"NINKAYGA AJANABIGA AH WUXUU IGU HAYAA GARAACIS & GUUMAYSI"

  Рет қаралды 127,652

HBN Online TV

HBN Online TV

Жыл бұрын

AAMINA SALAAD "NINKAYGA AJANABIGA AH WUXUU IGU HAYAA GARAACIS, GUUMAYSI & SILIC" WAA WARAYSI AYNU LA YEELANAY GABAR SOOMAALIYEED OO KA HADLAYA KADEED ADDUUN & NAXARIIS DARRO UU KU HAYO NIN AJANABI AH OO AY CARUUR ISKU DHALEEN. WAREYSIGAN QARACANKA AH WAXAY U CODSI U DIRAYSAA DAWLADA & SHACABKA SOOMAALIYEED. FADLAN SII QAYBI SI UU U GAARO HALKA FARRIINTAN GABADHAN KU SOCOTO. #hbntv #mowliidhajiabdi #mowliid

Пікірлер: 441
@OmarAhmed-bi2lj
@OmarAhmed-bi2lj Жыл бұрын
umaleeyn maayo ninkaa sacuudiyaanka ah inuu u haaysto gabadhaa xaas ahaan, kaliya wuxuu u haaystaa si adoonsi ah, oo wax caruur ahba ineey u dhasho ma uusan rabin, maxaa yeelay nina caruurtiisa ma dilo, isbitaal in la geeyona uma diido, sharci in loo soo saarona ma diido, ee ninkaa caruur ma uusan rabin, gabadhaana adoonimo ayuu u haaystaa ee Allaah ha ka soo daayo, Allaahuma aamiin
@nihaalbiintuilyaas2442
@nihaalbiintuilyaas2442 Жыл бұрын
Aboowe waa runta adoonsi ahan bu u heystaa xoogaa bey wexey dhaantaa kuwa silsilada ugu xiran oon la ogeyn caruur badana iyagoo silsilad ku xiran laga dhaley ilah ha u miciino miskiinta lkin mey ka dhuumato caruurihisana uga tagto ama gabadha ka xado wecelka ciilkisa i haaya walahi
@israhassan4674
@israhassan4674 Жыл бұрын
Hadal,keedu wuxuu u eegyahay sheeko beray'lay kkkkkk
@tusiwibhsjjsj4100
@tusiwibhsjjsj4100 Ай бұрын
Q
@user-rg3tf4ui7x
@user-rg3tf4ui7x Ай бұрын
P
@umuhipaa3663
@umuhipaa3663 26 күн бұрын
H❤😂
@HBNOnlineTV
@HBNOnlineTV Жыл бұрын
Fadlan sheekadan si ay u gaarto dadka loogu talo galay gaar ahaan dawlada Soomaaliya & safaaradda si gabadhan Soomaaliyeed loo caawiyo aan share garayno. Mahadsanidiin.
@mohamedabdiabdi1283
@mohamedabdiabdi1283 Жыл бұрын
Ustaad mahadsanid
@tasneemmohamed8524
@tasneemmohamed8524 Жыл бұрын
Walaal wad ku mahadsan tahay arrinta walaashan Soomaaliyeed aad ka damqatey ood nala wadaagtey Laakin Aniga Waxaan oran lahaa Aduunku maanta meeshuu marayo wan aragnaa gabadhan ninkan xaas ahaan inuu uheysto uma malaynayo Ninkanna inuu nin caafimaad qaba yahay ilama ahan Maalin kastana gabar Soomaali oo Waxaan maqalnaa ladilay Marka Aniga Waxaan ku talin lahaa gabadhan iyo ilmaheeda in laga kaxeeyo ninkan oo nafteeda labad baadiyo uusan cidladaa ku dilin Meel uusan arkayna lagu hayo Kadibna wadankeeda lageeyo indha dambana loo saarin
@OmarAhmed-bi2lj
@OmarAhmed-bi2lj Жыл бұрын
soomaaliya doowlad maa ka jirta moowliid? ninman tuugsadayaal iyo dilaaliin ah ayaa wadankii qabsaday, kaliya waxeey yaqaanaan meeshii uu ayaga shilin ka soo galayo, gabadhaas Allaah ha u gargaaro
@Tasniim1
@Tasniim1 Жыл бұрын
Walaal Mowliid Haji Abdi waad kumahadsan tahay sida aad noola wadaagtay arintan murugada leh ee gabadhan Soomaalida ah haysata. Eebe Weyne haka saaro dhibka. Aamiin.
@shambalafe300
@shambalafe300 Жыл бұрын
Waxay inta xanuun ah u mari caruurteeda Aaax Yaa Aaax insh allaah mar dhaw in laga jawaabo ayan jeeclaan
@abdikafibosska645
@abdikafibosska645 Жыл бұрын
Anigu muuqalkan ayaan daawaday caawa ciil iyo calool xumo ayaan laseexan la'ahay tol beelay waa gabar soomaaliyeed dowlad soomaaliyeed in eynaan haysan ayey dunidu wada ogtahay dadkayagana sidaa iyo kadaran ayaa loo gumeystaa madaxda somaliyeed ee tuugsiga lacag raadiska u tagaysa wadamada carbaha Iney muwaadiniintooda ka war qabaan ayaa loo baahnaa Gabadha waxan leeyahay ilaahay hakuu gargaaro!!
@yonisman2089
@yonisman2089 Жыл бұрын
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa iga qoslisiisay walaahi. Waaqiirootay miyaa. Nimaan wax ogeen ilaahey macadaabo. Fiirii qoftaan ninku ma qasbin ayadaa dooratay sida ee afkeeda kasheegtay. Camuu qurbaha ayaan joogaa hadii aad ogaan laheed nagaha somali sida ee raga somali ucaayaan iyo sida ee ajanabi ugu jilecsanyihiin iga wallee in aadan uqiirooteen. Naagahaan ceebtooda waxeey soobaxday markii ee qurbaha yimaadeen. Hadalkeeda markaad qiiro japanta kasaarto waxaa kuusoobaxeeso in ee tahay qof somali katashatay balse meeshii ee kutashatay ee kuxumaatay 😂😂😂😂😂😂😂. Film kaan wax badan waa soo arkay. Waxaan soo arkay rag sidaadoo kale inta ugu qiiroodeen naag somali oo nin ajanabi garaaco hadane ee ragii somali dacweysay oo ragee police uguwacday ninkiina ee Dib ugu noqotay. Naahaga somali markey Nin somali shukansado guurka waa kuqaaliyeeyaan xitaa meher lacag badan ee sheegtaan balse in uk waxaa kanoolaaday Niman jareer ah oo xabsi kasoobaxo iyo kuwo nolasha kadhacay. Waxey ubixiyeen half apple 🍎 ama tufaax barkiisa. Believe it or not naag somali ayaa Maher waxey uqabsatay tufaax barkiisa waayo waa nin xabsi kasoobaxay oo waxba heesanin. Iga wallee naagaha somali adii aad ogaan laheed ma aadan jixin jixinsheen. Cheap n clean waligaa maadan maqal aan umaleynaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk nimaan wax ogeen ilaahey macadaabo.
@hobergurey3093
@hobergurey3093 Жыл бұрын
nimankii soomaliga ahaa waa la caynaa ajnabigiina waa laga soo qaylinaa intee roon dumarow
@nasrafarah9136
@nasrafarah9136 Жыл бұрын
Ninka. Waa waalan. Yahay Gabdha. Ha iyo caruurdeeda. Ha la soo bad baadiyo. Aamiin
@abdullahiadan7111
@abdullahiadan7111 Жыл бұрын
mahadsanid mowliid 1000 iyo kabadan damqashaada,HBC warar lagu kalsoon yahay,barnaamijyo tayo leh,wariyiyaal rug cadaa ah iyo madaalo adaan marnaba ka xiisa dhacaynin,thanks
@muniir3654
@muniir3654 Жыл бұрын
Maxaa markii hore u geeyay ajnabi, Soomaalida wixii looga digo waaba ka helaan, gabdhow waad u jeedaan iska daaya ajaanibtaan aad farqaha ku wada taan, naago badan oo ajaanib guursaday xitaa nimanka qaba maaha islaam
@abduraxman143
@abduraxman143 Жыл бұрын
War kuwan iqtiyar mleh jizan qasaba laiskuheysta sidi libiya waye
@wiilocabdul6383
@wiilocabdul6383 Жыл бұрын
Wlhi waa xanuun lkn gabdhaheenii iyakaaba nabsi ka galay wiilasheena soomaaliyeed.waayo caalamu islaam dumarka ugu xoriyad badan waa dumarka soomaaliya Alxamdulillaahi rabil caalamiin. Waxaan gabdhahena kula talinayaa ineey guursadaan wiilasheena soomaaliyeed ee gobanimo oo dhanba garbahooda hantiyey.mansha allaah illahoow noo xifti wiilasheena iyo talkeenaba aamiin aamiin aamiin yaa rabi
@isseyare837
@isseyare837 Жыл бұрын
@@fakeituntilyoumakeit9284 Nin sucuudi ah raadso lkin hasoo caban marka lagu garaaco Go ahead
@journalistemuqdisho7604
@journalistemuqdisho7604 Жыл бұрын
Muniir bro illahey waxo qaro cid coli karto ma jirto guurkas ne rabi ba qoray lakin gabartan waa walshena wana ina u duceyna waxana jaclan lahen dowladena ine wax ka qabata safiirka sacuudiga somaliada u fadhiyo waa in laka weydiya suaalo dumar badan ba dhibesan iyo rag ba
@saharamohamud8417
@saharamohamud8417 5 күн бұрын
Subxanallah, wa qorjiran Farajallah Qaariib.
@abdirashidmohamed166
@abdirashidmohamed166 Жыл бұрын
Gabadhahenu Dhibka Heysta Anaga Mas'uul Ka Ah Inaga Wadanki Ka burburinay Gabdhahenana Waxan Ushegaya Ajaanibta Iska Ilaaliya Wlahi Ayan Dhaxda Midba nin Adoon Ah Sudani Ah Gowracay
@dadaalintaaadcaafimaadqabt2205
@dadaalintaaadcaafimaadqabt2205 Жыл бұрын
اللهم صل وسلم على سيدنا محمد
@adammohamed5339
@adammohamed5339 Жыл бұрын
عليه افضل الصلاة والسلام
@imranabdallah
@imranabdallah Жыл бұрын
@@adammohamed5339 qqqqqqqq
@Manka2123
@Manka2123 Жыл бұрын
Allaha caawiyo hooyadaan yaa rabbi
@aishaibrahim2964
@aishaibrahim2964 Жыл бұрын
Ilaahaw umadeena dhibka kasaar aamiin
@GeediGeediMuse
@GeediGeediMuse Жыл бұрын
Ajinabi aad, raga somaliyeed soo cay’ hadhow markuu dadkiisa u laabto. Somali ku soo calaacal. Go’aanada qaarkooda-50sano aa laga fikiraa. Hoos u fikirka ha la joojiyo 😢 ha la caawiyo waa iska dumar’ e. This is so upsetting wallahi
@SuperMan-kv8fy
@SuperMan-kv8fy Жыл бұрын
MAWLIID KHAYR ALLE HAKUU SIIYO HADSAD NOO SOO GUBISEY DHIBKAN GABARTA HAYSATA ABAAYO ALLE HAKUKKA JIRO AMIIN YAA RABBI
@ridwanbirre8310
@ridwanbirre8310 Жыл бұрын
gabdhaheenow waxa idin dhahilaha lugo baasto kuhaysaanr wlhi wax kudhama majiro qof dhigada ah waayo hadii asagu kugu xumaado xita ehel kiisa iyo qarabadiisa somali xeer uledaho ka celinayo lkn balayo iska celin karin wax kaga dacwodidna heysan wadankiisana jogo wlhi waa balaayo ku raratay
@alimohamedabdi6470
@alimohamedabdi6470 Жыл бұрын
Wlhi aad Iyo aad ayaan UGA calool xumaadey hooyadan SOMALIYEED Ee dhibaateysan Rabi haka dulqaato😭😭😭😭
@osmanabdi3185
@osmanabdi3185 Жыл бұрын
Allah ha kaqaado dhibta soomalida oo dhan ayaa dayaca waxaa ka masuul ah kuwa sheeganaayo madax sare iyo madax hoose
@yasiinclaahi4635
@yasiinclaahi4635 Жыл бұрын
Amiina amiina
@Utuber387
@Utuber387 Жыл бұрын
Nimanka sacuudiga way qariyaan xaasaska labaad,sedexaad iyo afaraad, waxeyna ku dadalayaan ineysan banaanka soobixin ama dadkiisa arkaan.
@XMan-qu5kl
@XMan-qu5kl Жыл бұрын
President Farmaajo would have done something about this but Hassan Sheikh will not anything about this
@crisaaq2929
@crisaaq2929 Жыл бұрын
War naagta, caruurta nin, ayaa dhalay, waa sucuudi, laga yeeli maayo, inay kaxaysato, ee nafteeda, hala baxsato! Carab yaqaan, ayaanay ahayn, waa duleystey, afrikaanad dad, uma yaqaaniin, caydooda iyo quursiga, ayaa ka xun, dilka iyo garaaca!
@xayawaanadabadiyobari4094
@xayawaanadabadiyobari4094 8 ай бұрын
gabdhihii somalida waxa haysta waa wax odayaasha somaliyeed ugeysteen waayo maanta ninkaasi hadii uuyahay somali sifican udhaqanaayo reerkiisa waxa diidaaya odayaashii oo leh waa jareer iyo waa madhiban ninkas oo dadkiisii lagaranaayo waligood daris ahaayeen ayaa loodiidayaa balse ninka gaalka ahna markay aroosto gabadhu wey uhanbalyeeyaan sidii qof ay aqoon uleeyihiin oo kale markaa gabdhaha somaliyeed meel kasta oo ayku dhibanyihiin ilaahay dhibka haka dul qaado aamiin yaa rabi manta ninkas hadi usomali yahay dadkiisa ayaa loga dacwoon lahaa ama kaa qaban lahaa oo gacan xitaa ma uusan qaadeen ilaahow gabdhaha noo xafid
@abdihagi3517
@abdihagi3517 Жыл бұрын
Mawlid Allaha ku Xafido Gabadheena Soomaaliyeed Noo Badbaadi Gabadha Soomaliyeed Amina Dhib Wayn baa Haysta Anigu Diyaar baan u Ahay inaan Saacido Walaashay ee see kula Xiriira Amina Please Maulid .
@SYL-nq4yo
@SYL-nq4yo Жыл бұрын
subxaanalaah ! , WUXUU ka aamin sanyahayba WAA ADOOMO GABDHAHEENA iyo hunguri, wareeg , Damiir xumo iyo raqiisnimo bay meelkasta u daad sanyihiin.
@foos81
@foos81 Жыл бұрын
Asc asxaabta walahi nin carab laatu aminuu sidee ku amintay cariurta asaga ma dhalino haduu dilo cabiid uu ku haystaa walahi ilaahey ha ufududeeyo 🤲🇸🇴☝️💙
@rodamuhumed7839
@rodamuhumed7839 Жыл бұрын
Ax Ilahay swt hakuu gargaaro wllo
@omar-de9dg
@omar-de9dg Жыл бұрын
Mowliid waad ku mahad san tahay sida aad umada soomaaliyeed usoo gaarsiisay dhibaayada gabarta haloo gurmado safarada soomaalida haloo gudbiyo
@user-qw7xb9ju6j
@user-qw7xb9ju6j 11 күн бұрын
Slm. Qisadaan ookale gabar aykudhacday. Markahere. Weydacwey neysaa kadib. Ayey xal gaareysaa iyada iyo caruur teda. Xitaa iqamad ayey iyada siinayaan. Carurtana sas ayey waxbarasho kuhelayaan. Wa inlooyar sacidi loo qabtaa. Anahayo mid gabar somali qabo. Hada kahor sanookale ayaagabar looga dhiciyay. Ilasoo xarira. ❤😢
@abdi6533
@abdi6533 Күн бұрын
Maxaa kuu guuriyay carab carabta waxay u haystaan inaad adoontahay haku waynin naftaada ee ka soo tag ee imaw meel lagaa caawinkaro waa lagu caawinayaa insha Allh
@Mugdisho
@Mugdisho Жыл бұрын
Asc walaal Amina Salaad ninki Sacuudiga aha iga Malaga soo badbaadiyay 3 sano aya ka soo warega tay Thanks
@mohamedmohamud3432
@mohamedmohamud3432 Жыл бұрын
Mawliid.horta gabadhan ku diganmaayo qurbaha waxaan galay 1986 ilaa hadda waan joogaa waxaan Soo maray Carab Africa North America Nin weyn baan ahay Soomaalidu waxay tidhaahdaa nin weyn iyo umuliso siday wax u ogyihiin wax uma sheegaan adeer dumarka soomaalida iyagaa indha dheer dalka soomaaliya oo aan burburin sideetamaadkii khaliijka iyo Africa ayaa soomaalidu ku badnayd weliba khaliijka dumarka soomaalidu iyagaa ragga ajnebiga ah u nugul oo u jilicsan waxaa khaliijka jooga itoobiyaan aad bay u yar tahay dumar itoobiyaan ah ama eriteriyaan ah ama suudaan ah oo ajnebi raaca ama guursada xitaa India muddo ayaan degenaa dumarka soomaalida keliya ayaa ku dheeranjiray in Hindi guursato waxaan xusuustaa gabadh aan garanayo oo Hindi guursaday oo markay is qabteen uu ku hanjabay inuu gawracayo waxaan galay mar arrin gabadh nin Carab ah guursaday aakhirkii ilaahay baa ka kaxeeyey carabkii markaa adeer dumarka wacyi gelin bay u baahanyihiin ayaamahan waxaa Soo batay dumar North America cadaan iyo madow guursaday weliba ragga ay guursadeen qaar badani gaalo yihiin oo been sheegayaan oo yidhi Muslim baanu nahay kuwaas ayaa baraha bulshada ku dhiirigeliya in dumarka soomaalidu guursadaan ajnebi waxaa qosol leh marka gabadh soomaaliyeed Soo gasho baraha bulshada iyadoo nin ajnebi ah sidii badeeco cusub u xayeysiinaysa in comments gabadho badan Soo qoraan abaayo raaxayso maxaad soomaali ku falaysaa iyo hambalyo isku waara markaa adeer nin weyn baan ahay anigu dumarka soomaalidu inay ajnebi daayaan rajo badan kamaqabo maalin dhawayd waad arkaysay in gabadh soomaaliyeed nin suudaani ahi turkiga kudilay hadaad kanaxayso u samay barnaamij gaar ah oo lagu wacyigelinaayo Tankale waxay garan layihiin in ninka soomaaliyeed cid dhaantaa aanay jirin Soomaaligu waa nin sumad leh oo meel loo raaco leh oo ehel leh oo qabiil loo raaco leh inta badan soomaalidu way is qabataa laakiin ajnebi xaggee u raacaysaa waana sax sida gabadhu sheegtay nimankaasu ismaqabtaan tankale dumarka soomaalidu ninka cadiba oo ciqaaba oo kaadidooda kalax ku shuba wa jecelyihiin waxaan ku Soo oodayaa Maahmaahdan Dumarku ninkii xarriir u gogla xannan bay u goglaan Ninkii xannan u goglana xarriir bay u goglaan Waxaan kaloo ku darayaa hees uu qaado ilaahay ha u naxariisto maxamed axmed kuluc Hadaad jamato cadawgaa iyo ruux ku jiidh neceb Hadhka kuuma jiidee Waxaan kaloo ku darayaa hees kale oo qaado ilaahay ha u naxariisto faarax guuleed Waadiga is dooxoo Mindi daabka haystoo baddu kula degaysee Awr dabar l a,aan dhacay wax cunna dugaagee
@KSMK-gs2hj
@KSMK-gs2hj Жыл бұрын
Adeer gabadha haku digan adigaba gabdho waa dhashay saan filaayo yeeysan kuugu imaan gabadha khalad Waa ka dhacay calafka ayaana qornaa ciyaalkaa ayaa meesha Alle ka qadaraayay marka u ducee un
@mohamedmohamud3432
@mohamedmohamud3432 Жыл бұрын
@@KSMK-gs2hj Kuma diganaayo oo markii horeba waaniga ku sheegay bilowga qoraalka anigu runta ayaan ooda kaqaaday laakiin waan ogahay gaar ahaan dumarku inay dhibsanayaan runta anigu dumarkaan wanaag larabaa laakiin haddii ay hadalkayga iyo runtayda si kale u fahmaan , waxba ku darsanmaayo hortayda haddii ajnebi ku biraynaayo u dhaqaaqimaayo maalin dhawayd mid baa turkiga lagu bireeyey Markaa hadaad taldaydaad diidaan diyaar baan u ahay Meeshii larabo ha laydin ku cuno
@KSMK-gs2hj
@KSMK-gs2hj Жыл бұрын
Adeer tan wax sheeg hada Waa dhaaftay oo gabadha 2 caruur ayaa u jooga maxaa kaa si ah Malaha dhib si gaar ah adiga kuu heestaa jira waxay ahaataba marxaladan oo kale markeey taagantahay maxaa xal ah iyo duco lee larabaa ee kudigasho ma taalo meesha inta ajaanibta jecel Allaah garansiiyo jinsiyadooda oo anigaba raali kama ahi ee hadalka iska toosi un,Teeda kale alxamdulillaah anigu ajaanib ima qabo wiil aan isku jinsi nahay ayaan isla joognaa,gabadhaha u xarooday Allaah u yasiro
@safiaafrah1248
@safiaafrah1248 Жыл бұрын
@@KSMK-gs2hj adeer waa runtiis waa in labaraarujiyaa gabdhahaan.qalbigey naga xanuuniyeen meelkasta mid baa ooyeysa ajnabi ay guursatey dhibaateeyey. Shaley mid hindi sucuudiga kuguursatey oo uu cunigii kaxadey India la aadey aan fiirsanaayey.waa xaalad adag wlhi.
@burbuluug424
@burbuluug424 Жыл бұрын
@@KSMK-gs2hj Qaladka oo dhan waxaa iska kale Dumarka Soomaalida ah ee jaahiliinta ah ee u Haysta inuu ajabi xun Nolosheeda dhisayo Hablaha soomaalida waa kuwa Ugu liita ee U Nugul Shisheeye Halka ay walaakeeda somaliga ay kadeedayso kan cayrinayso guriga dhnka kale caqli & cilmi midna malaha tusaale ahaan waxay lanoolyihiin cadaan iyo madow weliba ragga ay Lanoolyihiin qaar badan Waa Gaalo sida Kuwa Yurub & AmeRica ay been sheegaaan NINkaygu waa Muslin kuwaas ayaa baraha bulshada ku dhiirigeliya in dumarka soomaalidu guursadaan ajnebi waxaa qosol leh marka gabadh soomaaliyeed Soo gasho baraha bulshada iyadoo nin ajnebi ah sidii badeeco cusub u xayeysiinaysa in comments gabadho badan Soo qoraan abaayo raaxayso maxaad soomaali ku falaysaa iyo hambalyo isku waara Kolay Dumarka Soomaalidu inay ajnebi daayaan rajo badan kamaqabo maalin dhawayd waad arkaysay in gabadh soomaaliyeed nin suudaani ahi turkiga kudilay hadaad kanaxayso u samay barnaamij gaar ah oo lagu wacyigelinaayo
@mahadshariif1981
@mahadshariif1981 Жыл бұрын
Gabadhani ilaahay ha ugargaaro aamiin waiye mawliid xaaji-cabdi mahadsanid 👍🍇☂️
@HassanAliHassan1960
@HassanAliHassan1960 Жыл бұрын
Ilaahaa caadil ah. Ilaahow dhibka ka qaad walaasheen
@historynerd7549
@historynerd7549 Жыл бұрын
Nin Xanuunsan baa meel Ju xidhey subxana Allah
@ahzaab553
@ahzaab553 Жыл бұрын
Waxaan layaba gabdhahyna Somalia waxaay ku ordaaan nimanka ajnabiga kadibna waxaa dhahan wa nadilay ilmaha Naga qatay .marka waxan leeyahay walahaa iska daaya raga ajnabi ga.
@galmudug1044
@galmudug1044 Жыл бұрын
Raga ajaanibta iyo raga somalida yaa fiican
@ahzaab553
@ahzaab553 Жыл бұрын
Kolay aniga gabar Somalia ka dooran myo ajnabi
@fardowsaabdulle9001
@fardowsaabdulle9001 Жыл бұрын
NINKANI MASUUL MANOQONKARO ILMAhaan iyo hooyadod xalkele halohelo💪🏾💪🏾💪🏾💪🏾💪🏾🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴😭😭💔
@aragtidahorumarkabulshada8060
@aragtidahorumarkabulshada8060 5 ай бұрын
Wlhi waa nin Xanuunsan Ama Habaaran SubxaanaAllah. Mowlid Adiguna waad ku Mahadsanthy In kastoo ay Safarada Utagty Madaxda Qaranka iyo SAFARADA Soomaaliya bal Hadii ay Wax Uqaban Karaan Aan Gaarsiino Muuqaalkan illahay haka Soo Furdaamiyo Codow baa haysto Gabdha Iyo Caruurteedee
@alimohamed9107
@alimohamed9107 Жыл бұрын
Why are you feel sorry for her somali women have chosen foreign men than Somali men they got freedom they need
@maxamedxuseen4516
@maxamedxuseen4516 Жыл бұрын
Alle ha ugargaaro gabadha Aamiin yaa rabbi
@user-mk1gp2cw7o
@user-mk1gp2cw7o Жыл бұрын
Cartu maogolo in ilmahooda qof ajaanibah qaataan oo yurub xataa gabdhaha markey kalatagaan wey ka xadaan ee gabadhaan in ay ilmaha xado halagu caawiyo carab somali ilmo siinmaaye
@salmaandsuhayb2845
@salmaandsuhayb2845 Жыл бұрын
Ilma ajnabi maxaa wadanka noogu keenee
@aaminasalah806
@aaminasalah806 Жыл бұрын
Abaayo Aamina illahy cadowga gacantiisa hakaa saaro adiga iyo ilmahaaga💔🥲
@Sara-iu8hs
@Sara-iu8hs Жыл бұрын
Ilaahay Haku caawina adi,Ilmahaga.
@dekahassan9060
@dekahassan9060 Жыл бұрын
Asc gabdha soomalidu ajinabiga ha iska daayaan khayr malaha ajinabigu gabadhaasi ha kacararto ninkaa ilaahayna habarido
@kamalaadanyusuf2991
@kamalaadanyusuf2991 Жыл бұрын
Waa dhiibaatoo miiskanade Ninke meel iskaa sare oo Jiilab laa dhaca ninka bakoorade soo Qaado iskaa dhiicii ninkase saqaajana uu sheeg safarad Somalide oo kale soo baxsoo caruruta yaryer marks uu Qaado dalke😭😭
@mahdiali2695
@mahdiali2695 Жыл бұрын
Amino salad ..aamiin salad...Amino salad...Amino salad....WAA in la XASUUSTA...WAA qaracan.. Wasarada. AD IYO SAFAARADA. XININYO MUJJIYA.....
@Hasnktal
@Hasnktal Жыл бұрын
Ilaahay ha ugargaaro gabdhow waad maqashaan hoyadaas ku tusaale qaata guurka ajaanibta
@shamsabarre5369
@shamsabarre5369 Жыл бұрын
Subaxaan allah yaarabi ugargaar
@safiaafrah1248
@safiaafrah1248 Жыл бұрын
Way adagtahay in loo ogolaado ilmo sucuudian ah ay somalia u kaxaysato. allah ha badbaadiyo gabadhaan.lkn gabdhaha somaliyeed ee ajnabiga guursada tusaale ha unoqoto arintaan.
@blessingchanne1866
@blessingchanne1866 Жыл бұрын
Somalia ma ayadha ogalaneysoo
@cumarshuuriye97
@cumarshuuriye97 Жыл бұрын
Halkaan halagu sooxirmo bulshooy waxd ka helaysan siyasada sportska dhacdoyinka arimaha bulshada iyo arimaha caalamka ka dhaca mowliid 1 malyan ban kuu rajaynayaa insha allh
@osmangure6040
@osmangure6040 29 күн бұрын
S/c hadddi aan qofku wax aqoon wxuu ku dhacaa sidan wayo hableheennnu waxay jecel yihiin ajnabiga ah waxaan a kasoo gaarta dhib badan waxaan aad ula yaabaa sabbta ay u jecel yihiin lagamana karo sidee loo barinkaraa gabdhaha sooomaliyeed in carabta iyo kurdida Ay aad u jecel yihiin iyaguna ay aad u neceb yihiin weliba ay ugu yeeraan magaca aan u qalmin ama aan qaban markaa ma iska den karaan kadaba dhaca dadka xunxun ee CARABTA IYO KURDIDA MA DADKA BARIGA DHEXE OO DADKA KU QII7MEEYE MIDBAKA WAANA WAXA DUNIDA KA REEBAY. Markaa sideee gabdhaha soomaliyeeed uga wantoobi karaaan dad ka xun xun eee aan aqoon xuquuqda beniaadmiga . Gabar soomaliyeedey iska jir DADKA XUN XUN EE BARIGA DHEX E OO LAGU SHEEGO KARO SOGSOG AMA DHIRTA QODAXDA LEH EE DADKA MARYAHAY KAGA DHEGTA MARKAA
@sacdiyosaciid2801
@sacdiyosaciid2801 Жыл бұрын
Allah u muciino wllsha somaaliyeed
@hnoor4361
@hnoor4361 5 күн бұрын
Ilmuhu waa sucuidi OO lama saari Karo OO daewladu ma ogola Lkn waxaa dhici Karta in daewladu ka gaalo qaado iyoda Iyo ubadkaba. Rabbi ha kuu sahlo wllo
@leoabdi3825
@leoabdi3825 Жыл бұрын
Allaha hakabixiyo abayo gacanta cadawga adkujirtid amiin amiin arab lakin dad maha wa ayo hun hun😭😭😭😭😭😭
@abdirashirdigninow1084
@abdirashirdigninow1084 Жыл бұрын
Waa Drus man.Gabdhaheenu waxasey guursadan.Nin diin leh waxas ma sameeyeen
@qorlaxbudul7243
@qorlaxbudul7243 6 ай бұрын
Asc sxb sare talefonka ❤❤❤❤
@samiiraxiirey4198
@samiiraxiirey4198 Жыл бұрын
Ax sorry Sorry 🙏 Walashey mcn ilaahay haku gar gaaro Aamiin yaarabi 🤲🤲🤲🤲🤲🤲😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭
@Walaal2017
@Walaal2017 Жыл бұрын
Nin somali ah marabo kuwa kufaanaya silicaas haku waana qaataan
@alhudaquraancenter1635
@alhudaquraancenter1635 Жыл бұрын
Asc wllky... Inan kula hadlo ayaan rabay si aan kula wadaago arin inoo muhiima may reebi kartaa meel aan kala soo xidhiidho. Mahadsanid
@STOMPZ1
@STOMPZ1 23 күн бұрын
Ilaahey ha kaa.saaro walaal.dhibka ku heysto
@cabdixakinrashid3626
@cabdixakinrashid3626 Жыл бұрын
Alle ha u gar gaaro walaasheen
@doodaay5822
@doodaay5822 Жыл бұрын
S**l international ah majiree walal raga somalida iska guursada sababta aan sidaa uleeyahay ciyaal ajaanib ah hadii aad dhasho waxaad tahay weel wax lagu shubtay ma qaadan kartit caruurtaasi dalkaas ayey udhalatay adiga oo kaliyah ayaa baxaaya Dhaqanka Somaliyeed oo ah in caruurta hooyada loo hibeeyo ama loo xaqsiiyo majirto ee dhaqamada kale iska ilaaliya hadii kale maalinba naag ooyee aan arango😭 Waa idhibeeysaa inaan maqlo gabar walashey ah oo la dhibaayo wlh lkn kafiirsada Marka hore anigoo nin raga ah ma guursadeen gabar cadaan ah ana dadkale ah wlh
@osmanm6672
@osmanm6672 Жыл бұрын
ILAAHAY hakuu gargaaro
@Xaabsade_
@Xaabsade_ Жыл бұрын
Laa xawla walaa quwata illaa billaah, waa ka xumahay waa hablihii uu Xassan Sheekh uu geeyey Sacuudiga. Waa Gabar Abgaala walaal illaahay haka samatabixiyo. Naa meesha isaga soo carar soo tahriib meesha dowlad ma joogto ku keeneysa
@filsanmohamed1763
@filsanmohamed1763 Жыл бұрын
Lahjada ay ku hadlyso maba ahan reer koonfur xitaa maxaa abgaal ah 🙄
@Xaabsade_
@Xaabsade_ Жыл бұрын
@@filsanmohamed1763imisa hawiye ah amaba abgaala oo jooga Hargeysa oo ama boosaaso ama gaalkacyo oo waligiid dhinana u dhaafin. Abgaal af maay kaliya taqaan oo waligeed maxa tiri meel looga hadlaya arag oo dhul maayland kuso weynaatay kuso ilmo dhashay garanaya oo markii kula hadleyso garam garam camal ugu haeyso af maxa-tiriga.
@filsanmohamed1763
@filsanmohamed1763 Жыл бұрын
Qof hawiye ku qafiify u egtahy allha ku caafiyo qoraalkada laga dareema 🙃
@MohamedAhmed-mu3cw
@MohamedAhmed-mu3cw Жыл бұрын
Wareysigaan.oo sidiisa Ah.ayaa lagu dacweyn.karaaa.ayagaa turjumanaya Maxkamaduhu. Mawlliid BBC mahad balaaran.iyo Ajar Alle hakaa siiyo. Wareysi. Dhan.walba Ah ka qaaday Aamino.
@abdirashiidmaxamed3863
@abdirashiidmaxamed3863 Жыл бұрын
Dadkn leh maxay ajaanib ka doontay....maanta ma taagna.......ayga aygu dhalay . Alle ha qabto inanta hooyada ah....... safaradu haw kacdo ...... waan ku ducaynaynaa wllo ....dhiiga boqolka ii tagay
@faadumoaadan7521
@faadumoaadan7521 Жыл бұрын
Ilaahey qeyrka ha waa fajiyo cadaowga alaah ha kaa qabto
@bushraaxmedcismaan2779
@bushraaxmedcismaan2779 Жыл бұрын
Hadaanay dhalasho lahayn la baxso oo kala tag oo Soomaali baa dhalay baad odhan kartaa
@awelimuawi8494
@awelimuawi8494 Жыл бұрын
Naa beenta maxa Ku kalifaya naagihiinaan iimanka LA yaa idinka asmacaya caruurta dal baa leh
@harunabdi2587
@harunabdi2587 Жыл бұрын
Maxaa ugeeyay ayada marka hore may ka fiirsadaan .. subxaanalaah
@neimahodanneimahodan5800
@neimahodanneimahodan5800 4 күн бұрын
Allah aa xafido
@duniadunia7492
@duniadunia7492 Жыл бұрын
Amiin Ilahay dhibka ha dulqaado
@zayidmeeaad8660
@zayidmeeaad8660 Жыл бұрын
WAXAAASI GUUR MAAHEE WAA BAAHI NIJAASAYSAY DAL IYO DADBA WAA AFFDUUBE DHAQAN IYO DIIN MIDNA MALE DUMARKEENO DAWLAD LA AAANTU MEELWALBA WAA KARIDAY LKN XAAWALAYEEY ISU GURMADA IS CAAWIYA
@yasinmayow735
@yasinmayow735 Жыл бұрын
Gabdheheena waxey u heystaan ajnabi haduu guursado janada aduunka iney galayaan. Alle ha u gargaaro walaasheyn
@sabahhussein3184
@sabahhussein3184 Жыл бұрын
Inaalilaah wainaa ileyhi raajucuun waar kuwoodiibey khaarajiyaane Ilaahey haka qabto
@dsf9824
@dsf9824 Жыл бұрын
AAd iyo.AAd ayaan ugu faraxsanahay in sidaa loola dhaqmo Maxaa iyada ugeeyay iyada
@journalistemuqdisho7604
@journalistemuqdisho7604 Жыл бұрын
Mowliid plz safiirka sacuudiga no fadhiyo plz ina wacdo suaala ka weydi kaarsiy gabartan wax u qabo plz ajir ka helesa wana walshada oo kale plz ku dadaal waa codsi aniga manta hada wax u qaba karo waan u qaba lahay lakin ma awoodo duco bas awooda plz waa codsi plz haka jiifanin plz
@KSMK-gs2hj
@KSMK-gs2hj Жыл бұрын
Miskiinah walaaleey Allaah kuu yasiro family gadaa aawaay la kaasho sacuudina maxaa kuu geeyay silac hau dhintee
@timajilac7192
@timajilac7192 Жыл бұрын
Ilaahey ha kuu kaalmeeyo.
@HassanAliHassan1960
@HassanAliHassan1960 Жыл бұрын
This is very sad Walaahi
@fardosamumin9376
@fardosamumin9376 Жыл бұрын
subhanallah walahi waa qiso xanuun badam
@samiiryussuf7216
@samiiryussuf7216 Жыл бұрын
Ala raga rer sacuudi riibisanaa war carabta masaasa uxunyahiin Alahayow kasoo badbaadi gabadheena
@magangureyali5645
@magangureyali5645 Жыл бұрын
Maxa lagu cawini hadi lacawiyo sow ninki lawaregi mayo hadi hanti loo ururiyo hadi kale safarada somalida hala ogeydiyo hana la socdan hadi gabadhas iyo caruurtada ay dhibayo soo garto in sacudiga u Masul kayahay❤️🇸🇴❤️🇸🇴❤️
@filsanmohamed1763
@filsanmohamed1763 Жыл бұрын
Alla yaa dhahy carab ayaa laguursada ani marksta kuwa masaari ah ku arkay tiktok oo ilmaha loogu dhuuntay oo wada oynaayo 🥺
@blessingchanne1866
@blessingchanne1866 Жыл бұрын
🤣🤣🤣
@khadarcumar9237
@khadarcumar9237 Жыл бұрын
Allow mu ahado ninkasi nin somaliya waxas iyo wax u dhow kama yesheen sababto ah waxay og yihin dumarku inuna wax yeeleyn ajaanibkana dumarka somaliyed wax walba way igu dulqataan!!... walahi wa abaalkood naag walo u tagtay ajaanib ku so gubta dabka ila aad xaqiiqda soo taabataan
@faizamohamed4289
@faizamohamed4289 Жыл бұрын
Asc walalkeey mowliid xaji walalkeey horey o soco guuul guuul guul
@user-wf4xv3uw1t
@user-wf4xv3uw1t 13 күн бұрын
Ilahay hakuugargaaree iskagakaalay
@fatumamohamud7798
@fatumamohamud7798 Жыл бұрын
Maxay ka sugaysaa nin sacuudi ah dumarkood bay ku hayaan sidaas oo kale
@ismailelmi8775
@ismailelmi8775 Жыл бұрын
Asc maxaa iyada u geeyay nin ajaanib ah oo aanay dhaqankiisaba aqoon mise candhadiisa cad bay ku raacday
@deqah
@deqah Жыл бұрын
Hoyada iyo ilmaheda maba laha sharci sacudiyan marka waa in ay kasoo dhumataa oo ladiya basaborka Somaliga ah ilaa hoyada iyo ilmaheda waxey kujiran Cabiid ee Allaha ugargaaro Amiin Amiin Amiin
@bushraaxmedcismaan2779
@bushraaxmedcismaan2779 Жыл бұрын
Caruurta waa kaala hadhayaan hadaadan la baxsan oo xagga Yamanta u baxsan.Markiii hore hadaad lacag urursatid kadib la baxsatid caruurtaada
@abdullahihassan632
@abdullahihassan632 24 күн бұрын
It’s sad Somali Embassy should be involved and help this mother and her children. According to her voice she is abused by her husband physically and mentally.
@lqs-tv6745
@lqs-tv6745 Жыл бұрын
U hadalka dadka dulman waa shaqada ugu wanaagsan ee Wariyahay, waad ku mahadsantahay wll inaad gabdhaa Soomaaliyeed ee dulman xaaladeeda soo gudbiso.
@abdiaziz8036
@abdiaziz8036 Жыл бұрын
😂😂😂😂😂waliba buu dilo Iyagaa isku doonta ajnabiga
@mayo8847
@mayo8847 Жыл бұрын
Kaw ha uga siiyo ayada ayaa dabadeeda la raadsatay viva Dr Xaliye
@baasheofficails9549
@baasheofficails9549 Жыл бұрын
Wa arrin laga xumado hooyada somliyedna Alle ha Ka so furdamiyo Ninkani adoonsi ahaan miya gabadha u gursaday miya tallow
@burbuluug424
@burbuluug424 Жыл бұрын
Qaladka oo dhan waxaa iska kale Dumarka Soomaalida ah ee jaahiliinta ah ee u Haysta inuu ajabi xun Nolosheeda dhisayo Hablaha soomaalida waa kuwa Ugu liita ee U Nugul Shisheeye Halka ay walaakeeda somaliga ay kadeedayso kan cayrinayso guriga dhnka kale caqli & cilmi midna malaha tusaale ahaan waxay lanoolyihiin cadaan iyo madow weliba ragga ay Lanoolyihiin qaar badan Waa Gaalo sida Kuwa Yurub & AmeRica ay been sheegaaan NINkaygu waa Muslin kuwaas ayaa baraha bulshada ku dhiirigeliya in dumarka soomaalidu guursadaan ajnebi waxaa qosol leh marka gabadh soomaaliyeed Soo gasho baraha bulshada iyadoo nin ajnebi ah sidii badeeco cusub u xayeysiinaysa in comments gabadho badan Soo qoraan abaayo raaxayso maxaad soomaali ku falaysaa iyo hambalyo isku waara Kolay Dumarka Soomaalidu inay ajnebi daayaan rajo badan kamaqabo maalin dhawayd waad arkaysay in gabadh soomaaliyeed nin suudaani ahi turkiga kudilay hadaad kanaxayso u samay barnaamij gaar ah oo lagu wacyigelinaayo
@Wadani924
@Wadani924 Жыл бұрын
Gabadha ha la caawimo.
@wanaag-sheegmedia6289
@wanaag-sheegmedia6289 Жыл бұрын
The best person ever most knowledgeable, and the most shy of all has allah created Prophet is Muhammad صلي الله عليه وسلم❤❤❤❤❤ touch the subscirbe
@Amino321
@Amino321 Жыл бұрын
Ilahow ciririga ka saar 🤲
@zahruujaomar206
@zahruujaomar206 Жыл бұрын
Gabdhaha soomalida ayaaga nimanka carabta raadsada ayago lacag raadinayey iyagoo arkaya ragii soomalida ayey hunguri ka raacen
@LoveMe-jd9ei
@LoveMe-jd9ei Жыл бұрын
Runtii Ax sorry wlhi waan ka xumahay waxa ku dhacay hooyadaa 😭😭😭😭
@ayaanlesaid6461
@ayaanlesaid6461 Жыл бұрын
Ilaah dhibka haka saaro walalo
Alat Seru Penolong untuk Mimpi Indah Bayi!
00:31
Let's GLOW! Indonesian
Рет қаралды 11 МЛН
WHO DO I LOVE MOST?
00:22
dednahype
Рет қаралды 77 МЛН
Василиса наняла личного массажиста 😂 #shorts
00:22
Денис Кукояка
Рет қаралды 9 МЛН
Caawa iyo Dunida
59:40
VOA Somali
Рет қаралды 93 М.
Страшно, когда ругается мама😰
0:10
Лиза Вертинская
Рет қаралды 1,9 МЛН
Идеальный день ребёнка😂
0:11
МишАня
Рет қаралды 3,2 МЛН
Что произошло в ресторане!
0:16
Victoria Portfolio
Рет қаралды 8 МЛН
Pass or fail?🤔 @Colapsbbx #pedro #beatbox #beatboxchallenge
0:45
BEATPELLA HOUSE
Рет қаралды 77 МЛН
小路飞被臭死啦!#海贼王#路飞
0:27
路飞与唐舞桐
Рет қаралды 12 МЛН