Maanso iyo Sheeko | Afkusiran | Abwaan Hadraawi 🗣

  Рет қаралды 55,683

IFIYE TV

IFIYE TV

Күн бұрын

Пікірлер: 29
@abdiali8432
@abdiali8432 4 жыл бұрын
Allaah if iyo aakhiroba ha ugu naxariisto abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)
@imaammaxamed7845
@imaammaxamed7845 4 жыл бұрын
Abdi Ali ameen wall macan
@ahir9314
@ahir9314 Ай бұрын
Subxaana laah hadrawi waa run
@togavlog9526
@togavlog9526 Жыл бұрын
Alle ha u naxariisto cawa dhagaysanaya Abwaan keenii Somaliyeed alle maxa murti uu noga tagay😢 wa in an ka fa ideysanaa Alle ha u naxariisto Maxamed biraahim warsame(Haadraawi). 4/14/2023 Ramadaan muabarak hadaad aragtay commentaygayga😢
@dailyxiin
@dailyxiin 4 жыл бұрын
Ooshu waa halkeedii Cirku waa engegan yahay Naxariisi kama iman Dhulku waa arradan yahay Oogadiisu damac ma leh Waa abaar dad qalata ah Waa sabaan la adhax jabay Ma aloosna geedkii Afti baana sii tiil Dadna waa ogsoonaa Anna baanahaygii Ku adkaysan waayee Sow iimahaygiyo Alabkayga lama baran Olol-reenka hibashada Uugaanka baxayaa Ma naftii asqowdaa Mar labaad arrumisoo Agabtii xidhxidhatoo Awrkeedu raran yahay Ma awaalihiibaa? Asmadiyo xanuunkiyo Aynfaadku saarraa Ma abaabulkii baa? Oohowda waallaa Ma dabkaan afuufee Aasee bakhtiiyaa Ololkiisu baxayaa? Kalgacaylku aafiyo Urugiyo dhib badanaa Kasha nugul ka adakaa Soo aarey nabarkii Ma alwadey sidii geel Edeg madhan ma deydeyey Sida bahal ma oogsadey Ma illaday kabtii jaan Ma ku jiitey awdalan Ma arooryadii baa? Waabayda udugga leh Idin laygu shidi jirey Abbaartayda saakana Ma adeeridii baa? Sidaan aar libaax ahay Araggaygu didin jirey Arraweelo dumareey Arrimaha dhexdeenna ah Asaraari maayee Igu tidhi "ha ii iman" Anna waan hubaayoo Inaan uurka kaa jaro Afar iyo shan goor baan Axdi kuugu qaadoo Misna oofin waayee Isma ogiye goormaan Tolow aqalka soo galay? Ma naftii ku eeddeed Obocdeeda karisee Ishu kaaga fagantaan Usha kaaga reebaan Igdhayee sabaayee Uubaale geeyeen Meelaanay kaa arag Ku ilaalinaayaa Soo jiidhay ooddii Ma adaahidii baa? Addinkaaga hoos taal Aburkiyo xarraankiyo Orka iyo mashxaraddiyo Alalaaska baxayaa Ma ujeeddadaasaa? Ma addoonsigeeda? Ajar kuugu sugan yahay? Arxanlaay karkabaddiyo Araggaygu murugiyo Yaanu umal ku saaqoo Anfariir ku geliyiyo Kugu noqon af kala qaad Arrintayda gabadh yahay Nin ambaday ka soo qaad Naftan oonku shidayee Deyn weydey ololkaa Amankaaga dhalisee Abhin iyo tusaaliyo Ergo waaya hadashiyo Imisaan karaankay La cuskaday aqoonta? Ma waxaanan odhannoon Ka illaawey baa jira? Hadday diiddey amarkii Ka irdhowdey taladii Oggolaatay dala'siga Eelka maanigaa dhigay? Indhahaagu kululaa Eebadaadu toganaa Warmahaagu adakaa Arammida ku haysiyo Aanadaadu weynaa Yaad ka aarsanaysaa Ma nin aabbahaa diley? Nin astaamahaagiyo Quruxdaada oog iyo Ubax dharan ku sheegoo Ammaantaada koobaa Eed beeli waayee Erey tuurleh ruuxii Afka kaa yidhaahdiyo Utin nimaad ku leedahay Waa maxay abaalkii? Sow ma tihid ilayskiyo Iidaanka noloshiyo Iimaanka lahashada Sidaan kaaga oolaa? Immisaan ku jiri baaq Heestii ukulidiyo Cabashiyo abla-ablayn? Xeerkii Islaamkiyo Wixii Eebbahay faray Olloggayga godobtiyo Aanfada ka doortoow Aabi loo badheedhiyo Ansax maaha digashadu Yaan inkaari kugu dhicin Ashqaraarka kibirkiyo Yaanay iiddu kula tegin Ha ku tuman aleelaha Ha afduubin xaajada Isirkeeda doon doon Ka ummuli tusaalaha Alif macallin weydii Bal abuurta dunidiyo Shalay iyo awaasheed Aashaa dib ugu noqo Bal oddoros hilaadaha Bal malee wax iman kara Berritiyo ayaamaha Ifafaale daymood Bal iskaa ka sheekee Wixi aadmi soo maray Taariikhda uur baadh Ugub maaha jamashadu Ma ishaaran keligey Kalgacaylku waa oday Asalkiisu waa geed Ab abkii lammaanaa Nabar oof wareemuu La abloobo mooyee Abidkii ma qaran jabo Gabadh yahay addduunyada Waxaa loo agaasimay Aayatiinka dhaqashada Agan maaha gamashiday Ma idlaan hankeedii Gabno ibo kuryowdoo Ablo lagala quustoo Maaha laga inaabsaday Weli way irmaan tahay Waa aroos toddoba baxay Oori weeye qurux badan Waa ammaano dhaxal gala Aayadaa ka soo degey Rabbi baa aqoolkiyo Abyiddeeda labadaba Ka afeeftay beri hore Duminteeda ma oggola Haddaad siibto udubbada Soo dhaafto Alamtara Miyaan eedda keligaa Cidi kuugu imanayn? Maadigaa awoodda leh Taladiyo ummuuruhu Ma sidaad u aragtaa? Ma Illaahay baan jirin Ula-jeeddadaydii Arar baan ku lumiyoo Warka waan agmarayoo Irbad baan ku qalayee Uus-miirka dulucdiyo Amba-qaadka geeddiga Waxaan guurti ku egmadey Hadalkana ku urursaday Irrid waliba kuu furan Haddaan iisho gabadh yahay Marna waa ayaankaa Marna waa itaalkaa Sheekadayda iib gee Aahdayda faallee Arladoo dhan gaadhsii Unuunkaygu waa hibo Kuma haysto aakhiro.
@RJ22536
@RJ22536 4 жыл бұрын
Woow m.a thnk 🙏🙏
@dhagajuunmaxamed8740
@dhagajuunmaxamed8740 2 жыл бұрын
Thanks kun jeer
@mohamedaden3713
@mohamedaden3713 Жыл бұрын
Mahadsanid 100%
@Karaamo-ky1hk
@Karaamo-ky1hk 5 ай бұрын
Thanks
@mktarcali1212
@mktarcali1212 4 жыл бұрын
الله يوفقك ويسعدك يارب ربي ويعطيك العافيه، من خيرة أبناء الوطن القلائل في هذا الزمن . تحياتي
@seidabdi751
@seidabdi751 Жыл бұрын
AUN Hadraawih Warsamaa' Abtidoon AAMIIN
@maxahasan7593
@maxahasan7593 3 жыл бұрын
M.a abwaan soomali weyn alla aduunka ha ku gu xafido askhirana jano fardowso allaha kaa waraabiyo
@alahiosman4071
@alahiosman4071 5 жыл бұрын
Allaw caafi ifka iyo aakhirona janadii
@RadioQaraami
@RadioQaraami 2 жыл бұрын
Raxmaanku naxariistii Jano hawgu deeqo AUN Mahamed I Warsame Hadraawi
@Karaamo-ky1hk
@Karaamo-ky1hk 5 ай бұрын
Alle ha unaxariisto❤
@yousufhamad1796
@yousufhamad1796 4 жыл бұрын
Alla ha xafiddo mujahidka
@hadafmedia7478
@hadafmedia7478 4 жыл бұрын
Mnsha allh abwan wayo arag ah
@maxedcalimaxed2105
@maxedcalimaxed2105 10 ай бұрын
Waa abwaan maxamed calimaxamed waxn idnleeyahybarashowanaagsn dhmaanwaaidnsalaamayaa ismadhaafno
@MaxamedCadexuseen-y7d
@MaxamedCadexuseen-y7d 2 ай бұрын
Illaha unaxariisto
@mahamedlaki1616
@mahamedlaki1616 Жыл бұрын
alleh haunaxariisto aamiin yaarabi
@YoonisMaxamed-xn9id
@YoonisMaxamed-xn9id 5 ай бұрын
Adero allah ku naxriiso
@abdiawil6939
@abdiawil6939 2 ай бұрын
V
@AbdiraxmanCade
@AbdiraxmanCade 7 ай бұрын
Allahuma arxumu hum marxuum
@mahadibrahiimcumaribrahim7443
@mahadibrahiimcumaribrahim7443 5 жыл бұрын
Wa abwan inbadan nagu qaaliya
@maslaxmideeye4512
@maslaxmideeye4512 4 жыл бұрын
Allaha caafiyo amiin
@YasiinAwraas
@YasiinAwraas 8 ай бұрын
Y..m.j.aburaas
@baashi3578
@baashi3578 3 жыл бұрын
Heesta kabanka ah ee ay ku billaabanayso, yaa ila wadaagi karo sxbayaal? Waa hablaha geeska, lkn middaan kabanka ah ma helin.
@mohamedqaray847
@mohamedqaray847 7 ай бұрын
viking *❤(wcb)2 bullring ppe24/25 elite(eagle-eyed)vstv.
Hadraawi___ Maansaddii DIBADYAAL
31:42
Tixraac
Рет қаралды 427 М.
Abwaan hadraawi maansadii geedi baaboo
34:44
Foore channel
Рет қаралды 58 М.
Quilt Challenge, No Skills, Just Luck#Funnyfamily #Partygames #Funny
00:32
Family Games Media
Рет қаралды 55 МЛН
Cheerleader Transformation That Left Everyone Speechless! #shorts
00:27
Fabiosa Best Lifehacks
Рет қаралды 16 МЛН
Cat mode and a glass of water #family #humor #fun
00:22
Kotiki_Z
Рет қаралды 42 МЛН
Support each other🤝
00:31
ISSEI / いっせい
Рет қаралды 81 МЛН
Taariikhdii AHUN Maxamed Ibraahim Warsame {Hadraawi).
11:20
QULAASADA BUUGTA
Рет қаралды 3,8 М.
SILSALADII SIINLAY OO DHAMAYSTIRAN | HD
49:09
Tuse Technology
Рет қаралды 103 М.
Xusuus Reeb - Abwaan Hadraawi - Ducaale  - S3E07
1:15:11
Xusuusreeb
Рет қаралды 15 М.
HADRAAWI | JACBUR | (ISA SUDHAN)
29:20
Abdirahman Derajo
Рет қаралды 693 М.
Quilt Challenge, No Skills, Just Luck#Funnyfamily #Partygames #Funny
00:32
Family Games Media
Рет қаралды 55 МЛН