Faadumo Axmed - Nuur Daalacay

  Рет қаралды 248,627

Jabuuti TV

Jabuuti TV

Күн бұрын

Пікірлер: 114
@alexlegrand6669
@alexlegrand6669 7 жыл бұрын
Faadumo axmed dhimbiil Ana duday markii uu Samo ila gudboon Doqoniimadaydiyo Dumarnimo iqaade Iskadaa dantaydi horaan naabad udiidee Chorus : {Ma daynkaro aduunyada Intaan dib ugu noolo Daymo-aragtidiisi indhuhu doogsadaan Deegaanta roobkiyo Ubaxoo dilaaco Nuur-daalacoow Dabeel caafimaadlow markale Dib makuu arkaayaa } Nafsi Waa dabeel iyo Duufaan dhacaayiyo Shalay kii an diidaan Maanta doonayaayee Waxaan daawanayaa Dayaaxiyo cadceedee Chorus Doobtii jaceelka Haadan igu dilaacdo Wax dabnaha la saariyo Cunta doonimaayo Dabiibkii naftaydiyo Dawaadeyda weeye Chorus
@maankadeeqa2486
@maankadeeqa2486 6 жыл бұрын
Alex Le Grand Thanks
@mamaabdulahimamaabdulahi7754
@mamaabdulahimamaabdulahi7754 5 жыл бұрын
Alaha unaxariisto
@asqarpoi8351
@asqarpoi8351 4 жыл бұрын
Wll aan ku saxee meesha deeganta roobka aad ka dhigty Waxaa laga rabaa jeeganta roobka
@cabdicasis4272
@cabdicasis4272 3 жыл бұрын
Fadumosxmeddhimbiil
@muusaguled4250
@muusaguled4250 3 жыл бұрын
@@asqarpoi8351 was Deegaanta waayo heestaa xarafka D kusocota
@CSeerbiya
@CSeerbiya 5 жыл бұрын
Taariikh Faneedka Faadumo Axmed Dhimbiil (1948-2018) Waxa Qoray Cumar Seerbiya Faadumo Axmed Dhimbiil sannadkii 1948 ayey ku dhalatay xaafadda lixaad ee Jabuuti ka dibna iyada oo 19 sanno jir ah oo aanay cidina fanka ku aqoonin ayey tagtay Xamar sannadkii 1967, waxayna la kulantay kooxdii Xabadi keentay ee ka timi Yementa Waqooyi, waxayna intii ay Jabuuti joogtay ee Xamar ka hor ka mid ahayd dhallinyarada gobonimo doonka ah . Kooxdan Xabadi keentay la dhihi jiray oo ahaa Abwaanno ka soo cararay dagaaladii ka socday waqooyiga Yeman waxa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Jaamac Saleebaan Tubeec, Maxamed Jaamac Ilkacase iyo Maxamed Siciid Baandey. Kooxdan ayaa Faadumo Xamar ku soo dhaweysay waxayna isla sannadkaasiba (1967) ay kooxda la meteshay Riwaayaddii Reer Ba'oow yaa ku leh? , ee sheekadeeda uu lahaa Abwaan Hadraawi halka heesaha ku jiray badankoodana uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase . Riwaayadda waxa jilayey , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdiraxmaan Xasan Sheekh (Abuuraas) oo isku ahaa Arbaha koowaad iyo Qalanjada Koowaad , Maxamed Siciid Baandey, Asli Khayre Gabboon iyo Jaamac Dubad Xiiray, waxayna kooxdu ka bilawday Balcad, Gaalkacayo, Qardho , Burco ilaa ay ku soo laabteen Xamar. . Heesaha riwaayadda ku jiray ee ay Faadumo Axmed Dhimbiil qaadday waxay ahaayeen labada hees ee erayadooda uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase laxankana uu saaray Jaamac Saleebaan Tubeec ee kala ah “Maahee Khadraay” oo ay la qaaday Cabdiraxmaan Abuuraas balse markii Xamar lagu soo laabtay la siiyey Sahra Axmed Jaamac iyo Maxamed Nuur Giriig waxayna noqotay heestii u horreysay ee ay Sahra qaaddo, iyo weliba heesta kale ee “Hiddo” oo ay dadka qaarna ku yaqaanaan “Mays heli karnaa?” waxaana riwaayadda dhexdeeda kula qaaday Maxamed Siciid Baandey markii dambena idaacadda waxa looga duubay Faadumo iyo Maxamed Nuur Giriig oo aan isagu riwaayadda ku jirin. Markii ay dhagaha bulshada gaadheen heesihii ay qaadday Faadumo waxay noqotay gabadh fanka dhexdiisa aad looga tixgeliyo intii ay joogtay Xamar iyo Soomaaliyaba . sannadkii 1972 Faadumo Axmed waxay ka mid ahayd koox fannaaniin ah oo isugu jiray kuwa ka soo jeeday Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ka tagay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Xaad(Qays) , Xaliimo Cabdi Odawaa (oo ay dad badani ku garan karaan heestii ma naftaydaan Mindi geliyaa?) , Maxamed Aadan Dugsiiye, Cabdi Ibraahim Geeddi ( Cabdi Bow-bow) oo isagu ka mid ahaa dadkii fanka Jabuuti dhidibada u taagay iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Abuuraas. Isla sannadkaasi 1972 waxay Faadumo Axmed Dhimbiil ka qaybqaadatay riwaayaddii ‘Muuse Iyo Maryan” ee uu allifay Ibraahim Aw Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo Jabuuti loo yaqaanay magaca Cumar Cabdi Aw-Maxamuud oo ahaa magacii uu dhalashada ku qaatay., waxaana riwaayaddaasi ku jirtay heesta aadka loo jeclaysto ee “Culusaa Allahayow” ee uu laxanka lahaa Cabdiraxmaan Cali Xirsi , ayna wada qaadeen iyada (Faadumo) iyo Maxamed Aadan Dugsiiye. Sannadkii 1976 Abwaan Ibrmaahim Gadhle ayaa curiyey riwaayad la odhan jiray “Halgankii umadda iyo hoog isticmaar” oo ka hadlaysay in dadka reer Jabuuti xornimo ka rabaan gumaystaha Faransiiska. Dowladda Soomaaliya ayaana lacagta riwaayadda bixisay , waxaana riwaayaddan oo lahayd sidoo kale qayb Canfari ah oo uu ku darsaday Abwaan Axmed Laacde, laga dhigay Soomaaliya iyada oo laga soo bilaabay Borama ilaa Beledxaawo, waxayna riwaayaddu socotay muddo 71 habeen ah , waxayna kooxdu ka koobanyd ahayd 30 qof . riwaayaddan waxa ku jiray heeso ay ka mid ahayd heesta “ Ragga kaan ka eegtow Ama Ilwaad” oo ay wada qaadeen Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdinuur Alaale, waxaana heestan erayadeeda lahaa Xuseen Jig-jigaawi halka uu laxankana saaray Cabdinuur Alaale Xirsi, sidoo kale heesta , Nuur Dalaacow dib miyaad u soo noqon , waxa erayada Faadumo u dhiibay Xuseen Jigjigaawi laxankana isla Cabdinuur Alaale ayaa saaray. Sidoo kale isla riwaayaddan Ibraahim Gadhle waxa ku jiray gabayga caanka noqday ee” Afrika” oo ay ku luuqayso Faadumo Axmed Dhimbiil, heesta Allahayow dadkaygii ayey sidoo kale ka qaaday Faadumo riwaayadda . Faadumo iyo fannaaniintii ay wada socdeen oo ay ka mid ahaayeen Nimco Jaamac Migil , Cali Cabdi Dawaale iyo Abwaan Aadan Tarabi Jaamac waxay yimaadeen Xamar, waxayna riwaayaddii ka dhigeen Shaleemo Banaadir , iyaga oo booqday Jaamacadda Lafoole oo ay kula kulmeen Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ka dibna waxay ku laabteen Jabuuti. Sannadkii 1978-kii waxa raadyaha Jabuuti laga shaqaalaysiiyey Kontan qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee fanka oo ay ka mid tahay Faadumo Axmed Dhimbiil oo sidoo kalena la shaqayn jirtay kooxdii Gacan Macaan oo uu guddoomiye ka ahaa Abwaan Aadan Faarax Samatar laga soo bilaabo1971. Faadumo Axmed Dhimbiil waxay qaadday heeso aad u tiro badan oo badankooda caan ka dhex noqday bulshada sida Heesta Gaaraabidhaan oo uu erayada lahaa Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad horena ay u qaaday Xaliimo Cabdi Odawaa balse ay ku caan baxday Faadumo iyo heesta Tufaaxii aan tirsaday oo iyaduna ku jirtay riwaayaddii “Hanweynaa Ma Huryaa” ee uu lahaa Abwaan Xasan Cilmi Diiriye , waxana sidoo kale heestan hore u qaaday Xaliimo Cabdi sannadkii 1974 . laxankana Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi ayaa saaray. Faadumo Axmed sidoo kale waxay qaaday heesta “Qaniiyada Abeesadu” oo uu erayada iyo laxankaba lahaa Axmed Xuseen Jigjigaawi . isla Faadumo ayaa Maxamed Nuur Giriig waxay wada qaadeen heesta”Soo mar “ oo uu erayada lahaa Cali Cilmi (Cali Aflow” halka uu laxankana saaray Maxamed Cali Nahaari (Maxamed Nahaari). Faadumo Axmed Dhimbiil sidoo kale waxay aad ugu wanaagsanayd ku luuqaynta laxannada qaraamka ah , waxaana xusid mudan in 1974 uu Maxamuud Ismaaciil Xudaydi uu Jabuuti ugu tumay Faadumo heesta laxanka Rogaal . Faadumo Axmed Dhimbiil dhawr iyo sagaashankii ayey Jabuuti ka dhooftay waxayna tagtay dalka Holland ka dibna Ingiriiska ayey u wareegtay . Sannadkii 2004 ayey Jabuuti ku soo laabatay, intii ka dambaysay waxay u badnayd Ingiriiska , 24-ka bishii May 2018 ayey Faadumo ku geeriyootay dalka Turkey-ga waxaana 25 Bisha May lagu aasay magaalada Jabuuti . Taariikhda Faadumo Axmed Dhimbiil waxa iiga waramay dad ay ugu horreeyaan, fannaanka Cabdinuur Allaale Xirsi oo sidoo kale ah Qoraa Suugaanta ururiya laga soo bilaabo 1971-kii, Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna iiga waramay markii ay Soomaaliya timi 1967 iyo bilawgii fankeeda , waxaan sidoo kale dhageystay Waraysi laga qaaday Faadumo mar ay dalka Jabuuti joogtay.Waxaana iga xasuusin ah inay jiraan heeso badan oo ay qaaday Faadumo kuwaasi oo aanan qoramadan ku sheegin. Waxa Qoray Cumar Seerbiya 23 , Febraury ,2019. Muqdisho Soomaaliya
@Maazim12
@Maazim12 4 жыл бұрын
Mahadi hakaa gaadho
@mnjustice3043
@mnjustice3043 3 жыл бұрын
Thks cumar serbiya
@cusmaansheekh1911
@cusmaansheekh1911 3 жыл бұрын
Yamanta koofureed dheh sxb mahadsanid
@mahadmuuse1065
@mahadmuuse1065 3 жыл бұрын
Cumar nin culus runtii, aad ayuu u mahadsanyahay
@abdourahmanmohamed8334
@abdourahmanmohamed8334 4 жыл бұрын
Allah Yarmak Tata Fadumo Ahmed Dhimbil Alloow kunaxariso ! Hesta wa wagi gumeysiga Jabuti dadki baadi jecel aye uhastane
@nabadraadshe
@nabadraadshe 7 жыл бұрын
Waar 70 yadii. Waxaan xusuustaa walaashey iga weyn oo heestan meel fagaaro ah ka qaadeysa Sannadku waa 1972. Walaashey Eebe ha daayee wey nooshahay oo ku sugan tahay degmada Beledweyne . Mahadsanid Hassan ahmed
@sareedogudoon9992
@sareedogudoon9992 5 жыл бұрын
Wl qaali nabadraadsh itanololi jirto jiroojoog
@huruusediiriye7469
@huruusediiriye7469 5 жыл бұрын
Waan jeclahay heesaha fadumo axmed qaraami
@shamsamuxumad1729
@shamsamuxumad1729 5 жыл бұрын
Aniga rer baladweyne ah qof an aqoonin ma joogto baladul anim
@Wonderer224
@Wonderer224 5 жыл бұрын
Walaashaa ma laga yaabaa inay tahay Beerluladii Hadraawi caashaqay? Beledweyne gabdha qurxoon baa weligeed lagu sheegi jirey.
@bahdoonali9607
@bahdoonali9607 6 жыл бұрын
Xasuus jacayl ♥️♥️♥️♥️♥️ Qof ku jecel ha ka tagin waa iga dardaaran ragow 🌹🌹🌹🌹🌹🌹🌹
@Ahmedmohamed-wo2fv
@Ahmedmohamed-wo2fv 7 жыл бұрын
walaahi markaan dhagaysto heesahan ay qaadayaan fanaaniintii hore waxan go,aan ku gaadhaa inaanan dhagaysan heesahan ciyaalku inagu dawakhiyeen ee maraysa qureecda ii keen la inoogu heeso, fan wakhtigaasuu ahaa alle ha xafido faadumo axmed dhinbiil
@hothanliiban9389
@hothanliiban9389 5 жыл бұрын
Ahmed mohamed
@amarehadaweh9683
@amarehadaweh9683 5 жыл бұрын
Ereyada Waxaa curiyay abwaan Xuseen jigjigaawi laxankana waa cabdinuur Alaale. Waxay ka Mid ahayd ruwaayadii "Halgankii ummada iyo hoog isticmaar" ee uu alifay AUN abwaan ibraahim aw salebaan (Ibrahim gadhle. Soo xigasho Cumar serbia
@barrearmiye6051
@barrearmiye6051 5 жыл бұрын
Dadku waa dadkii hore hadalna waa intuu yidhi waxba soomaraacaan waa duni murtidii bari samaad laga dhamaystay Faadumo Ahmed dhimbiil Alle ha u naxariisyo codbay lahayde
@MoustaphaBenchideh
@MoustaphaBenchideh 6 жыл бұрын
Allow kuu naxariiso Faadumo Axmad Dhimbiiley.
@osmansufi4066
@osmansufi4066 6 жыл бұрын
Ereyadii abwaan ibrahim gadhle alle ha u naxariistee iyo codkii macaanaa ee faadumo axmed
@charkodeqsalampeace1919
@charkodeqsalampeace1919 4 жыл бұрын
Ereyadii AUN abwaan Axmed Xuseen Jigjigaawi.
@princessdiamon5787
@princessdiamon5787 4 жыл бұрын
Walal heesta kale ee faadumo axmed qaado ee tidhii yaa u kala warrama saw isagu ma lahayn jigjigaawi
@charkodeqsalampeace1919
@charkodeqsalampeace1919 4 жыл бұрын
@@princessdiamon5787 Maya walaal ee waa AUN Ibraahin Gadhleh waana heesihii halgankii gobanimo doonka.
@MrLooyaan
@MrLooyaan 6 жыл бұрын
إبداعات فنيه كبيره للفنانه الراحله فاظمه أحمد ..... نسأل الله تعالي ان يغفرلها ويرحمها
@mohamudabdi87
@mohamudabdi87 6 жыл бұрын
Wax badan ayaan ka dhagaysa jiray BBc barnaamijkii salaamahay allaha unaxariistee Axmed xasan Cawke &Aamina Muuse Wehliye
@sultanhufane1051
@sultanhufane1051 4 жыл бұрын
20 sano ayay dib ii celisay heestan (xasuus i khaas ah). Heestan waxa ay ka turjumaysa inay dumarku jacaylka hore u garan oo tasina qomamo iyo ciil dhaxalsiso. Noloshuna waxay ku qurux badantahay inad hesho qof ku jecel kadibna aad jacaylka la qaado oo nolol wadaagtan.
@g.hdjama8922
@g.hdjama8922 6 жыл бұрын
Alle Yaraxma, Maanta oo ku taariikhaysan 24/05/2018 ayay tagtay gurigeedi rasmiga ahayd Faadumo alle qabriga ha u nuuro
@atamayste4593
@atamayste4593 6 жыл бұрын
Aamin amin alle haw naxristoo fadumo axmed dhibiil
@gantlove1110
@gantlove1110 5 жыл бұрын
Yusuf Geele kzbin.info/www/bejne/Z5m7m6B6d6iFf9U bro way nooshahay wali ee miyaad walatay wax hubso
@mhassan0163
@mhassan0163 4 жыл бұрын
@@gantlove1110 Faadumo Duur baad ku khaldaysa, tan waa faadumo axmed dhimbiil
@akramaabdi2377
@akramaabdi2377 3 жыл бұрын
Allaha u naxariisto🤲
@ayaanbashiir2491
@ayaanbashiir2491 5 жыл бұрын
Ma dayn Karo aduunyada intaan dib ugu noolahoo dayma aragtidiisay indhuhu doogsadaan ❤❤❤ Qof markaad si dhab ah u jeclaatid waliga jacaylkaas kaama guuro 1/1/2020
@saadahersiabdi82
@saadahersiabdi82 2 жыл бұрын
Elle did tous et toute djiboutien et djiboutiene
@aliismail8049
@aliismail8049 7 жыл бұрын
Markii hore waxa qaadi jiraty.xaliimo cabdi
@Maazim12
@Maazim12 4 жыл бұрын
Hargeisa, Jabuuti iyo xamar waa caasimadood oo fanka soomaaliyeed taariikh dahabiya kuleh
@alimoaw4039
@alimoaw4039 5 жыл бұрын
heestan waxay kamid tahay heesihii ay la hayd alle ha u naxariistee xaliimo cabdi heesa kale oo ay qaado faadumo axmed waxaa kamida gaaraa bidhaan iyo tufaaxii aan tirsaday
@mahadmuuse1065
@mahadmuuse1065 3 жыл бұрын
Waa originalkeeda waxa aad dhegeeysanayso imika
@maankadeeqa2486
@maankadeeqa2486 6 жыл бұрын
Waaaaaaaaaah dabayl caafimaadoow markale dib maku arkaaya😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭ax waa erayo qalbiga dhaqaajinaayo😭😭
@cuudidileg6875
@cuudidileg6875 7 жыл бұрын
Deegaanka roobkiyo ubaxoo hilaacoo nuur daalacoow dabayl caafimadoo markale dib makuu arkayaa axyaa illa garan qaraami faadumo gabadh soomaliyeed
@abwaancaato538
@abwaancaato538 6 жыл бұрын
Alle haw naxariisto faadumo axmed dhibiil
@mahamedroblehliban9405
@mahamedroblehliban9405 7 жыл бұрын
hassanAhmed walaal wad mahadsanthy fadumoaxmed dhimbil allah dhawro
@maxamdbashiir8903
@maxamdbashiir8903 6 жыл бұрын
Heestan fanaanada qaadaysa ma xaliimo cabdi baa mise waa faadumo axmed dhinbil ninka soogeliyey waxaan leeyahay halkaa dib ugu noqo inaga hubi
@JabuutiTV
@JabuutiTV 6 жыл бұрын
waa faadumo axmed,
@abdijamaadan5460
@abdijamaadan5460 7 жыл бұрын
Aad baad u mahadsantahay hassan sida quruxda badan ee aad isugu hawsho inaad soo uruuriso hees macaaan oo murti leh.
@JabuutiTV
@JabuutiTV 7 жыл бұрын
adaa mudan
@taxitaaxi2371
@taxitaaxi2371 6 жыл бұрын
ababaay
@timocadecade9781
@timocadecade9781 6 жыл бұрын
Heeskaan faaduma axmed malahYne fNNd kalaa lahayde xasuusiya
@AhmedHassan-ed5ue
@AhmedHassan-ed5ue 4 жыл бұрын
Faadumo ahmed waxay kamidtahay fanaaniintii hore
@foosifaraax6725
@foosifaraax6725 7 жыл бұрын
heestan 2000wankuxasuusta annigo arooskaqaday ddsi garahan mayuu muluqo gabadhan jeeclabaan uqaaday iminka 1 29 2018 allayacisag iyo anojooga jaarmalka yuurub xasuus
@zeynabmohamad702
@zeynabmohamad702 6 жыл бұрын
@Ahmed Siyaad lkn walkeey hestaan aroos mxaa ka galay aroos wa labo qofoo midoobaya.mirahaana waa dad kala fogaaday si ay ahaatabo.heso dren jacel ayaa lo qada aroos ee calacal ma ahan habeenkaas.mahadsanid sharafoow
@Sanrioxxie
@Sanrioxxie 7 жыл бұрын
Hassan ahmed sxb 1000 jeer mahadaanid heesahan waa heesahaan kubarbaaray rtd Djibouti
@JabuutiTV
@JabuutiTV 7 жыл бұрын
adaa mudan
@amiiramaxamuud7171
@amiiramaxamuud7171 5 жыл бұрын
Dabeel caafimaadow mar kale dib makuu arkaayaa 💔💔💔
@calioumar2967
@calioumar2967 3 жыл бұрын
No way fatouma axmed waa lees hessta halima abdi never sing ee labaad fannan illahay xaa naxaristo my 2 favor fannan of all time
@samadoonkasoomaaliyeed1637
@samadoonkasoomaaliyeed1637 6 жыл бұрын
Runtii xusuus qaaliya ayaan dareemay
@ramlocabdi3635
@ramlocabdi3635 7 жыл бұрын
Gold son waxay ahayd heesaha mar la maqalkaa cajiib raqiis isaga dhagaysta aduun iminka 40 jirbaan ahay adeer
@AhmedSahal1
@AhmedSahal1 7 жыл бұрын
Ramlo cabdi hhhhhhh ana 25 adeer wakhti walba waayihiisa leh
@saadahersiabdi82
@saadahersiabdi82 2 жыл бұрын
Ecoute been Elle parle a note paye con nous etre Libre a chaqu,un sois comtu veux
@252hassanaadan3
@252hassanaadan3 6 жыл бұрын
Heeso waa heesahii here waxi ka soo hero waa ciyalka xafda hdlkooda musug la saaray kkkkkk yaa igu raacsan asxbey
@AhmedHassan-ed5ue
@AhmedHassan-ed5ue 3 жыл бұрын
Nuur daalocoow mar kale dibma kuu arkayaa
@yahane33
@yahane33 7 жыл бұрын
My favorite girl Fatouma ♡
@AhmedHassan-ed5ue
@AhmedHassan-ed5ue 5 жыл бұрын
Waa heesihii aan badi lahelin
@252hassanaadan3
@252hassanaadan3 6 жыл бұрын
Waad mahad santhin jabuuti mudug boy
@AhmedHassan-ed5ue
@AhmedHassan-ed5ue Жыл бұрын
Fanaanba faaduma axmed ❤❤❤❤❤❤
@xaraf1411
@xaraf1411 3 жыл бұрын
Waa fananed aaad u qaali ah
@AhmedHassan-ed5ue
@AhmedHassan-ed5ue 5 ай бұрын
Waaya waayo
@mohamedklibaro7716
@mohamedklibaro7716 6 жыл бұрын
The one and the only..
@mohamedklibaro7716
@mohamedklibaro7716 6 жыл бұрын
💖
@alidhoodhe
@alidhoodhe 5 жыл бұрын
Heestan wakhti hore ayaa maqalkeeda iigu denbaysay 21/8/2019
@Maakhirland
@Maakhirland 6 жыл бұрын
Xasuus Aan Tegeyn Wakhti Aan kunoolaa Laasmacaan.ama L/Qoray Dadba Suu uyaQaan Gabadh Ayaa.heestan Aad ulahaysatey xiligaa Markaan isaragno oo Indhaha isasaarno heestanaa kusoo dhicijiryey inantaa markaasey Cod Macaan kuQaadi jirtey
@cabdicasiissoobe5138
@cabdicasiissoobe5138 5 жыл бұрын
Maakhiri Garaad alaaa yacisak
@mubarigfayisal8433
@mubarigfayisal8433 4 жыл бұрын
Waa qiiro hestani
@mohamedklibaro7716
@mohamedklibaro7716 6 жыл бұрын
Une lègende djiboutiene RIP
@yosofibrham3655
@yosofibrham3655 2 жыл бұрын
Waa 06.06.2022 isla goobtayda . Waxaan joogaa waqti qurxoon waxaan dhex joogaa dal iyo dad ka zheegan dunida ,waxaan haystaa dawlad dunida awood ku leh xataa hadaan dunida kale u safro waxaa lay qaabilaa muwaadin kasoo jeeda dawlad dunida ka sheegan . Fanku wuxuu marayaa heer Kii u saraysa waaayo wuxuu haystaa ehelkiisa iyo gacan dawaladeed. Wehey waxaan isku qanciyaa inaan nasiib badanahay iyo waqti nasiib badana kusoo beegmay calaashan inaan ahay Somali. Sory xasuustaan raray oo WAXAAN guuray geeedi qaadanaya sodon sano oo dib u guuray kahor burburkii.
@tiigsade
@tiigsade 6 жыл бұрын
Best song
@ahmedomer4953
@ahmedomer4953 6 жыл бұрын
Nin loo barooran waayay ma ninbaa waa abaalkood dumarka wixii ku dhacaa eh waxay qaldeen ayay dib u raadiyaan
@ahmedomer4953
@ahmedomer4953 4 жыл бұрын
heestan walée kama waynaado markaan arkaba waan dhagaystaa
@ibrahimabdullahi6235
@ibrahimabdullahi6235 7 жыл бұрын
xasuus gaar ah
@axmedbilal8022
@axmedbilal8022 3 жыл бұрын
Heestan.waxay.ka.turjumaysa.qada.dhacay
@osmanarreth6339
@osmanarreth6339 3 жыл бұрын
Ramu Allah 2dinaba
@AhmedAli-fb7ub
@AhmedAli-fb7ub 7 жыл бұрын
Nuur daalacaw dib ma kuu arkaayaa?!
@foxybrown7575
@foxybrown7575 6 жыл бұрын
SOMALI MOGADISHU,2018,10,18.
@ifraharagsan1149
@ifraharagsan1149 4 жыл бұрын
dabayl caafimadow mar kale dib ma ku arkaya 😧😧
@cilmibihi8745
@cilmibihi8745 7 жыл бұрын
waxaan dawanayaa dayaxa iyo cadceedaan dawanayaa sedee baa dayaxa iyo cadceeda mar loo wada dawadaa?
@indhodeeraley4923
@indhodeeraley4923 6 жыл бұрын
Cilmi Bihi dee ula jeedku waxa weeyi kolba ka jiraan daawanayaa yacni habeenkii iyo maalintii bn kala daawadaa
@cilmibihi8745
@cilmibihi8745 6 жыл бұрын
indho deeraley waad mahadsantay ee qifku jacayl ku hayo Malin tii maqoraxda ayuu daa wada hanenkii na dayaxa ayuu daawadaa tasu waa indho cadaad heestu waxay sheegay saa in inantu isjarxariifisay oo markii danbe xumadii jacaylku kusoo booday waxan kuway diiyey indhadeeralay xumada jacayku habeenkii iyo maalintii kee buu kululyahay qofka jacayl ku haya goormuu heesaha ama gabayada iyo buranburka jacaylka tiriya
@asqarpoi8351
@asqarpoi8351 4 жыл бұрын
@@cilmibihi8745 hhhhh war nio dhib badanida hadii waxa laga wado lagu sheegy waamaxy su aalaha kle 🤣
@cilmibihi8745
@cilmibihi8745 4 жыл бұрын
@@asqarpoi8351 dee haye anigu in jacaylka laga falodo ayaan doonayey
@ahmedomer4953
@ahmedomer4953 4 жыл бұрын
💘💘💘💘💘
@asalhargeisa3668
@asalhargeisa3668 6 жыл бұрын
Heestan original-keedii waxa lahayd xaliimo cabdi seeraar ilaahay ha u naxariisto labadaba waa copy tani
@mahadmuuse1065
@mahadmuuse1065 3 жыл бұрын
Halkaa ku noqo wll
@azadawil
@azadawil 4 жыл бұрын
❥︎𝑨𝒏𝒂 𝒅𝒖𝒅𝒂𝒚 𝒎𝒂𝒓𝒌𝒊𝒊 𝒖𝒖 𝒔𝒂𝒎𝒐 𝒊𝒍𝒂 𝒅𝒖𝒍𝒋𝒐𝒐𝒈𝒐𝒐 𝒅𝒐𝒒𝒐𝒏𝒊𝒊𝒎𝒂𝒅𝒂𝒚𝒅𝒊𝒚𝒐 𝒅𝒖𝒎𝒂𝒓𝒏𝒊𝒎𝒐 𝒊 𝒒𝒂𝒂𝒅𝒆 𝒊𝒔𝒌𝒂 𝒅𝒂𝒂 𝒅𝒂𝒏𝒕𝒂𝒚𝒅𝒊𝒊 𝒉𝒐𝒓𝒂𝒂𝒏 𝑵𝒂𝒃𝒂𝒅 𝒖 𝒅𝒊𝒊𝒅𝒆𝒆 𝑴𝒂 𝒅𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒐 𝒂𝒅𝒖𝒖𝒏𝒚𝒂𝒅𝒂 𝒊𝒏𝒕𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒊𝒃 𝒖𝒈𝒖 𝒏𝒐𝒐𝒍𝒐 𝑫𝒂𝒚𝒎𝒐-𝒂𝒓𝒂𝒈𝒕𝒊𝒅𝒊𝒊𝒔𝒂 𝑰𝒏𝒅𝒉𝒖𝒉𝒖 𝒅𝒐𝒐𝒈𝒔𝒂𝒅𝒂𝒂𝒏 𝑫𝒆𝒆𝒈𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒓𝒐𝒐𝒃𝒌𝒊𝒚𝒐 𝒖𝒃𝒂𝒙𝒐𝒐 𝒅𝒊𝒍𝒂𝒄𝒂𝒂 𝑵𝒖𝒖𝒓 𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒄𝒐𝒐𝒘 𝒅𝒂𝒃𝒂𝒚𝒍 𝒄𝒂𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅𝒐𝒘 𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒅𝒊𝒃 𝒎𝒂 𝒌𝒖𝒖 𝒂𝒓𝒌𝒂𝒂𝒚𝒂𝒂 𝑵𝒂𝒇𝒔𝒊 𝒘𝒂𝒂 𝒅𝒂𝒃𝒂𝒚𝒍 𝒊𝒚𝒐 𝒅𝒖𝒖𝒇𝒂𝒏 𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂𝒚𝒊𝒚𝒐 𝒔𝒉𝒂𝒍𝒂𝒚 𝒌𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒊𝒊𝒅𝒂𝒏 𝒎𝒂𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒅𝒐𝒐𝒏𝒂𝒚𝒂𝒂𝒚𝒆𝒆 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒂𝒂𝒘𝒂𝒏𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒅𝒂𝒚𝒂𝒙𝒊𝒚𝒐 𝒄𝒂𝒅𝒄𝒆𝒆𝒅𝒆𝒆 𝒎𝒂 𝒅𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒐 𝒂𝒅𝒖𝒖𝒏𝒚𝒂𝒅𝒂 𝒊𝒏𝒕𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒊𝒃 𝒖𝒈𝒖 𝒏𝒐𝒐𝒍𝒐𝒐 𝒅𝒂𝒚𝒎𝒐 𝒂𝒓𝒂𝒈𝒕𝒊𝒅𝒊𝒊𝒔𝒊𝒊 𝒊𝒏𝒅𝒉𝒖𝒉𝒖 𝒅𝒐𝒐𝒈𝒔𝒂𝒅𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒆𝒆𝒈𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒓𝒐𝒐𝒃𝒌𝒊𝒚𝒐 𝒖𝒃𝒂𝒙𝒐𝒐 𝒅𝒊𝒍𝒂𝒂𝒄𝒂𝒂 𝑵𝒖𝒖𝒓 𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒄𝒐𝒐𝒘 𝒅𝒂𝒃𝒂𝒚𝒍 𝒄𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅𝒐𝒘 𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒅𝒊𝒃 𝒎𝒂 𝒌𝒖𝒖 𝒂𝒓𝒌𝒂𝒂𝒚𝒂 𝑫𝒐𝒐𝒃𝒕𝒊𝒊 𝒋𝒂𝒄𝒂𝒚𝒍𝒌𝒂𝒂 𝒉𝒂𝒅𝒂 𝒊𝒈𝒖 𝒅𝒊𝒍𝒂𝒂𝒄𝒅𝒐𝒐 𝑾𝒂𝒙 𝒅𝒊𝒃𝒏𝒂𝒉𝒂 𝒍𝒂 𝒔𝒂𝒂𝒓𝒊𝒚𝒐 𝑪𝒖𝒏𝒕𝒐 𝒅𝒐𝒐𝒏𝒊 𝒎𝒂𝒂𝒚𝒐 𝑫𝒂𝒃𝒊𝒊𝒃𝒌𝒊𝒊 𝒏𝒂𝒇𝒕𝒂𝒚𝒅𝒊𝒚𝒐 𝑫𝒂𝒘𝒂𝒅𝒂𝒚𝒅𝒊𝒊 𝒘𝒆𝒆𝒚𝒂𝒂𝒏 𝑴𝒂 𝒅𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒐 𝒂𝒅𝒖𝒖𝒏𝒚𝒂𝒅𝒂 𝒊𝒏𝒕𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒊𝒃 𝒖𝒈𝒖 𝒏𝒐𝒐𝒍𝒐 𝑫𝒂𝒚𝒎𝒐-𝒂𝒓𝒂𝒈𝒕𝒊𝒅𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒊𝒏𝒅𝒉𝒖𝒉𝒖 𝒅𝒐𝒐𝒈𝒔𝒂𝒅𝒂𝒂𝒏 𝑫𝒆𝒆𝒈𝒂𝒏𝒌𝒂𝒂 𝒓𝒐𝒐𝒃𝒌𝒊𝒚𝒐 𝑼𝒃𝒂𝒙𝒐𝒐 𝒅𝒊𝒍𝒂𝒂𝒄𝒐 𝑵𝒖𝒖𝒓_𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒄𝒐𝒐𝒘 𝑫𝒂𝒃𝒂𝒚𝒍 𝒄𝒂𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅𝒐𝒘 𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂𝒍𝒆 𝑫𝒊𝒃 𝒎𝒂 𝒌𝒖𝒖 𝒂𝒓𝒌𝒂𝒚𝒂𝒂❣︎❣️❣︎𓂀 ❤︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❥︎❤︎ 𝐗𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐭𝐢𝐢 𝐀𝐔𝐍 𝐟𝐚𝐚𝐝𝐮𝐦𝐨 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐡𝐢𝐛𝐢𝐢𝐥 𝐫𝐚𝐛𝐢 𝐝𝐚𝐧𝐛𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐡𝐚 dhaafo
@yuusufcandurbo6495
@yuusufcandurbo6495 7 жыл бұрын
Nuur daalac ???????
@caaqilmooge9453
@caaqilmooge9453 5 жыл бұрын
Xigmad yaridaada aamuskaa lagu kabaa ama sidaa u heesa ama caa cda naga daaya ciyaalka dambe kalaabyahay
@mahadmuuse1065
@mahadmuuse1065 3 жыл бұрын
Kkkhhhhhh waad iga qoslisay 🤣🤣🤣🤣🤣😆😂😂😂
KABAN MACAAN KOOSHIN YARE HEESO XUL GEESGUUD MUSIC 1
58:09
Geesguud Media
Рет қаралды 2,4 МЛН
fadun & faduma
9:35
Jabuuti TV
Рет қаралды 256 М.
Мен атып көрмегенмін ! | Qalam | 5 серия
25:41
She made herself an ear of corn from his marmalade candies🌽🌽🌽
00:38
Valja & Maxim Family
Рет қаралды 18 МЛН
小丑教训坏蛋 #小丑 #天使 #shorts
00:49
好人小丑
Рет қаралды 54 МЛН
Jeelka Boosaaso ayaa ka raacay markaan ku Biirayay AS?
20:15
Siyaad Media
Рет қаралды 47 М.
FAADUMO AXMED - YAA U KALA WARAMA
6:47
Jabuuti TV
Рет қаралды 296 М.
Caashaqa Ma Dhaafnaa
10:10
Maxamuud M Xasan Kabanle - Topic
Рет қаралды 70 М.
MAXAMED & FAADUMO - CULUSAA ALLAHAYOW
9:21
Jabuuti TV
Рет қаралды 513 М.