Рет қаралды 24,738
GEEDIGA WADAAY. CABDI MUXUMED AMIIN. 1969
Erayadii , Laxankii & Luuqdii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin. 1969
Nin Gumeysi raacay
Isagaa u go'ayee
Gobanimo Nin doonay
Guul baa u dambeysee
Guuleystayaalow Geediga wadaay
Gurgurka & heeryada
Guud weyne saaroo
Rayskii aan gaarnee
Gudintana afaayaa
Guuleystayaalow Geediga wadaay
Taariikha Guudnimo
Goobihii la soo maray
Soomaali Geesiya
Guul lagama hooyee
Guuleystayaalow Geediga wadaay
DADKII NALA GUDBOONAA
DAYAXUU U GUURAYE
NIN QABIIL GAR GAARSADAY
MEELNA GAARI MAAYEE
Guuleystayaalow Geediga wadaay
ISITCMAAR GABOOBIYO
MIDKA HAATAN SOO GALAY
WIXII NALA GUDBOONAA
UGA GAABSAN MEYNEE
Guuleystayaalow Geediga wadaay
INNAGAA GO'AANKIYO
LIBTA GAARI DOONOO
GABLADA & DHAANTADA
KU GARAACAN DOONEE
Guuleystayaalow Geediga wadaay
GURI CAAFIMAAD QABA
GEELA AAN KU MAALLOO
GAAJADA & OONKANA
XARIGA AAN U GOOYNEE
Guuleystayaalow Geediga wadaay