cashar baa la ii dhigay lyrics | khadra daahir iyo axmed cali cigaal cashar | cigaal iyo khadra

  Рет қаралды 88,409

DHUGMAAL LYRICS

DHUGMAAL LYRICS

Жыл бұрын

HEESTA : Cashar baa la ii dhigay
ERAYADA : Maxamed Cumar Huryo
LUUQDA: Axmed C. Cigaal & Khadra Daahir
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA ( LYRICS )
Cigaal
Cadceediyo inan yahay
Hadhka geedku laba cayn
Cisho nool ba weeyee
Haddii aan ku baday ciil
Caloolyowna kugu riday
Nabsigii isoo celi
Cabashana ku baanee
Haddaan caawa kuu imi
Adiguna canaadiyo
Ka cad gooso hays odhan
Cashar baa la ii dhigay
Aan ku cibro qaatee
Cadhadii iska iloow
Khadra
Calool nugulidaayeey
Madigay cawaansaday
Haddaad ciidda hoosiyo
Gashid meel cidhiidhiya
Ama ay col iyo guluf
Warmo kaaga cararaan
Walee ciidan kuma taro
Waxba hay calaacalin
Markaan caada tiigsaday
Adaa laydha ka cabee
Cigaal
Hadduu cararo inan yahay
Cawl uu nin ragi ganay
Dantu way cuslaysaa
Cirka sare shimbir u lalay
Cabaar waa ka dabadii
Soo dhiga cagaha oo
Ma huraayo ciiddee
Haddaan caawa kuu imi
Adiguna canaadiyo
Ka cad gooso hays odhan
Cashar baa la ii dhigay
Aan ku cibro qaatee
Cadhadii iska iloow
Khadra
U adkeyso caashaqa
Qayrkaana ha ceebayn
Naftaad cadowga u ahayd
Cisi kuma tareysee
Maaba sida janada caad
Cirka sare laguu diro
Anna aan caweystee
Waxba hay calaacalin
Markaan caada tiigsaday
Adaa laydha ka cabee
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #cigaal

Пікірлер: 27
@cabdiqaadirayaanle8382
@cabdiqaadirayaanle8382 11 ай бұрын
Axmed cali cigaal iyoAlla ha u naxariistee khadra daahir cige waana ereyadii alla ha u naxariistee abwaan maxamed cumar xuseen huryo waxaanay ka mid ahayd riwaayadii Jinni iyo Jacayl ee uu curiyey abwaan xasan x.cabdilaahi xasan( xasan_ganay ) waxaanay ahayd heestii lagu soo gabagabeeyey riwaayada waana riwaayadii 2aad ee uu curiyey abwaan xasan_ganay laxankana waxa lahaa isla axmed cali cigaal isla markaana waa riwaayadii 1aad ee Marxuumad khadra daahir ay aktarad ka noqotay marka laga yimaado riwaayadii Dab Jacayl Kari Waa oo ay copy ku soo gashay markay gobolada dhexe maraysay oo alla ha u naxariistee sahra axmed jaamac fooshu ka soo gaadhay oo jagadeeda buuxisay alla ha u naxariisto intii dhimatay
@salmaancismaan2463
@salmaancismaan2463 8 ай бұрын
Laxanka cida u sartay manala wadagi kartah bro
@cabdiqaadirayaanle8382
@cabdiqaadirayaanle8382 8 ай бұрын
@@salmaancismaan2463 wll waan raaciyey qoraalka Laxanka oo waa isla Axmed Cali Cigaal
@IzmahanAydiid
@IzmahanAydiid 8 ай бұрын
Ahmed Cali cigal mu dhiman de wll
@abdullahiyare8314
@abdullahiyare8314 8 ай бұрын
Mahadsanid libaax ❤
@shaaniqadarshaani5677
@shaaniqadarshaani5677 6 ай бұрын
Laxanka waxaa laha cigaal iyo kabankaba 😊
@Caaqil-yare1
@Caaqil-yare1 22 күн бұрын
Allaylehe xusuusuhu Waa hapeen madow oo Mugdi miidhan weeyaan Mahuraan weeye jira oo Mudo soo taxnaayoo Wahey waa tanoo kale Caawaba aniga ii daran😢😢😢😢😢 16/june /2024 maalin ciida 😢
@ApdikariimHassan
@ApdikariimHassan 8 күн бұрын
❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤
@HalisTa..22
@HalisTa..22 Ай бұрын
Waxba hay calaacalin Markaan caadda tiigsaday Adaa laydha ka cabee🤦‍♂️ Khadra daahir ilahow kuu naxariiso alla maxay fanka ku raxeysatay siwalbo an heseheda u dhageystay wan ka xiiso dhici wayay❤ Khhasatan Heestan yio heesaha kala ah ""waran caashaq" isha sacabka mari" dadyohow saadaasha guur" ma ogtahay in badan ban""dayixii madoobaa"" iyo kuwo badan oo ana haatan xasuusnayn 2022 with 2024 I'm still listening ❤
@shaakir6023
@shaakir6023 10 ай бұрын
Alaha unaxariizto khadra dahir ege io ahmd cigal Wxan xasuustaa markan xaaskayga la sheekayzannjiry mnta wxn leenahay ma allh wxn isku.leenahy 3 caruur ah waa ilaha mahadii weeyi
@SuugaanSafaari
@SuugaanSafaari Жыл бұрын
Alle haw naxariisto AHUN Khadra
@MaxamedAmiin-hj8fw
@MaxamedAmiin-hj8fw 11 ай бұрын
😮😢🎉😂❤❤❤
@ahmedhassanbullale8160
@ahmedhassanbullale8160 5 ай бұрын
Hadduu cararo inaanyahay Cawluu nin ragahi ganay Dantu way cidleysaaa Cirka sare shimibr u lalay Cabaar waa ka dabeed Soo dhiga cagahoo Ma huraayo ciiideeee Haddaan caaawa kuu imi Adigu canaadoo Ka cad gooso ha is odhan😥 Habeen xasuus igu leh 02/02/2024 2:48 am💔
@macalinkaxisaabta3868
@macalinkaxisaabta3868 Жыл бұрын
Hala yaa hala 2:18 pm 25/ nov/22 dacar budhuq ayan ku faxayaaa maanta
@hamdadheman-ce7gm
@hamdadheman-ce7gm 27 күн бұрын
Waa heesta kaliga aan sidhaba dhageysto waana ku heestaa waxan hesaha dhageysto marki aan qalbi yabanahy alle ha iga cafiye😢😢😢😢 waxan ujeclahy cashar baa la iidhigey aan ku cimriqaate carada iska ilow😂😂❤
@omarali9993
@omarali9993 5 ай бұрын
From Tiktok
@mohamudhajji5704
@mohamudhajji5704 5 ай бұрын
Khadra daahir dhimbiilo ayaa ka baxaya AUN
@alisaid2008
@alisaid2008 10 ай бұрын
Mirihii m.c.huryo laxankii siciid xarawo cadka khadra daahir cige iyo a.c.cigaal
@dawand6946
@dawand6946 11 ай бұрын
❤❤❤❤
@dawand6946
@dawand6946 9 ай бұрын
❤❤❤❤❤❤❤
@maryanbashiirxirsi-jw8ov
@maryanbashiirxirsi-jw8ov Жыл бұрын
Allaha unaxriisto
@osmanmohamed3619
@osmanmohamed3619 Жыл бұрын
2023😮
@nourhassan1524
@nourhassan1524 7 ай бұрын
Wow❤
@user-dt6hd4iw4x
@user-dt6hd4iw4x 9 ай бұрын
Waxaasaa hees lagaadhahaa
@ahmedjeekee3573
@ahmedjeekee3573 9 ай бұрын
😮
Khadra daahir iyo Axmad cali cigaal || Waran caashaq with lyrcs
11:35
GEEDI SHAAMBOW STUDIO
Рет қаралды 1,3 МЛН
Looks realistic #tiktok
00:22
Анастасия Тарасова
Рет қаралды 52 МЛН
ROCK PAPER SCISSOR! (55 MLN SUBS!) feat @PANDAGIRLOFFICIAL #shorts
00:31
World’s Deadliest Obstacle Course!
28:25
MrBeast
Рет қаралды 160 МЛН
Получилось у Вики?😂 #хабибка
00:14
ХАБИБ
Рет қаралды 7 МЛН
Khadra Daahir Cige 🔥Iyo Heesta "ALLAY BADAY JACAYLKEE"
13:08
WAAYO WAAYIHII WACNAA
Рет қаралды 733 М.
1 KHADRA DAAHIR HEESTA 12 JEER IGU SOO LIGLIGATAA WITH LYRICS   YouTube
10:21
KHADRA DAAHIR CIGE HEESTA CABDOW BARISAMAADKII/INUU BEER JACAYLOO
9:38
GEEDI SHAAMBOW STUDIO
Рет қаралды 2,2 МЛН
Жайдарман | Туған күн 2024 | Алматы
2:22:55
Jaidarman OFFICIAL / JCI
Рет қаралды 1,7 МЛН
няня привела в дом чужого
0:59
RusRoflTime
Рет қаралды 3,1 МЛН
Поставила пароль на телефон
0:45
Штукенция
Рет қаралды 2,7 МЛН