Sulub Cumar Axmed Abwaankii Jaceylka Awgiis u jiidh Go'ay | Qoraa Axmed Faarax C. Idaajaa.

  Рет қаралды 129,798

MAADEYS

MAADEYS

Күн бұрын

Qofkii Sulub Cumar wax ka hayaa fadlan hanagala soo xidhiidho whatsApp Nomber . +2490997539371
✍ Barkhad Ciise
Abwaan Sulub Cumar Axmed Alle haw naxriistee ,waxa uu ka mid ahaa abwaaniinta Soomaalida ee fara ku tiriska ah,ee jacaylka caanka ku ahaa. Abwaan Sulub Cumar,waxa noloshiisii adduunyo sahayatay gabadh uu jacayl daran uu u qaaday illaa dhalin yarnimadiisii ,nasiib xumo se kuma guuleysan jacaylkiisii. Waxaanu nidar kumaray in aanu gabadh kale guursan doonin aan iyada ahayn.Abwaan Sulub Cumar, waxaanu ka mid ahaa Abwaaniintii Waaberi u waaweyneyd aadna loo ixtiraami jirey, maadaama nin weyn da,diisuna ahayd. Ka horna waxa uu ka tirsanaa kooxdii "Walaalaha Hergeisa",Abwaan Sulub, waxa ay saaxiibo dhaba ay ahaayeen Abwaan Maxamed Cumar Huryo,dadka danbe aad uma garanayaan laakiin waxay maqleen iyadoo la leeyahay(Qaansee Huryo iyo Sulub) iyo qaar kaloo badan. Abwaanku waxa uu lahaa Riwaayad iyo heeso badan . Suugaantiisa inta la maqlay inta aan la maqal ayaa ka badan ee duugga ah.Ugu danbayn abwaanku waxa uu ku dhintey magaalada Hergeisa oo lagu aasay.Alle haw naxriisto isaga iyo wixii islaam ahba.

Пікірлер: 137
@WALAALAHAHARGEYSA
@WALAALAHAHARGEYSA 3 жыл бұрын
Abwaankii riiqa iyo rafaadka la baday Sulub Cumar Axmed Aun. Xog kooban aan idinka siiyo mucaashaqa; Sulub Cumar, Alle haw naxriistee waxa uu ka mid ahaa; abwaaniintii Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ahaa, ee jacayl marka la yidhaa sida runta ah lagu xasuusto. Lafo cadkii laga diiray oo kale ayuu ka dhigay jacaylkaasi feentay, ee taws iyo tabaalo adduuna wax ba aan kaga tagin. Noloshiisii adduunyo waxa hagaasiyay ee saymaha iyo sakasha galiyay ee solay ee jiidhkii iyo jibaaxdii ka saafay waa jacaylkaas uu la godgalay. Abwaan Sulub Cumar , waxa noloshiisii adduunyo loogu dow galay inaabtidii oo uu jacayl daran u qaaday markii uu gaashaan qaaday illaa uu sidii ku dhintey. Nasiib xumo se kuma guuleysan jacaylkiisii mana uu calfan. Waxaanu nidar ku maray in aanu gabadh kale guursan doonin nolasha tan adduunyana la wadaagi doonin gabadh kale oo aan inaabtidii ahayn . Waa ninkii lahaa Sulub "Haweenka iyo geelaba, waa la hiddo raacaa". Mar danbena waa kii lahaa: "Tii kali ahaydee Qurux lagu tilmaamaay Iga tiirii caashaqa Aawadaa tasoobaye Tahli waayay socodkoo Tagayoo ma joogee...". 1974-kii. Abwaan Sulub Cumar, waxaanu ka mid ahaa Abwaaniintii Waaberi u waaweyneyd aadna loo ixtiraami jirey maadaama nin weyn da'diisuna iska ahayd markii la sameeyey Waaberi. Ka horna waxa uu ka tirsanaa kooxdii "Walaalaha Hergeisa" ee fanka Soomaalida bud dhigga u ahaa. Heellooyinkii Qaraamiga midhaha uu ku lahaa lama tirin karo ee catowga iyo caloolyawgu ku idilyihiin. intan se idaajaa uu ka warramayaa waa uu isku tafaafulay, oo idaaja anaa ka soo qaaday oo hordhac idiinka dhigay. Abwaan Sulub, waxa ay saaxiibo dhaba ay ahaayeen Abwaan Maxamed Cumar Huryo oo isagu ka yaraa Sulub. Dadka danbe aad uma garanayaan abwaaniintii hore laakiin waxay maqleen iyadoo la leeyahay; "Qaansee Huryo iyo Sulub" iyo qaar kaloo badan. Abwaanku waxa uu lahaa Riwaayad iyo heeso badan oo jacayl iyo waddaniyad soocan ahaa. Suugaantiisa inta la maqlay inta aan la maqal ayaa ka badan ee duugga ah, ee aan ururiyey illaa 1940kii. Markii ay heddiisu soo dhawaatay ayaa uu heestan ku dardaarmay, isagoo sheegayay in ay suugaantiisu bad ahayd kuna dardaarmay in la keydiyo, waxaanu faray xujadan saaxiibkii (Qaadiro )oo aan soo gaadhay anigu isagoo 90-jir ah, wax badanna aan ka duubay. Sulub waa kii lahaa; Murtideydu kaaf iyo kala dheeri yey noqon kaash-kaashkay ka badantee, Kabadh suudh ka buuxiyo Kiintaalo dahabiyo Kaash waan ka jecelee Copy-gaasu yuu lumin Konton guuro socodsii.... .- Sulub Cumar, Hargeysa ayuu ku dhintay, Alle haw naxriisto isaga iyo wixii islaam ah ba. Fadlan qofkii wax ka hayaa Sulub haygala soo xidhiidho My whatsApp +2490997539371 Mahadsanidiin. Thanks Maadeeys Chanel.
@M0eDahir
@M0eDahir 3 жыл бұрын
Barkhad mahadsanid laftaadu qaamus suuganeed ba tahaye.
@nuurileeye8297
@nuurileeye8297 3 жыл бұрын
Barkhad thank you
@amiinmuxumedsoofekaneeco6553
@amiinmuxumedsoofekaneeco6553 3 жыл бұрын
Thankz wll Barkhad ciise taariikh cajiiba ayad nala wadaagtay.
@siciidshiinecali8343
@siciidshiinecali8343 3 жыл бұрын
0:4 clipka ka bilaabanaayo waa Aniga Xeebta Bosaso Soomaaliya. Bahda maadays , Thanks.
@maxamadcabdulahi9514
@maxamadcabdulahi9514 3 жыл бұрын
Heesaha axmed jaamac aar mahaysiin
@dugsiiyeabdi64
@dugsiiyeabdi64 3 жыл бұрын
Allah haw naxariisto Abwaanka, jacaylku waa jiraa laakiin ma wanaagsana inaad qof noloshaada ku xirto oo u guur iyo gayaanba seegto. Maskaxdaba iskaga hayso qofkaas laakiin guurso oo nolosha horey u amba qaad awlaad ku anfacda aduun iyo aakhiro Rabi inuu ku siiyaa dhacdee.
@albaaniali7387
@albaaniali7387 Жыл бұрын
Qofna adoon kuxidhin naftaada
@nusaybaabdirahmaan6222
@nusaybaabdirahmaan6222 3 жыл бұрын
Mahadsanidiin maadays team. Sulub cumar ahmed cige wuxuu ka mid ahaa hal-abuyradii jacaylku naafeeyay. Wuxuu ahaa abtigay hooyaday la dhashay alle naxariistii janno haka waraabiyee. Waan jeclaan lahaa inaad suugaantiisii dub usoo update garaysaan 🙏
@tashadetuff5503
@tashadetuff5503 3 жыл бұрын
Isowac abaayo +254727710236
@mohamudjama1752
@mohamudjama1752 3 жыл бұрын
waannu jeclayn dadkayaga fanka jecel in aad naga siiso xog dheeraad ah Abtiyo Alle hawnaxariistee.
@DHAQANMAALONE
@DHAQANMAALONE 3 жыл бұрын
Nusayba imisaad ka haysaa adigu suugaantii abti AHUN
@AhmedAli-ic1xf
@AhmedAli-ic1xf 3 жыл бұрын
Alle ha unaxariistee horta Ma Nuux Ismaciil ayuu ahaa Mise Ciidagale waan qiyaasay uun magaca Sulub Cumar Axmed labadas reer ayaan kumaqlee
@mhassan0163
@mhassan0163 2 жыл бұрын
@@AhmedAli-ic1xf Wuxuu ahaa GARXAJIS, cid uu ka yahayse garan maayo, waayo heestaa ay Sahra Axmed qaado ee Dacar sameeyey, ee uu ku jiro waa wada Garxajis, iyo qaar kaloo badan iyo qaar kaloo badan
@haboonhoodo2663
@haboonhoodo2663 3 жыл бұрын
Aad waxan uga helaa sida Axmed faarax idaajaa uu usoo gudbiyo barnaamijyada sheekoyinka suuganed gabayada iyo taariikhaha uu so gudbiyo Was macaansan sheekoyinka usoo gudbiyo imika qisada abwaankan anoo usio bogayay goday heesahas qaraamka na wan ka helay👌👍👍
@ramadaanindhacade4126
@ramadaanindhacade4126 3 жыл бұрын
Sulub alle ha u naxariistee wxu ahaa h.yoonis oo gunbuur ah
@nidamlyrics2264
@nidamlyrics2264 2 жыл бұрын
Haaa wll Waa Hoyadey walked Manaan Arag Abtiyaday Mababa Aragba😓
@abdibashe567
@abdibashe567 3 жыл бұрын
Allah haw naxariisto Abwaan sulub cumar. Waa tan heesihiisii hees ka midi. Markuu jeedhadhaabuu jidhif geedku yeeshaa.A/Tahliil warsame Ahn.
@abdikadirfarey5394
@abdikadirfarey5394 3 жыл бұрын
Cajiib cajiib dhamaantood alle ha unaxariisto
@Garaad1000
@Garaad1000 3 жыл бұрын
Sulub Cumar abwaankii heestii Raxmad ee Xasan Aadan iyo Magool sameeyay iyo heeso kaloo badan maaha ilaahey ha u naxariisto
@nidamlyrics2264
@nidamlyrics2264 2 жыл бұрын
Abtigay Hoyadey Wllkeed Walahi Ma arkin Anoon Dhalan Ayuu Dhintay Abti ilahay Janadiisa Haku Geeyo
@mahaddirirgeesood9556
@mahaddirirgeesood9556 3 жыл бұрын
Ereyada sulub codka magool kabanka xudeydi sheekada yamyam so jeedinta idaajaa intaasi meeley isugu tagtay ma cidbaa maqan maya
@abdrskjustjust9456
@abdrskjustjust9456 4 ай бұрын
Mashiika sii qaado laydhka ifinaya macnaha laxankan laabaha damqaya ee subcis ee faysal cumar mushteeg
@hassanrashid6530
@hassanrashid6530 3 жыл бұрын
Ilaahay ha naxariisto Ahmed cali haaruun dararam
@caamirahmed666
@caamirahmed666 2 жыл бұрын
Alle hau naxaristo dhamaantoos maanta waynaga hooseyaan
@axmed_deeq
@axmed_deeq 3 жыл бұрын
Waaw oo hadana waaw. War maxaad noogu kala goysay barnaamijku ma dhame ee. Inaba caadi maahan. Waa noocanoo kale kolay sida aan jeclahay in loo soo gudbiyo ka hadalka Fanka iyo Fanaanka Soomaaliyeed. Intii dhimatay Alle hawnaxaristo. Aamiin. Saaxiib adoo mahadsan soodaa qaybaha dhiman insha Alaah. Thanks again Maadeys
@A.A.E93
@A.A.E93 3 жыл бұрын
Waa mida aan isga shakisanahey. Waa xaqiiq mar aan dheereen in jaceyl idi doono.
@hameda2218
@hameda2218 2 жыл бұрын
yaanu kudilin e aan kuu doono tuu dhookhu caleemo saaray😅
@A.A.E93
@A.A.E93 2 жыл бұрын
@@hameda2218 adi wax ma ila qabanee.
@hameda2218
@hameda2218 2 жыл бұрын
Hhhh Dee aniga laygama hadlayn e inantaad jeceshahay bn kuu doonaynaa bn kawadaa
@ismahanjaamac9241
@ismahanjaamac9241 2 жыл бұрын
Ilaahay haw naxariisto aamiin Jecaylka ma loo dhinta ma run baa mise waa mala awaalasi
@nabadraadshe
@nabadraadshe 2 жыл бұрын
Cajiib !! Heesaha uu hal abuuray AUN abwaan Sulub wey wada hirgaleen. Waqtigu wuu saameeyaa noole iyo ma noole laakiin heesaha abwaan Sulub wey ka samata baxeen waxyeelada waqtiga, waa heeso aan weligeed gaboobeen oo xilli walba la jaan qaada, Balse waxaan odhan karaa waqtiga iyo heesihiisu waxay noqdeen lammaane wax wadaaga.
@abwaanheersare1
@abwaanheersare1 3 жыл бұрын
Ilahayow unaxariiso rabiyoow😥 🤲🤲🤲
@khadijagalaf8843
@khadijagalaf8843 Жыл бұрын
1986 ayu dhintay sulub cumar heeska xasan aadan iyo magool e raxmed waxay so baxday 1980 ki heeska cabdi tahlil e sidan kugu jeelee naftu ku jeclatee wayka danbeysey taas allaha u naxaristo dhamantod jeceyl dacada waa lo dhintaa waalidkod ayey gabdhuhu waqtigas ka amar qadan jireen waalidkuna nin aan xoolo iyo lacag badan haysan gabdhahoda ma sinjirin taas ayey sabab u ahayd in ragu u dhintan jeceylka gabdhihi hore
@naasircabdi4028
@naasircabdi4028 3 жыл бұрын
Alle ha u naxariisto
@samirahassan794
@samirahassan794 Жыл бұрын
Waan kaasharaf badanahi ee roobkii ayaa hawaada ka xidheen wax waan beeraanleh uyo kooraankii oo qolka aan kuu jiro kuu xidheen shaabka wax walaab waan haysaanaye ataa naaga keexeya
@lulamedia
@lulamedia 2 жыл бұрын
Allaha U Naxariisto marxuumka آمين يارب العالمين
@siciidshiinecali8343
@siciidshiinecali8343 3 жыл бұрын
0:4 clipka ka bilaabanaayo waa Aniga Xeebta Bosaso Soomaaliya. Bahda maadays , Thanks.
@csaaqsaleban9357
@csaaqsaleban9357 2 жыл бұрын
Wll heesta ku dulsaaran codkeeda yaa leh
@nuurileeye8297
@nuurileeye8297 3 жыл бұрын
Aad bay u mahadsanyihiin bahda #maadays oo noosoo gudbisay qisadan cajaa'ibka ah Intii kayaabtaay #like me.
@osmanaden2779
@osmanaden2779 3 жыл бұрын
Abwaan Sulub Cumar Axmed,Cilmi Boodharigii labaad ayuu ahaa.
@AyaanAbdirashiid4631
@AyaanAbdirashiid4631 Жыл бұрын
Allow u naxariiso 😭🤲
@qaliladan4063
@qaliladan4063 3 жыл бұрын
Ale hawnaxaristo
@xasanyare5546
@xasanyare5546 3 жыл бұрын
Si gaar ah codkaaga wa jeclhy
@xasanyare5546
@xasanyare5546 3 жыл бұрын
Live you
@osmanalhag2181
@osmanalhag2181 3 жыл бұрын
AUN Abwaan Sulub Cumar in uu ahaa nine jacayl fantay dadkii hore ayaa al sheekeyn jirey . Qaansee huryo iyo Sulub.
@xigmadnagadhaxal4134
@xigmadnagadhaxal4134 3 жыл бұрын
Ilaahay hawnaxariisto sulub iyo yamayamba
@abdirahmanabukar438
@abdirahmanabukar438 2 жыл бұрын
Aaamin
@kahiyechannel8580
@kahiyechannel8580 3 жыл бұрын
Qof kastaa OO vediogan daawanayoow waxaa allehi ku abuuray owgiis kaaga codsanaya inaa subscripe iyo like noo saarto nana soo booqato mahadsanid SHARAFI KORKAGA HA AHATO WLL 😭😭😭❤️☝
@xasanxidigofficial1905
@xasanxidigofficial1905 3 жыл бұрын
Sxb wan kusarnay lkn nosodayaa hestan sulub haduba hortey makacdee
@hassanrashid6530
@hassanrashid6530 3 жыл бұрын
Idaajaa waaloo soo gudbiyey lin anagu sulub cumar isku qoys baanu ahayn ama isku reer ilaahay ha u naxariisto aamiin wuxuuna dhintay isagoo da,ah oon weli guursan
@cabdinasirclle2453
@cabdinasirclle2453 2 жыл бұрын
Mahadsanid caawa
@asmaahmed5010
@asmaahmed5010 Жыл бұрын
Allow ku naxriisto intii dhiimataay waa xili khayir qaabe 😢
@ridwaanmohamed9581
@ridwaanmohamed9581 3 жыл бұрын
Alle Haw Naxariisto Abwaan Sulub waxa uu sameeyey Heesaha u qaado Maxamed Mooge 1.Oogada jidhkaagiyo 2.Maxaa ka galay nin geel badan Balse sida la sheegay waxa uu dhintay 1964 heesahaas iyo qarkalo badanawaxa la qaaday 1970s siday suurtagal u thy
@cabdilaahicali1333
@cabdilaahicali1333 Жыл бұрын
Siwacan ayanu ufahaney abwan sulb cumar axamed cadaba waxan codasanaan anago asxaab badan ogadhaya 15 toban dhalin yaro cuslaatay iyo kuwoyaryarbale noso ururiya heesihiis
@huda9105
@huda9105 3 жыл бұрын
Allh unaxaristo
@davidwillium371
@davidwillium371 3 жыл бұрын
Haddaad ubax, tahey mid aad u uroo udgoon badan baad laheyd" waxa tiriyey walaalkey.
@ahmedabdikarim8220
@ahmedabdikarim8220 3 жыл бұрын
sulub,yamyam,hurryo,xudeydi,magool,dararamle dhamaantod rabbi hauwada raxmado adduunka waxay noogu macneeyan qiimaha iyo qaayaha uu leeyahy fanka soomaliyeed mahadsanid idaaja
@khabiirqaraam7935
@khabiirqaraam7935 3 жыл бұрын
Yaa salaam Waa Qiso Cajiiba Laxanka Subcis ee Dararamle Qaadayo Waligay ma arag Heelo kamacaan 63 Naaxiyadood Ee Qaraamka ah Waxaa isugu Tahay Erayadii Layaabka Lahaa : Sulub Cumar Aun Codkii Dahabiga ahaa : Dararamle Aun Laxankii Cajiibka ahaa : Mushteeg Aun Kabankii Ashqaraarta Lahaa : Xudeydi Aun Heeladaas lama soo ag mari karo
@csaaqsaleban9357
@csaaqsaleban9357 2 жыл бұрын
Wll ninka ma daramlaa
@khabiirqaraam7935
@khabiirqaraam7935 2 жыл бұрын
May walaal ninkaa laga sheekaynayo Abwaankii Jacaylku Feentay Sulub Cumar balse Dararamle Waa kan kzbin.info/www/bejne/iZzVYqNveK1kjtk
@waarimeysidewanaag8847
@waarimeysidewanaag8847 3 жыл бұрын
😇😇😇😇😇😇😇😇😇😇😇😇😇 DIG! GORGORKI GASHAANDHIGA HAYAY!! YAAN WANAG LA GES MARIN!! WAA MURTIDA AN UBAD KU HABO HANUNSHO! KU MARWO IYO MUDNE KU MASLAXO!👂🦻🦻🦻🦻🦻🦻👏👏
@garxajisweyne7980
@garxajisweyne7980 3 жыл бұрын
Cilmi bodhari cidagale garxajis Sulub cumar habar yoonis garxajis Jacayl iyo garxajis mar ba lawada dhalay
@nidamlyrics2264
@nidamlyrics2264 2 жыл бұрын
Abyigay Ayuu ahaa Sulub Cumar
@abdirizakdakane
@abdirizakdakane Жыл бұрын
Allaha unaxariista runtii uurkutaala waaya
@safiajowlesafia11
@safiajowlesafia11 Жыл бұрын
Heestan oo cadia ah xage laga hela Wan waaye🥲
@abdisharif8315
@abdisharif8315 Жыл бұрын
AUN FANAANIINTAN DHAMAANTOOD
@engrcasanyo120
@engrcasanyo120 2 жыл бұрын
Heesta codka hore yaa qaday
@SuugaanSafaari
@SuugaanSafaari Жыл бұрын
𝗥𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝘂 𝗵𝗮𝘄 𝗻𝗮𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝘀𝘁𝗼
@mahamedxiis9526
@mahamedxiis9526 Жыл бұрын
Daarooku taariikh faneedkiisa kasheekee iyo hawiyaha
@ibraahinmaxamuud3711
@ibraahinmaxamuud3711 Жыл бұрын
Waar sulub cumar nin isaaq ah buu ahaa habaryoonis ah
@mahadmuhumedcali3387
@mahadmuhumedcali3387 3 жыл бұрын
Abwan
@zak_Ninweyn
@zak_Ninweyn 2 жыл бұрын
War jacaylow cajiibsanidaa Mab isku hilownee ha iga haadee Soo tan lay helay😢
@yussufhassan5265
@yussufhassan5265 2 жыл бұрын
Taariiqdii fara laguma haaayo. Somali siyaad bare gadashiisa waa qiimo beshay
@ahmedqani4621
@ahmedqani4621 3 жыл бұрын
Wow🔥💯
@osmansufi4066
@osmansufi4066 9 ай бұрын
Saaxiib beydka anigiyo hilbahaygii kala hooyanee waxa lahaa nin abwaan ah oo la odhan jirey Bawne oo muuse cabdale ah oo ka shaqayn jirey caafimaadka guud ee berbera oo cudurka TB ku dhacday dhintayna 1966kii bal eeg ana 1966kii baan ka sheekaynayaa idaajaa na 1989kii buu ka sheekaynayaa taariikhdii fanka waa la bililiqaystey waxa kale oo aan arkay nin at is xigaan sulub oo boog ka qorey oo siiyey beydad aanu lahayn sida Roobkii ka da'ay reydab khaatumo laguma reeyi way ina kala raray oo uu lahaa nin curyaan ah oo habaryoonis ah oo badhulbahante ah oo magaalada gudubi ku noolaa oo intuu roob ka da'ay reydab khaatumo lagag guurey gudubi oo heestaa tiriyey
@siciidcalicusmaan6783
@siciidcalicusmaan6783 3 жыл бұрын
Wax kale
@sacadceel89
@sacadceel89 2 жыл бұрын
Kala saar run iyo wabi Biyahooda kala saar
@nidamlyrics2264
@nidamlyrics2264 2 жыл бұрын
Yaqaada
@nuurabdibare827
@nuurabdibare827 3 жыл бұрын
Abwaam
@ahmedjamac9840
@ahmedjamac9840 3 жыл бұрын
#bahda maadeys heesta ay qaadayso magool ee hed mooyee habaarba looma dhintee, iyadoo dhammaystiran ma haysaan?
@eidomar5754
@eidomar5754 3 жыл бұрын
Beri hore ayaa iigu dambaysay Barnaamijkaa idaajaa uu ka diyaariyay Heellada balse dib u maan arag. Haddii aad haysaan fadlan isoo link-gareeya
@dhalanteedtv7553
@dhalanteedtv7553 3 жыл бұрын
Heesta heelada dararmle nozoogali wan kahele sxb maadeyz
@yassinjama453
@yassinjama453 Жыл бұрын
Heestaan oo dhameystiran iyo ninka qada asalka yaa igu caawinkara
@yassinjama453
@yassinjama453 Жыл бұрын
Liilalow liilalow waxaan maqli jiray aniga oo aan qeyn gaarin
@adenarafaad9952
@adenarafaad9952 3 жыл бұрын
Maadeys wll muuqaalkan, heesta 1aad magaceed yaase qaaada?
@maadeys
@maadeys 3 жыл бұрын
Axmed cali haaruun dararamle ayaa qaada kzbin.info/www/bejne/qmKpfZueZaifg8U
@adenarafaad9952
@adenarafaad9952 3 жыл бұрын
Aaad iyo Aad baad u mahadasantahay wll❤👑👏
@IfrahMYusuf
@IfrahMYusuf Жыл бұрын
Dadka jaceel iyo beenta run mooda maxaa dhib haystaa 😊 jaceel waa qofka dantaada haayo ixtiraamna kusiinaayo inta kale waa riyo beena
@sadaqelmi9143
@sadaqelmi9143 3 жыл бұрын
heesta xalimo khalif markii ay qadayso ayey dareen lee dahaye sideen ku heli karaa heesta ay xalimo qadayso ama magaceda heestta ee shega
@chaamamohamud6593
@chaamamohamud6593 2 жыл бұрын
kzbin.info/www/bejne/bYHJdWalatZ6n5o Waa taas heestu
@farhanhdhimbil4998
@farhanhdhimbil4998 3 жыл бұрын
Heesta tuunyiyo hawd ee Xasan aadan sow muu lahayn?
@abdinasiib4903
@abdinasiib4903 3 жыл бұрын
Aad iyo aad isagaa sameeyey
@najiibalpha9409
@najiibalpha9409 3 жыл бұрын
Hesaha sucbiska wey igu baxda
@maxamaddaahir1043
@maxamaddaahir1043 3 жыл бұрын
Yes yes yes maadeys mahad sanid
@abshirpepe4130
@abshirpepe4130 3 жыл бұрын
Wlhi inaan naag u dhimaneen, bahalkaas asagoo free ah ayaaba helaya, ninkii u dhinto asaga u dhintay
@baylood.germany
@baylood.germany 3 жыл бұрын
Hahahha abti garac bad tahay wad iga qoslisay wlhi bariga malaha bahalku aad bu u adka boqol gela iyo faras qori subscribe isar sxb
@ahmedjama3750
@ahmedjama3750 3 жыл бұрын
Bahalka free ah ee aad sheegayso so hooyadaaba kuma yaallo walaashaa,eedadaa iyo habaryartaa waar xishood gabdhahan sumcadooda hakaga cayaarin
@naanxaaji992
@naanxaaji992 3 жыл бұрын
sxb waxa laga hadlayo bahalka maaha ee waa qofta ee fahan micnaha hdlka abwaanka
@bilansharaf779
@bilansharaf779 3 жыл бұрын
Nimankii hore bahal kastay iskamay daba ordi jirin dookh xadidan o qiima badan bay lahaayeen nasiib darose maanu so gaarin
@saafihassan2300
@saafihassan2300 3 жыл бұрын
Hhh adigu ujeed kii bahal kii baad ku koobty lkn adagoo bilaasha xataa kolay nin kani waa diidi lahaa waa yo bahal kasta muu Rabin qof uu doorty kiisuu rabay malaa cilmi bool dhari maad maqal hablii lookenay ee wada qurxoonaa hodan maku jirtaa Maya markii layidhi bes igadaaya buu idhi bahal bilaasha oo lawada leeyayna mid kali kuu ah oo sharaf ugu tagtaa ka macaan hablaana utudh kolay gabadhi waa ku dhashii yaan habli hiinu free noqo nine ilay sinadu waa dayn bari wllshaa inan taada iyo xaas kaaga uun bay ka go anty 🤔😂😂
@madogashe1756
@madogashe1756 3 жыл бұрын
Qofkii hargeisa ku dhintaba ma isaaq baa kkkk masaakiin war ninkan Wa dad xalasha ah
@carroedegdahir4409
@carroedegdahir4409 2 жыл бұрын
Ciduu doono Hanoqdo'e Maxaa Isaaq kusudhay Adiga, Cudur aan Isaaq ahayni Qadaadwayn dili maayo, Sulub Cumar Waa Isaaq Garxajis Habaryoonis ,Miyaad dhiman dee, 30 sanno ee aanyu walawayn madarasada dhaqanka baraynay ayaanu eednay, Cadaankaanu Wada Loolanaaye Madaw Cisayn Mayno?
@ibraahinmaxamuud3711
@ibraahinmaxamuud3711 Жыл бұрын
Sulub waa nin habaryoonis ah ale haw naxariistee
@davidwillium371
@davidwillium371 3 жыл бұрын
Sulub, waxa uu dhintey 1964. Duqeyn diyaaradeed oo itoobiyaan ku ku duqeeyeen, wajaale.
@abdikadirahmed9540
@abdikadirahmed9540 Жыл бұрын
1964? Mahubta?
@mahamedxiis9526
@mahamedxiis9526 Жыл бұрын
Magoool iyada oo 13 jir ah ayey hargeysa timud isaaq baa laga xaday
@abdikadirahmed9540
@abdikadirahmed9540 Жыл бұрын
Kkkkkkkkk cajib
@mahamedxiis9526
@mahamedxiis9526 Жыл бұрын
Kkkkk magool waa hrgeysa fankeedu abtigeey baa sameeyey lkiin ninkan mareexaan awalba muu soo qaadijirin gabayada iyo i heesaha isaaqa wakjtiguu siyaad afweyne joogey heesaha isaaqa faraha ka 1aaday odaey hayow maxaa reer jabuuuti waa habrawadaagay axmed cali haaruun dararamle fankuu waa harheysee
@mizzkiyaqaasim2101
@mizzkiyaqaasim2101 Жыл бұрын
snnnnnnhhhkn
HEES | Ergo | Axmed Rabsha | Lyrics | ( Dadka Reer Afgooye )
10:45
escape in roblox in real life
00:13
Kan Andrey
Рет қаралды 61 МЛН
Alat yang Membersihkan Kaki dalam Hitungan Detik 🦶🫧
00:24
Poly Holy Yow Indonesia
Рет қаралды 11 МЛН
Will A Guitar Boat Hold My Weight?
00:20
MrBeast
Рет қаралды 185 МЛН
SCHOOLBOY. Мама флексит 🫣👩🏻
00:41
⚡️КАН АНДРЕЙ⚡️
Рет қаралды 7 МЛН
Xasan Aadan Samatar - Sida Tuunyo iyo Hawd lyrics
7:04
Barisamaad
Рет қаралды 53 М.
Taarikhda Ninkii Jecaylka JIRKIISA Dhamaystey Sulub Cumar .
9:52
Faysal Cumar Mushteeg [ Laxanka Subcis ] Lyrics
12:58
MUDUG BOY
Рет қаралды 247 М.
Taariikh Nololeedkii Iyo Gabayadii Abwaan Cumar Aw Jaamac
45:40
cabdulcasiis cabdulaahi
Рет қаралды 66 М.
Qisada Abwaankii Aanan Waligii Guursan Jacayl Dartiis
7:51
Nasrokin Hashi Nure
Рет қаралды 6 М.
Heesta Liilalaw ee uu qaado Axmed Dararamle
8:09
Noor Ali Farah
Рет қаралды 258 М.
escape in roblox in real life
00:13
Kan Andrey
Рет қаралды 61 МЛН