Alla ya raxma🤲🏾 mohamed saleebaan tupeec waan jeclhay hesihiisa
@mohamoodhassan25864 жыл бұрын
Waah-waah waayo waayo Yaa 1970 dii fadhiisan jirey oo ku caweyn jirey Maqaayadii Wardheer ee ku Tiil wadada Maka Al.Mukarama ee ka soo horjeeday Baar Hargeysa agagaarkii inta u dhexeeysa Mubaarik hotel iyo huteel janaale . Adduun hore iyo waqti tegay oon soo noqonayan iyo Magaaladii muqdisho Diamond tii Africa waagaas.
@ismacilomar763 жыл бұрын
Mohamoud Hassanow mooyi inaad hargeysa aragtaye tilmaamta aad tilmaamayso wadada isagoyska ah, hargeysa waxa jira isgoys Togdheer la yidhaa waxa marta wadada tagta Maka-Almukarama iyo baar hargeysa siina hormartana garoonka kubadda kolayga labadaa waddo aad bay isugu eegyahiin , mataanihii Hargeysa iyo Muqdisho , beri Samaad wuu badnaa duni baa se ka badatay .
@farxiyoluulofficiall6973 жыл бұрын
Hadana ah quruxda afrika
@axmed_deeq3 жыл бұрын
Mohamood Hassan. Anaa kula garanaaya. Waana meeshuu ka heesay Baarkaasi Alle ha caafiyee Abwaan Hadraawi, heesta Wardheer ee uu qaado Xasan Aadan oo gababadeedu leedahay Ma ogtahay habeenkii Hurdo ima kaxaysoo Hadal uma dhegtaagoo Heesaha Wardheer baan Ku habaa nafteydoo Indhaweyd horteedaa Dadku igaga hoydaa. Mahadsanid xasuustaa aad nagelisay.
hanumiye hodale dofar ma dahiro hadow durdur iyo dabal maro kadi nijas kadi nijas dhalay dhinac kaga beydh umada sow tan ka riday xamar dhurwagi ku cunayay me afweyne xage maray 17 gobolba laga eryay adiguna gobol qura ayad ka eriday konfarna ma degana faqashtu waxa degan irir samale raqabada somalidu viva snm and usc 1988 1989 wa ragi ina garab istagay
@abshircarab183 жыл бұрын
Heestaan labo hees miyaa ama waa hal hees
@bigdaddyclassic10757 жыл бұрын
misken eeboow ugargad
@cabdiqaniaxmed1226 жыл бұрын
Miyeey huqi ku reebtay
@mohamoudmohamed99963 жыл бұрын
Heestan oo Kaban ah xaggaan ka heli karayaa
@mohamed-dx8lr2 жыл бұрын
Anaa hayo
@mohamoudmohamed99962 жыл бұрын
@@mohamed-dx8lr Link geeda isoo dir sxb fadlan.
@Geeljire226 жыл бұрын
Alla maxaan raadiyay heestan. Mahadsanid sxb
@nimcomohammedjimale85315 жыл бұрын
Heesta oo qoraal sax ah baan rabaa walalayaalow? Waliba qof yaqaan grammar ka afkeena soomaliga sax igu soo qora. Aad iyo aad u mahadsantahay. Qofki arka codsigaygan. ✌🏿💖💖💖
@Geeljire225 жыл бұрын
Nimco mohammed Jimale Erayadu waa sidan: Hordhaca heesta... heenseeyay Geenyadaaaaaa Heeenseeeyay... Halabsaday dusheedoo Hangagaarka orodkiiii Hirigtay i marisooo Haarahay i yeeshaaaan Weli hibanayaaaa Jinnimay hagoogoo Hiirtaanto iyo ciiil Miyay huq iigu reebtay. ******************* Sidaaa Geel horweynoo Baryaa hawdkaa jirayoo Hogobkoo caleebliyo Kayn hilima waayoo Hanfi iyo kulayl iyo Intuu habaqle soo maray La soo taagay haradoo Hees uu maqlaay iyo Loo qaaday hoobey Hadba yaan hadba yaan hinqanayaa Aa adiguna hoogtooy Hadalkaygui diidee Aa aa nabsi waa hadh geedoo Ma hakado halyayguyee Naa hooy mar buu Ku heli doonaa ************** Sidaaa goray haldhaayoo Baryaa hadaaf ahaayoo Hobhobtiyo madheedhkiyo Guranaayo himirtoo Hoobaantii uu cunay Intuu soo haraaciyay Oo hogonka kibitkii Sayntu haarinayso Hareeraa dayaysoo Hadba yaan hadba yaan hinqanayaa Aa adiguna hoogtooy Aa nabdi waa hadhgeedoo Iiiii ma hakado halyayguye Naa hooy hadmuu Ku helo doonaa ********* Sidaa Geesii hanadoo Hootadiyo warankiyo Hubkii uu lahaan jiray Hoostiisa yaallaan Intuu cadaw haleelay Lagu xidhay hoggaan adag Nafta hoobinaayoo Inuu hawl yaraan baxo Aan hubaashi filayn Hadba yaan hadba yaan hinqanayaaa Aa aa adiguna hoogtoo Aa aa hadal kaygii diidee Aa aa nabsi waa hadhgeedoo Ma hakado halyayguye Naa hooy hadmuu ku heli doonaa... **********
@nimcomohammedjimale85315 жыл бұрын
@@Geeljire22 Bisinka oo walaalo. Page ku heestu farabadan. Inay labo bayd noqo uun saw mhn??? Waligay ma arkin. 4 bayd hees ah oo hal fanaan qaadayo!!
@Geeljire225 жыл бұрын
Aaa afar bayd hahahahaha oo midba midka kale ka daranyahay..
@nimcomohammedjimale85315 жыл бұрын
@@Geeljire22 To much. Weye Maba xafidi karaan. Especially kuwa hadeer fanaanin isku sheeegaya!!
@Geeljire225 жыл бұрын
Erayada bayd kasta hoga tusaalayn cajiiba ayuu leeyahay oo sawir muujinaya qofkan heesaya waxa uu ka cabanayo. Suugaantu waxay qiimo lahayd kolka abwaanku qaabka noocaas oo kale dareenkiisa u cabbiri karo isagoo ku dabbaqaya nolosha caadiga ah ee innagu hareeraysan. Laakiin kuwa eegga joogaayi waxay ka bilaabaan ku arkay oo ku caashaqay iyo wax ka sii liita dee
@mohamedabdullahi80696 жыл бұрын
Heestan lyrics keeda keena
@nimcomohammedjimale85315 жыл бұрын
Hadu wiil soo qoray ee arag😅😅 Mise heshay mar horeba? Kolay codsigaagu waa 1 ago!
@jamaxayir98204 жыл бұрын
Waa hees cajeeba
@dekfarah8202 жыл бұрын
sixtaan nabsi waa hadh geedoo weeyaan
@hanuuniyehoodaale7287 жыл бұрын
*_tolow qoraalka ma waxa soo qoray ku wii reer koon furka ahaaye afka feedhka iyo laadka la dhici jiray adeerayaalow afku waa idinku qasaare meeshu maaha hingasho ee waa hinqasho waa qofku markuu soo kaco lkn aan weli caadi dhulka uga soowada kicin ee uu qaarka sare lasoo kaco markaa saa la yidhaahdaa wuu hinqaday_*
@AbdiazizSaidAhmed6 жыл бұрын
Hanuuniye Hoodaale Lkn sow ma fiicneyn walaalow hadaa wax saxaysid inaad erayga keliya ku ekaato mise nacayb aad dadkaas u qabtaa jira. Wax kastood saxaysid ha kaa ahaato wax faaiideyn iyo Inaan afka la qaldin lkn ka dheeraw maagis cid gaar ah; taasoo qiima tiraysa wanaaggii aad sheegaysay iyo kelmaddii la qadlay ood saxaysayba. Mahadsanid wll
@OmarMohamed-nt7hq6 жыл бұрын
@@AbdiazizSaidAhmed maagis maaha hadalkayaga ayaa sidaas iska ah. Qofkaanu jecelnahay ayaanu la kaftanaa lol. Waa la idinku dacaayadeeyaa in Soomaaligu idinku adag yahay dhib maleh 😂
@alihaji94165 жыл бұрын
Aan afartayda tuurtee jaale sowma ogid koonfurta aad dhaliilayso inay tahay keyda luqada asalka ee soomalidda dib u eeg waxaa jiro ereyo badan oo sii lumaaya lknse koonfurta wali u ah kuwa ay maalin walba isticmaalan tusaale Hadaad miiga waqooyi ka timid laga yabee inaad wali xasuusato ereyada ah koronkor, roorid, fool iyo qaar kale oo badan lknse wali waxaa jiro magaaloyin koonfurta ka tirsan oo si joogto ah looga isticmaalan ereyo badan oo sii lumaaya