Waxay soo baxdey bilowgii , waxa riwaayadan wax ka dhigay Mohamed Moge AUN
@abiissa4710 Жыл бұрын
Heeskan waxa la yiraa "Raxmad" waxay ka mid aheyd riwaayadii Caashaq iyo Cadaalad waxan ku maqlay inuu sameeyey Yusuf Dengeli iyo laxankii Ismael yare AUN,
@AhmedSaad-lq2bs Жыл бұрын
#Raxmad Classic Song 👏😍 Erayadii abwaan #sulub #cumar jyo laxankii #ismaaciil #yare codadkii #samatar iyo #magool. Allah ha u naxariisto intooda dhimatay. Inta noolna Allah ha xafido. WUXU YIDHI #1 Raxmad eebbe Meel ku rig siiyayoo Lagu reeyay oo Roob roob dhaloo Luuqdiyo ridmaha Rabaqaadayoo Ka dhex ciyay rahii Rays iyo xareed Ramashidu indhaha Way u roon tahaye Tii aan rabaay Raaxadii adduunkaay Reer aan yagleellee Labadii isku raysiyoo Isku ruux ma noqonaa WAXAY TIDHI #2 Rucub lulata oo Laydhu ay ruxdoo Raandhays dambiyo Rudhmo goosi wacan Oo aan riddiyo An raar* loo koriyo Ishu soo ridayn Is laab raacisaye Risiqa oon illayn Kuu qorin #Raxmaan Lama raamsadee Kama raysan karo Hadalkuna runtee Naftu kuma rabtee Iska raalli noqo WUXU YIDHI #3 Raari doog Reer nabad u dagayoo Rug barwaaqo oo #Rabbigii ku sugay Hadba raas gabdhuhu Yacayga u rujeen Raysimo xeryihii Loo kala rogoo Ramadkiyo nirguhu Isku reemayaan Tii aan rabaay Raaxadii adduunkaay Reer aan yagleellee Labadii isku raysiyoo Isku ruux ma noqonaa WAXAY TIDHI #4 Siimaba ridna oo Dumar waa is rogaa Haddii inan ragoow Aad rumeysan tihiin Ha u riixin inan Ra'yigaaga qaba Reer ila yagleel Kugu raacayee Risiqa oon illayn Kuu qorin #Raxmaan Lama raamsadee Kama raysan karo Hadalkuna runtee Naftu kuma rabtee Iska raalli noqo (Reenka ila dhaaf ayay original mar odhan jirtay)