OSLO: 28-04-1990. Daawo Gabaygii caanka ahaaye Daallaley ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi

  Рет қаралды 108,517

DHABOOLAQ 1988

DHABOOLAQ 1988

Күн бұрын

OSLO: 28-04-1990. Daawo Gabaygii caanka ahaaye Daallaley ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi uu ka tiriyey magaalada Oslo ee dalka Norwey 28-04-1990. Waa gabaygii ugu saameynta badnaa ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi uu curiyey 27-07-1987 isagoo berigaa ku sugan dalka Ethiopia, waxaanu ka tirsanaa ururkii gobanimo doonka Jamhuuriyadda Somaliland ee SNM. Daawasho wanaagsan.
Somaliland Hargeysa Burco Boorama Berbera Gabiley Ceerigaabo Caynaba Saylac Laascaanood Baligubadle Buuhoodle Oodweyne Arabsiyo Wajaale Garadag Oog Lughaya Allaybaday Dilla Badhan Cadaadley Laasqoray Dhahar Hadaaftimo Kalabaydh Xuddun Qoryaale Dhoqoshey War-Cimraan Sallaxley Djibouti Jabuuti Carta Cali Sabiix Soomaaliya Somalia Muqdisho Beledweyn Garoowe Jawhar Kismaayo Boosaaso Ethiopia Itoobiya Jigjiga Gabay Hees Maanso Suugaan Geeraar

Пікірлер: 83
@aarhagiofficial4419
@aarhagiofficial4419 3 жыл бұрын
Mohammed Ibrahim Warsame Hadraawi only the pure legend of all African continent
@HELLO7546
@HELLO7546 5 жыл бұрын
Yaa salaam MJ Hadraawi, daalaley qayb weyn ayey ka qaadatay xoreynta dalka, walee faqashtii watii daadisay dirayska oo ka naxday darajadii sidii abwaanku sheegay, duhur laysla wada jiro hadaan guusha lay dayn.
@miiiyomaaglodhul7704
@miiiyomaaglodhul7704 5 жыл бұрын
Mnsha allah abwaan qli aha allaha ku xiftiyo mujaahid hadarawi
@khadarahmed7839
@khadarahmed7839 2 жыл бұрын
Ha is deyso qiil ma leh Dushaa layska eegtaa Dib baa laysu eedaa Haba diillin badatee Shaxi duud u kala rogan Siba deleb u kala guran Weligaa ha igu degin Godka daraya qoolka leh Daran doorri nabarrada Xagga hore u dalandali Ha durduuratee sii Ha is daashatee lali Ha is daasatee hubi Dadna wada dad maahee Dalladaa habeenkiyo Danbas buu huwanayee Sawnigii rag kala diray Kuwa dayrta iyo guga Sida diinka sugayow Anaa daaqa cawskoo Ku higsada daruurtee Ka hadh-gala diraacaha. Nimaan diiftu saarrayn Dusha sare ka qolof dhicin Dubatadu ku shaacnayn Nimaan daawa shiillayn Ama degel ku sheellayn Ama dibad ku sheegnayn Daymadaydu suurayn Waxa loogu digayaa Dohdu Waamo maahee Dirir baa ka socotee Firdhisada iskaga durug Marka dirir gabaabsiyo Isma dayada dhiifta leh Iyo duraha jiilaal Dayawgiyo kulka is wada Doorsoonka garashada Daaddduunka nugukiyo Doc ku dhiidhigeediyo Dar-wisiisigeediyo Dambabeera ruqankiyo Daabaan u jedankiyo Duul duuka Jaahweyn Anigaa ka doogoo Weligay danbeeyee Dhulka deexda dharabka leh Nin dallaallimaystow Dad anaa ku hadhayee Dhanka kale u diga rogo Anoo daaya mooyee Godobteyda daah iyo Dadab yaa ku xidhi kara? Anoo daadsha mooyee Dabka yayga dhiga kara? Haddaan doohba lay barin Dibso yaa I odhan kara? Rag dagaal isugu yimi Haddaan guuli kala dirin Ama duubi wada jabin Isma dooda dhuuxdee Marka dhaylo dubantee Digsi xanan kulkaan bado Iska rogo daboolkee Fadhi dagagar yeeshaan Garan dooca hadalkee Debci qori hay faro. Dirirtaan dhanna u dhicin Dillo aan cuskanoo Dabar ugu badheedhaa Docna ima hor-taallee Waxaan dani I yeelsiin Is dugaashan maynoo Dalqad baa ka taallee Ilaa laysu dayn baxo Waa duurxul nabadduye Anigoo wax dili kara Duco qaadan maayoo Nolol kuma dardaarmee Haba diirran oloshoo Danba haw gilgilatee Aaway dawladdii Xamar? Duqri may maqlaysaa Daratiyo kud iyo caal Durey iyo kul iyo daaf Waxaad duumo hidisiyo Waxaad hayso daacuun Annagaa daweynee Dabaq qudha isugu gee Ha ka tegin duruustey Rag isaga danbeeyeen Isku soo daroo keen Cirka sare badh soo dumi Waxaad hayso soo daa! Dala’siga xanuunka leh Dadnimaa ka dhalatee Nolol aan ku dirirree Darxumooyin nagu fala Aan doombir qodonnee Durdurada si naga dhaha Dhirta aanu daaqnee Guba dalagga beeraha Dekedoo dhan naga xidha Aan diinka qalannee Cagta mariya duunyada Aan direyska jamannee Dirka maradu leedahay Duni yaanay nagu hadhin Marka salabku deeddamo Daran doorri laba dhaco Ardadaa dillaantee Dadku haysu boodee Ku dalbada hubka is wada Dawersaad ku dhaqantaa Dixda dhagaxa yaalliyo Dogob aan ku furannoo Farsamooyin dayannee Keen dabaabadii hadhay Cabsi iyo dardaan iyo Dacwad iyo baroor iyo Dugey yeedhi maysoo Hengel waa la daayee Ha mashxarado dumarkuye Deldelaadda boqol boqol Kala daran isugu xidha Dacartaa ku shidantee Ha darrooro hilibkuye Daldaloosha xididdada Marka toban la dooxaba Annagaa kun dihannoo Badhba diir u gelinnee Dubta beerka caydiga Dunqulaalka madagtiyo Xololaddada ka daba hura Annagaa ku daarroo Qaybo degel gufeynoo Duni kale abuurree Duddun waayi maynee, Idinkaa wax dumiyee Daari yaanay taagnaan Idinkaa degdegayoo Nafta doojinaayoo Diihaal la sahayee Dux halkaad ku aragtaan Dardarsada wadaamaha Isku lura daldalashada Docolkiyo hareeriga Annagaa ka diirree Furta dahabka ooryaha Iyo duluca gaarida Diriciyo malkhamadaha Kala baxa dukaannada Inta lagu dekeeyiyo Inta lagu dingiigsado Inta daabac lagu dhigo In durraaxad lagu simo Adaa dawladee guro Anna weliba deeqdaas Waxaan kuugu darayaa Inta igu dul-saarka ah Marka ay dibbootee Nin hagraday ka daryshee Dugsi looga leexdaan Daba geli aqaannaa Markay ciinka daaqdaan Dabka ugu xiddigiyaa Nin dumaala baan ahay Degel fule ka bara kacay Nin ku diirsadaan ahay Maalintay u daran tahay Marka daawad lala tago Nin didsani iskaga hadho Annagaa ku dirirnoo Halka daranku dhicinoo Sida loogu dabar go’ay Deelley ka tirinnee Nin debcow dhan uga guro Dibadda iyo gudahaba Dacallada hor iyo gees Doc kastaba adoo jiga Isu baydh dad-qalatow Isku daya kas iyo maag Inaad xeesha dalabta leh Igu laba dibleysaan Isku duuba qorigiyo Birtaan daabka haystiyo Midigtayda daalacan Rabbi derejadiisiyo Deeqdiisa culus iyo Diintaan ku dhaartay Culimada ducaysiyo Lagu hubo daliilkee Digrigaan ku dhaabtay Xilka dawlanimadiyo Dalka iyo shinkiisiyo Dad leh baan ku dhaabtay Dooddigii Mandheeree Laga qaxay dayaankiyo Darban baan ku dhaabtay Dhabbad iyo Gal-dogob iyo Digtii warayaal iyo Duman baan ku dhaabtay Birjeex deedankeedii Laga diday kulkeediyo Degsan baan ku dhaabtay Lixle damacyadiisii Diric Ina Saleebaan Duxan baan ku dhaabtay Ifku Xaamud daariyo Khaliif doorrankiisiyo Digan baan ku dhaabtay Hurre doonnantiisii Gurey Ina Dawaarriyo Dar kalaan ku dhaabtay Islow dara-digiisii Danab Aadan Shiiniyo Dadban baan ku dhaabtay Karuur duur-xulkiisii Iyo damalki Koosaar Dedan baan ku dhaabtay Dil-dillaanka dhiiggiyo Inta nacabku dooxee Dahan baan ku dhaabtay Inta daahya dhagartiyo Ku xidh-xidhan dalluuntee Dabran baan ku dhaabtay Dalan-doolka caydhiyo Dingaraarka mudankiyo Dibjirkaan ku dhaabtay Inta cadowgu dayrshee Dibadaha u hoyatee Dulman baan ku dhaabtay Aqallada daloolee Doolaabo huruddee Dansan baan ku dhaabtay Garashada dareenkiyo Inta laga dab-qaatee I dirtaan ku dhaabtay Dacar iyo ladh jiifiyo Inta doogta kicisee Damaqdaan ku dhaabtay Dhulka hanad ka duuliyo Duriyaan ku geydee Daalacaan ku dhaabtay Dar-daraa barbaartiyo Inta dirirta geydee Diran baan ku dhaabtay Dedda-ruxanka maankiyo Daaraanta godobtiyo Dunbukhaan ku dhaabtay Doodaha sinnaantiyo Dimuqraadinimadiyo Daacadaan ku dhaabtay Deebaanka noloshiyo Diiwaanka nabaddiyo Duuggaan ku dhaabtay Dil-dillaaca waagiyo Dabka iyio cadceeddiyo Dayaxaan ku dhaabtay Qalinkiyo dawaaddiyo Dugsiyada aqoontiyo Dawankaan ku dhaabtay Dalawada la maaliyo Daableyda gudintiyo Doobigaan ku dhaabtay Darka iyo wadaantiyo Inta doojinaysiyo Dawliskaan ku dhaabtay Digirtiyo galleydiyo Durdurrada waraabshiyo Dibigaan ku dhaabtay Inta dhididku deeqee Dan xalaala jiratiyo Dubbahaan ku dhaabtay Da’da soo kacaysee Dummaddayda xilatee Dagan baan ku dhaabtay Hirka Daalalleydiyo Dersan iyo Rashiid iyo Duculdaan ku dhaabtay Inta diib is marisiyo Naxariista dunidiyo Dumarkaan ku dhaabtay Dab haddaan hunqaacdiyo Haddaad daacdo dhabataba Haddaad adigu doontiyo Haddaad adigu diiddaba Haddaad ii darraatiyo Haddaad ii ducaysaba Haddaad maato dabatiyo Haddaad doobta lalisaba Haddaad doolli noqotyo Haddaad daasas fagataba Haddaad geelal didisiyo Haddaad dylo shabisaba Haddaad faan dudubsiyo Haddaad been daldalataba Haddaad kaara ducatiyo Haddaad geeri dihataba Haddaad dooddi oroddiyo Haddaad deeddan socotaba Haddaad soo durdurisiyo Haddaad xeel la durugtaba Haddaad waalli duushiyo Haddaad maan ku dirirtaba Haddaad daad faruurtiyo Haddaad soo da’fanataba Haddaad duusho kicisiyo Haddaad dawri carisaba Haddaad dawga xidhatiyo Haddaad deyr is marisaba Haddaad buur la deristiyo Haddaad dooxyo qodataba Haddaad doobir shidatiyo Haddaad diina taxataba Ha Goblamo dad weynuhu.
@eng.abdirahmanhassan758
@eng.abdirahmanhassan758 2 жыл бұрын
"Rabbow janadaada deji, Durduuri Rabbow wabiyo, Malabka doocaan ku jiro, Hadraawi Rabbow daryeel, Darkii nebbigiyo Rabbow, Fardawsa docdiisa yeel.." Amiin 😭😭 18-08-2022 maalin xasuus leh
@calixirsi1476
@calixirsi1476 Жыл бұрын
Q Teyds
@muxiyodiin4652
@muxiyodiin4652 Жыл бұрын
Aamiin
@MahmoudMohamed-rw6ue
@MahmoudMohamed-rw6ue Жыл бұрын
Aamiin Aamiin yaa ALLAH
@mrmo6096
@mrmo6096 4 жыл бұрын
Allah cimriga iyo caafimaadkaba hakuu barakeeyo Abwaan hadraawi
@deeqaapdi6491
@deeqaapdi6491 4 жыл бұрын
MashAllh maxmed Ibrahim warsame sicid hadraawi ilahay ha ku geyo janad tan ugu saraysa MashAllh halgamga dalkayga
@maxamedjaamac2665
@maxamedjaamac2665 4 жыл бұрын
Aaway dawladii xamar Duqi ma imaqlaayaa Daratiyo kud iyo caal Anagaa dawaynee Aanu diinka qalanee Dakadana naga xidha Xaqiiqadii soosocatay ayuu kasii waramay
@roodayusuf6019
@roodayusuf6019 4 жыл бұрын
Hadraawi qof maahee waa qaran weeyaan
@MaahirBarre-fn2fn
@MaahirBarre-fn2fn 10 ай бұрын
Awoowo xaamud ibraahim yaasin hoori alle hku naxaristo😢😢😢
@yusufaxmed8863
@yusufaxmed8863 3 жыл бұрын
Guul snm ilahayo unaxariiso lixle damacyadiisi danab adan shiniyo dihanban ku dhartay
@abdul3509
@abdul3509 2 жыл бұрын
Ilaahay naxariistii janno hakawaraabiyo hawna nuuro qabriga aamiin yarabi
@abdirahmansheekh5525
@abdirahmansheekh5525 2 жыл бұрын
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo marxuun maxamed Ibrahim warsame hadraawi maantuu dhintay
@saidalidahir7129
@saidalidahir7129 2 жыл бұрын
Alle haw naxariisto abwaan maxamed ibrahim warsame hadraawi. 19 Aug 2022 Jumce.
@khadarahmed7839
@khadarahmed7839 2 жыл бұрын
Marka hore dad baan ahay dad dad reebay baan ahay dunji dhalan rogtaan ahay hadba fadal durkaan ahay Nabi dooran baan ahay han dareersan baan ahay hiyi durugsan baan ahay da’da’deed u talisoo ugu damac fog baan ahay Dunidaannu wada naal Noloshaannu deris nahay Dalandoolka geeddiga Dan qudhaan u jeedaa Haddii taas mid lagu daro Ama daadku halis yahay Iinta mudan wax doorshaan Inta daran u leeyahay Dab waxa ku guban kara Intuu daaro mooyee Nimaan xeel ku damin Karin Docse aniga way wehel Iyo dulucda guulaha Intaan daw ku laalla. Daray waarayaan ahay Duufaanku ima lulo Dulin hoose ima galo Dardaraale ina rido Digdig beena kuma ruqo Cirka danab ka soo dhacay Deli igama raarrido Kuma dumo tab iyo xeel Dibin daabyo mooyee Digaxaadhku ima tiro Nin danaystay ima tebo Nin darjiidhay kama naxo Nin u go’ay daraadday Isba garey daraadday In dalleemo lagu huro Nin dushayda ku xajiyey Iska daansha daanshoo Siduu iigu diran yahay Ayuu iigu dagan yahay Nin Dagaar fog iga koray Anaa daaf u soo roga Marna waxaan dammiintaa Nin dil iigu xidhan geed Danni kuma tallaabsado Wax dahsoona uma tago Demmanida shil kama dhigo Ma aqaanno digashada Haddaan lay dardaar werin Dib waxaan u dhigan karo Degdegeeda kuma qalo Waxaan daadshey baa jira Intaan daastey baa badan Daymadaydu waa gelin Duur-xulkaygu waa seben Dul-qaadkaygu waa guun Digniintaydu waa boqol Diidmadaydu waa kow Hadday daahdo waa labo Dardartiisa gaarka ah Qofna iguma deeqee Dalabtaanan moogeyn Inaan dayro lagu mudan Qofna xagal ka daaciyo Dal-daloolka kuma naco Nin la yimi dedaalkiis Anigaa wax ugu dara Marna waxaan daboolaa Xubnihiisa derida leh
@kowsarjama2575
@kowsarjama2575 2 жыл бұрын
Waaaw 🥰 gabay darajo leh weeye allow noo xafid hadraawi
@abdirisaqabdi3026
@abdirisaqabdi3026 4 жыл бұрын
Dhabolaq wll yaan Lajar jarin clipkan daalalay waayo qiimo ayuu leeyahay waxaana joogay goobta hadraawi ku tiriyey mahadsanid
@ayaanleaxmed1435
@ayaanleaxmed1435 Жыл бұрын
Wad ayaanbadnayd wll
@crisaqcrisaq3712
@crisaqcrisaq3712 4 жыл бұрын
Maansha alaaah libaax hadraawi
@Ismailw19
@Ismailw19 2 жыл бұрын
RABBI Naxariistiisa Janno ha ugu deeqo Mujh Abwan Hadrawi
@SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
@SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 2 жыл бұрын
Raxmaanku naxariisto jano hawgu deeqo AUN Mahamed ibraahim warsame Hadraawi
@amal7892
@amal7892 2 жыл бұрын
Abwaan Hadraawi. Radiyallahu canhu. Cimriga allah hakuu dheereeyo.
@faraxmaxamed1441
@faraxmaxamed1441 Жыл бұрын
😭😭😭😭mashadii banana adeero ilahoow janadu kugee sunta cadowgad ahayd wan no halgantay Durba wan ku xiisnay ilahoow cadabta ka xoree 😭😭😭
@abdulahiahmed5067
@abdulahiahmed5067 5 жыл бұрын
abwaan meel fog wax ka arka ama sii adorosa
@jawharmaxamed1087
@jawharmaxamed1087 2 жыл бұрын
Alle cimriga iyo cafimadka ha dhereyo Abwaan mujaahid hadraawi
@museibrahim2796
@museibrahim2796 2 жыл бұрын
Allah hawnaxariisto Abwaan mohamed ibrahin warsame Hadraawi
@Dangarad.01
@Dangarad.01 Жыл бұрын
Waa suugaan cajiiba oo laga dhex akhrisan karo dhaqanka cunfiga iyo wax iska dhicinta ku dhisan ee reer Hawdka. Markale waa falsafad dagaal galin oo nolosha oo dhan taabanaysa, waa carin, u quus goyn iyo u yaboohid hoog iyo halaag awood kasta oo dulmi iyo aqoon darro ku socota. Mahadsanid mudane Hadraawi in aad wacyiga Soomaalida ku darsato suugantan oo kale.
@abdifatahahmed9176
@abdifatahahmed9176 2 жыл бұрын
Alla ha u naxaristo mahamed ibrahim warsame 😭😭😭😭
@salahmusa8122
@salahmusa8122 2 жыл бұрын
Illaahay ha u naxaristo MW Hadraawi
@laylasuruur5769
@laylasuruur5769 2 жыл бұрын
ALOW. GEESI MA AHEYD. RABIHAKUUNAXARIISTO. JANADII FARDOWSA. ALE HAKUU GEEYO QABRIGAHAKUU NUURO. SUAALAHA QABRIGA EEBE. HAKUUFU DUDEEYO. AAMIIN YAARABI🤲🤲🤲🤲
@Maasal123
@Maasal123 3 жыл бұрын
Ha darooro HilipkuyE daldaloolzha xididada Marka tOpan la dOxapa anagaa 1000kuN diHana😌😌😌 allaw caafiMaad ku ziiii😫💚🤍❤️
@saidofficialchanel2027
@saidofficialchanel2027 4 жыл бұрын
Lixle damacyadiisii
@ismaciilcabdillahiyuusuf2650
@ismaciilcabdillahiyuusuf2650 2 жыл бұрын
Alloow kuu naxariiso oo naarta kaa fogee insh tcaalaa,, Anna ducada Aammmiiiiiiiiin oo hadana Aammmiiiiiiiiin,,,
@engayaanleayaanle602
@engayaanleayaanle602 2 жыл бұрын
Alaahayow.abwaan ma tahay.abwan.qali.
@a.qanialigadhle4206
@a.qanialigadhle4206 2 жыл бұрын
Allah haw naxariisto awaan Hadraawi, aamiin.
@aarbarigobolkaraga5356
@aarbarigobolkaraga5356 3 жыл бұрын
Waxaa uu ahaa mucjiso mar soo martay dunida
@axmedjamac3449
@axmedjamac3449 Жыл бұрын
xaqiiq wlhi umalYn maaYo in mar kale hadrawi oo kale dunidan laGu arki doono illaahaY haku naxariizto 😢🥰
@cabdimohamed2605
@cabdimohamed2605 2 жыл бұрын
Illahay naxariistii jano haka waraabiyo ax alla maxaa maalinba damal dhacaya gaariye hadraawi ibraahim gadhle m mooge liibaan ina koosaar harag waafi iyo qaar kaloo badan
@aarbarigobolkaraga5356
@aarbarigobolkaraga5356 3 жыл бұрын
Abwaan maxamed ibraahin warsame haadrawi
@deeqaapdi6491
@deeqaapdi6491 4 жыл бұрын
MashAllh maxmed Ibrahim warsame sicid hadraawi ilahay ha ku geyo jahanimo
@abdihakim7491
@abdihakim7491 4 жыл бұрын
Jahanama adeereey gacaliso nina nin afkiisa ku geli maaye camalkiisu ku gelayaa. laakiin adiga afkaaga ayaan ka baqayaa in uu ku geeyo.
@shaacib
@shaacib 3 жыл бұрын
Ha u qababina inanta zxp qoraalka ka qaldamee🤣🤣
@MarwacaliXuseen
@MarwacaliXuseen Жыл бұрын
Dhilooy maxd ku cayaysa marxuunka
@farduusaxmed47
@farduusaxmed47 2 жыл бұрын
Alle naxariistisa hawgu deeqo adeero haad rawi
@mohamedease8873
@mohamedease8873 2 жыл бұрын
Ilaahay Naxariistii jano haka waraabiyo marxuun maxamed ibraahin Hadraawia maxaa ka dambeeyey ma ina biixi iyo kaahinbaa maanta wadankii walaaqaya subxaana laah way iska tagi waxa layidhi MIDHO.GEESI BEERAY DOQONI HAWLAYARAAN KUGURATAA
@xamsehagoog4268
@xamsehagoog4268 2 жыл бұрын
Subxaanak!!
@xaniifaxaajicali1490
@xaniifaxaajicali1490 2 жыл бұрын
Allah haku nacristo abwan hadrawi
@Maasal123
@Maasal123 3 жыл бұрын
HadaaN zhaashka darajada dalacada laga NixiN 😌💚🤍❤️
@ayaanleaxmed1435
@ayaanleaxmed1435 2 жыл бұрын
Mucjisadii Mar soomartay somaalida qarniigi labatanad
@abdirahmaanabdulla8133
@abdirahmaanabdulla8133 Жыл бұрын
allaha kuunaxariisto.muusesana waykuhaboontahay.hhhhhhhhh.
@adooontiallaaaaah668
@adooontiallaaaaah668 3 жыл бұрын
Waa lahubaa abwaan hadraawi
@cabdiqanidiinaarproducatio5285
@cabdiqanidiinaarproducatio5285 2 жыл бұрын
Gabaygan yaa wali dhagaysanaayA 18 August 2022
@mohamoudgaboose112
@mohamoudgaboose112 2 жыл бұрын
Dib waxay ka noqotaba Beloy doorkan maantaa Adigaan daacad kuu ahay
@YasinYasin-wo4jw
@YasinYasin-wo4jw Жыл бұрын
Waa iska xaal aduun
@musemuse963
@musemuse963 2 жыл бұрын
Walee wey dheceen wuxuu sheegey Ceydiid ayaa igu soo dhacey iyo Tuur sidey Faqasha yeeleen ii Noolow Hadraawi
@engayaanleayaanle602
@engayaanleayaanle602 2 жыл бұрын
Hadrawi.mucjiso.iino ana.somartay.somalida.qarnigitegay.anigo wax.dili.kara.duco.qadan.maye.nolol.ku.dar.dar mee.keen.dubaa.badi hadhay.dixda.dhagaxa yaliyo dogob.ku furane
@Cilmidoon1
@Cilmidoon1 3 жыл бұрын
Maansadan inbadan oo jahli iyo kufri noqon karta ayaa ka buuxda, waana inta dambe ee dhaarta ah. Halka uu leeyahay "Ku dhaartey" waxa habbooneyd in uu dhaho "ku dhaatey".
@cartanofficial4905
@cartanofficial4905 3 жыл бұрын
Ku dhaatey Weeye si fcn u dhagayso
@cartanofficial4905
@cartanofficial4905 3 жыл бұрын
Hadraawi aqoonyahanbuu ahaa sxb ku dhaatey weeye
@yasin3rdabdala130
@yasin3rdabdala130 2 жыл бұрын
Waxaan filayaa inaad qadaad wayn tahay anagu si fiican ayaanu u dareemeynaa abwaanku sida uu gabayga u tiriyay iyo dulucda gabaygaba adeer hadaanad kuwaa aan sheegey aanad ahayn isa soo sax commentkana nooga dhex bax waayo dareenkayga ayuu hagayaa abwaanku alle ha xafido isaga iyo intii u soo halgantayba jam barakaysan ee
@ayaanleaxmed1435
@ayaanleaxmed1435 2 жыл бұрын
Sheeko adeer niinkaani kaa aqoon badan
@ayaanleaxmed1435
@ayaanleaxmed1435 2 жыл бұрын
Macnaha fahan marka hoore ninkani kaa aqoonbadan dharta waxu ka horaysiyay fahan hayska odhan waa deenbiye waxu ka horaysiyay fahan hayska qirone waxu ka horay siyay magac alle waxu ku yidhi rabi derajadisiyo diintisa culus iyo diinta ku dhartay marka haduu magaca alle ugu horaysiyay maxad ka dooni
@ayaanleaxmed1435
@ayaanleaxmed1435 2 жыл бұрын
Abwaankii weyna m ib warsame waxu yadhi dawaarsad ku dhaqanta dixda dhagax yaaliyo dogob
@MustafeMohamed-mj4vr
@MustafeMohamed-mj4vr 3 ай бұрын
taasaanu ka soo dabaalanay oo Aanu beenaynay,ma ma maantaa Jabuuti oo aan gurmad u dirayey maantana Aan iyada ilaaliyo la i tusayaa hebel baa Jabuuti tegey Anigaa Jabuuti ilaalya xamarna warkeedaba daa wax maanta laygu cabsi geliyaa iima muuqdaan,dhibtu waa gudahayga (gol dalooladaa nin ogi gala galaystaa,Cid wax iga qaadi kartaa ma jirto (illahay mooyee,tayda Ayaana rumoobaysa
@YasinYasin-wo4jw
@YasinYasin-wo4jw Жыл бұрын
Maalin tii hadraawi dhitay ayaa smolind la Xasuus qay
@baligubadle1110
@baligubadle1110 2 жыл бұрын
Dabku xaamud shidee
@mahadhodey2774
@mahadhodey2774 Жыл бұрын
Qabyaaladayste
@Maasal123
@Maasal123 3 жыл бұрын
IdiNkaa dagdagaayO diiHaaL la zaHayEee dux Halkaad ku aragtaaN dardarzada wadaMaHa izku wada daldalzhada 🙄🤮
@mustafemahamoud7492
@mustafemahamoud7492 4 жыл бұрын
Jahligii ito qabiilku waakaas
@abdirisaqsaid9868
@abdirisaqsaid9868 4 жыл бұрын
"Haddan deebta gumuciyo" "Lagu guban dabkaan shido" Duhur laysla wada jiro "Haddan guusha lay dayn" Ayuu yidhi ninkasi waanu kaga dhabeeyey Adigu waxaad doonto ku sheeg. Adba qabil bad ku diidantahee, maxa qabiilkiisa xaraanta ka dhigay .
@ayaanmohamed5988
@ayaanmohamed5988 3 жыл бұрын
Waa adigii hadraawi ka aqoon yahansanaaye
@abdirahmanosman5610
@abdirahmanosman5610 2 жыл бұрын
waaa faqashtiiii waleeeee
@Said-e3y
@Said-e3y 2 ай бұрын
1988 kii ilaa 1991 kii duhur cad ayaa lakala baxay.
@jawharmaxamed1087
@jawharmaxamed1087 2 жыл бұрын
Alle cimriga iyo cafimadka ha udhereyo abwan mujaahid hadaraawi
Abwaan hadraawi maansadii geedi baaboo
34:44
Foore channel
Рет қаралды 53 М.
Hadraawi___ Maansaddii DIBADYAAL
31:42
Tixraac
Рет қаралды 417 М.
НАШЛА ДЕНЬГИ🙀@VERONIKAborsch
00:38
МишАня
Рет қаралды 2,8 МЛН
Mom had to stand up for the whole family!❤️😍😁
00:39
ROSÉ & Bruno Mars - APT. (Official Music Video)
02:54
ROSÉ
Рет қаралды 65 МЛН
Barnaamij Gudagalkii SNM Ee Magaalada Hargeysa 31 May 1988
42:51
Silsiladii  GUBA  gabayadii sida weyn laysugu weeraray
1:21:09
daawasho tv
Рет қаралды 1,3 МЛН
Abwaan Hadraawi Dhulgariir luuqdii Farxaan Bawkax..
24:06
Farxaan Bawkax
Рет қаралды 12 М.
Silsiladii Siinley oo dhamaystiran Full: HD
1:37:20
BAADIGOOB
Рет қаралды 1,5 МЛН
Silsiladi Siinleey oo Dhamaystiran : Abwaano Somaaliyeed ku dhan
1:37:01
Abwaan Gaaroodi
Рет қаралды 316 М.
Abwaan Hadraawi | Maansada Goljanno
28:31
Nayruush Media
Рет қаралды 75 М.
НАШЛА ДЕНЬГИ🙀@VERONIKAborsch
00:38
МишАня
Рет қаралды 2,8 МЛН