bacalwaan | Cabdi Cali Bacalwaan Heesta ma daydayey qof iyo raad | Bacalwaan hayga raacin duul kale

  Рет қаралды 66,208

DHUGMAAL LYRICS

DHUGMAAL LYRICS

Күн бұрын

HEESTA : MA DAY-DAYEY QOF IYO RAAD
ERAYADA: YUUSUF MAARADOONA
LUUQDA: CABDI CALI BACALWAAN
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Maray xalayta Ruuneey
Reeraha bar seexdeen
Habeenkana rogaal tagay
Hurdana loo rakaabsaday
Riyaan ku arkay adigoo
Dhar ku raran xariiroo
Barkan ruugga cududdee
Anaa rabay la joogiyo
Risaalooyinkaagee
Sow raaligelintee
Rays iyo barwaaqiyo
Inaan roob ku degayoo
Ramaas iigu soo baxay
Ra'yigeygu i ma siin
Markii aan u riyaaqee
Reeryada la soo kacay
Runtii keligay weeyee
Ma daydayey qof iyo raad
*****************************
Misne xalayta Ruuneey
Waxa aan rumaysnaa
Raaliyo inaan helay
Adduuna raaxa ii hadhay
Rag sow ma arkin tubanoo
Raadkii ku joogoo
Raacda iyo weerara
Sow uguma ruugdhigin
Inaan layga kaa ridine
Reerkana lagaa wadin
Markaan reenka guuxiyo
U adkaystay riiqdii
Kugu ruux jibaadaye
Ha iga raacin duul kale
Markii aan u riyaaqee
Reeryada la soo kacay
Runtii keligay weeyee
Ma daydayey qof iyo raad
#dhugmaal_lyrics #bacalwaan

Пікірлер: 27
@abdinasirismailmoalimhusei3002
@abdinasirismailmoalimhusei3002 7 ай бұрын
Maray xalay ruuneey Reerahana bar seexdeen Habeenkana rogaal tagey Hurdana loo rakaabsaday Riyaan ku arkay adigoo Dhar ku raran xariiroo Barkaan ruugga cududee Anaa rabey la joogiyo Mas’alooyinkaagii Soo raaligalintii Reys iyo barwaaqiyo Inaan roob ku degayoo Ramaas iigu soo baxay Ray’yigeygu ima siin Markii aan u riyaaqee Reeryada lasoo kacay Runtii kaligeey weeyee Ma daydayey qof iyo raad Misna xalaytay ruuneey Raaliyo inaan helay Aduun& raaxadii Rag soo maan arkin tobanoo Raadkii ku joogoo Raadca iyo weerara So uguma ruugdhigin Inaan la iga kaa ridinee Reerkana lagaa wadin Markaan reenka guuxiyo U adkeystay riiqdii Kugu ruux jibaadayee Ha iga raacin duul kale
@abdikadersalad9737
@abdikadersalad9737 Жыл бұрын
Wah wah Jaceyl ninkii uu galay ayaa fahmi kara
@ugaasmedia7987
@ugaasmedia7987 7 күн бұрын
Cod iyo Miro hees cajiiba Ahun cabdi Cali bacalwaan
@badalcabi6312
@badalcabi6312 2 жыл бұрын
allah yaraxma bacalwaan fanan qaran
@WITAHOODIE-j
@WITAHOODIE-j 2 жыл бұрын
Waah waah Heesbay ogashahy 🔥🤕
@rodaosmandaoud
@rodaosmandaoud 3 ай бұрын
❤❤❤❤ Aun
@dekosharaf6823
@dekosharaf6823 9 ай бұрын
Raaliyo inan helay aduunna raaxo iiharin weyan mesha ad ii hadhay kadhigtay wall
@mahaddirirgeesood9556
@mahaddirirgeesood9556 Жыл бұрын
Yusuf maradoon heesihiisu makala dhacaan AHUN
@roblemaer4834
@roblemaer4834 2 жыл бұрын
Yuusuf Maradoon (AHN).
@almukhtaarihajihussein5626
@almukhtaarihajihussein5626 Жыл бұрын
25.5.2023 Xusus iyo arimo taagn iyo dhalinyarnimo ayam heest u dhegysta for cool
@jijaluup7873
@jijaluup7873 6 ай бұрын
Cod xuuma. Yahuu😂😂😂😂
@Burcaawi8
@Burcaawi8 5 ай бұрын
Bacalwaan miyaa cod xun ? Dumarbaad ka tahay!
@rodaosmandaoud
@rodaosmandaoud 3 ай бұрын
Cajiib Bacalwaan miyaa cod xun wuu yaraa xilligaa lkn waa top❤❤ somali singers
@MohamedMohamed-qk2bs
@MohamedMohamed-qk2bs Жыл бұрын
Ninkan bacalwaan uma cod eka
@Asmaaahmed-jc9eg
@Asmaaahmed-jc9eg 5 ай бұрын
Waa isagoo yar
@siyaaraentertainment6973
@siyaaraentertainment6973 2 жыл бұрын
Erayga ah ramaas tolow yaa noo qeexi kara tusaale Sahra ahmed ayaa oran jirtay ramaso aan ku warnee marka ramaaso ma barwaaqa mise waa meel magaceed
@diirieabdullahi5702
@diirieabdullahi5702 2 жыл бұрын
Ramaasku waa dooga iyo cagaarka indhuhu u riyaaqaayaan ee ka unkama marka dhulku roobaysto.
@kabriidmedia5171
@kabriidmedia5171 2 жыл бұрын
Ramaas micnihiisa oo kooban waa meel barwaaqo ah
@abdirashidabdalla4656
@abdirashidabdalla4656 2 жыл бұрын
Ramaas waa doogga dhulka ka soo baxa marka roob ku da'o.
@ismailmideeyeofficial4900
@ismailmideeyeofficial4900 2 жыл бұрын
Ramaas waa doog ama mesha roob intuu ku do' wax kasobaxaan
@dhuuxyarechannel1486
@dhuuxyarechannel1486 Жыл бұрын
Ramaas waa geedo soo baxa marka roobku da,o midabkooduna uu yahay cagaar indhuhu ku doogsadaan mmarka dambena wuxuu isu bedelaa geedaha oo cadaada Waaka leh ramaaskii usoo baxay all ready waa gèedaha ugu horeeya ee roobku soo saaro
Xasan Adam Samatar 🔥Iyo Heesta "BELEDWEYN"
14:40
WAAYO WAAYIHII WACNAA
Рет қаралды 4,1 МЛН
IL'HAN - Qalqam | Official Music Video
03:17
Ilhan Ihsanov
Рет қаралды 700 М.
To Brawl AND BEYOND!
00:51
Brawl Stars
Рет қаралды 17 МЛН
小丑女COCO的审判。#天使 #小丑 #超人不会飞
00:53
超人不会飞
Рет қаралды 16 МЛН
Heesta Maxamed Kabanle "Markaan Geel u heesaan Adna Goray u heestaa
10:56
cabdibaadil Heeso qaraami macaan cidi may dhageysan original
30:01
Gorayga cad
Рет қаралды 608 М.
Dadwaynaha La Waydiin
9:54
Balanbaalis Studio - Topic
Рет қаралды 296
Cabdi Cali Bacalwaan Iyo Khadiija Foodey Nuur 🔥Iyo Heesta "JACAYL GEESA LEH"
7:11
Digfeer iyo Sahra Ilays (Haaygu nicin hanti la'aan)
9:53
Duul Media
Рет қаралды 6 МЛН
Sivchik feat. Badabum - Бадаладушки (КЛИП 2022)
2:25
FLAGMANMUSIC ® | MUSIC COMPANY
Рет қаралды 5 МЛН
A Car Trip to My Grandma | D Billions Kids Songs
2:05
D Billions
Рет қаралды 2,3 МЛН
Милана Хаметова & Milana Star - ЛП ( Премьера клипа 2022 )
2:19
Милана Хаметова
Рет қаралды 11 МЛН
Әбдіжаппар Әлқожа - Табайын жолын қалай (cover)
3:01
Әбдіжаппар Әлқожа
Рет қаралды 125 М.