Tubeec iyo Aamina Feer heesta Guur hayga filanine | Gurigayga ii dhaaf | hayga goosan caawaad | hees

  Рет қаралды 100,992

DHUGMAAL LYRICS

DHUGMAAL LYRICS

Жыл бұрын

Heesta: Guur hayga filanin
Luuqda: Aamina Feer & Max'ed S Tubeec
Lyrics: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Geeraar hordhac ah - Aamina Feer
Galalowsin meeloo ay
Galowgiyo ugaadhii
Geesaha dhaafee
Aday gogoli kuu taal
Galadayda dhaaxaan
Geed iyo hadh jiifee
Ha iga goosan caawaad
Iga gacan saraysaa
Geeraar hordhac ah - Maxamed Saleeban:
Anoo kuu go’aayoo
Garabkaa filayaad
Axdigeenii goysoo
Geesta iga dhaaftee
Nabsi gaaxsanaabaa
Boowdyaha ku gooyee
Guur ha iga filanine
Gurigaygan ii dhaaf
QORAALKA HEESTA
Aamina Feyr:
Nabsi ruuxii gaaxshaa
Godolkiisa maalee
Sidaan aniga kuu galay
Gefi maysid adiguyee
Aargudashadaaduna
Gar ilaahey weeyee
Ha iga goosan caawaad
Iga gacan saraysaa
MAXAMED SALEEBAAN:
Qof gefaa abaalkii
Yahay guul darraantee
Waxaan ahay nin gabaryahay
Gacantaadu malagtee
Waxaan ahay gar-eexo iyo
Godob kaa tirsanayee
Guur ha iga filanine
Gurigaygan ii dhaaf
AAMINA FEER:
Adoo gacal isoo biday
Waataan ku gowrshee
Ku garwaaqsan waayee
Kaa taagtay gacantee
Waxaan anigu geystaa
Goobtaa i joojee
Ha iga goosan caawaad
Iga gacan saraysaa
MAXAMED SALEEBAAN:
Waxaan ahay nin gacalkii
Owgaa u gooyoo
Waxaan ahay gargaarkii
Galad kaaga waayee
Waxaan ahay gandood iyo
Gocosho u dambeysee
Guur ha iga filanine
Gurigeygan iidhaaf
AAMINA FEER:
Gowraha habeenkii
Gudcurkaad istaagtiyo
Garkii aad iqabatiyo
Guubaabadaadii
Gardarraan u qaatoo
Kuumaan garaabine
Ha iga goosan caawaad
Iga gacan saraysaa
MAXAMED SALEEBAAN:
Sidaan ahay nin gaaloo
Xarameynkii galayoo
Gubay maalin ciidoo
Lagu soo gurmaday baad
Gabi dheer isaartood
Igu goolibaadhee
Guur ha iga filanine
Guur ha iga filanine
Gurigaygan iidhaaf
#dhugmaallyrics #dhugmaal_lyrics #DHUGMAAL

Пікірлер: 14
@Bagagac
@Bagagac Ай бұрын
Hestan markay mareyso gurigayga iidhaf ayaa nacay sababto ah gabar somaaliyed oo kuleh haiga gosan cawa way iga gacn sareysa iyo gurigayga iidhaf maqabato gabdhahena somaaliyed wan idinjclhy ) sxb hadaa jceshahy gabdhahena somaaliyed pinned ❤❤❤❤❤
@Bagagac
@Bagagac Ай бұрын
Mahasnd brother
@usamearwax2999
@usamearwax2999 10 ай бұрын
Jamac suleman tubec erayada+laxanka Codka m.s. tubeec iyo Aamino feer Ruwayadi ku jirteynah waa reer ba ow yaa kuleh Dhamamtood alah u naxariisto Amin
@SuugaanSafaari
@SuugaanSafaari 5 ай бұрын
Heestani waxay ku jirtay riwaayadii Reer Ba'oow Yaa kuleh. Ee hadraawi 1967 Erayadii Jaamac Saleebaan tubeec Laxankii Mohamed Sulaiman Tubeec Luuqdii Aamina Feyr iyo Tubeec. AHUN
@AbdinassirAbdullahi21
@AbdinassirAbdullahi21 Ай бұрын
@DHUGMAAL LYRICS Horumar wacanhy
@HalisTa..22
@HalisTa..22 Ай бұрын
Adoo Gacal isoo biday Waa taan ku gawrsheen Ku garwaaqsan waayeen Kas taagtay gacantee Nabsi ruuxii gaaxshaa Godolkiisa maaloo Waxaan anigu gaystaa Goobtaa i joojee🤦‍♂️🤦‍♂️ Hayga goosan caawaad Iga gacan saraysaa🤦‍♂️🙇‍♂️ Allah yarxam aamina fayr & Tubeec🤲 Heestan waxay kamid tahay heesihii aan yaraantayda ku bartay 2011 ayaa iigu horeysay anako degan Ethiopia dagmada Jaratti badiyaheda tuulo la odhan jiray "bakhtiilay" hooyadey oo Radio ka dhageysaneyso ayaan arkay habeen ilaa haatana waan dhagaystaa waxayna ii tahay xasuus❤ Maantana waxaan joogaa Somalia hoyadayna ma arag muddo 7 sano ah 12-6-2024 maalin arbaca ah Mogadishu✍
@axmedcabdilahi9018
@axmedcabdilahi9018 8 ай бұрын
Heesihii Hore Waxay Aheeyeen Xikmad Iyo Wax Xaqiiqa Ale hawnaxariisto
@apdikadiralidagel1373
@apdikadiralidagel1373 Жыл бұрын
Mirihii iyo laxankii jaamac saleeban tubeec codkii aamino feer io mahmed saleebaan tubeec illhy ha unaxriistee aamino feer illhy cimirig haku dheero waa heestii waayo badan dhegeysiged aan ka daalin
@zankahaji2396
@zankahaji2396 Жыл бұрын
Naxariistii Jano alla haka waraabaho
@Cartan7
@Cartan7 11 ай бұрын
Waqooyiga Somalia aa heesaaya aan ku faraxsan ahay
@abdulrahmanmhassan2283
@abdulrahmanmhassan2283 9 ай бұрын
hees iyo badh yaa salaam
@Bilegedanar
@Bilegedanar Ай бұрын
Hees xuus leh
@maxamuudqalinle784
@maxamuudqalinle784 Жыл бұрын
Jaalle kalaso xidhiidha
KABAN MACAAN KOOSHIN YARE HEESO XUL GEESGUUD MUSIC 1
58:09
shiino1000
Рет қаралды 2,2 МЛН
Cat Corn?! 🙀 #cat #cute #catlover
00:54
Stocat
Рет қаралды 16 МЛН
마시멜로우로 체감되는 요즘 물가
00:20
진영민yeongmin
Рет қаралды 32 МЛН
Magool Iyo Qasali Dhab U Fiirso Waliga Official Music Vidio 2020
6:55
AhMato Films
Рет қаралды 1,1 МЛН
Heestii Caashaqa Ma Dhaafnaa Lyrics Maxamuud M Xasan Kabanle
10:10
laylis channel
Рет қаралды 398 М.
HOOYOY LA'AANTAA ADUUNYADA HUBAASHII EE MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC
13:26
Moha deeqsi Officiall
Рет қаралды 431 М.
KHADRA DAAHIR CIGE HEESTA | ISHA SACABKA MARI | QAARAMI LYRICS ||
9:39
QAARAMI LYRICS
Рет қаралды 1,2 МЛН
Bakr x Бегиш - TYTYN (Mood Video)
3:08
Bakr
Рет қаралды 2,1 МЛН
BABYMONSTER - ‘FOREVER’ M/V
3:54
BABYMONSTER
Рет қаралды 87 МЛН
Alisher Konysbaev - Suie ala ma? | Official Music Video
2:24
Alisher Konysbaev
Рет қаралды 831 М.
Munisa Rizayeva - Aka makasi (Official Music Video)
6:18
Munisa Rizayeva
Рет қаралды 6 МЛН