16/3/2021 waxan ka dawanya Hargiesa duleedkeda (cadaadlay)🥰Hablaha geeska😍
@RasKay094 жыл бұрын
I thougt I came here looking for the famous Sudanese Sayid Khalifa...glad my Afar self also speaks Somal as well...I like the song walaalayaal
@Ahmeto5365 жыл бұрын
Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mida Quruxdana ka wada gob ah Geesteena mooyee Gayi kale ma joogaan. eryadii : Alle Cimrigiisa Ha Alle raajiye abwan Hadraawi codkii Halaasiga haa: legend khaliifa
😥😥😥😥😥😥😥😥allow hadrawi cafimaad sarecanaa ugu deeeq wn ooyaa markaan midhahan uu leyahay abuunku u ku amaaney hablahaa somaaliyeed wxn nahay kuwa ugu nasiibka badana haween weynahaa aduunka
@hanuush67874 жыл бұрын
Alle ha caafiyo abwaan hadraawi wuxu ku xanuunsan yahay somalilnd illhy isaga awood leh oo ka dulqaad kare xanuunka uducee inuu ilahay ino caafiyo ❤️❤️😢😢
Bilada qalbiga aan ugu soo diray ilaahay ayaa Bilad fiican siiyay wayoo waxaw kadhigyay Nin fiican oo sharaf badan iyo caqli badan leh🌸
@faadumaentrepreneusemarwoe37304 жыл бұрын
Ilahay aa Bilad fiican siiyay wayoo waxaw kadhigyay Nin fiican oo sharaf badan iyo caqli badan leh
@hasannour75629 ай бұрын
@@faadumaentrepreneusemarwoe3730abwaanku maanta waa marxuune u soo ducee wll inuu ilaahay qabriga u nuuro
@Ahmeto5365 жыл бұрын
EESTA CAANBAXDEY ee "Hablaha Geeska Afrika", dad badanina laga yaabo inay si fiican ugu xusuustaan inuu ku luuqeyn jirey Khaliif Cismaan Cabdi 'Sayid Khaliifa,' heesaagii Kooxdii Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, - waa hees aanan weli la kulmin suugaan si la mid ah ugu xeel dheeraatey ammaanta dumarka Soomaaliyeed. Waa heesta kaliya ee aad ka heleyso inay taabanayso dhinac kasta nolosheenna kaalinta ay dumarku kaga jiraan nolosha bulshada, tan qoyska iyo qarankaba. Suugaanta Hadraawi oo lagu yaqaan inay qani ku tahay miisaan culus oo murti suugaaneed, in kasta oo dadka qaar ku dhaliilaan in maansooyinkiisu dhaadheer yihiin erayo af Soomaali ahaan culus oon la fahmayna laga helayo, hadana anigu ma arkin hees murti ahaan ka fasaaxo sarreysa, fahamkeeduna ka sahlan yahay, welibana xagga cabbirka iyo asteynta ujeedada ay ka hadlaysona uu si qoto dheer ugu dheeraadey. Tusaale ahaan waxa uu damcey inuu muujiyo kaalinta gabdhaha Soomaaliyeed iyo sida aan looga maarmin xilli-farxadeedka saman barwaaqo ah amaba nolosha kale ee rag & dumar ka dhaxaysa xilliga madadaalada iyo haasawaha guud ee caweysinka habeenkii. Sida aad ka arki doonto erayadiisa tuducan soo socda waxaa uu sawirayaa in fagaaro caweys ah oo dhallinyaro ku kulanto aanu waxba dhaamin meel cidla' ah amaba xabaalo ciirsi la’ ah haddii aanay gabdho joogin oo aanay goobtaa bileyn. Waxaana uu yiri: Gu´ hagaagay oo da´ay Dhulka geedo jiifaan Gurya-samo barwaaqa ah Haddii geeddi lagu furo Dhallinyaro is gurataa Gurdan raaca fiidkii Gole weyn ku kulantoo Cagta garan-garteediyo Isu geysa jiibkoo Googooska luuqdiyo Gedda sacabka loo jaro Hablahaa u gaaroo Garashada codkoodaa Qof gaboobey kicisoo Gelbiskiyo mashxaraddaa Gama´kaa ilaashee Haddaan gabari boodeyn Illayn gegi ciyaareed Wax ma dhaanto geeriyaad? Billowga heesta waxa uu daah fur ka dhiganayaa erayo uu kaga jawaabayo hadal suuqeed horraantii 70aadka soo baxay oo xan ahaan looga faafiyey beri musaafuris ahaan lagu geeyey degmada Qansax Dheere. Waxaana sida aan ku maqlay haddalladii laga sheegey ka mid ahaa in uu murtiguurey oo gabaygii iska daayey sidaasna isaga aamusey. Abwaan waa kii af-maal ahe waxa uu goostey inuu suugaantiisa isku difaaco oo iska caabiyo huuhaadii suuqa la mariyey, waxaana uu ararta heesta ka dhigtey tuduc uu abwaanimadiisa ku difaacayo isaga oo hoosta ka xariiqaya inay suugaantiisu nusqaanto ama dib u gurato ha joogtee inay haatanba hanaqaadkii iyo heerkeedii ugu wacnaa ku jirto. Waxaana uu qaybtan oo heesta billowgeeda ah ku yiri: Ma geyoon ma gamashiyin Ma gommodin ma gaagixin Ma gabloobin maan gurin Mana gabin halkaygii Gabaygiina maan deyn Geeraarradaydii Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunaanadin. Murti nimaam gunteediyo Baran gogol-dhiggeedoo Gonda degi aqoonoo Garab-daar lahayn baa Gawl-gawla hadalkoo Kolba dhinac garoocdee Sida Webi Ganaanoo Cirka godollo maaloo Biyihii ku gaaxdiyo Gebiyadii ku soo degey Ku darsaday gufaaciyo Guullaama diriroo Geli jabay habeenkii Kolba gacan ma soo rogay Quraciyo galoolkii Gunta xididka maw jaray Dhulka wada galaal iyo Gabbalaha ma kaga tegey Afartaa geddaydii Dhaha laygu garan jirey Dhaqanka Soomaalida waxaa meel sare kaga jira in ragga lagu ammaano halyey-nimadooda iyo dagaalyahannimada. Hase yeeshee geesi kasta ee wacdaro goobaha dagaal ka dhiga waxaa uu Hadraawi galladeeda siinayaa gabdhaha Soomaaliyeed oo ay u muuqato inuu leeyahay, ma ninbaa geesi kastuu yahay dhiggii iska caabin kara haddii aanay gabari guubaabo la daba socon oo aanay intaa ka hareer dagaalamayn. Ma nin baa halyeynimo diriri kara haddii aaney dhegihiisu maqlayn cod dumar oo guubaabin, geesinnimo gelin iyo kicin la hareer joogin. Waxa uu yiri: Gurmashada dagaalkiyo Gulufkiyo colaadaha Goobaha naf waagiyo Halka laysku gawraco Marka gorodda lays daro Haddaan dumarku goonyaha Guubaabo kicinayn Sida galowga dhiilloon Illayn geesi qayrkii Birta kuma gumaadeen! Haddana waxa uu u soo jeestey guriga lagu nool yahay, ee gabari joogto sida uu sacaado u leeyahay ee ay gabadhu nolol u geliso. Sida aanu gurigaasi habaas iyo xaab-ba u lahayn, sida uusan kud-kude iyo kutaan oo dhan u lahayn. Sida cayayaanka looga diley, sida uu u dugsoon yahay una udgoon badan yahay. Haddaan guudka laga jirin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan Illayn guri dugsoon ma leh? Dhinac kale oo isla aqalka ah ayuu markanna eegayaa waa marka gudaha aqalka loo galo iyo firaashka oo la isku weheshado, isaga oo muujinaya cidlada sariirtu leedahay haddii qofka aan lamaanihiisu ku wehlin. Waxaana uu suureynayaa haddii aaney gabari ninka ku wehlin gogosha sida aanu jiifka u qabanayn hurdona ugu istareexeyn oo uu intaa habeenkii oo dhan gebi-dhaclaynayo wehel la’aan ku dhamaysanayo. Wuxuu yiri: Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adigiyo go´aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saareyn Illayn gogoshu wehel ma leh? Abwaanku Nolosha guriga iyo gogosha kuma joogsane waxa uu sidoo kale daraasaynayaa kaalinta dumarku ku leeyihiin in ninku uu nolosha guud ahaan guul ka gaaro. Waxa uu qiimaynayaa saamaynta ay haweeneydu ku leedahay halganka ninkeeda iyo dhismaha qoyska oo haddii nasiibkiiisu siiyey ‘marwo garasho dheer’ uu baraaraha nolosha ku gaari karo. Waxa uu u qirayaa in haweeneyda wanaagsani ay tiir dhexaad reerka u tahay. Waxa uu qirayaa in haweeneyda ay ninka u tahay gaariga horumarka noloshiisa oo nimaan gaari qabin aanu nolosha ka guul keeni karin. Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illayn noloshu guul ma leh? Dhinac kale oo heesta ah ayuu abwaan Hadraawi kaga hadlayaa kartida sarreysa ee gabadha Soomaaliyeed iyo sida qawmiyad kastaa ay ugu tiirsan tahay haweenka horumarna ku gaaraan kaalinta haweenkooda. Waxaa uu tibaaxayaa ku dheganaaanshaha dumarka Soomaaliyeed ee hiddahooda iyo sida haweeneydu ugu samirto dhaqankeeda wanaagsan ee aysan uga guurin illaa ay ka geeriyooto.Waxaa uu muujinayaa haybadooda qofnimo, hannaanka labiskooda iyo hallaasiga socodkooda. Degannida, hubqaadkooda, tallaabada iyo laafyaha xarragadooda, xishoodkiyo gebi ahaan garashadooda. Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gol leeyahay Go'i waa barbaareey Gobi waxay ku dhaqantaa Garab waxay ka dhigataa Gallad waxay ku dheeftaa Samo waxay ku gaadhaa Golollada haweenkee Hiddaheena gaarka ah Hablihii gabowgiyo Geerida ku sugi jiray Hablihii garayskiyo Xidhan jirey guntiinada Hablihii gu' iyo dayr Sida baarqab golongolay Dhexda xadhig ku goyn jirey Hablihii garaaraha Gaatan-socodka laafyaha Sida gorayga ciideed Gelbin jirey tallaabada Hablihii gun iyo baar Isha gacalo-eegtaa Gama' aanay ledi jirin Hablii talada guunkiyo Gunti jirey xishoodkee Hadalkoodu gaabnaa Hablihii gef hooyiyo Qarsan jirey guhaadee Hadday godollo soomaan Ama gaajo liitaan Cidi aanay garan jirin Hablihii gammaan faras Iyo geela ugubka ah Guur doon ka bixin jirey Hablihii Gargaariyo Guuleed ku curan jirey Goldaloolo iyo ceeb Hablihii ka guban jirey Hablahaan gankoodiyo Hilbahooda gadi jirin Haddii aad gujeysaan Guul guul ku laysaan Godol qudha ku mooddaan Gabbalkooda dumisaan Hadba tooda goosha ah Ganacdeeda jabisaan Dadku gabanna xooriyo Garracyaley yidhaahdaan Inagoo gumowniyo Dhaqan guurey weeyee Qodob kalena waa farriin iyo digniin uu siinayo ragga, isagoo hoga tusaalaynaya inaaney dhaqan xumayn iyo sharaf dil ku samayn dumarkeenna. Waxaana uu ku boorrinyaa inay raggu ka sariigtaan uga dan bogashada gabdhaheenna ee si aan sharciga iyo dhaqanka wanaagsanba waafaqsanayn. Waxaana uu ka digayaa indhaqan xuma kasta ee ninku kula kaco gabdhaha ay tahay xisaab u qoran oo meel u taalla oo uu galab kale ka sheekeyn, ayn ka go’an tahay godob uu naftiisa iyo qoyskiisa ka galay oo ka go’an gabdhihiisa iyo xaasaskiisaba. Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gol leeyahay Godob aabbe falay baa Ubadkiisa gocondhiyo Gumar shidan ku noqotoo Gebi dheer ku dumisee Ninka inan ma geyda ah Golqaniin ku maalee Gurrac kaga danaystow Waxaad gaaxsanaysiyo Gashigaad cunaysiyo Xumahaad geleysaa Ruuxay ka go’an tahay Gabadhaada weeyee Gefka aad falaysiyo Waxaad geysanaysaad Galab kale ka sheekeyn. Tuduca ugu dambeeya heesta waxa ay gunaanadaysaa kartidii gabdhaha Soomaaliyeed oo si guud mar ah uu tilmaan uga bixinayo halyeynimada geesinnimadooda, kartidooda, garashadooda quruxdooda iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan, wuxuuna u muuqdaa mid leh dumarkeennu waxa ay horyaal u yihiin dumarkasta mana jirto geyi kale oo laga helaya dumar gaara gabdhaheenna. Gebagebada sheekada Bal aan soo gunaanado Guddoonsiiyo jiiftada Gabigeed adduunyada Gobol-gobol u qaadoo Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mida Quruxdana ka wada gob ah Geesteena mooyee Gayi kale ma joogaan.
@ubahwarsame76935 жыл бұрын
MAASHA,ALLAH.WAQTIGAAAD GALISAY HEESTAAN OD U SHARAXDAY SI DAD BADAN U FAHMAAN DULUCDA IYO MIRAHA HEESTA..RUNTII HEESTAAN AAD AYAAN U JECLAHAY KAMANA DAALO MEEL WALBO AY IGA SO HORBAXDO MA DHAAFI KARO. HEESNA LAMA DHIHI KAREE WA CASHAR WAX KU ALL AH.MARKAAN DHAGEESTO WEY I DHIIRO GALISAA DUMAR AHAAN,IYO SIDAAN HORMUUD UGU NAHAY GURIGEENA IYO KAAN KU SO KORNAYBA,I FEEL BROUGHT FOR MYSELF,BECAUSE WA SIDAAN U BADANAHAY,GABDHAH SOMAALIYEED WA LAF SHABARKA SOMAALIYA KANA DHIMAN WEESAY,WEYNA U QALMAAN RUNTII HEESTAAN,DHIIRAGALINE WEY NOSII TAHAY,ALLAHA XAFIDO FANAANKA IYO ABWAANKA ISKU HOWLAY INEY PICTURE KA BIXIYAAN,DUMARKA SOMAALIYEED.
@Ahmeto5364 жыл бұрын
@@ubahwarsame7693 Adaa mudan walal hablaheena wax gaadhaya ma leh
@abdullahiumal54892 жыл бұрын
Saaxiib sharaf iyo karaamo korkaaga ha ahaato heesta fahamka aan fahmay waxaa 100% iga caawisay qoraalkaagan aad ku lafagurtay micnaha iyo fariinta ay midhuhu xanbaarsanyihiin. Caqliga iyo garashada alle hakuu barakeeyo...❤
@warsame195412 жыл бұрын
what a song majurity and distinct voice contrary to the recent self declered artists which apparently I call them " CHAB LAYAL" because they carry all thier profiles in thier pockets I hope they learn a lot this outstanding voice and performance with no disturbance in in the middle calling themselves the only one or ustads
@simoodiboy10 жыл бұрын
hadba tooda goosha ganaceega jabisaan dadku gabana xooriyo garac iyo ayaa la yidhaah inagoo gumooniyoo dhaqan guuray weeyi love the song and insane lyrics thumps ups to hadraawi and sayid khalifa to this one uplifting song
@manaomar2124 жыл бұрын
Beautiful song Miraha kaliya wax lasiisto jirin Thanks Abwaan 🌷💝
Halla heestan waxaan anna somalia jooga wakhtigu Markuu aha 10.11.2012 ayaan voa ka dhegeystay lkn magaceeda man aan aqoon cawaan mansadii Hadraawii dhegeystay ban heley 💪🏽 tariikhda wa 29.9.2020
@khadrayusuf322 жыл бұрын
Dhaxalkii abwaan hadrawi💔😭 alle haunaxariisto qamuuskii iyo Halyeeygii inaga baxay
@abdihakimhassan73506 жыл бұрын
Masha ALLAH insha AllAH abwaankan gobolkiisii baam jooga imika burco waligay man arag malin dhaw baan booqanaya insh ALLAH 😍😍😍 3/6/2018 A.xakim xasan cabdale (moto).
@maandeeq12099 жыл бұрын
HABLO WERAR GALIKARA HABLO GEELA DHICINKARA HABLO GEESI DILIKARA. wow heesan radinaye wax badan wa hees lagu fano Fakaga Cano lagu qabay
@abubakarahmed87088 жыл бұрын
👍
@abubakarahmed87088 жыл бұрын
💝💝
@xamdaadanadam4387 жыл бұрын
manta hablahasiy ma joogan
@xamdaadanadam4387 жыл бұрын
waa hees ugu cajibsa
@abdisouleiman28467 жыл бұрын
Gabay ha la vers la il qooral ah
@cmcproductionxd94496 жыл бұрын
yaa ila daawa naayo 2019 oo maalmo dhiman waxan marqati ka ahay hablaha somaliyed iney yihiin nomber one aduun ka hablaha ugu shidan waa idin jclhy wlhi farxad ku nolaada habalahena sharafta badan qaali ayaa tihiin umac umac umac umac umac
I really like this song, I listen this song 4 days in a week
@foxybrown75755 жыл бұрын
2019, 14, 11, SOOLMAALIYOOW , ISKA BAANAA BAAXA WAALHII XAAQII 30 YEARS AAA OOYEEYSAAN LAAGUUGUGU SOO KOORSIDAY , XAMAR [ FIIRII 2019, 14 , NOVEMBER ] NAACAAS MA DUUMAAN KAALO .
@muuseaskarimuuse70565 жыл бұрын
Heestan qof kii ku cel ceshada lake ha saaro
@abdikadirmohamed72974 жыл бұрын
Yaasalaam
@najmaabdalla65304 жыл бұрын
A hl
@AbdulahiBaajiyo12 жыл бұрын
Alla Yaacizak sayid khaliifa....masha allah codka xariirka caadi maaha iyo naaxiyada heesta
@afatahguled568511 жыл бұрын
mansha allah hadraawi midhihiisii cimrigaagu dheeraa iyo cibaadasuban
@asmaabdirizak99766 жыл бұрын
Ma geyoon ma gamashiyin Ma gommodin ma gaagixin Ma gabloobin maan gudhin Mana gabin halkaygii Gabaygiina maan deyn Geeraarradaydii Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunaanadin
Heesta waxa igu horeysey markaan dugsiga sare galey oon ku qaatey suuganta sanadkii 2014 ilaa hada kama daalo
@amarehadaweh96833 жыл бұрын
Gelbiskiyo mushxaradaa Gama' kaa ilaashe Haddaan gabadhi boodeyn Ileen gego ciyaareed Wax ma dhaanto geriyaad Abwaan hadraawi alle ha caafiyo
@yonissayid67934 жыл бұрын
Hubaall hablaheena soamaliyeed lama sina hablaha kalle Qurux Gaarinimo, Garasho,Marwanimo Allow xifdi hablaheena Allow noo dhawr meell aysan ka muuqan waa abaar
@godolsan21714 жыл бұрын
2021-ka oo 10 cisho ka dhiman tahay iyo Muqdiaho, by by 2020,❤✔👏 Hablaha Geeska Africa.❤✔👏
@ahmedganeyte718512 жыл бұрын
asc. dhaman umada soomaliyed aad ayaan kuu bogadinayaa fananka weyn ee soomaliyeed masha alah codka miraha laxanka musuga waa loo dhameystiray waa dhab in hablaheena amaantaan leeyihiin..... al fanan sayid qaliifa afkada cano lagu qabay. waxaan kaloo kaa sugeynaa heesihii macanay.AMAL. BARA RIYAQ IYO DHAMAN
@bahirfarah46055 жыл бұрын
woow xikmadii hadrwaaawi nin isaaqa ayuunba laga helaa xikmada intaa leeg somalaay ogaada reer sheikh isaxaaw bini aahm,ed
@MoFa123 жыл бұрын
I'm watching 2021 still waa ku hysta
@blaak2312 жыл бұрын
yasalm heestan oo kale umalyn maayo in ay maskax qof soomaali ah ku hadhay ooy ka soo maaxan codka iyo sida cajiibka ah ee uu fanaanku u jilayna waaba ka darantay soo maalaay dhaqan guur baa inagu dhacay ee aan is badh qabano bal wax baaqiya
@mariamrobly8 жыл бұрын
I love this song viv hablah geeska Africa
@xamdaadanadam4387 жыл бұрын
hadraawi
@abdiahmed44667 жыл бұрын
adayasha somalidu waxay odhan jireen 100 sano ka hor, hadii ajinabi dalka inla degi lahaa nin soomaliyeed gabadh uu gursado ma heleen. nin somaaliyed oo ajinabi qabaa waa yar yahay.
@mawlemagan8 жыл бұрын
Eebbe haka raali noqdo Mohamed walanwalan, curintii heestaan nin kasta oo Soomaali ah oo maqla heestaan kuma dhiiran karo inuu guur ama gaabsi ka damco gabar ajanabi ah. Waxay heestaan tilmaamaysaa tayada hablaha Soomaaliyeed.
@fatumamohamud75837 жыл бұрын
mawlemagan d
@mukhtaarabdirahman39566 жыл бұрын
aaar tayana maleh naagaha somlidu waayo wada caaq tirsi badan
@amiincox62064 жыл бұрын
Maanta niman ayaaba ku fikiraya tigray inay wadanka keenaan hablihii soomaaliyeed na gayaan la'aan dhigaan
@Nasiib7243 жыл бұрын
Eayaduu abwaan hadraawi cimar dheer iyi cafimaad alle hasiiyo
@mryes68934 жыл бұрын
I'm watching 2020
@ksk4ever112 жыл бұрын
All fanaal sayid khaliifa waxan ka codsanaya anigo ah tageeraha heestii Amal in ad so cusbooneysiiyo waadna kumahadsantahay heestan qiimaha badan fanaanimada waa loodhasha lama khasbado al fanaan hanbalyo its good to have u back in fanka somaliyeed thanks
@shaficiiman80494 жыл бұрын
Hablaha geeska afrika Gob weeye hablahayaga soomaaliyeed
@alijama86238 жыл бұрын
thank you my bro god bless you and your family
@zakiaaranofficial11776 жыл бұрын
Axyaa hees hadraawi Ereyo ayaad samaysa Ilaahay ha ku daayo
@zaamihahmett37255 жыл бұрын
intii 2019 dhagaysanaysa likeisaraH
@MTooyo12 жыл бұрын
Hadii aadan huraynin inaad heesaha dhagaysato waa tanoo kale tan mudan ee lagu amaanayo hablaha somaliyeed, waxaa uu ka midyahy dadka yar ee fahmi kara sharafka iyo qiimaha qaayaha ay leeyihiin waxan ogaan kara nin gogol useexda
@xeydarali33446 жыл бұрын
🎤🎤🎤mid kamida hesaha ugu sareya somalida #khaliifa
@samsamm59963 жыл бұрын
Waa erayadii a waan hadraawi Fanaan waad mahadsantahay
@wiilkacaanahageelashuba44877 жыл бұрын
Hablaha duriyada Noolada ❤❤❤❤❤
@isseelmi93845 жыл бұрын
Walee Dumarka soomaaliyeed si aan caadi ahayn baa loo amaanay
@KiishShows7 жыл бұрын
allah yaa xaafid sayid khalifa and abwaan hadraawi mahadi ha ka gaartee heestaan waa hees aan jeclaajiray waxaana saakey ka fiirsadey hctv aadbey u mahadsanyihiin bahda hctv for this beautiful song and wali ma arag heestaan hees ka macaan.
@jaahiltirechannel99762 жыл бұрын
WHO IS WATCHING...👀 2023
@kowtherfarah55474 жыл бұрын
Heestaan qoral bn ku aqristy hadan fb kaso arky xasuustyda bay ku biirtay ilaa iyo shaly 21 november 2020🥰
Waxa wanagsan in aynu is xasuusino in Erayada uu lahaa Abwaan hadraawi Mana aha hees ee waa Geeraar kadib Sayid Khaliifa ayaa luuq u sameeyey Hablaha Geeska
@zeinababdi17364 жыл бұрын
Www inam caadi maah May 31 2020
@deeqadahir57833 жыл бұрын
Ileen geesi qayrkii birta kuma gumaaden🥰🥰
@geeskaafrika50406 жыл бұрын
Ilaahay gabar kuwa uu abwaanku sheegay hay siiyo,malahyga kuwaa hadda lama helayo ama waa dhif iyo naadir in kuwaa geyiga somaaliyed waqti xaadirkan laga helo.
@calicabdiabiib14477 жыл бұрын
Mashllh waxa aan salamayaa abwaan hadraahiw waa erayadiisii
walle mid kala dheer gaayo mahe sayid dhalifa waxaan kaga codsanahayna in aad heeso badan noso qaado oo kuwaano kele ah waan jecelahay fananada heesaha sida loo sameeyey u qaade ee aan silcin masha alah ayaan ku leeyahay lakin miyey kula garanayaan waxaad murti tirisay somalida qaari masha laah mar kale