Maxamed Sulaymaan Tubeec (Amaanada ilaahay) With Lyrics

  Рет қаралды 29,450

Fankii Hore ee Soomaaliyeed

Fankii Hore ee Soomaaliyeed

Күн бұрын

Пікірлер: 15
@BintMohamed-q5c
@BintMohamed-q5c Жыл бұрын
Awoowgey Xusen Aw Farah Alle Ha U Naxariisto Isaga Iyo Maxamed Saleban Cabdillahi Qarshe
@Garaad1000
@Garaad1000 Жыл бұрын
Aamiin
@cabdixakiimmaxamedjaamac4179
@cabdixakiimmaxamedjaamac4179 Жыл бұрын
​@@Garaad1000 Murti iyo miisaan❤
@MohamadAli-tc3kx
@MohamadAli-tc3kx 2 ай бұрын
Ilaahay ha u naxariisto dhamaan dhamaantood
@axmedgorod3795
@axmedgorod3795 5 ай бұрын
Haddii la I oran lahaa fanka oo dhan heestee ugu jeceshahay wallaahi waxa aan oran lahaa Ammaanada Ilaahay.
@RadioQaraami
@RadioQaraami 9 ай бұрын
Waa hees kamida heesaha aan ugu jeclahay Fankii hore ee Tayada lahaa, HEESTA (AMAANO) , Heesta Sheekadeeda ama qisadedu waxa ay ka timi Abwaanka sameeyay heesta oo la odhan jiray Xuseen aw faarax dubbad laguna naanaysi jiray (Jumbukhtaani) oo uu kula baxay Mar uu dhigayay riwaayad uu isagu lahaa oo la odhan jiray "CANTAR IYO CEEBLA" ayuu ku matalayay Boqor la yiraahdo jumbukhtaani .kasoo gudub Heestan waxa uu u sameeyay Xaaskiisa uu dunida waxa gayaan jooga uu ujeclaa oo la odhan jiray Faadumo amaano Oo aanan hadda Geerideeda maqal balse la iisheegay waayadii udanbeeyay inay xanuusanayd, Mooyi halka ay Kunooshahaye! Heestan qofka jaceylka xadkiisa dhaafay uu ku taagsaday, dhabna uu ka yahay Qurux oo dhan oo meel la isugu keenay Ayuu Cabirayaa Xuseen, Tan labaad ee kasii daran wuxuu udhiibay Boqorkii Codka (Ahun Maxamed saleebaan tubeec) oo si heersare ah oo aan wax loo dhigaa jirin u qaadaya, Tan saddexaadna waa Muusiga kala gedisan ee Dhegihii maqlaa Aanay cabiri karayn oo ay Tumayaan Muusigaystayaashii soomaaliyeed ee La hollin waayay Malaha kuwa tumayaa maba noola waqtigan!. Waa Mid kamida heesaha aan u adeegsado kashayda iyo kasha qofka aan jaceyl wadaaga nahay, AHN Xuseen aw faarax waxa uu leeyahay qaar kamida heesaha aan ugu jeclahay Waxana ka mid ah Heestaa sida Dhirta Xididka hoosaa, Sidoo kele heesta kale ee tidhaahda, Webiyo isu ooman , iyo sidoo kale Geesiga dhulkiisaa, Caashaqii ku dhega Tira, Soomaali dhoylaay, Qoloba calankeedu waa cayn. iyo kuwo kale oo badan xuseen aw faarax dubbad wuxuu ahaa Abwaan mawjad ah, aadna u mawhibo badan oo curin sare leh heesaha abwaanku dhammaantood waa heeso aan qofkii Mar maqlaa aanu ka xiiso goyneyn. Erayada heesta Ab Husein Awfaarax Laxanka iyo Luuqdaba waxa ku Ladhay Albanian Mohamed Suleiman Tubeec. Taariikhda heesta la qabtay waa 1964. Rabbi ha janeeyo Abwaanka waa Xuseen Aw faaraxe iyo Alf Mohamed S. Tubeecba. QORAALKA HEESTA (LYRICS) Ma ogtahay adduunyada Axad baa la taagoo Adigana isniin buu Jacayl kuguu ilkaystee Arbacaa sidaadii Anna laygu beeree Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayee Ammanaada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee Ma ogtahay ayaantii Ilmadu kaa da’eysee Indhahaada qoysaa Inanyahay xasuustoo Uurka aan ka ooyoo Waan ka ashahaatee Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayeee Ammanaada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee Ma ogatahay afkaygii Inuu aamus diidoo Aayadaha quraan iyo Aamaantaada mooyee Arrin kale inuu fulo Ogolaani waayaa Waxaad igu abuurtaa La adkeysan waayee Amaanada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee Ma ogtahay sidii aqal Magaaloo aroos iyo Iid loogu talagalay Ama ubaxa deyreed Waad ii udgoontoo Iimaanka deeqdee Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayee Ammaanda illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayoow Waa ammaanadaadee Ma ogtahay sidii roob Onkod iyo hilaac badan Oo arooryadii da’ay Ama oogta waabari Eedaankaa subaxdii Waad ii iftiintaa Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayeee Ammaanda illaaheey Noqqo kumaan ilaawine Aamiin allaahayow Waa ammaanadaadee Ma ogtahay amaah maqan Xaquu kaama oowdee Ruuxii ku aaminay Haddaan loo abaal gudin Aakhiro Aboor cunay Ka ilaali maysidee Waxaad igu abuurtaan La adkeysan waayee Ammaanaada illaaheey Noqo kumaan ilaawine Aamiin allahayow Waa ammaanadaadee
@maxamedcali5572
@maxamedcali5572 8 ай бұрын
Shukran waa heestii amanada oo dhamaystiran sxb KZbin ka hore ugumay jirin iyadoo dhamaystirani waad mahadsantahay
@maxameddeeq2426
@maxameddeeq2426 Жыл бұрын
Laxanka qarshe maahan
@Garaad1000
@Garaad1000 Жыл бұрын
Waala hubaa wuu yahay
@AhmedMohamed-tn5yg
@AhmedMohamed-tn5yg Жыл бұрын
Yaa leh markaas
@Garaad1000
@Garaad1000 2 жыл бұрын
🥰🥰🥰
@HAN-IRMAAN_CHANNEL
@HAN-IRMAAN_CHANNEL Жыл бұрын
Qisada heesta amaanada ilaahay Maxamed saleebaan Tubeec kzbin.info/www/bejne/eaC6Yotml9KqhqM
@AhmedMohamed-tn5yg
@AhmedMohamed-tn5yg Жыл бұрын
Waan daawaday laakiin badh bay ka reebtay sheekada
@ZakariyeAxmed-c7y
@ZakariyeAxmed-c7y 9 ай бұрын
Tubeec awaawgaa miyuu ahaa muwaadin. .
@ZakariyeAxmed-c7y
@ZakariyeAxmed-c7y 9 ай бұрын
Ina faay kuuseey malafaayoo.
Tuna 🍣 ​⁠@patrickzeinali ​⁠@ChefRush
00:48
albert_cancook
Рет қаралды 148 МЛН
Что-что Мурсдей говорит? 💭 #симбочка #симба #мурсдей
00:19
“Don’t stop the chances.”
00:44
ISSEI / いっせい
Рет қаралды 62 МЛН
Maxamed Saleebaan Tubeec - Amaano
10:54
Khabiir Qaraam
Рет қаралды 18 М.
Salaad darbi - Ceelbuur - Qaraami - lyrics
10:41
AFYAL STUDIO
Рет қаралды 102 М.
Buurbaa kugu gudbane, AUN.Cumar Dhuule iyo Maryan Mursal
12:30
Farhan Ali Halane
Рет қаралды 422 М.
Maxamed Saleeban Tubeec BBC 1983
20:02
BulhanGroup
Рет қаралды 52 М.
HOOYOY LA'AANTAA ADUUNYADA HUBAASHII EE MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC
13:26
Moha deeqsi Officiall
Рет қаралды 553 М.
Heestii sabidii yaraydee | xasan aadan samatar
11:38
HEESO HD
Рет қаралды 520 М.
Tubeec    Alla May Dadaasho
6:54
VivaSomalia1
Рет қаралды 591 М.
Dooq xasan aadan samatar iyo magool
13:49
kaaraan official
Рет қаралды 251 М.
Tuna 🍣 ​⁠@patrickzeinali ​⁠@ChefRush
00:48
albert_cancook
Рет қаралды 148 МЛН