. Waxay ka cabsi qabeen in marar badan la diro ciidan sakhiran oo aan xagga tabaabushaha militeri u dhamayn kaas oo khasaare soo gaadhi karo. Iyada oo taasi jirto ayaa subaxaas anaga oo halkii shaaha ku cabayna waxaa isla kaaya soo taagay nin la odhan jirey Xassan Tarabi oo markaas abaanduule ka ahaa ciidankii degenaa Xerrda Gubadaalaco oo ahaa aaga dhexe ee ku aadan Burco. Iyada oo xaalku sidaas yahay ayaa isla markaa waxaa soo dhacay war sheegayaa in habeenkaas 4/6/1984 uu Taliyihii Ciidanka SNM ee Ibrahim Koodbuur oo fadhigiisu ahaa Kaam Abokor uu siiyey baabuurkiisii iyo ilaaladiisi khaaska ahayd nin la odhan jirey Ina Askar oo Sarkaal ka mid ahaa SNM isla markaana ahaa ragga aad u khalaaweeya oo rag badana u ahaa Sheekh. Ninkaasi maaha Kornayl Cabdillahi Askar. Baabuurkii taliyaha, ilaaladiisii iyo Wadaadkii Ina Askar oo ku socday habeenkaas Ramaso waxaa Jabhad ka tirsan taliskii Ciidanka Siyaad Barre ka heshay meel la yidhaahdo Celiyo. Waxay laayeen Ciidankii ilaalada ahaa iyo Sarkaalkii Ina Askar baabuurkiina subaxiiba waxaa la geeyey Hargaysa. Maxamed Mooge Allah ha Naxariisto isaga oo arintaas ka xanaaqsan ayuu ku yidhi Xassan Tarabi oo ka mid ahaa raga khalaaweeya, wadaadka la dileyna xertiisa gaarka ah ka mid ah: " Xassan Tarabiyow xiligaas aadka u xun oo qof wax ka yaqaana Ciidamada iyo amnigooda aanay suurtogal ahayn maxaa haddii Ina Askar yahay awliyo wax la tuso uu ciidanka faqashta ee Celiya ku gabanaya uu u sii arki waayey oo awliyadu ugu sii sheegi weydey?”. Xassan Tarabi inta uu cadhooday ayuu baastoolad la baxay oo Maxamed Mooge oo noo dhexeeya aniga iyo Xassan Dheere uu ku riday. Xabad ayaa Maxamed Mooge ka cuskatay halkaa goljilicda ee sarcanta guudkeeda. Maxamed Mooge waxaanu ula cararay dhakhtarka Ciidanka ee Awaare hase yeeshee dhakhtarkii wuxuu ku taliyey in loo qaado Dhagax-Buur. Haddaba shirqoolkaasi lagu dilay Abwaan Maxamed Mooge Alle ha u Naxariistee iyo ilaa 16 qof oo la socday wuxuu dhacay Afartii Bishii June 1984-kii , xilligaasi oo lagu dilay Jid goyn loogu galay meesha la yidhaahdo Qaswareen ama Meer meertada oo ka shishaysa una dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur. Maxamed Mooge, gaadhi Land Crusser ah oo Toyota ah oo noocii hore ee Siible qafasle ah ayay saarnaayeen isaga iyo nin. - Raga kale waxaa wehelisay gabadh Faadumo la odhan jiray oo iyaduna la socotay, halkaas ayaa Ambush jidgoyn loogu galay waxaana u galay dadkii halganka dhabarka kala dagaalamay. Dadka dilay oo ka koobnaa oday iyo wiilal uu dhalay iyo qaraabadiisa waxay daba socdeen aanooyin la buunbuuniyey oo cadowgii ka faa’iidaystay. Ilaa 16 dagaalyahan ayaa ku dhintay oo Maxamed Mooge ka mid ahaa, Aadan Guhaad oo Aadan Waali la odhan jiray ayaa ka mid ahaa waxa uu ahaa taliyihii Amniga SNM, waxa kale oo ka mid ahaa nin taliye ahaa oo Daa’uud la odhan oo geesi ahaan jiray iyo gabadhaas dhawr iyo toban qof ayay ahaayeen halkaasi ayayna ku dhinteen.Waxaa ka baxay hal wiil oo ay meyd ahaan uga tageen oo markii dambe noolaaday oo loo bixiyey Sigad hase yeeshee ku dhintay halgankii SNM. Halkaas dagaal balaadhanbaa ka bilaabmay oo dhex maray Beeshii uu Maxamed Mooge ka dhashay iyo Beeshii Nimankii jid goynta galay , dagaalkaasi wuxuu bilaabmay Bishii June 1984 wuxuu dhamaaday dabayaaqaddii 1986-kii. Dad badan baa dagaalkaas naftooda ku waayay’’. Alle ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Mooge Liibaan Bishii June 5, 1984 ayaa isaga iyo dagaalyahanaddii Maalintaa lala dilay waxa lagu aasay Awaare Geed ku yaala oo Weerane la yidhaahdo oo dhinaca Midig kaa qabanaya. Sida uu ku sheegay filim taariikheedkii Boobe Yuusuf Ducaale oo sharax ka bixinayay taariikh nololeedkii iyo shakhsiyadii Marxuum Maxamed Mooge, waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge wuxuu ahaa Mujaahidiintii halganka Soomaaliyeed ka qayb galay waxa uu ku horeeyay Jabhadii SSDF, waxa uu ku danbeeyay Jabhadii SNM, Alle ha u Naxariistee wuxuu dhashay ilaa 1943-1944-kii, waxaana uu ku dhashay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaraf, Waxbarashiidii dugsiga Dhexe waxa uu ku dhamaystay dugsiga Axmed Guray , ka dibna tababar Macalinimo ayuu qaatay’’. Boobe waxa uu sheegay in Alle ha u Naxariistee Marxuumku isagoo macalin ah uu Fanka Bilaabay. ‘’Tababarka Macalinimo wuxuu ku qaatay dugsigii Camuud , Macalinimadiisu wuxuu ka bilaabay dugsiga Xaafada New Hargeysa, degmada Oodweyne ayuu ka shaqeeyay , isagoo Macalin ah ayuu Marxuum Maxamed Mooge Fanka Bilaabay’’. Boobe Yuusuf Ducaale isagoo sharaxaya kaalintii uu fanka kaga jiray Maxamed Mooge waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge waxa uu ahaa inta tirada yar ee laamaha badan ee fanka Kulmisa, Maxamed Mooge nin hal abuur ah ayuu ahaa heeso ayuu lahaa, heestiisii ugu danbeysay wuxuu tiriyay Bishii April sanadkii 1984-kii midhihii waanu helay , laakiin laxamkii wuu lumay’’. Boobe waxa kale oo uu ka hadlay kaalintii halgankii SNM uu kaga jiray Marxuum Maxamed Mooge waxana uu yidhi ‘’Maxamed Mooge ilaahay ha u Naxariistee wuxuu ahaa nin halgamaa ah oo aan halgankii Soomaaliyeed aan ka baaqan oo marna SNM ku soo dagaalamay saddex sano ka hor aasaaskii SNM ka mid ahaa jabhadii SSDF, Maxamed sidaasi ayuu ku shihiiday oo ay adkayd in Bedelkooda loo helo. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay Shakhsiyadii Maxamed Mooge Waxa uu yidhi ‘’Alle ha u naxariistee Maxamed kaas ayuu ahaa nin xarago badan ayuu ahaa, nin xishood iyo xarago badan ayuu ahaa, nin Halganku ka dhab yahay ayuu ahaa oo bilaabay sanadkii 1978-kii, oo uu ka mid ahaa SSDF isagoo Addis ababa joogay oo ku sii sugayay SNM’’. Boobe oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘’Marxuumku duruuftaas qalafsan ayuu u badheedhay ee aan dabeecad u ahayn ninka Fanaanka ah oo iska jecel nolol Raaxo leh oo fudud, waxa ka mid ahaa waxyaabihii uu ku dagaal galay kamankiisii oo hees gaar ah uu u tiriyay ayna ka mid ahaayeen deg degooyoow maxaan kula dal maray, waxyaabaha dhaxalka ah ee uu Alle ha u naxariistee uu ka tagay Kamankaas ayaa ka mid ahaa oo hada yaala oo geli doona meelaha taariikhda lagu kaydiyo’’. Boobe waxa uu sheegay in Maxamed Mooge uu mar qudha guursaday oo uu dhalay gabadh la yidhaahdo Yaasmiin oo xilligaas degan Magaalada Nairobi ee Kenya. Waxaan ka soo xigtey Mujaahid sheikh Ibrahim hirsi gacalow oo ku nool dalka England
@Halleyte
@Halleyte 2 жыл бұрын
Qoralku dherra ilahy hawnaxaristo dhamantod waxbadan no faidaysay
@kowthardaleel150
@kowthardaleel150 2 жыл бұрын
wll heesta ha I hiifin aabow xagee laga helayaa
@xasanaxmed8688
@xasanaxmed8688 Жыл бұрын
Qoralkani waan dhamaystay mahadsanid wll qali ale na ha unaxariisto maxamed mooge
@ifraaxcaliwarsame9624
@ifraaxcaliwarsame9624 Жыл бұрын
L
@xasanaxmed8688
@xasanaxmed8688 Жыл бұрын
@@ifraaxcaliwarsame9624 L Sidani maxaad kawadaa wll ifraax
@Shucayb_Ahmed.
@Shucayb_Ahmed. 4 жыл бұрын
2020 intii daawaty liketa ha ila dhaafina❤
@cabdisalaanadan4061
@cabdisalaanadan4061 3 жыл бұрын
Yaa ila daawanaya 2021 maalin jumco ah. walaalayal from burco 💖💖🎀
@malyounosman5003
@malyounosman5003 3 жыл бұрын
Aniga wllo
@ahmedabdi4207
@ahmedabdi4207 2 жыл бұрын
20 21 vrom BER BERA Bach 🤨
@sacadbagaase1045
@sacadbagaase1045 3 жыл бұрын
Waa fananka an fananinta ugu jeclahay maxamed mooge libaan
@mustafemohamed4879
@mustafemohamed4879 4 жыл бұрын
Rabi naxarista Jano hakgu casumo awowo 😢
@siciidibraahin7896
@siciidibraahin7896 2 жыл бұрын
Alle ha unaxariisto walle dib ayaynan u arag Noociisa iyo dhigisiiba
@malaayiinmedia3124
@malaayiinmedia3124 4 жыл бұрын
Mujaahid maxamed mooge allow kuu naxariiso
@inacarab1999
@inacarab1999 Жыл бұрын
Tuesday 23 may 2023 Alle haw naxariisto ina Mooge Allaylahe sidii jagi Dhalinii isku jiidheen Wacadkeeni jeexna Adigii baa ku joogsade ❤️
@sacadbagaase1045
@sacadbagaase1045 2 жыл бұрын
Erayadi axmed saleeban bide Laxanka axmed gacayte Kamanka cumar dhuule Cadka Maxamed mooge
@suleimanhassan3095
@suleimanhassan3095 4 ай бұрын
Eayada Maxamed Mooge Ayaa lahaa Qisada Heestana Sida igu Maqaala ah isaga Iyo Aabihii Ayaa gabadh uwada Haasaawe tagay. Markii uu maxaned Mooge Iridkii guriga garaacay Ayay gabadhii ka furtay Deedna ku tidhi Oday Mooge Layidhaahdo oo dirawal ah ayaan arin ka dhamaysanayaa Caawa iga Qalee, gabadha oo aanan garanayn in uu aabihii yahay. Maxamed Intuu noqday ayuu Heestan sameeyay isla habeebkiina waa la tumay aroortiina iyadoo Cajal ah ayuu aabihii u geeyay.
@thebittertruth5381
@thebittertruth5381 4 жыл бұрын
Mujaahid maxamed mooge liibaan Allow u naxariisto
@abwaanmohadaud1152
@abwaanmohadaud1152 Жыл бұрын
18 ahay waxan rajeenayaa 20 anoo jira inaan kusoo laabto❤😊
@ahmedharpi6738
@ahmedharpi6738 2 жыл бұрын
Duhur 2:16 13/5/22 Ani iyo janaale ifka waxad la joogtaa❤
@abdikhadarahmedadan2448
@abdikhadarahmedadan2448 2 ай бұрын
Heestaan mahaan jcl, ee waa siyaasad, ka cabasho ay ka qabaan gobolada waqooyi gaar ahaan Hargeysiyo Burc9 midowgii Soomaaliya. Alleyleh jclkii jid iyo ceel u maad bixin Anigana ka joog iyo ha ku jabin imaad oran!
@dayaxinaciise1035
@dayaxinaciise1035 2 жыл бұрын
2022 cidii dhagysanaysa ha ila dhaafina like ta
@cmhayir6240
@cmhayir6240 2 жыл бұрын
19-08-2021 12:33 AM in my Office Ifka waxaad la joogtaa Jannaduu ku geeyaa Ama naarta jahannama Jaceylkuna sidoo kale Nimcuu kuu jiheeyaa Amase laama kula jaba
@hanadolad2061
@hanadolad2061 9 күн бұрын
Inaa lilaahi wa Inaa ilaahi raajucuun
@munamahamud6211
@munamahamud6211 16 сағат бұрын
His voice is everything 😢
@dr.khyriabasheir5064
@dr.khyriabasheir5064 9 ай бұрын
Heestan aad ka u macan waxn la dhagysnaya aabo ❤❤❤ alle cfmd iyo cimri dheer ha siiyo ya rappi 22.10.2023 08.45pm Hbn axda Isniin so galyso ❤❤🎉🎉
@naasircabdi4028
@naasircabdi4028 4 жыл бұрын
Waayeelka jaqafsada hees xusuus mudan
@abwaanmuuminabdi8839
@abwaanmuuminabdi8839 4 жыл бұрын
Asc kayd media erayada qaar ayaad ku tumateen sida baydka :alleylehe jacayl kii jid iyo ceel maaha waa jid iyo hilin waana isku macne jid iyo hillin. Baydka kale waa alleylehe sidii jagi :maaha waa (jabi) oo macnaha meel geedo badan ama surunka dhirta badan ama qodahda badan. Thanks
@aragsametheman6489
@aragsametheman6489 2 жыл бұрын
qofkii daawaday 17-11-2021 ka dib like ii saar
@ramadaanahmed2059
@ramadaanahmed2059 2 жыл бұрын
Hestan waxan Dhagaysanayay habeen Io malin Anoo askari Oo Furin Jogay Mudadaz aan Madaxa Qadin Cunada Xitaa XamaarashO la igu KenO Midan Habeenki wada sheekaysanaynana Uu Habeenka Danbe Maydkiisa Layga Ag qadayay🥺
@abdulkadirismailyusuf
@abdulkadirismailyusuf Жыл бұрын
Hada xagee ku dambeysaa walaale Furintii Alle makaa soo baxshay misa waaba tagtay adna
@jacfaraxmed6682
@jacfaraxmed6682 Жыл бұрын
Haaaye haaye Hobol Wiilkii La Oran Jiray Waa Baa Lagu Cuudsan Jiray.. Waheey Lakala Nasiib Wacan.. Axmadoow Lagu Janee
@fahadkasocdalka2672
@fahadkasocdalka2672 2 жыл бұрын
Alle Naxariisti Jano Haka Warabiyo Allahuma Amiin 🤲 Maxamed Mooge Liibaan
@hadiyahbintuaxmed6855
@hadiyahbintuaxmed6855 4 жыл бұрын
Maxamed mooge liiban ilhy qabriga ha ku wasiciyo
@dadahanas2601
@dadahanas2601 5 жыл бұрын
who waching still mujahid mooge liibaan 2018 december
@muusemohamed8123
@muusemohamed8123 9 ай бұрын
Yaa ila daawanaya 29/9/2023 Maalin jumce 15:29 pm
@SakiCabdi-qp6hz
@SakiCabdi-qp6hz 4 ай бұрын
M mooge mujahid alle haw naxariisto
@haawodagan5472
@haawodagan5472 Жыл бұрын
waayeelka jaqafsada🧑‍🦯🧑‍🦯 xss haben isniin so galeyso 25/12/2022🥰
@khadardayib1444
@khadardayib1444 4 жыл бұрын
Wayeelka jafaqsaday 🤲🏻😢
@cabdirisaaqfaysalcali2745
@cabdirisaaqfaysalcali2745 2 жыл бұрын
Ifka waxaad la joogtaa Janaduu ku geeya ama Naarta jahanaba Jacaylkuna sidoo kale Nimcuu kuu jiheeya Ama se laamo kula jaba 15January 2022 allah ha u naxariisto Aamiin
@guuleedxuseendirir6285
@guuleedxuseendirir6285 4 жыл бұрын
Heeso waaku hoore macno ayeey xambaarsan yihiin
@suldaanreermagaal-n3z
@suldaanreermagaal-n3z 25 күн бұрын
raxima kalaahu raxmatun waasica sayid mmooge 😢😢😢
@cabdiwalibeeroof2483
@cabdiwalibeeroof2483 Ай бұрын
Ilaahii joogay baa jira❤. Waa hore.
@Abdiqani42
@Abdiqani42 2 жыл бұрын
Allah Ha U Naxaristo
@mubarikyusuf2094
@mubarikyusuf2094 5 жыл бұрын
2019, any one else who is watching..
@zamatarubdy8791
@zamatarubdy8791 2 жыл бұрын
Marku fananku marayo 7minit iyo 3 ilbidhiqsi lyrics ka heestu ma saxna marka hore wuxu odhanaya alaylehe jamashadaydi halka marka 2aad u dhahayo ana jamashadaydi illahay naxariistisa baladhan ha siiyo marxuum maxamed mooge libaan❤
@Muxsin-11
@Muxsin-11 Жыл бұрын
Cawo aan magalada London joogo, ayaan heestan dhagaysanaya anoon maqal mudo 20sanadood ka badan.
@kalidabdifarah
@kalidabdifarah 2 жыл бұрын
2022 inta igula dhafraysa gacanta ✋
@abdirahmanaliahmed1692
@abdirahmanaliahmed1692 Күн бұрын
Heestan hada 2024 wixi ka danbeya dhageysaneyso like saar dadki hora tahee ❤
@maxamedadanwaxalahaacalisa6446
@maxamedadanwaxalahaacalisa6446 2 жыл бұрын
Waxaan dhamaan idin su.aalay ereyada heesta yaa hal abuuray
@sharmarkeabdi3789
@sharmarkeabdi3789 2 жыл бұрын
Abwaan axmed saleban bidde ayaa sameyey 🙏
@luulhassan5177
@luulhassan5177 5 жыл бұрын
I'm watching now
@Mohajabaanyare
@Mohajabaanyare 4 жыл бұрын
Safkaa dheer
@bandhiggakhadarhawd3765
@bandhiggakhadarhawd3765 2 жыл бұрын
Thanks,Dr.Derajo sxb. Sida aad ereyada usaxday baan aad ugu bogay meelo aanan weligay fahmi jirin baad i fahansiisay. Soo badi.
@saidmohamud3189
@saidmohamud3189 9 ай бұрын
Waxaan is idhi War malaha in aan la fahmin ayaa fiican si aan looga xiiso dhicin. Heesaha la fahmo durba waa laga xiiso dhacaa.
@abdimahfudgelle968
@abdimahfudgelle968 3 ай бұрын
Allah yarxama Abti run sheegbu ahaa sakay taganty 😊
@Abdirahman1
@Abdirahman1 2 жыл бұрын
Ereyada lagu ladhay laxaan yaab leh iyo siiqadaa mohamed mooge, waxaay kugu so dejinayaan jacayl aan kugu simayn inad aqoonaato qofkad jeclaan lahayd. Waqtigu 3: 00 Nairobi, kenya
@deeqadhudi2025
@deeqadhudi2025 2 жыл бұрын
SNM Viva Somaliland 🦁🦁🦁🦁lsaaqinmo lsaaqi 🔥🔥🔥💚❤💚
@SAM22948
@SAM22948 2 жыл бұрын
Wnku salamy inader 😂😂🥰 From burao somaliland
@CabdinasirCabdulle-rf5eu
@CabdinasirCabdulle-rf5eu 10 ай бұрын
Alla xasuus beey igu reebtey aabaheey anigoo usha uhaya
@fadxacismancabdi9480
@fadxacismancabdi9480 3 жыл бұрын
M.a alle hawnaxariisto lama koobi karo qofnimadiise
@djama2648
@djama2648 Жыл бұрын
Naftaydaay maxamed mooge
@hassenhero1745
@hassenhero1745 2 ай бұрын
Waayeelka jaqafsada
@dinixhaashim6070
@dinixhaashim6070 2 жыл бұрын
Mar Male Baan Kuso Laabtay Laba Sano Kadib 25 April 2022😍 Allaha Ku Naxariisto😰
@SurprisedGreatDane-vl1qg
@SurprisedGreatDane-vl1qg 2 ай бұрын
Ifka waxad la jogtaa jannaduu ku geeyaa ama se naarta jahanba😢
@clfataaxbeegsi5416
@clfataaxbeegsi5416 Жыл бұрын
Ereyadii abwaan axmed saleebaan bidde
@zakiOhio
@zakiOhio Жыл бұрын
Allaha unaxariisto the one of the world's
@ibrahimdeeqabdiraxman9480
@ibrahimdeeqabdiraxman9480 Ай бұрын
2024 inta fiirsaneysa ismuujiya
@dinixhaashim6070
@dinixhaashim6070 4 жыл бұрын
Waxba Se Jeerba Yaan Hiban Jirrabkan Aad I Marisaye Illaahii Joogay Baa Jira Allihii Joogay Baa Jira Hadaad 2020 Daawaneyso👉 Ii Saar.
@jarose4876
@jarose4876 2 жыл бұрын
Heesaha maxamed mooge ma adigaa iska leh ma hoyadaa ayaa kusiisay heesaha somaliyeed
@momassari9254
@momassari9254 4 жыл бұрын
Allow kuu naxariiso
@sharifmahamud2993
@sharifmahamud2993 Жыл бұрын
Wazika baara kobcina iyo guda baabi inta uu qaabil saan daalka maraykanka in ay tani keeni kaarto godon dhica in saanka
@maxamedcabdiaxmed7381
@maxamedcabdiaxmed7381 2 жыл бұрын
1980 ayaa qaday heestan
@suleimanabdirahman5295
@suleimanabdirahman5295 2 жыл бұрын
Ilaahay haw naxaristo
@abdimahfudgelle968
@abdimahfudgelle968 3 ай бұрын
Walal fataxada umara wuu inoo halgamay oo naftisii inoo hurey 😢
@abdikarimmahamed8132
@abdikarimmahamed8132 2 жыл бұрын
Wadiiqada jiriirsani Jisan bay ku gaysaa Ama jar iyo buur dheer Mahamed mooge liiban Allow u naxariiso 13:44 29/05/2022 Aan daawanayaa Maalin xasuus ii ah
@Kafi_adde
@Kafi_adde Ай бұрын
Eid wngsn
@user-gl1wv6bm3j
@user-gl1wv6bm3j 2 ай бұрын
Boobe muxuu yidhi oogu danbaytii akhriyoo isla aamus 😢😢
@abdirahmanaliahmed1692
@abdirahmanaliahmed1692 Күн бұрын
23 7 2024 😢❤
@najwaofficial4690
@najwaofficial4690 4 жыл бұрын
2019 i steal waching❤❤
@FaraAhmetAli
@FaraAhmetAli 7 ай бұрын
Waaayeeelka jaqafsada❤😊
@Abdallemaxamed-jv3wn
@Abdallemaxamed-jv3wn 3 ай бұрын
Ale ha unaxaris hobol qaliya ayu aha
@mohamouda.dualle0277
@mohamouda.dualle0277 Жыл бұрын
AUN M. MOOGE
@user-di7pm6ex2t
@user-di7pm6ex2t 3 жыл бұрын
Wacdkii ma jeexnaa adigu unbaa ku joogsaday
@PublicAdministration-xb6ej
@PublicAdministration-xb6ej Ай бұрын
Best song
@naasircabdi4028
@naasircabdi4028 4 жыл бұрын
Allow ku naxariiso
@mohamedsaed8117
@mohamedsaed8117 4 жыл бұрын
I watching 2020
@kalidabdifarah
@kalidabdifarah 2 жыл бұрын
Khalqigana badh baa jira intey ku hor "Jalweystaan" "waaq" la kugu "Jarwiciyee" Jalweyn? Jarwiciyeyn? Waaq la? Intaas yaa noo faa'iideeyaa?
@diirieabdullahi5702
@diirieabdullahi5702 2 жыл бұрын
Waaqla' waa lama dagaan, ama dhul cidi aanay joogin. Jalweyn waa wardin ama in qof uu gabay iwm uu ku luuqeeyo. Fahamkeyga waaqla' kugu jarwicyee waxa ay Ila tahay cidla ku dhiga/ kaaga dhaqaaqo. FG: Ma hubo, macnaha saxda ah ee jarwicin.
@kalidabdifarah
@kalidabdifarah 2 жыл бұрын
@@diirieabdullahi5702 mahadsanid saaxiib
@ahmedharpi6738
@ahmedharpi6738 5 ай бұрын
Wakhti iyo raaid usa 7/2/2024
@hodanciise9847
@hodanciise9847 Жыл бұрын
Raximahullahu raxmatan waasica
@abdihakinhersi8604
@abdihakinhersi8604 3 жыл бұрын
Still watching 2021
@faadumoyusufismail5208
@faadumoyusufismail5208 3 жыл бұрын
I steal watching 16 \7 /2021
@sharifmahamud2993
@sharifmahamud2993 Жыл бұрын
Dagaal an kala golahayn 0o maraykanko uu koqaaday xuunaha taranka ee Aadamiga
@solocamper3324
@solocamper3324 4 жыл бұрын
4:56 alleylahe sidii jagi dhalin isku jiidhee wacadkeenii najaxnaa adigaa ku joogsaday weeye
@fadxacismancabdi9480
@fadxacismancabdi9480 3 жыл бұрын
May sidan ayey sax ki tahay Wacadkeenni keenni jeexna ayuu kuceliyay saas awged waxalamodaya najaxnaa marka sida ay u qorantahay aya saxan mahadsanid
@kaysefarah8913
@kaysefarah8913 3 жыл бұрын
Waxaan Arkaa Dadka Qaar Heesta Earayada Soooqoray Oo qaar Khaldaya Khalqigana Badhbaa Jira intay Kuhor "Jalwaystaan✔️ waaqla kugu "Jarwaliyee✔️ Sidaasay sax ku tahay Halka Dadku Qorayaan Khalqigana Badhbaa Jira Intay Ku hor (Jaflaystaa ✖️ ) Waaqla Kugu (Jarwiciyee ✖️) wax layidhaa jaflaysta Iyo Jawiciyee Ma Jiraan Adeero Erayada Ufiirsada waxani Af-somali waana Afkeenii Hadaynu garan wayno waa mushkilade ufiirsada Wax
@hooshbanadir221
@hooshbanadir221 3 жыл бұрын
Jalwis iyo jarwalin noo micnee Sxb.
@mo.ziyaad6216
@mo.ziyaad6216 2 жыл бұрын
Marka wxano is kibrina ma labada ereyba ka keenay zxp
@abdiisse7882
@abdiisse7882 Жыл бұрын
4:08 layric wadiiqada jirjiirsani jid san bay ku gaysa ama jar iyo buur dheer.wa khalad. Wadiiqada jirjiirsani jid xunbay ku gaysa.
@XMS4
@XMS4 3 жыл бұрын
Nadar maxamuud jirde walshe qaali aya ka maqli jiree heestaan waayeelka jaqafsadaa
@abdirahmanahmedbashiir5205
@abdirahmanahmedbashiir5205 4 жыл бұрын
Who is still watching after ramadaan
@ayanrosa6475
@ayanrosa6475 4 жыл бұрын
2020 still watching ina mooye Allah yarxamak
@Guuldoon252
@Guuldoon252 3 жыл бұрын
2021 febraayo
@RuqiyaAbdi-w2n
@RuqiyaAbdi-w2n 12 сағат бұрын
1:57 24/7/2024
maxamed mooge liibaan |soo jiidh wanaaga
7:54
soomaali 24
Рет қаралды 163 М.
19 Memories
0:49
Jai Garg
Рет қаралды 41 М.
10 June 2024
3:24
Maxamed Indho
Рет қаралды 6 М.
Mohamed Mooge Liibaan-Nabsiga Hiisha (Kaban)
6:26
sameysane
Рет қаралды 1,5 МЛН
Maxamad Mooge liibaan  Haween dhamaan baan ka hawl yaraystay Hees Macaan
6:19
Cabdirasaaq Salaxlaawi
Рет қаралды 527 М.
Heestii Waa La Ii Adimay Lyrics Xasan Adan Kabankii Aun Jiim Sh Mumin
9:19
MAXAMED MOOGE LIIBAAN JACAYL BIRI MA GOOYSO
5:55
Keydka Suugaanta
Рет қаралды 99 М.
Saxarla' || Maxamed Mooge Liibaan || Kaban || HD +Lyrics
8:03
QARAAM CHANNEL
Рет қаралды 611 М.
Maxamed Mooge iyo Hibo Nuura - Babaygii jamaame lyrics
14:28
Rageedii™
Рет қаралды 797 М.