Sixid........ "GU'RINKII MA CURANO" Weeye maahan "Gu'rinkii ma huranoo" dhammaan erayada Adag sharaxaadooda HALEELO-Geel markaas dhalay GAANE-Geela kiisa aan dhalin GABNO-Neefka Geela ah ee caanaha yar(Badho,Biqjaar.....) HIRASHO-Inaad u soo hilowdo la joogiisa, jeclaato GAAWE-toobke, Hadhuub-geel(Weel heel lagu maalo .....) GARAB-RARATO-Reer-guuraaga qaybta aan gaadiidka lahay ee Garbahooda allaabta/cullaabta ku qaata. Ogoobey Geelna waa labo un GODOL iyo GAADIID GAADE-Tuug meel dheer ka yimid si uu xoolo usoo goosto Mahadsanidiin Jaallayaalow GEELII oo aroor ah ayaan ceelalyo iyo horseed u ahaye wadaanta iyo Yeelka ruux ila qaadayaa leedihiin xoogloo wadaan saari karaya😂 Si gaar ah MAADEY❣️
AUN Maxamed Suleban Tubeec. this song contains meaningful words and it views full of adventures form countryside life. There are many metaphors but less people may figure out
@uptherhmnizmail91572 жыл бұрын
Axsan hees🦁🤴
@iamhaleel4 жыл бұрын
Haleelo=hasha caanaha badan Gabno=hasha aan caanah badan lahayn Gaane=geela inta aan dhalayn Gaawe=hadhuubka geela lagu liso Gamashi-gabashi=xiliga wakhtigu gudhanyahay ee abaartu jirto Guduud=inyar oo caano ahna lagama helo geela Hirataa=yay naf bidaa ama ku eerataa Quudhsi=yasid yasitaan Gadood=xanaaqayn ama laga gilgilanayn Gaadiid-qaad= awrka rarka qaada ee reer miyigu ku guuro gaadhigana u ah Garab-rarato= dadka waxay rartaan aan haysan ee alaabta inta fudud garabka ku qaata Gaadaha=tuuga xoolaha dhaca geela adhiga iwm. Daribta=hilibka intiisa ugu wacan ee feedhaha Giigaan=buuxaan Gundhin, talabada qunyar ama si isla wayni leh loo qaado hadba lug.
@maadeys4 жыл бұрын
war commentigu qurxanaayaa mahadanid sxb shaafici
@iamhaleel4 жыл бұрын
@@maadeys adaa mudan saxiib yaxye.
@Geeljire224 жыл бұрын
Cajiibal cajiib Shaafici si aad u qurux badan baad u sharraxday runtii 100% waan kuu mahad celin mudane, waxaanse kaa saxayaa kiya laba eray uun. 1. Gaade: waa dugaagga nooca gaadmada wax ku dila sida Libaaxa, haramacadka iyo Guduudanaha, si gaar ah Soomaalidu guduudanahay gaade dhahdaa. 2. Darib ama Darab qolaba si bay u dhahdaa: Waa hilibka geela ka mid ah oo isugu jira jiidh iyo baruur waana qaybta Soomaalidu ugu jeceshahay hilibka Geela. Waad mahadsantahay mudane.
@iamhaleel4 жыл бұрын
@@Geeljire22 Mudnaanta iyo maamuuska adaa leh jaale Ta 1aad waa runtaa oo gaaduhu dad iyo bahalba wuu galayaa mar haduu wax dhacaayo adna ma qaldanid ana ma qaldani. Ta 2aad waa runtaa waa sidaa aad sheegtay waanay i hoos martay Intay daribta giigaan Arliga is gundhinayaan= intay hilibka intiisa wacan cunaan kibir ay arliga ku marayan weeye.
Heesatan aad bay u macaantay waxana laga baran karaa sugaanti geela dhaqanki reer miyiga mahad odhan waxa iska leh qofki iso diray wiilkan abtiga u ahay❤️🙏🏾
Aan quudhsi gaariyo xigto laga gilgilanayn Maamuus La gowracey, hadaan laga gadoodeyn, Gari yay ku hirataa Gogol yay u fidisaa, Hadday Midigtu go'an tahey, Bidix guri ma oodaa?
@maxamedibraahimyuusufshida29704 жыл бұрын
Heeees aaad soo dhigtaaan ooo aanan daaawan ma jirto x
@ahmedabdulkadir7504 жыл бұрын
Waa dhaqankeena is quudhsiga iyo takoorida asalku u yahay
@mustaphaali93814 жыл бұрын
Rabi ha u naxariisto
@MrLooyaan2 жыл бұрын
الا يرحمك ويغفر ليك محمد سليمان رجل لن يكرره التاريخ الفني الصومالي
Ina adrow heestu waa wastaahil laakiin sida heesa kale inay layracis leedahay bay ku ficnayd maadama oo ay hees qiimo le tahay laakiin erayo badan oo an la garan karin ay ku jiran