MIDABKII XAREED --- HO.CABDINUUR ALLAALE XIRSI & NIMCO JAAMAC MIGIL &Erayadii : EHUN Xasan Cilmi Diiriye '' Ho. Cabdinuur Allaale Xirsi Midabkii xareeddiyo Xarfa guban ku taalloo Xayskii ku hooraay Xiisahaad abuurtiyo Xisintii Jacaylkaa Xuddunta iyo feedhaha xamatoorinaayoo Xurdo ila haleelee Adna xaadhintiisiyo Xiddigaha ma kula tagay Mise ma aabad xaalayn ? Ho. Nimco Jaamac Migil Adba caana xoorlliyo Lagu mood xariirtoo La xaddaayadeeyee Sida geed xayaaba leh Oo xidhin barwaaqaha Durdur xididka kula jira Xaddigaad u taalliyo Xarragadu halkeedee Waxse haatan iga xidhan Xaggan aad ka hadashiyo Xiisaha kalgacalkee Ho. Cabdinuur Allaale Xirsi Nin xaraara waalani Xoodaaminaysoo Xawawariyay caashaqu Sharaf lagama xaydee Waxaa lagu xurmeeyaa Ama lagu xaqdhowraa Xeerkii dadnimadee Xil yaqaan haddaad tahay Waanigaa xogtaydii Kuu xaalad sheegtee Adna xiiqa iga reeb Ho. Nimco Jaamac Migil Inanyahow xasuustiyo Xaqa laysku leeyahay Xoog laguma doonee Waa xaajo gaar u ah Labada u xisaab lihi Xuubsada jacaylkuye Inay wada xayaadaan U xiddigiyay noloshee Xero aan ku geeyiyo Aqal kuuma xaadhnee Ha is-xiijin inanyahow ! '' Tixdan waxay butaacaysaa soojiitayaal maanseed oo layaab leh ! Mahadsanid Walaalow
@hiilfaneedyoutube83403 жыл бұрын
Waxaa ereyada leh Aadan Faarax sxb
@maxamedciise30857 ай бұрын
😊😊😊
@MohamedDaher-ox7qr11 күн бұрын
Legende Abdi Nour Allale , mon ami et Neima Djama. C est vers 1979-1980 que j ai decouvert cette chanson et celles de 'Gacan maqaan' en classe de CI , CP et depuis je ne cesse de les cherir. Souvenir d'enfance au quartier kartilet.Djibouti dii horee iyo waayo waayo