No video

Xasan Adam Samatar Iyo Sahra Axmed Jaamac 🔥Iyo Heesta "SAXANSAXO"

  Рет қаралды 110,251

WAAYO WAAYIHII WACNAA

WAAYO WAAYIHII WACNAA

Күн бұрын

🌟Heestan waxa curinteeda laha
Abwaan Xasan X C/llahi (Ganey) 1977
🌟Laxanka
- Xasan Adam Samatar
HEES CUSUB
MUUQAAL XIISO LEH
HEESHA CUSUB
HEES SOMALI OO QORAAL AH
SOMALI LYRICS
HEESO XUL BEST SOMALI MUSIC
HEESO QAARAMI AH
HEESO KABAN AH
HEESO NON STOP AH

Пікірлер: 45
@AbdiazizSaidAhmed
@AbdiazizSaidAhmed 4 жыл бұрын
Sayloo guyaad badan Soo baxaa kaliishii Seelseella loo degay Sannad geelu badi dhalay Ooy sidigtii laaleys Nirgaha aan socod baran Reeraha sintoodiyo Keymo saarleh loo dhigay Oo igar mid yari sabo Maqaar lagu salaaxay Saameeshay gaawaha Oo baarqab soohani Isagoo ah labo sabar Soofeeeyey micidoo Ka sanqariyey doobtii Salaaddiina roorsaday Ugubkii uu saniyoo Surmo dheer la tiigsaday Saqdii dhexena roob helay Subaxii bareesada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa @@@@@@@@@@ Senge subag idaad iyo Summal baridii lagu shubay Ooy sabada ceelkiyo Sohdu tahay agtiisoo Loogu dhaansho sacabbada Oo sud iyo hawd sare Saddex guure daaqoo Weli aan sed yari arag Oo seeto iyo dabar Labadaba ka saahiday Oo salow dagaaliyo Cidi geyn saraayaha Oo sararta naaxdiyo Timuhu isku seexdee Oo sayn gargoorkii Loo salaaxo guudkoo Saxarkii ku duuliyo Loogama mayro siigada Loo saaro kooraha Cigaalkiina loo suray Sanku neefke keligaa Adaa suuraddiisa leh @@@@@@@@@@ Sagal gaaxday roob subax Seerma weyday soo guday Waaguna ku sara-kacay Sara-joog nin dhererkii Cadceeduna la siman tahay Nuurkuna sagootiyey Oo waqal sin dadabiyo Guulaamo socotiyo Kala soocday dhibicdiiyoo Oo midab sibaaqiyo Caddaan wada siraatiyo Madow suul dhalaal xiga Saddexdaas miduu yahay Qof suureeyey kala garan Oo beel sanaagiyo Ku surmiday saraar godan Saadaalineysoo Bal halkuu ku sima iyo Sugayaan inuu helo Subaxii bariisada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa @@@@@@@@@@ Dhulka saacu wada gaar Waanu kala sed roonyee Meel idahaa seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh Oo dirir sagaariyo Sagalkii guguna helay Sagaya xareeddaa Biyuhuna sunsumayaanoo Saawe saawiyo Saxal cudur laheynoo Salka looga degay nabad Oo sararta dixidiyo Siman tayay dareemadu Oo sebiga caanihii Lagu siiyey golihii Habluhuna sibraariyo Dhiilal saabka loo tolay Sinta bidix ku qaadeen Subaxii bariisada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa @@@@@@@@@@ F.G: Wixii qaldan hala saxo
@ismailalihasan9519
@ismailalihasan9519 4 жыл бұрын
Inyar mooyee inta bdn waa sax, Suugaanta ayaad u dhuun dalooshaa bro👍👍👍🙏🙏🙏♥️♥️♥️
@axmed_deeq
@axmed_deeq 4 жыл бұрын
Anoo aad kaaga mahadnaqaaya, Sixideyda hadaan isku dayo waa. Bayjajka Xasan iyo Sahraba Sidoodaan jaleecada, maahan ee waa Sideedaan jaleecada. Oo waa dhacdo keliya intaa u soo tirinaayo. Not those, but it is that. ama muuqaalkaas. Yacni sida aan u fahmay una dhageystay dhawaaqa heesaaga. Bayjka kowaad ee Sahra bilawga waa Saangee subag idaadiyo ........ isla bayjkaa Cigaalkiina loo sudhay, waxaa xiga Sara joog iyo muuq, oo aad il duuftay Bayjka labaad ee Sahra Oo dirir sagaariyo Sagal gororkuna helay, bay ila tahay. Macalin weyn baad tahay saaxiib halkaa kawad. Markale Mahadsanid walaal.
@liibanmahadmousa2997
@liibanmahadmousa2997 3 жыл бұрын
Madoow sugul dhalal xiga
@libancalixade3855
@libancalixade3855 2 жыл бұрын
inta badan waad saxday in yar mahane ayadana waalagula wadagay kudarso horay usoco
@AbdiazizSaidAhmed
@AbdiazizSaidAhmed 2 жыл бұрын
Aad baad u mahadsan tihiin inaad i saxdeen. Sxbayaal dhammaantiin guuleysta.
@z012y
@z012y 4 жыл бұрын
Waa heesta aan ugu jecelahay xagga dhaqanka 👏👏 Sayloo guyaad badan Soo baxaa kaliishii Seel-seella loo degay Sannad geelu badi dhalay Ooy sidigtii laalays Nirguhu aan socod baran Reeraha sintoodiyo Kaymo saarle loo dhigay Oo igadh mid yari sabo Maqaar lagu salaaxay
@mohammedh1120
@mohammedh1120 4 жыл бұрын
Erayadii Abwaan Xassan Ganey iyo Laxankii Xassan Aadan Samatar
@cismaancabdi2818
@cismaancabdi2818 3 жыл бұрын
Labadii fanaan ee ugu Heeso badana kana tirsana hoboladi waberi uguna riwaayadaha badna riyadahay wada mataleen waxa Ka mida galbeed walaxoreye warsa gagixisay wadhaf iyo shimbro waar iskuma hayaan ninba tacabki tolay kamaal nin holaday guur iyo Hablaha maanta ee qaybti laabaad wadhaf iyo shimbro waar iskuma hayaan dumisti aqalkayga Iyo Arooski inankayga Zahra Ahmed Jamac Alle ha u naxariisto Iyo xasan Adan Samatar Waa labdii fanaan ee Ugu Cod Macaan fanaaniinti hore uguna heeso badnaa
@cismanabdi2416
@cismanabdi2416 9 ай бұрын
Waa Labdi Fanaan Ee Hobolada Waberi Ugu Codka Macnaa Uguna Heesaha Badna Riwayadow Badana Wada Matalay Xasan Adan Samtar iyo zahra Ahmed jama Alle Swt Ha U Naxariisto Allahuma Aamiin
@axmed_deeq
@axmed_deeq 4 жыл бұрын
Waa heestaan ugu jecelahay, sida loogu saleeyey dhaqankii miyiga, xoolihii, iyo barwaaqadii iyo noloshii dhabta ahayd iyo tii cimiladeenaba. Mahadsanid Waayo Waayihii Wacnaa.
@axmed_deeq
@axmed_deeq 4 жыл бұрын
Sawirku ninku wuxuu iila eeg yahay aun Cismaan Gacanlow. Waa hees romantic ah. Waxaan la yaabay inta aay leedahay bayjka labaad Aun Sahri.
@ramsiimmc5337
@ramsiimmc5337 6 ай бұрын
Acs WAAYO WAAYIHII WACNAA. Sxb marka hore waxan kga mahad celinaya shaqada wacan eed ka hayso Sugantii WACNAYD. Iyo sidad noga xaqab tirtay intaba.
@Newheesocusub
@Newheesocusub 4 жыл бұрын
Heeso fasiixa ayad soo galisaa zxp hore u soco soo badi heesihii hore Albunadii maxamed s tubeec soo daaa
@ahmedcabdirisaaq2402
@ahmedcabdirisaaq2402 2 жыл бұрын
Laxanka axmed nuur jaangow baan u haystay lkn mar hadii kinaalkani sidaa qoray loo noqon maayo
@khabiirharnandez5664
@khabiirharnandez5664 4 жыл бұрын
soo hor heesaha sxb waa nagu socotaaye legend xasan baashe & sahro axmed Aun
@AbdirahmaanAbdikadirMohamud
@AbdirahmaanAbdikadirMohamud Ай бұрын
ON FIRE🔥🔥🔥🔥🔥
@zakizaki6981
@zakizaki6981 4 жыл бұрын
inbadan mahadsanid sxb xasuus khiima badanleh
@Garaad1000
@Garaad1000 4 жыл бұрын
Heesaha xasan aadan iyo tubeec soo badi sxb
@ramsiimmc5337
@ramsiimmc5337 6 ай бұрын
Hadan u soo noqdo dulucda hadal kayga sxb adigo iga rali waxan ka codsanaya hees radin tedu igu dheratay inad ila radio heesta waxa wada qada AUN Labadodabe. Cumar Xasan Rooraye iyo Khadra Dahir Cige. heestu waa SIDA LAMA LOSHWSHAHA ooy Dabayluhu lulayan. Mahad Sanid
@muwaadinsoomaaliyeed9312
@muwaadinsoomaaliyeed9312 4 жыл бұрын
waayo waayo sxb waan ku taageersanahay masuul heesaha qoraal nooga soo dhig waa iga codsi
@GuuleedCamuud
@GuuleedCamuud 3 ай бұрын
Heesihii hore weeyaan ee hablaha geela iyo rays iyo waxaa lagu amaanaayey hadaa aday jacayl yihiin xoolaha ayey ku amaanayeen
@aboubakerali-in6dj
@aboubakerali-in6dj 11 ай бұрын
Best song in somali
@rashidgoondibi1454
@rashidgoondibi1454 6 ай бұрын
Saamayshay gaawaha
@alisaid2008
@alisaid2008 4 жыл бұрын
Miraha x.ganey laxanka x.a.samatar codka samatar iyo sahra axmed
@khaalidbaashe8051
@khaalidbaashe8051 Жыл бұрын
Meesha aad yaraan ku baraabrto iyo Waxaad caruurnimo ku aragto ama ku daawato ma ilowdid.waalidkay alle ha u NAXARIISTEE iyo famly gayga ayaan u raacay anoo faslka labaada tiyaatarkii HARGAYSA habynkii u horaysay ee lagu dhigo, halkaa sange waxaan u fanmay saan geel beri dhawayd ayaan fahamay inay leeday sahri sange horaa loo yidhi caruuri waa ciil laga koray ama laga weynaaday
@cwaliosmancwaliosman736
@cwaliosmancwaliosman736 3 жыл бұрын
Hasan adan samatar murti iyo qalbiga oo kalag hadlo
@ambassadorahmed3608
@ambassadorahmed3608 4 жыл бұрын
Waan kaa sugayaa
@ramsiimmc5337
@ramsiimmc5337 6 ай бұрын
👍👍👍👍❤❤❤❤👌👌👌👌
@nourhassan1524
@nourhassan1524 Жыл бұрын
Wow
@asadabdilaahi8348
@asadabdilaahi8348 3 жыл бұрын
Waa caawo kale sxbyll
@engmustafahassan3945
@engmustafahassan3945 3 жыл бұрын
Xasan Aadan Samater: Sayloo guyaad badan Soo baxa kaliishii Seelseelna loo degay Sannad geelu badi dhalay Oo sidigtii Laalays Nirguhu aanay socod baran Reeraha sintoodiyo Kaymo saar leh loo dhigay Oo igadh mid yari sabo Maqaar lagu salaaxooy Saameeshay gaawaha Oo baarqab soohani Isagoo ah laba-sabar Soofeeyey micidoo Ka sanqadhiyey doobtii Salaaddiina roorsaday Ugabkii u saniyoo Surmo dheer la tiigsaday Saqdii dhexena roob helay Subixii bariisada Sideedaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa Sahra Axmed Jaamac: Sange subag idaad iyo Sumal baridii lagu shubay Ooy sabada ceelkiyo Sohdu tahay agtiisoo Loogu dhaansho sacabada Oo Sudiyo Howd sare Seddex guure daaqoo Weli aan sedyari arag Oo seeto iyo dabar Labadaba ka saahiday Oo salow dagaal iyo Cidi geyn saraayaha Oo sararta naaxdiyo Timuhu ay isku seexdeen Oo seyn-gargortiyo Loo salaaxa guudkoo Saxarkii ku duuliyo Looga maydho siigada Loo saaro kooraha Cigalkiina loo suray Sarajoogga iyo muuq Sankuneefle kaligaa Adaa suuraddiisa leh Xasan Aadan Samater: Sagal gaaxday roob subax Seermaweydo soo guday Waaguna ku sarakacay Sarajoog nin dhererkii Cadceedduna la siman tahay Nuurkuna sagootiyey Oo waqal sindadab iyo Guulaamo socotiyo Kala soocday dhibicii Oo midab sibaaqiyo cadaan wada siraatiyo madoow suul-dhalaal xiga Seddexdaa miduun yahay Qof suureeyey kala garan Oo beel Sanaagiyo Ku surmiday saraar godan Saadaalinaysoo bal halkuu ku simo iyo Sugayaan inuu helo Subixii bariisada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa Sahra Axmed Jaamac: Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh Oo dirir sagaariyo Sagaal gudcurkuna helay Saga xareedaan Biyuhuna sunsumayaan Oo saawasaawiyo Saxal cudur lahaynoo Salka looga degay nabad Oo saraarta dixidiyo Simantahay dareemadu Oo sebiga caanihii Lagu siiyey golihii Habluhuna sibraar iyo Dhiilo saabka loo tolay Sinta bidix ku qaadeen Subixii bariisada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa.
@dabshide3878
@dabshide3878 4 жыл бұрын
Azxapey wxa ishegtan heesta tidha jacaylkan idegay waxaba kadaran
@Cartan7
@Cartan7 3 жыл бұрын
Somali Waqoyi ku taal deegaanka Sayloo guyaad badan gaar ahaan Beligubadle
@cumarcanjeero6185
@cumarcanjeero6185 2 жыл бұрын
Galmo
@mohamudmohamedkaaffikaffic1184
@mohamudmohamedkaaffikaffic1184 3 жыл бұрын
Laxanka waa AUN Axmad Nuur jaangow inta kale waa sax 🎷
@engmustafahassan3945
@engmustafahassan3945 3 жыл бұрын
Laxanku waa samatar, balse heesaha kale ee riwaayadaan Ku jiray waxaa laxameeyay Ustaad Jaangow.
@engmustafahassan3945
@engmustafahassan3945 3 жыл бұрын
Canjalaha ugu fasiixsan waa kuwiinna.
@rashidgoondibi1454
@rashidgoondibi1454 6 ай бұрын
Shave BBQ
@elmiliban5339
@elmiliban5339 3 жыл бұрын
Heete beldweyne
@soulehassan
@soulehassan 4 жыл бұрын
Dhibtu waxay ka joogtaa ubadkeenii wax ay ka fahmayaan ma leh, sabobtoona maaha, inaguna waan daba dhawnahay, yaa khaladkaa iskaleh ma waalidka mise ubadka?
@soulehassan
@soulehassan 4 жыл бұрын
Waayadii heestu soobaxdey tolow ninkii Ganey khaatiga ka joigey heesihiisana badeli jirrey ma noolyahay?
@yaasiinaburaas5205
@yaasiinaburaas5205 3 жыл бұрын
Siding.cocodbaran.nimcaada.sare.sida.aykutey.tan.dahsona.lamid.doob.awr..???carab.2duba.dhiiig.u.eeke.tilman.shabahaan.lamataaneysan...yihiin.dareeraha.cas.liwika.cas..???suurad.muujiin.inaaad.fahamto.ma.waxaan.ku.moodey.ma.waxaad.noqotey.??Sagal..wade.aytam.baaxadle.oo.ah.new..??Canada an.sibaaq..1..midabada.hooyadood.kan.dhala.ka.farcamaan.dhamaan.tood.2...sibaaaq???isticmaalayeen.in.badan.ase.ayna.fahmin.ilaa.hada.???..Sabi..???.caaano???ERA.best..goold.cadan.bisllatey.ubislaatey.isticmaal.???layaab.wabey.kaxanaqeen.dad.ku.xusan.deegan.heesta.dhexdeeda.taasuna.garasho.la..aan.iga.dhe..To..cnn.&..BBC..&..raadyow.hargeys.tv..qaranka.sland
Xasan Adam Samatar 🔥Iyo Heesta "GUULLEED MA JOOGA"
12:26
WAAYO WAAYIHII WACNAA
Рет қаралды 202 М.
GAYIGA IYO CAASHAQA KABAN XASAN AADAN IYO SAHRA AXMAD
13:50
RAXAN-REEB STUDIO
Рет қаралды 9 М.
🩷🩵VS👿
00:38
ISSEI / いっせい
Рет қаралды 28 МЛН
Prank vs Prank #shorts
00:28
Mr DegrEE
Рет қаралды 11 МЛН
The Joker kisses Harley Quinn underwater!#Harley Quinn #joker
00:49
Harley Quinn with the Joker
Рет қаралды 25 МЛН
I Took a LUNCHBAR OFF A Poster 🤯 #shorts
00:17
Wian
Рет қаралды 10 МЛН
Xasan Adam Samatar Iyo Sahra Axmed Jaamac 🔥Iyo Heesta "DARDAARAN"
7:39
WAAYO WAAYIHII WACNAA
Рет қаралды 129 М.
Xasan Adam Samatar 🔥 Iyo Heesta "MAALMAHA QALOOCA"
9:22
WAAYO WAAYIHII WACNAA
Рет қаралды 83 М.
HEESO TALANTAALI WAAYO WAAYO QAACI AH FANAANIIN BADAN DAAWO WACAN
2:16:19
Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac | Heestii Daauus
10:50
Keydka Suugaanta
Рет қаралды 24 М.
Xasan Adam Samatar Iyo Xaliima Khaliif Magool🔥 Iyo Heesta "CAASHAQA ISKA ILOW"
11:16
🩷🩵VS👿
00:38
ISSEI / いっせい
Рет қаралды 28 МЛН