Heestan ereyadeeda waxa curiyey hal-!buurkii weynaa CABDIQAADIR XIRSI SIYAAD, oo dadka badankiisu “Yamyam” u yaqaanney Eebbe ha unaxariistee. Codkeeda waxa in badan innooga farxisay hooballadda Soomaaliyeed ee KHADRA DAAHIR CIGE. Ereyada heesta oo dhammi waa gabadh ballan la lahayd jacaylkeedii,deedna uuu iman waayey! Alla xanuuun badanaa markan oo kale! Ugu yaraan saddex saacadood bay sugeysey kolkii cadceeddu mugdiga ku libidhay ee ay hoyatay. Habeynkii oo dhanna badankiisii may samrine dayaxii baa ugu soo baxay saddexdii habeynnimo!Waxa ay weliba qun u garanaysaa sababta isa seejisey oo ah saboolnimo!Ax. Waxa ay garanaysaa sida aanu lammaaneheedu beenta u aqoon una dhayalsanin. Kolka ay socod hinqato ba waxa hakinaya caleenta geed sare ka dhacda iyo dabaylaha dhirta ruxa -kolkaas bay odhanaysaa: Naf sidkani ma samirtaa iyo Ma anigaan waqtiga sugin?Boholyow,laxaw,caashaq iyo kalgacal oo dhammi inantan buu saanyaday. Dadka oo dhan bay canaanaynaysaa. Gefka oo dhanna waxa ay dusha ka saaraysaa saboolnimada. Heestani inay cishqi ka lashan tahay oo jacaylku yahay waddo Yamyam farriinta u maray baa meesha aniga iiga muuqata. Bal inankaas gashaantida uu jecel yahay adduun la’aantu seejisey hadduu shaydaan heli lahaa ka warran? Una yeedhin lahaa inuu magaalada gubo inta uu xoogaa u dhiibo! Suurtogal ma tahay? Socotoo qundhacadii. Fadadkii mugdiga siday. Shucaacii sagootiye. Waa saacad iyo labo. Intaan saadinaayee. Naf sidkani ma samirtaa. Ma sugtaa sadkeed maqan? Ma yaqaanno suuraha. Beentiyo sasabadee. Ma anigaan waqtiga sugin. Mise waayahaa sida. Kaan sugaayey yaw baxay?. Murugadaan i saaqdiyo. Laabtaan ka sare kacay. Yaw sababa boholyada? Maxaa laxaw i saanyaday. Seddexdiyo shan iyo toban. Dayaxii ma soo baxay. Nafta sooftay ee maqan. Anoo sabadaw yuurara. Kaahiisii may simay? Ballantii ma siiddeyn. Seef wacadkii kuma jarin. Ma illaabin samihii. Saaka aannu dhigannee. Ma gaadiid socdaan jirin. Hubiyoo ma seexane. Basaskiyo Sitaydii. Salka meeluu dhigiyo. Sare-joog ka la' yahay? Waa saboolka caadadii. Gefka inuu sameeyo. Ma samraa sidii hore . Sina kugu nastee. Murugadn is saaqdiyo. Laabtaan ka sara kacay Ayaa u sababa boholada . Maxaa lawox i saanyadaye. Haddii aan kalagacal solin. Laxaw saaftay mayracan. Maa kuwa tagsigu sido. Uga soo degaan qaar. Sabuulkiyo beeraha. Sunta caashaqa bixisiyo. Sadarrada jaceylka. Ee laabta ugu siman. Haddii uu mid sidan laa. Aragtida u suura. Sidaa uma ay dhaafeen. @GEEDI_SHAAMBOW_STUDIO aad ayaan u jeclahay waan umahad celinayàa heeso badan oo aan waayay ayaan si kadis ah oga helay
@asadsomalisomali4672 Жыл бұрын
@@SHOOKE70 Walaal Qoral ka ban kahelay ee ma isodiri karata please
@engahmedozman26512 жыл бұрын
Heestan waxaan dhegeystey 2020 Xili aan jamacad ka dhiganayey borama Qoftii aan jeclaana aan sii kala maqanahy mudo bil ah. Madaaba uu dheraday shukaansigayagii gabadhii khiyaal bay warkaygii u aragtay iyadoo ijecel ana lamid aan ahy. Waxaan u arkay hestani inay anigaba ila hadlayso.
@DavidAmed-r1m Жыл бұрын
Qisada heeskaan oo Faah faahsan ayaan ka waayey KZbin. Qofkii haya ama arkay ha inala wadaago fadlan. Mahadsanid
@yahyeboshle39723 жыл бұрын
Waxaan Gurigayaga Gaalkacyo ku bartay heeskaan oo rikoor laga shidi jiray cajiladihii xiligaa socday ....Erayga aan aad uga qabtay xiligaa wuxuu ahaa"Waa sabool ka caadadi sidaa inuu wax yeello". sanadkaasi wuxuu ahaa 2001...Nasiib wanaag Caawa oo bishu tahay 22/1/2021 saqdhexe oo habeenimo 03:27 daqiio ama qaarkin saad u taqaanaan 9:28 daqiiqo oo habeenimo..waxaan ku sugayaa salaada subax oo aanan rabin inaan ka seexdo😘😘🎈Xusuus walaahay caawa.
@gaaleefyare69883 жыл бұрын
Abwaan yahye heestaan waa hees cajiib ah runtii wax la i laawi Karo maahan
Seef wacadkii kuma jarin ayay tiri. Wax ka wacan maleh gabar garnaqsanaysa oo saxan waayo dumarku haddii la wanaajiyo ma illaawaan.
@sultanhufane10514 жыл бұрын
Heestan iyo heesta kale cabdow bari samaadki ama sida lo yaqano "beer jacayl" mar Aan safar dalxiis u baxaynay magalo ku taal galbeedka Djibouti oo la yidha Dikhil ayan 4 saaco kuso cel ceshanay-nay. Mar kasto Aan maqlo safarka ban xasusta
@xasanidirisducaale16644 жыл бұрын
Waa dhamac
@AhmedHassan-jg5hp3 жыл бұрын
Kaban kii iyo Ahmed Cali cigaal
@banadirchannel81874 жыл бұрын
Mahadsanid Heestaan magaceeda waxaa la yiraahdaa Bassaskiyo Siteyda
Walal waxaan kaa codsanayaa hees kaban ah oo ay qaadaan khadra daahir cige hooyadii jacaylka iyo seygeedii hore axmed cali cigaal hesta waxaa la yidhaa la gurguuro caashaqa ama bada guuxda een gurin qofba si buu u yaqaane iyadoo kabana noo soo raadi waa codsi walal mahadasanid hadaad helayso ina soo jawaab
@GEEDISHAAMBOWSTUDIO5 жыл бұрын
Halkaan ka dhagayso sxb kzbin.info/www/bejne/op_YoWmZnpuWb9E