Xasan Jacayl lama moosi karo Sidii mayayguu da'aa Mirood buu kugu dilaa Midiyo dhiigluu sitaa Halbowlaha kaa marshaa Micida waa loo dhintaa Masiibadu way jirtaa Midhaha geed sare ku yaal Marbaad u miliilicda Dadkana aad uga midtee Waxaan kuu matalayaa Nin maqanoo meel fog jira Aanse meher kaaga tagin Miyaa malab loo tufaa Macaan loo saydhiyaa Muraadkaa lagu xidhaa Nimco Adigu waad i maabisee I mayracayoo i miray Mowjada hoosaan ku dhacay Dhexdooday ku maaxayaan Ilaa madaxaa iqarsoon Ma gaabshe muggii jacayl Intaan miliqsaday ku mamay Dabadeed muudsaday margaday Mareegtiisa igu xidhan Ku maydhay anoo is moog Sidayda haduu ku mudo Dushaaday ka muuqan lahayd Murtida waxaan kuugu jaray Ma moogid midhkaan jeclee Xagee baan adi ku marin Qalbigu waa meel qudhee Xasan Marwooy waa maati dumar Hadaan raggu maamuleyn Muraadkooka ka lumaa Maaweeley run moodayaan Muddadu ay kaga luntaa Murtida waxaan uga socdaa Haday arimihii murgeen Aadse murugeysan tahay Anigu mayalka aan qabtee Miyaad iga maarantaa Miyay kuu muuqataa Nin maqanoo meel fog jira Aanse meher kaaga tagin Miyaa malab loo tufaa Macaan loo saydhiyaa Muraadkaa lagu xidhaa Nimco Masiiba aduun iyo Ma duufaan baa i sida Mahiigaan baa igu dhacay Maseyr iyo ciil i madhi Midkaan la malaysan jiray Mugdi iyo muran baa iga xiga Muraadkaygii ma helin Warkaan maqlay meel igoo Hadana kama maarmi karo Markhaatina waa tahee Hadaan laygu kaa maxlalin Maqaar-saar waa nacee Miyaa lays maagayaa Ma moogid midhkaan jeclehee Xagee baan adi ku marin Qalbigu waa meel qudhee